Sign in to follow this  
Jaylaani

Golaha midnimada iyo badbaadada beesha Mudulood oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay

Recommended Posts

Jaylaani   

Golaha midnimada iyo badbaadada beesha Mudulood oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay

 

Kulan ay isugu yimaadeen xubno isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad kala duwan oo ka tirsan beesha Mudulood, loogana soo horjeeday kulankii ay ka qeyb galeen xubnaha dowladda ee ka soo jeeda beeshaasi oo bartamihii todobaadkan lagu qabtay hotelka Lafweyn ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo kulankaasina looga dhawaaqay gole la sheegay iney leedahay beesha Mudulood oo la magac baxay golaha midnimada iyo badbaadinta beesha Mudulood.

 

Golahan oo Guddoomiye loogu doortay siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa 100 xubnood oo ka qeyb galay kulankaasi lagu taageeray dedaalada nabadeed ee odayaasha beelaha ****** ay ka wadaan magaaladan Muqdisho waxaana qodobo gebagebadii kulankaasi laga soo saaray lagu cambaareeyey xasuuqa iyo dagaalada ciidamada Itoobiya ay ka wadaan magaaladan Muqdisho.

 

C/llaahi Sheekh Xasan oo ah guddoomiyaha cusub ee golaha midnimada iyo badbaadinta beesha Mudulood ayaa sheegay isagoo kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay xubnaha ka qeyb galay kulankii Hotelka Lafweyn ay ahaayeen dad taageersan dowladda federaalka oo isla markaana aaney aheyn kuwo metela kuna hadli codka beesha Mudulood, wuxuuna tilmaamay in kulankasi uu keenay dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah woqooyiga magaaladan Muqdisho, isagoo ugu baaqay dowladda Itoobiya iney ciidamdeeda kala baxdo Soomaaliya.

 

Xafiiska Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this