Sign in to follow this  
General Duke

Widhwidh Cayn: SNM militias routed by locals

Recommended Posts

Warbixin:::Dagaalkii Widhwidh Kadhacay Maanta oo ay ku dhinteen 3 sarkaal

 

Tiraba sadax ruux ayaa lasheegay inay ku dhinteen dagaal maanta dhexmaray Ciidamada maamulka isku magacaabay Somaliland iyo qaar kamid ah dhalinyarada reer widhwidh oo gacan kahelay ciidamada gudoomiyaha gobolka Cayn ................

 

Dagaalkan ayaa dhacay kolkii baabur ay saaran yihiin sanaaduuqda codeynta oo ay horkacayaan baabuurta tiknikada ay saaka weerar kusoo qaadeen Widhwidh si ay ulawareegaan gacan ku haynta degmada, balse arintaa ayaa suurto geliweyday markii ay kacdoon sameeyeen qaar kamid ah dhalinyarada Reer widhwidh.

 

waxaa lasheegay dagaalka oo socday saacado kooban inay ku dhinteen sadaxruux oo laba kamid ah ay ahaayeen kooxihii weerarka soo qaaday halka dhaawacana aan wali cadadkiisa aan lashaacin.

 

Labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya deegaanka Widhwidh, iyadoo aysan iminka jirin wax rasaas ah oo socota, balse waxaa jira walaac ballaadhan oo laga qabo in mar kale uu iska hor imaad ka dhaco Degmada Widhwidh oo ah goob istaraatiiji ah oo isku xidha inta badan deegamada Hawdka .

 

mid kamid ah dhalinyarada difaaca uga jira gudaha Degmada Widhwidh ayaa saxaafada u sheegay in maleeshiyaadka Somaliland ay weerar kusoo qaadeen saaka Magaalada, iyagoo doonaya in ay qabsadaan Degmada Widhwidh si ay ukeenaan sanaaduuq ay wataan oo lasheegay inay kujiraan waraaqaha codbixinta, balse dhalinyarada reer widhwidh oo gurmad ka helay ciidanka Keyse Cabdi Yuusuf gudoomiyaha Gobolka Cayn oo markii horeba gacanta ku hayay Widhwidh ayaa sheegay in ay eryeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

 

Ma jirto ilaa iyo iminka cid waan waan dhex dhigtay labada dhinac oo weli isku hor fadhiya Aagaga Degmada Widhwidh ku agdhaw , taasoo walaac weyn ku abuurtay dadka ku dhaqan deegaankaas oo ka baqaya in talo faro ay ka baxdo, isla markaana arrintu ay isku rogto dagaal toos ah oo dhex mara labada dhinac.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulkii PL oo Ka Baxay Widhwidh, Somaliland oo La wareegtay & Xiisad Cusub oo Ka Oogantay Ballicad

Saturday, 03 January 2009 13:32 xusen Ka dib dagaalkii saaka ka dhacay gudaha widhwidh oo dhaliyey khasaare nafeed oo soo gaadhay SL & khasaare Dhuled oo soo gaadhay Pl aya dhanka kale waxa xiisad colaadeed ka taagan tahay dhinaca Tuulada ballicad oo ku taalla xuduuda u dhexaysa Deegaankaasi & Kilinka shanaad ka dib markii uu halkaasi gadhay badhasaabkii Pl ee ka baxay widhwidh Keyse Cabdi Yuusuf, isla markaana ay ka **** tageen Ciidamadii Sl ee saaka widhwidh gaadhay oo labadii sarkaal ee watayba lagaga dilay gudaha magaaladaasi G/lle Ilbir oo ka soo jeeda Gobolka Hargeysa & Captain Shiine galaal oo ka soo jeeda deegaanka lagu dagaalamay.

 

Ciidamada Sl ayaa la sheegay inay hadda ku sugan yihiin halkaasi, halka sidoo kalena melo aan ka fogayn ay joogaan saraakiil dagaalkana khibrad u leh deegaankaasna hore ugu sugnaa, sida Col. Nadalo saalax maxamed & faarax Nadiif aadan Hawd oo labadoodaba la sheegay inay ku jiraan goobo ku dhow degmadaasi widhwidh iyadoo ay weheliyaan maleeshiyaad deegaankaasi ka soo jeeda oo iskaga baxay gudaha magaalada.

Buuhoodle dhinaciisa ayaa la isugu baxay saaka kulan odayaashu yeesheen hase yeeshee waxaa muuqatay inaan lagu gaadhin go'aamo aan ka ahayn in welwel laga muujiyey in ay qaraxdo colaad hoosaad ka dhex dhalata beesha Widhwidh, waxaana la go'aamiyey in odayaal loo kala diro labada dhinac ee iskaga daba tegay ballicad.

 

Allhawd.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhacay Widh Widh

3 Jan 3, 2009 - 4:04:02 AM

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Widh Widh ee Gobolka Cayn ayaa sheegaya in saakay waaberigii uu dagaal xoogan uu ka qarxay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah oo taageersan Puntland.

 

Dagalkan ayaa waxaa uu ka bilowday kadib markii maamulka Somaliland ay degmada Widh Widh soo geliyeen qalabkii diiwaan gelinta isla markaana ay damceen in ay ka bilaabaan ololaha doorashada, hase ahaatee waxaa ka horyimid oo si nabadgelyo leh ugu hortegay waxgaradka deganka, wada hadaladasi nabadeed oo ay barbar socdeen abaabul iyo ciidan arursi.

 

Saakay Hiiradii ayaa laga war helay xoonka tiknikada iyo rasaas xoogan oo ka dhaceysa banaanka magaalada, Taliyihii ciidamada hoggaaminayey ee Somaliland oo lagu magacaabo C/risaaq Jaamac Xesi [shiine Galaal] ayaa dadka deegaanka ay sheegeen in uu ku geeriyooday, tiro kale oo dhimasho ahna ay jirto, inkastoo aan la xaqiijin karin xogta rasmiga ah.

 

Guddoomiyihii degmada Widh Widh Keyse Cabdi Yusuf oo hoggaaminayey ciidamada taageersan dhinaca Puntland ayaa warar la isla dhex marayo ay sheegayaan in uu dagaalkaasi ku geeriyooday, hase ahaatee Xiriir ay Idaacadda Garoowe la sameysay deegaankaasi ayey ku heshay Cawil Weyseysane oo ka mid ah waxgaradka degmada ayaa inoo xaqiijiyay in wararkaasi aysan waxba ka jirin.

 

Gacan ku heynta magaalada ayaa waxaa hada ku haya ciidamada deegaanka, iyadoo dhinaca banaanka magaaladana ay isku hor fadhiyaan labada ciidan oo saakay dagaalamayey afar saacadood oo xiriir ah.

 

Radio Garowe,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

2 "Somaliland" officers killed in violence linked to voter-registration

3 Jan 3, 2009 - 2:41:54 PM

 

BUHODLE, Somalia Jan 3 (Garowe Online) - At least two military officers from Somalia's separatist republic of Somaliland were gunned down Saturday in a bloody battle in Togdheer region, Radio Garowe reports.

 

Officials from Somaliland brought voter-registration materials under the guard of soldiers, according to locals in Widh Widh town, in Buhodle district.

 

A group of traditional elders and community leaders met with the Somaliland commanders, requesting that they peacefully leave Widh Widh town.

 

 

Fighting later erupted after local clan militias attacked the Somaliland soldiers, killing the commanding officer named Abdirisak Jama Hersi, alias Shine Galaal.

 

The local militias support Puntland, a neighboring region that is anti-independence. Keyse Abdi Yusuf, the Puntland-appointed Widh Widh town mayor, reportedly led the local militias.

 

Somaliland soldiers are reported to have withdrawn from Widh Widh town, after suffering two casualties.

 

Abdullahi Ali Ibrahim, Somaliland's defense minister, confirmed the death toll on local radio. But he said the two military officers were killed in a "sneak attack," and not during an all-out battle among fighters.

 

Mr. Ibrahim, who is currently visiting Sool region, also claimed that the voter-registration process is "going well" across the region.

 

An independent journalist in Huddun, a district in Sool, told Radio Garowe that Somaliland voter-registration officials "cannot enter the town," due to threats by local militias.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Abdullahi Ali Ibrahim, Somaliland's defense minister, confirmed the death toll on local radio. But he said the two military officers were killed in a "sneak attack," and not during an all-out battle among fighters.

Their sacrifices are appreciated (AUN).

 

The cowardly rabbit punchers will gain nothing from this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

. Keyse Abdi Yusuf, the Puntland-appointed Widh Widh town mayor, reportedly led the local militias.

 

This guy and his militias should be rounded up and all be killed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Now that sounds so mighty brave of you. Why don't you go out there saaxiib and round dem suckahs up yourself and bust a cap in dem, huh? :D

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

 

P.S

My dear secessionist, y'all are falling victim to Mr Riyale's Shinanigans all over again. You know, he is only stirring up trouble between brotherly communities in that part of the country, just to distract y'all from the realities of his ineffectiveness as ruler of Somaliland. I hope citizens of Somaliland, will someday soon, see through this nonsense about borders and insist on good governance from this guy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

AfricanOwn Killing or rather fighting only breeds more enemies and does not really slove anything. Where there is smoke there is normally a fire, however small, I don't think repressing is the answer, as these hit and runs will continue, they need to deal with it some other way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil ka tursan soomaaliland oo lagu dilay Dagaalkii Widh Widh iyo mudaharaadyo ka dhacay degmada Buuhoodle

Posted to the MOL January 4, 2009, 1:21 pm

 

Iskahorimaad u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa maanta ka dhacay deegaanka Widhwidh ee Gobolka Cayn oo ay isku horfadhiyeen maamulada Puntland iyo Somaliland.

 

 

Dagaalka ayaa ka dhashay sanaadiiqda codbixinta oo deegaano ka tirsan Gobollada Cayn iyo Sanaag ay Somaliland geysay, iyadoo dadka deegaanada ay shaqaaqaduhu ka dhaceen taageersanaayeen Puntland.

 

 

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland C/laahi Cali Ibraahim ayaa xaqiijiyay inay dhankooda ka dhinteen laba sarkaal, iyagoo ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin intaas ka badan.

 

 

Saraarkiisha ciidamada Puntland hoggaaminaysa ayaa sheegay inay dileen laba sarkaal oo ka tirsan Somaliland ayna dhaawacyo badan u geysteen ciidamadii la dgaalaamay, halka dhankooda ay sheegeen khasaarooyin dhaawacyo ah.

 

 

Ma jirto cid madaxbanaan oo ka hadashay dagaaladaas, waxaana dhawaanahan ay Puntland goboladaas geysnaysay ciidamo fara badan, si ay uga hortagaan sanaadiiqda doorashooyinka ee Somalia oo maamulkaas uu sheegay inuu Goboldaaas geynayo.

 

 

Gobollada Cayn iyo Sanaag ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haya Maamulka Puntland, iyadoo deegaano yar ay maamusho Somaliland, waxaana weli jira xiisadihi colaadeed ee ka dhashay sanaadiiqda cod bixinta.

 

 

Degmada buuhoodle ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay mudaharaad balaaran oo la sheegay in dadka deegaanku uga soo horjeedaan sanaadiiqda doorooshooyinka oo Somaliland dhigtay guryo ku yaal magaalada. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha codbixinta ee ka socotay Somaliland haatan ay isaga baxeen magaalada ka dib markii ay la kulmeen dad badan oo caraysan.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this