Sign in to follow this  
General Duke

SOOL latest:: Gen Cade Muse puts on the uniform, PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Jiida hore booqdayna ciidamada Puntland ee Tuka Raq iyo Ganbadhe(Daawo Sawirada)

Last Updated::2007-10-17 23:03:21

 

TukaRaq (HRNet):-Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha DGPL Gen Cadde Muuse Xirsi iyo Madaxweyne ku xigeenka

DGPL Puntland Xasan Daahir Maxamuud ayaa gaaray fariisimaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntlland oo dhawaan laga qab saday Magaalada Laascaano iyagoo wafdigaan ay kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Puntlland iyo weliba Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

 

 

Wafdigaan ayaa waxaa uu ka kooban yahay xubno ka tirsan golayaasha Puntllad Golaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka iyo weliba Gudiga amniga difaaca oo uu dhawaan sameeyey Madaxweynaha Puntlland Cadde Muuse Hirsi

 

 

Wariyaal ka tirsan saxaafada Puntlland ayaa markii ugu horaysay loo ogolaaday inay raacaan wafdigaan inkastoo loo diiday inay sawiro ka qaadaan fariisimaha Ciidanka & iyadoo ilaalada la socotay Wafdigaan ay saxaafada uga digeen inay wax sawiro ah ka qaadaan fariisimaha ciidanka iyadoo Wariyaal ka socday Wasaarada warfaafinta Puntlland loo ogolaaday oo kaliya inay sawiro ka qaadaan wafdiga iyo saraakiisha Ciidanka.

 

Booqashada Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisu ayaa ku soo aaday iyadoo wafdi ka socda Maamulka Soomaaliland oo u dhashay Gobolka Sool la filayo inuu soo gaaro Magaalada Laascaano saacadaha soo socda.

 

 

Cadde Muuse ayaa kulan dheer la qaatay Maamulkii Magaalada Laascaano iyo welina Garaad Saleebaan sida uu noogu soo waramayo wariyaha Shabakada wararka ee Halgan ee Ku sugan Magaalada Boosaaso M_M_Deeq iyadoo kulankaas loo diiday saxaafada.

 

 

Magaalada Laascaano ayaa waxaa ay u muuqataa mid ay la soo gudboonaatay jahwareer iyo Cabsi dagaal oo ay qabaan dadka ku sugan Magaalada Laas caano oo ay ka baqayaan in lagu kor dagaalamo taas oo sababi karta dhibaato naf iyo maal leh oo soo gaarta bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaano iyo nawaaxigeeda.

 

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde Muuse Ayaa Maanta Soo Kormeeray Ciidamada Puntland Ee Kulaalaya Magaalada Laascaanood.

 

 

Oct 17, 2007 By:Faa'isa Cabdi Dhalac

Ganbadhe(Jidbaale.com);-Maanta, Arbaca, October 17, 2007 wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muuse Xirsi oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Md. Xasan Daahir Maxamuud ayaa kormeer hawleed ku soo maray degaamada gobolka Sool qaarkood.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay goob kasta oo ay tageen kulamo ku la yeesheen mas’uuliin ka tirsan maamulka gobolka Sool, ururrada bulshada iyo saraakiisha ciidamada ee fariisimada kala duwan.

 

Wafdigu wuxuu mas’uuliinta degaamadaas ka dhegeystey warbixinno, wuxuuna uu kuurgalay xaaladda guud ee degaamadaas iyo nolosha dadweynaha.

 

 

Kormeerka Madaxweynuhu wuxuu la xiriirey xaaladda ka soo cusboonaatay magaalada L/caanood oo ay ciidamo W/galbeed ah iyo argaggixiso qabsadeen

 

Ugu dambayn Madaxweynaha iyo xubnaha wafdigiisu waxay kulan muddo dheer socdey la yeesheen Garaad Saleeban Garaad Maxamed iyo wagaradka gobolka Sool, waxaana la isla waafaqay dhammaan talooyinkii iyo fikradihii kulanka lagu soo bandhigay.

 

Madaxweynuhu wuxuu goobahaas baaq uga jeediyey bulsho-weynta gobolka Sool isagoo ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan sidii ciidamada gardarrada ku yimid looga saari lahaa magaalada L/caanood.

 

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey si adagna uu carrabka ugu dhuftay in ciidamada W/galbeed iyo xoogagga argaggixida ah ee uu shisheeyuhu ka dambeeyo ayan L/caanood fadhiyi doonin sida ugu dhakhsaha badanna looga sari doono.

 

Faa'isa Cabdi Dhalac

 

Weriyaha Madaxtooyada Puntland

 

Aaga Hore ee magaalada Laascanood

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Tuug dheh, what did he do for PL other than stealing poor people's money, he is the sole reason why everything is falling apart, i hope he will have the decency to leave so other's will save what's left.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this