Sign in to follow this  
Xudeedi

Founder of East African University Have Passed Away (Inaa lilaahi wa inaa ilayhi...)

Recommended Posts

Xudeedi   

Allaha Hu naxariistee Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cabdalle waxaa uu kugeeriyooday subaxnimadii saaka ee Caasimada Jabuuti ee Dalka Jabuuti waxana uu aha ni lagu xasuusto Dacwada iyo waxbarashada Soomaaliya.

 

Dr Cabdilqaadir Maxamed Cabdulaahi waxa uu ku dhashay magaalada galkacayo xilli lagu qiyaasi karo 1949, Waxana uu ku barbaray Deg. Ayl ee G/ka Nugaal, isaga oo markii danbe uga waregay magaalada muqdisho ee caasimada wadanka soomaaliya, Halkaasi oo ku dhamaystay waxbarashada dugsiga hoose uuna ku dhamaystay dugsiga sare ee xamar, Intaas kadibna waxa uu bartay maadada caafimaadka oo uu mudona kalkaaliyanime ku shaqeeye.

 

Intaas Kadib Dr. Cabdulqaadir waxa uu sii watay waxbarashadiisa isaga oo ka qalanjabiyay dugsiga sare ee 15ka May sanadii 1974, isaga oo sanado yar kadib ku biiray dhalinyaradii saxwada ee kor u qaadaysay dacwada diinta islaamka. Kadib markii uu kacaanku uu horkacayay Jen. Siyaad barre uu olole ku qaaday culumada ayaa sheekh Cabdulqaadir oo ahaa mid kamid ah dhalinyarada saxwada waxa uu u baxsaday dalka kenya.

 

Hase ahaatee Dr. Cabdulqaadir halkaas ugama harin waxbarashada iyo waliba faafinta diinta, waxa uu ku biiray Jaamacada Umulqura ee dalka sucuudiga oo xilligaas loo yaqaanay Jaamicada Boqor Cabdulcasiis isaga oo kubiiray kulliyada shareecada oo ka diyaaray ilaa heerka waxbarasho ee Diktoornimo.

 

Dadka ku dhaqnaa Dalka sucuudiga waxa ay Dr-ka ku xasuustaan in uu aad kaalmayn jiray soomalida ku nool sucuudiga isaga oo gurigiisa uu kadaganaa sucuudiga uu aha hoy ay ku soo hirtaan dhamaan dhalinta ducaada.

 

Dr. Cabdulqaadir waxa uu dib ugu soo noqday somaaliya sannadii 1999 kii waxana 1999 kii xilligas oo uu wax ka asaasay Jaamacadda Bariga afrika taas oo maanta ay arday badan ka soo baxeen, waxana uu aha Gudoomiya guud ee jamaacada ilaa iyo sannadii 2007. Xilligaas kadib oo gudoomiyuhu noqday Gudoomiyaha golaha asaasayaasha Jaamacada Bariga Afrika

 

Allaha u naxariistee Dr. Waxa uu ifka uga tagay 15 Caruur ah, 5wiil iyo 10 Gabdhood waxana ku geeriyooday magaalada jabuuti xilli uu halkaas looga ambabixin lahaa Dalka biritan oo lagu soo daweyn lahaa

 

Hadaba Bahda Dhahar.com Dhamaan Ducaada, Ardayda Jamaacada Bariga Afrika Waxa ay tacsi u dirayaan Eheladii uu ka geeriyooday Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulaahi Waxana ay leyihiin samir iyo iimaan Alle ha inka siiyo Isaga Janadii Fardawso Alle ha ka waraabiyo. Amiin Amiin Amiin

 

Saciid Baxwal

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this