Sign in to follow this  
OLOL

Yeey to resign soon

Recommended Posts

OLOL   

Cabdullahi Yusuf oo iskacasiliraba xilkii Madaxweynenimo

 

 

Sida aanu ku helnay ilo ku dhow dhow Madaxweynaha oo ayna Jabuuti isla joogeen ayaa daqiiqado ka hor onkod.net u sheegay in madaxweynaha xalka kaliya ee u furan ee uu isna arka in ay tahay inuu iska casilo xilka uu hayo.

 

Cabdulahi Yusuf oo uu isbadal weyn ku dhacay kadib markii ay xaalada siyaasadeed ay cirka isku shareertay hadana uu xal u heliwaayay halka uu xarun ka dhiganayo, isagoo ku gacanseeray goobihii uu hore u iclaamiyay oo dhan.

Mas'uulkan aanu la xiriirnay ayaa sheegay in hadalka iscasilida in uu afkiisa uga'ga sheegay Madaxweynaha Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Geele.

 

Dhinaca kale waxaa la filayaa inuu Madaxweynaha safarkiisa kolka uu ka soo noqdo kadib inuu kasoo dagi doono Magaaladda Gaalkacyo waxaana uu kolkaas kadib usoo kicitimidoonaa magaaladda Baladweyne sida ay hadal hayeen rag aad ugu dhowdhow madaxweynaha oo laga soo xigtay wararkaasi.

 

onkod_news@hotmail.com

 

Onkod News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Prof:Geedi oo aan war u heyn halka uu xarun ka dhiganayo Madaxweynaha

Posted on Wednesday, June 15 @ 03:30:26 PDT by editor

 

 

Xildhibaano kula sugan Ra'iisulwasaare Geedi dalka Kenya ayaa waxka weydiiyay guuritaankooda halka dhabta ah ee loo qoondeeyay, isagoo isla markaasna hadalkiisa ku soo koobayay uun in Muqdisho la tagayo.

 

C/llahi, Geedi iyo Xildhaanadooda oo weli ku sugan marxalad ii ugu xumeyd ee ku aadaneyd INTEENKA BAXNAA MEEL ALAH, ayaa waxaa Ra'iisulwasaaraha wax laga weydiiyay halka uu xarun rasmiya ka dhigan doono Madaxweynaha waa hadii uu Soomaaliya ku soo noqdo ayaa ku jawaabay war uma haayo sitoosana ugama wada hadlin.

Madaxweynaha oo ay hada u harsantahay inuu xarunka dhigto Muqdisho halka goboladii hore ee ay u carabka ugu dhufteen ay socon la'yihiin.

 

onkod_news@hotmail.com

 

Onkod News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

disoriented and disorganized punch of pretenders with no clear cut objectives, no strategic vision and no follow up action, Yeey and Ghedi are now showing signs of defeat and weakness.

 

blame it on their outlandish hullicination or whatever you may call it but I feel sorry for those die-hard cheerleaders in this lousy forum! what a disappointment.!! Now, i am entitled to gloat!! well, it is about time!

 

Now they, Yeey and Ghedi's are realizing that their insistance of front line troops was short-sighted. They signle handedly managed to unite the warlords in Mogadishu and also further degenerate the divisions and mistrust among Somalis. they showed their lack of patriotic sentiments when they ignored the so many calls and pleas from all concerned Somalis to sit down and reoncile with the opposing factions. No, their arrogance and smugness was too good to listen and consult with intellectuals and scholars.

 

Yeey's clannish selfish goal was to start some kind of civil reprisal against southern factions. it backfired. People are not dumb any more! times have changed! no more jump-balls!

 

Luckily, Yeey was outmanouvered and beaten in every political game and in all venues. He was fairly and squarely defeated and it seems the old octogenerian is now realizing his insubstantial influence on Somali politics. His thinking was based on obsolete past clannish mentality.

 

It is about a time, the grave-ridden clannish octogenerian retires and quits for the good of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

onkod roobku madhau

dha raa raa ram

ana raad bixhimay

dha raa raa ram

ana taa ma idhaahtoo

dha raa raa ram

jacaayal ood b....!

dha raa raa ram

on hilaac bixi maayo!!

 

the song that was played after his announcement!!

:(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Olol

 

You are acting like you achieved something but you seem to be forgetting that you are still a refugee like every other Somali.

 

 

I do honestly hope this news is true because he will be saving himself a lot of embarrassment.Somehow though I find it hard to believe, Yeey does'nt give up that easily.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is wonderful news, truly. But, its hard to believe it until the words 'I QUIT' come out of Col Yeey's mouth.

 

On a sidenote,

 

Originally posted by OLOL:

Yeey's clannish selfish goal was to start some kind of civil reprisal against southern factions...
People are not dumb any more
! times have changed!

When I use terms like caqli-lixsaac and cuqdad-nafsi some people get offended. Yet, here is an adamant supporter of anything warlord-like who admits that his beloved leaders were dumb in the past (I wonder what changed: did they suddenly attain Ph.D.s or do we have the shrewd Sharif to praise?). I've been proven correct, again. Cheers! icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Maxamed Dheere oo aad uga carooday hadalo ka soo yeeray Raysul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa la filayaa in ay Gaaraan Wafdi uu soo qaban qaabiyay Mr Geedi si Xiriirka labada Masuul loo Hagaajiyo :: (579 Reads)

 

Posted by webmaster on Wednesday, June 15, 2005 - 12:44 AM

 

Raysul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in uu diyaarinayo wafdi uu u dirayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

 

Prof. Geeddi ayaa la sheegay in uu aad uga xumaaday hadal ka soo yeeray Maxamed Cumar Xabeeb oo gaashaanka ku dhuftay magacaabiddii dhawaan loo magacaabay la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca ammaaanka taasoo la sheegay in ay ugu wacnayd xanaaq uu ka xanaaqay Raysul wasaare Cali Maxamed Geedi Hadalo uu ku dhawaaqay.

 

Hadalada Mudane Maxamed Dheere ka carooday ayaa ahaa in raysul wasaare Geeddi dowladda u rarayo magaalada Muqdisho ayadoo ay Maxamed Dheere isku ogaayeen in Jowhar iyo Baydhabo loo raro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya taasoo uu u arkay tixgalin la aan.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Dheere ka ogolaaday madaxweyne Yuusuf cudurdaarkii uu ka bixiyay imaantin la aanta magaalada Jowhar .

 

Idamaale News

 

Gudoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in haddii la sii wado howlaha nabadeynta ay Madaxweynaha iyo Raysal wasaarahaba Muqdisho imaanayaan.

Posted to the Web Jun 15, 21:37

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha baarlamanka FKMG ee Soomaaliya Shariif Xasan sh.Aadan oo maanta ka hadlayey Xaflad lagusoo gabagabeynayey Siminaar muddo sedex cisha ah uga socday magaalada Muqdisho qaar ka mid ah shaqaalaha Dowladda hoose ayaa sheegay in haddii la sii wado howlaha nabadeynta ah ee laga dhex wado Muqdisho ay Madaxweynaha iyo R/Wasaarahaba ay Muqdisho imaanayaan.

 

Siminaarkan oo ay ka qeyb qaadanayeen ilaa 80-xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda hoose ayaa waxaa lagu barayey qaabka canshuuro qaadista iyo sidii looga shaqeyn lahaa nadaafadda Muqdisho.

 

Gudoomiyaha waxaa uu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho ay saaran tahay calaama su'aal ,islamarkaana loo baahan tahay inaan inaga ka qaadno,iyadoo haddii taasi loo guntadana ay lama huraan tahay in ay Muqdisho yimaadaan xitaa Doblamaasiyiin shisheeye.

 

Gabagabadii xafladaasi oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Xubnaha labada gole ee dowladda ,sii hayaha xilka Duqa magaalada Muqdisho ibraahim shaaweey iyo sii hayaha maamulaha gobalka Banadir C/laahi Firimbi,ayaa waxaa halkaasi uu shariifka shahaado sharaf ku gudoonsiiyey Warbaahinta Muqdisho iyo haweenkii kaalinta lama ilaabaanka ah ka cayaaray xareynta maleeshiyadii dhawaantan lagu xareeyey xerooyinka Laanta buuro iyo Hiillweyne.

 

Si kastaba ha'ahaatee Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa loo maleeyaa anay kasoo darayso xaaladeeda Nabadeed,kadib markii qaar kamida qabqablayaasha Muqdisho ay Qaar kamida Maleehooyinkooda ay ka saareen goobo kamida magaalada Muqdisho.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandpost,Muqadisho,Soomaaliya

 

 

Ra'isul wasaare Geeddi oo la filayo in uu diyaariyo wafdi soo dejiya xaaladda Maxamed Dheere oo kacsan. 15/06/05

 

Ruunkinet -- Ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in uu diyaarinayo wafdi uu u dirayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

 

Prof. Geeddi ayaa la sheegay in uu aad uga xumaaday hadal ka soo yeeray Maxamed Cumar Xabeeb oo gaashaanka ku dhuftay magacaabiddii dhawaan loo magacaabay la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca ammaaanka.

 

Maxamed Dheere ayaa sidoo kale u muuqda mid ka carooday ra'isul wasaare Geeddi oo sheegay in dowladda u guureyso magaalada Muqdisho ayadoo ay Maxamed Dheere isku ogaayeen in Jowhar iyo Baydhabo loo raro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Dheere ka ogolaaday madaxweyne Yuusuf cudurdaarkii uu ka bixiyay imaantin la'aanta magaalada Jowhar in kastoo arrinta diidmada xilka loo macaabay Maxamed Dheere ee ku aadan magacaabidiisa.

 

Dhinaca kale, xildhibaanno ka tirsan garabka ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Nayroobi oo ku haminayay in ay tagaan magaalada Jowhara ka qalbi jabay aaditoonkooda Soomaaliya.

 

Xildhibaannadan ayaa la sheegay in ay u badan yihiin xildhibaannada ka soo jeeda woqooyi galbeed iyo Bay iyo Bakool.

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

Ra'isul wasaare Geeddi oo ku mashquulsan ukala diridda mas'uuliyiinta labada gole gobollada dalka. Ruunkinet 16/06/05

 

Ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku mashquulsan sidii uu gobollada dalka ugu kala diri lahaa mas'uuliyiinta labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee jooga magaalada Nayroobi.

 

Ra'isul wasaare Geeddi ayaa la filayaa in uu noqdo mas'uulka ugu dambeeya ee ka dhoofa magaalada Nayroobi ayadoo marka hore ay mas'uuliyiinta kale u dhoofayaa dalka Soomaaliya.

 

Mas'uuliyiinta labada gole ayaa lagu wadaa in ra'isul wasaare Geeddi u kala diro gobollada dalka si ay maamullo uga sameeyaan ayadoo degmooyinka qaarna la doonayo in nabad laga dhex dhaliyo dadka deegaanka oo ay dhex mareen colaado is daba joog ah.

 

Dhinaca kale, ra'isul wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira mas'uuliyiinta labada gole ayaa ugu dambeyntii u kicitimaya magaalada Muqdisho ayadoo sidoo kale la filayo in la soo afjaro khilaaf ka soo dhex galay ra'isul wasaaraha iyo Maxamed Dheere.

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

OLOL....You r getting obsessed and his downfall. Ninka Naceeb aad u qabtid tirabadaa....lol..Calm down bro. Yeey is gone, there will be just another warlord to replace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this