Sign in to follow this  
General Duke

Juba: Suldaan Cali Sonkor calls a grand meeting for peace admin

Recommended Posts

Suldaanka Beesha ........ Suldaan Cali Sonkor "Waxaan la socodsiinaynaa; ururka

qaramada midobey (UN), ururka midowga Afrika(AU), Ururka Midowga Yurub(EC/EU), Ururka Jaamacadda Carabta, ururka islaamka, ururka dawladaha geeska Afrika (IGAD) In Aynu Nahay

 

Hogaamiye Dhaqameedyada Gobolada Jubooyinka ee kala ah Suldaan Cabdi Cali Sonkor, Ugaas Maxamud Qorane, Ugaas Ibraahim Cali Diiriye, Ugaas Ibraahim Aadan Geeddi, ugaas Maxamed Ugaas Nageeye iyo Ugaas Maxamed Xasan Shongolow oo Afmadow jooga ayaa sheegay in Shirweyne ay isugu imaandoonan dhamaan beelaha wada dega gobolka Jubada Hoose uu ka dhici doono Magaalada Kismaayo.

 

Sida aad la wada socotaan, Beesha........... waxay kamid tahay Beelaha ugu miisaan weyn Beelaha isir & ood-wadaagga ah ee hoos yimaada Deegaanada Jubooyinka xag tiro,xag dhaqaale,xag baaxad degaan & xag Siyaasadeedba, sifooyinkaas oo Beesha ka dhigaya in ay saamayn weyn ku yeelato dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda mandiqadda guud ahaan, mar kastana ka muujiso dareenkeeda & mowqifkeeda beel ahaaneed ee xaalad kasta oo taagan xilligeeda.

 

Waxaa xusid mudan in Beeshan & Beelaha kale ee Reer Jubaland ay caan ku ahaayeen is-ixtiraamka,wada-tashi & nabad kula noolaanshaha dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ay ma-hudhada yihiin,taas oo Mandiqadda ka dhigi jirtay goob ay kusoo wada hirtaan dhammaan dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararayey dhibaatooyinka ka taagnaa welina ka taagan dalka soomaaliya dalka & weliba dalalka deriska ah qaarkood,taas oo dadka ku kasbadeen Ixtiraam,Nabad-jacayl & dhowrista dhaqanka suubban ee soo jireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed ee ku salaysan tiirarka asaasiga ah ee shareecada islaamka.

 

Waxaan Beelaha ugu baaqeynaa guud ahaan Ummadda reer Jubaland in wax walba laga hormariyo Midnimada & adkaynta Nabadgelyada dadka reer Jubaland ee Walaalaha ah,lana dardar geliyo sidii loo sameynlahaa maamul goboleed tiirirkiisuna adag yihiin Nabadgalyadana lagu aamino.

 

Hogaamiye Dhaqameedyada Gobolada Jubooyinka ee kala ah Suldaan Cabdi Cali Sonkor, Ugaas Maxamud Qorane, Ugaas Ibraahim Cali Diiriye, Ugaas Ibraahim Aadan Geeddi, ugaas Maxamed Ugaas Nageeye iyo Ugaas Maxamed Xasan Shongolow ugu dambaynna waxaanu Beeshu ugu baaqeysaa guud ahaan Bulshada Reer Jubaland, gaar ahaanna qaybaha ma-dhaafaanka ah in loo wada arko talaabadan in ay tahay mirihii ka dhashay dadaalkiinnii wadajirka ahaa ee qiimaha weyn inoogu kacay, cid walbina xil dheeraad iska saarto adkaynta Midnimada dadka walaalaha ah & sugidda Nabadgelyada, wixii innaga khaldanna aan ku saxanno si faro wax isku-tus leh & wada tashi.

 

Waxaan la socodsiinaynaa; ururka qaramada midobey (UN), ururka midowga Afrika(AU), Ururka Midowga Yurub(EC/EU), Ururka Jaamacadda Carabta, ururka islaamka, ururka dawladaha geeska Afrika (IGAD) iyo dawladda federaalka ee soomaaliyeed;

 

a)In aanaan ka mid ahayn Ururo iyo xisbiyo siyaasadeed oo maanta door ku leh siyaasada Soomaaliya

 

b)Waxeeynu nahay Ismadii deegaanka jubooyinka u dhashay oo soo jireenka ahaa abka abna ka soo jeeday gobolada Jubooyinka.

 

c) Waxaanu balan qaadeynaa in gobolada Jubooyinka aysan ka imaanin wax carqalad ku ah wadamada aynu nahay oodwadaaga.

 

d)Waxaanu si deg deg ah u sameysandoona maamul deegaan oo waxtar leh wax qabadkiisuna la dareemidoono

 

Isimmada beesha waxeey waceen shir ay isugu yeereen cuqaasha,Odayaasha, Culimaa’uddinnka, Haweenka, Aqoon yahannada, Gobolada Jubooyinka iyo dhammaan qaybaha bulshada ee beelaha dega Gobolada Jubooyinka, kaasoo ka dhacidoona degmada Kismaayo 5TA Bisha Barakaysan ee Ramadaan Sept 2008. Shirweynahaas oo loogu magac daray (Ismahurto).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Am I the only one who finds it deliciously ironic that General Duke is now a cheerleader for al-Shabab? Mind you he's convinced the victory in Kismayo had nothing to do with them since his clan can't be islamists. You know, the same way Queen Victoria was convinced lesbians were a myth because "women just wouldn't do that".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this