Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Allah ha u Naxariisto

Recommended Posts

Bosaaos:- War Deg Deg ah oo haatan na soo gaadhay ayaa sheegay in Caawa Fiidkii Nin Ganacsade ah lagu dilay Gudaha Magaalada Ganacsi ee Bosaaso, dilka Marxuunkaasi ayaa la sheegay inay Fuliyiin ilaa 3- Nin oo hubaysan oo kuwaasi oo aan la aqoon haybtooda, dad war gal ah ayaa saxaafada qaarkeed u sheegay inay arkayeen 3- Ruux oo hubaysan.

 

Alla ha u naxariistii Geedi Xasan Gurxan ayaa la gudilay irida hore ee Hotelkii uu ka degenaan Magaalada Bosaaso waxana toogtay dablay hubaysan oo aan si fiican loo aqoon halka saldhig u ah.

 

Hotelka dilkaasi ka dhacay ayaa lagu magcaab Hotel Calasaw waxana uu ku yaala Badhtama ha magaalada Bosaaso, Booliska ayaa goobtaasi si deg deg ah ku yimi kuwaasi oo sheegay inay wadaan Baadhitaano xoogan.

 

Marxuunka ayaa dad helkiisa ahi noo sheegeen inuu laba Maalmood ka hor ka soo boqoolay dhanka Magaalada Dhahar.

 

Dilalka qorshaysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyada oo aanay jirin cid talaabo ka qaada dadka shir qoolada ka Fuliyay Gudaha Bosaaso.

 

Xukuumada Madaxwayne Cade Muuse ayaa inta badan lagu eedeeyaa inaanay wax la taaban karo ka qaban Amaanka guud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pacifist   

Allahu naxariso, Innalilahi wa ina ilahi rajicoon marxuumka.

 

This is getting out of control walahi, two weeks ago

my abti's wife and her brother were shot in day light. Habaryar died on the spot.

 

But then again this should not be a suprise because even more have died in Somalia. Ilaahi aa u naxaristo to all who died. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this