Sign in to follow this  
General Duke

Breaking news ; Its Badoa. 26 February...

Recommended Posts

War deg deg ah: Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay in magaalada Baydhabo uu ka dhici doono shirka baarlamaanka Soomaaliya.

- Monday, January 30, 2006 at 13:58

 

Nairobi(AllPuntland)- War goor dhow naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu shir jaraa'id goor dhow oo saacaddu ku beegnayd 3:40 daqiiqo uu ku dhawaaqay in magaalada Baydhabo ay marti galin doonto shirka baarlamaanka ee la filayo inay baarlamaanku yeeshaan.

 

Shirkaan jaraa'id ee uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kasii horeeyay qado sharaf ay kawada qayb galeen madaxwaynaha , guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda dawladda inteeda kale ee kusugan magaalada Nairobi.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxwaynaha Soomaaliya iyo raysulwasaare Geeddi oo asagu maanta u duulay Jowhar ayaa xalay illaa saakaba lahaa shirar albaabadu u xirnaayeen oo lagu go'aaminayay halka uu shirku ka dhacayo.

 

Sababta raysulwasaare Geeddi u aaday magaalada Jowhar ayaan la caddayn , waxaase la saadaalinayaa in uusan doonayn in meel aan ahayn Jowhar shirka baarlamaanka uu ka dhoco.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa su'aalo kala duwan waxaa waydiiyay saxaafadda kusugan magaalada Niarobi wuxuuna sheegay in arintan ku dhawaaqidda ah la isku raacay ayna timid wada tashi waqti dheer soo socday oo madaxda dawladdu ka yeelanaysay halka lagu qabanayo shirka baarlamaanka.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay halka uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ah magaalada Baydhabo asagoo intaasi raaciyay in asaga magaalo walba ay isugu mid u tahay.

 

Wax war ah lagama hayo xubnaha dawladda ,ee ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho fikradaha ay ka qabaan ku dhawaaqidda magaalada Baydhabo.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweynaha Magaalada Baydhabo oo soo

buuxiyay Waddooyinka Magaaladaas

 

Kadib Markii si rasmi ah loo shaaciyay in Magaalada Baydhabo tahay goobta uu Baarlamaanka fariisan doono ayaa Magaalada Baydhabo waxaa wadooyinkeeda soo buux dhaafiyay dadweyne fara badan sida uu sheegayo Wariye Catoosh oo ku sugan Magaalada Baydhabo.

 

Wadada dheer oo maraysa Bartamaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu arkay dad kor u dhaafay boqolaal kuwaas oo taageeraya go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ah in 26-ka bishan Baydhabo Baarlamaanka fariisto.

 

Maalinta beri ayaa dadweynaha lagu wadaa inay dhigaan bannaabaxyo lagu taageerayo go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliya iyo Guddoomiyaha oo si wada jir ah u sheegay in ay u tagayaan Baydhabo

Baydhabo:- Waxaa maanta lagu dhawaaqay in magaalada Baydhabo ay noqon doonto goobta uu ka dhaco kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Arrintan ayuu si rasmi ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan maanta duhurnimadii uga dhawaaqay magaalada Nairobi hotelka ku yaal ee Grand Regency.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in 25 casho kadib uu shirkaasi dhici doono, ayadoo horey loogu waday in kalfadhigaasi uu dhaco 5ta Feberaayo.

 

25kaas casho ayaa la sheegay in lasii diyaarin doono goobta uu ka dhacayo shirka iyo dhanka amaanka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo asaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweenayo go'aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Wuxuuna C/laahi Yusuf shaaca ka qaaday inuu kala qeyb geli doono furitaanka Baarlamaanka uu halkaasi si rasmi ah uga soo jeedin doono khudbad ku aadan arrimaha dowlada horyaal.

 

Madaxweynaha DFKMG ayaa ugu baaqay dhamaan Siyaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta kasoo jeeda Bay iyo Bakool in ay ku dadaalaan sidii dar dar loo gelin lahaa diyaarinta halka uu shirka ka dhacayo oo noqon doonta magaalada Baydhabo.

 

Waxaa shirkaan ka dhacay Nairobi ku sugnaa Xildhibaanada iyo Wasiirada ka tirsan dowlada Federaalka. Ayadoo kahor shirkaan ay dhamaan xubnahan kuwada qeyb galeen Qado sharaf lagu qabtay Guriga Madaxweynaha ee Nairobi.

 

Beesha Caalamka ayaa xubnihiih halkaasi magacooda ku hadlay uu kamid ah Ergayga gaarka ah ee Koffi Anan u qaabilsan Arrimaha Somaliya Mr.Fall oo sheegay inuu si weyn usoo dhaweenayo go'aankan ay wada gaareen Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka ee kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Shirkii maanta ayuusan kasoo qeyb gelin Raysalwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo asagu si deg deg ah kahor shirkan ugu duulay magaalada Jowhar ee dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/laahi Yusuf ayaa sheegay in go'aankan si wadajir ah u gaareen asaga iyo Raysalwasaaraha iyo Guddoomiyaha iskuna raaceen shirka ka dhacaya magaalada Baydhabo.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah:Shariif Xasan oo ku dhawaaqey in Baydhabo lagu....

 

SBC Live Nairobi- 30.January.2006 Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 5 daqiiqo ka hor wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqey in

magaalada Baydhabo ay noqon doonto halka uu ka dhici doono kulanka Baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Hadalka Gudoomiyuhu wuu socda wuxuu jeedinaya khudbadii uu arimihaasi ugu tala galey.

 

26-ka Febraayo ayuu Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay noqon doonto maalinta Baarlamanka KMG ah ayt isugu imaan doonaan kulanka oo ka dhici doona Baydhabo waxaana uu ka codsadey dhamaan xildhibaanada inay isugu yimaadaan magaalada Baydhabo xiligaas shirkana ay ka soo qayb galaan

 

Deeqo SONNA

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aadan Saransoor oo kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Baay iyo waxgarad oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa magacaabey guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka shaqeeya sugidda amniga.

 

January 30, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Mukhtaar Maxamed Catoosh. Baydhabo.

 

Aadan Maxamed Nuur “Aadan Saransoor†oo kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Baay iyo xubno kale oo isugu jira waxgarad, aqoon yahano iyo saraakiisha ciidamada oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa magacaabey guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka shaqeyea sugidda amniga gobolka Baay.

 

Guddiga nabad gelyo ee maanta lagaga dhawaaqey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka danbeeyey tiro is daba jooga oo maalmihii ugu danbeeyey ka dhaayey guddaha magaalada Baydhabo, kuwaasi oo looga hadlayey arrimaha nabad gelyada gobolka, iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka amni xumo ee gobolka ka jira.

 

Magacaabida guddiga nabad gelyada oo uu ku dhawaaqey Maxamed Nuur “Saransoor†oo kamid ah mas’uuliyiina magaalada Baydhabo waxa uu ku sheegay iney ka danbeyso wada tashiyo iyo kulamo ay la yeelanayeen ber yihii ugu danbeeyey qeybaha bulshada ee kudhaqan magaalada Baydhabo.

 

Saransoor waxa uu intaasi ku darey in xiriiraad ay sameeyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Bakool kusugan ay ka wada hadleen in la sameeyo iskaashi iyo isku duubnaan, isla markaana waxaa noo harey buu yiri inaan isa soo hor fariisano, si aan waxyaabaha kala tabaneyno looga hadlo.

 

Laakiin guddiga maanta la magacaabey ee sagaalka xubnood ayaan ka dhex muuqan qaar kamid ah beelaha gobolada Baay iyo Bakool kasoo jeeda, gaar ahaan saraakiil beeleed yada muddooyinkii uu danbeeyey ku dagaalamayey magaalada Baydhabo ee wali kusugan gobolka Bakool, balse Saransoor wuxuu cadeeyey in dhamaan beelaha Digil iyo Mirifle ay isku raacsan yihiin magacaabidda guddiga beelaha dhimana guddi yada kale ee dhaqaalaha iyo abaabulka loo magacaabayo.

 

Guddiga waxaa la shaqeynaya 300 oo ciidan oo qeyb ka noqonaya ciidamada sugaya amniga magaalada iyo wufuuda lagu wado iney timaado haddii la isku raaco in Baydhabo kulanka ugu horeeya uu ka dhaco ayuu yiri Saransoor oo hadal kaasi sii wata.

 

Dhinaca dhaqaalaha ku baxaya ciidamada amniga sugaya wuxuu sheegay ineysan jirin cid ay xiligani ku tashanayaan, balse shacbiga Digil iyo Mirifle ay arrin kaasi xil iska saarayaan, gaar ahaan ganacsatada gobolka sida uu hadalka u dhigey.

 

Laakiin Aadan Saransoor waxa uu ka gaabsadey inuu tafaasiil ka bixiyo iney ogolaanayaan hoggaamiye kooxeed yada hubka ku heysta magaalada Muqdisho iney hubkooda la yimaadaan magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Bullet proof vests, anyone? I'd buy my old man one if I knew where to get it.

 

How is this good news General Duke? Analyze this for us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Brother it is news and hence can be interpreted in many ways.

 

Its good news because the Parliment will meet for the fist time united. Its good for the people of Badoa who would like to see investment [relative] come to their town. Its good becauase Badoa is a large town a neutral town which can be used as a spingboard to bringing together the southern regions of Bay, Bakool, Gedo, Juba's.

It is good news bacause the Presidnet and Sharif both agree to this decesion, that most of the RRA ledaers have also voiced their support.

 

Its bad, because the PM is angry, becauae Mohamed Dheere is upset, because Jowhar will not get the flow of cash it got used to. It might send a wrong single that the head of the executive will be changed, that certain individuals will lose their positions.

 

For me Jowhar Badoa are all the same the end destination is Mogadishu..

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Excellent bit of news.

 

 

56702832.jpg?v=1&c=MS_GINS&k=2&d=AAAB1D3

 

Nairobi, KENYA: Somalian transitional government president Abdullahai Yusuf Ahmed (L) confers with the parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Adan 30 January 2006 during a press briefing in Nairobi, where they announced that the lawless country's parliament will meet for the first time on Somali soil inthe town of Baido, after weeks of haggling and intense international pressure.

 

56702884.jpg?v=1&c=MS_GINS&k=2&d=AAAB1D3

56702840.jpg?v=1&c=MS_GINS&k=2&d=AAAB1D3

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah Sheekh Aadan Madoobe oo Shaaciyay

 

in Baydhabo Nabad tahay laguna Shiri karo

 

(Baydhabo}30.01-06

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Tilmaamay in Magaalada Baydhabo in ay Horey u ahayd Meel la isku haystay oo Khilaaf uu ka jiray, Maantase ay tahay Meel lagu hishiiyey, Nabadeedana ay Tahay Mid ay Iyagu Masuuliyeeda Qaadayaan, Soona Dhawaynaysa Xubnaha Dawlada iyo Cidii walba oo Timaada......................

 

Wasiirka Cadaalada oo saxaafada u waramayey ayaa Tilmaamay in Hadii ay Dhacdo in Xubnaha Baarlamaanku ay ku shiraan Magaalada Baydhabo oo ninka Masuulka looga Dhigay ee Shariif Xasan Sheekh aadan uu ku Dhawaaqo ay Gacma furan ku soo dhawaynayaan.

 

Dhinaca kale Magaalad baydhabo ayaa la sheegay in ay tahay Magaalo aan Cid isku haysataa aysan jirin, waxa kaliya ee Magaalada dhibaatada ku hayaana ay tahay Maleeshiyaadka aan cidna ka amatqaadan oo mar mar dadka ama ku baarta, amaba ku dila, waxayse waxgaradka Beesha isla gartaan in ay ugu wacantahay Maamul la'aanta iyo Khilaafaadka Siaasadeed ee horay u jiray.

 

Madaxwaynihii Hore ee Southeast Soomaaliyam haatana ah Wasiirka Beeraha Kornayl Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud ayaa lagu tilmaamaa wakhtigii yaraa ee uu Maamulayay Gobolada Baay iyo Bakool in uu ka dhigay Goob nabad ah' oo dadku ay aad uga baqan jireen in ay wax fowda ah sameeyaan, isaga oo Xukunkiisu ahaa Mid adag oo loowada hogaansanaa.

 

Waxaa xusid Mudan in Magaalada Baydhabi ay ka mid ahayd Goobaha Xubnaha Baarlamaanku ay isku Raaceen in ay Dawlada Federaalka ah ay Dagto, waxaana horay u horistaagay Xildhibaan maxamed Ibraahim Xaabsade oo isagu Maanta Qoomamo ku jiro, dhibatadii uu horseeday, iyo Maamul la'aantii uu u horseeday Gobolka Baay.

 

yassiin maxamed cali ( faytin )

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Great news indeed

 

Nabada waa soo dhowdahay

 

dhulkii waa nabadee

 

midnimada dowladu aad bey muhiim u tahay, Parlamaanku inuu shiro waa laga marmaan

 

maantaa waa jowhar, behri waa baydhabo, behri kadib na waa mogadisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

This is great news coming from the speaker of the parliament. But what I don't understand is the comments and mix messages that are coming out of Jowhar.

 

Baidoa was always the best option for the parliament to sit and convene. It doesn't mean that Jowhar will be deprived of the enormous benefits that its getting from the TFG and international coverage.

 

Hopefully the government will relocate to Baidoa soon inshallah because Jowhar was always the "second choice" of the president and because they couldn't go to Baidoa they had to set up the governmental institutions in Jowhar.

 

Baidoa is a strategic city and in fact the third largest city in Somalia. It has got a nice climate and people from all over Somalia.

 

The people of Baido are nice, friendly and welcoming and they deserve to be the "temporary seat" of the Parliament till it can relocate to Moqadishu. The government can stay in Moqadishu!

 

I personally disliked the comments from Mohamed Dheere who said that Baidoa can be a place of invitations to feast and condolences but nothing more than that.

 

cusboole.JPG

 

 

mursal.JPG

 

khaliij.JPG

 

gaas5.JPG

 

gaas8.JPG

 

gaas7.JPG

 

gaas6.JPG

 

gacanlibaax.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo ku Dhawaaqay In Baydhabo Tahay Magaalada Baarlamaanka Lagu Shirsinaayo.Raysalwasaare Geedi iyo Madaxweynaha oo Khilaaf BalaaranSoo Kala Dhexgalay.

 

Somaliweyn(Nairobo,Jan.30.2006)

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Ayaa Ku Dhawaaqay Magaalada Baydhabo in Ay Tahay Magaalada Baarlamaanka Somaaliya Lafariisinaayo Kulanka Uhoreeya Waxa Uu intaas kusiidaray Gudoomiyahu in kulankuna uu Dhacaayo 26 Bisha Soo Socota Febewari Gudoomiyaha Ayaa kaqeyb galay Shir Jaraaid oo Ay Siguud uwada Qabteen madaxweynaha Somaaliya iyo isaga Gudoomiyaha Ayaa Yiri Sidatan '' Mar kii aan aragnay Magaalooyin badan Ayaan Aniga Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Ayaa Si Guud ugu Heshiinay in Ay Baydhabo Noqoto Magaalada Baarlamaanka Somaaliya Lagu Shir Siinaayo.

 

Gudoomiyaha oo Sii wata hadalkiisii Ayaa Yiri Waxaan Kacod sanayaa Wasiirada Xildhibaanada iyo dad Weynaha Somaaliyeed meel kastoo ay jogaan in ay nagala Sheqeyaan Nabada Magaalada Baydhabo Waxaan Sigaara Uga Codsanaynaa dad Ka Gobolka bay in Ay dawlada Karab istagaan.

 

 

Mar kii Gudoomiyaha uu Hadlkiisii Dhamaystay Ayuu Madaxweynaha Kusoo Dhaweeyey Makarafoonkii Madaxweynaha Somaaliya Aya Hadlkiisa kubilaabay Salaan Diiran kadib waxa uu uyiri madaxweynahu Waxaan tageersanahay Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Waxaan Sibuuxda Utaageersanahay in kulanka Baarlamaanka Lagu qabto Magaalada Baydhabo Madaxweynaha oo Sii Hadlaaya Ayaa yiri " Waxaan Kacodsanayaa Ururka Qaramada Midoobay In Ay Soo Ceshaan Raysalwasaare Gedi oo isagu Saaka uDuulay Magaalada jawhar Madaxweynaha Ayaa Hadalkiisa Waxaa Lagadareemayey in Geedi Caro kutagay Madaxweynaha Ayaa Mar kii laweydiiyey Geedi sabab ta uu kutagey Yiri " Wax Sababa oo aan shegaayo Majiraan.

 

 

Madaxweynaha Ayaa Waxa uu isna Kacodsaday Dad Ka Reer Baydhabo in ay Tageraan dawlada Waxa uu Madaxweynaha Kacodsaday dad Kareer Baydhabo in ay Kasheqaan sidii kulanka Baarlamaanku Uu sinabada Ugu Dhici lahaa Madaxweynaha Ayaa Yiri Waxaa Aan Ahay nin Ka Furaya kulanka Baarlamaanka Somaaliya Ee Kadhacaayaya MAgaalada Baydhabo Madaxweynaha Ayaa Sheegay in uu tagaayo Baydhabo uuna Ka Qeybgalaayo Kulanka Baarlamaanka Madaxweynaha Ayaa Yiri " Waxaan Filayaa In Qalalaasihii Dhamaadey Dawladuna Ay Cagaheeda is ku Taageyso Hadii Alle idmo Madaxweynaha Ayaa Yiri Qaramada Midobay Waxaa kacod sanaynaa in ay Tageraan Kulanka Baydhabo.

 

 

Shirkaan Jaraaid AYaa Waxaa Fadhyey Xubno Badan oo Katirsan Dawlada Federaalka Somalaiya Is kuguna Jiray Labada Garab ee Jawhar iyo Muqdisho Waxa Kursi ku Dhaw Madaxweynaha Fadhiyey Wasiir ka Amaanka Qaranka Somaaliya Mohamed Qanyare Afrax isa goo Ay wajigiisan Kamuuqatay Farxad aad ubalaaran.

 

Waxaa kaloo fadhiyey Raysalwasaare Kuxigeenka Kowaad Horayna u ahaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Mohomed Cabdulaahi Jaamac Sifir, waxaa kaloo Fadhiyey Shirkaan Jaraaid Ee Looga Dhawaaqey in Baydhabo lagu kulmaayo Wasiiro iyo Xildhibaano Aad utiro badan oo Dawlada Somaaliya Kawada tirsan sacabkana Wada qaraacaayey Waxaa Kaloo Kasoo qeyb galay Shir kaan Jaraa id Wakaali Kasocda Safaarado badan oo kuyaala Magaalada Nairobi Iyo wakiil kasocda Qaramada Midoobay waxaa Kaloo Kasoo qeybgalay Shirkaan Jaraaid wakiilka Wadan Kenya Uqaabilsan somaaliya Mudane Mohomed Cabdi Afey.

 

Sidoo Kale Waxaa Saaka Subaxnimadii Hore Kaduulay Garoonka Joma Kenyati Ee Magaalada Naiobi Raysalwasaraha Somaaliya Cali Mohomed Geedi oo La Sheegay in uu Kabiyo Diiday Magaalada Baydhabo uuna Yiri Hadii Aan Jawhar Lagu Shiarayn anigu kuma Jiro Baydhabo Waxaana Ana Ku Dhawaaqayaa In Jawhar baarlamaanku Kushiro Geedi AYaa Lasheegay In mdaxaweynaha Somaaliya uu Wacay isagoo Joga Garoonka Balse uu Raysalwasaare Geedi Telkii Ku Dan Shay Madaxweynaha si Dag Dagana Uga Duulay Garoonka Isa goo Aadan magaalada Jawhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this