Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Waraysiga Raisal Wasaaraha Soomaaliya ee BBCda...

Recommended Posts

SOO MAAL   

BAAQ:

 

(Atlanta}12.11-05

KU: Madaxweynaha Soomaliya: Mudane Cabdilaahi Yusuf Ahmed

KU: Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed: Mudane Shariif Hassan

KU: Labada Gole ee Dawlada Federaalka Ah.

KU: Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa Dawlad Goboleedka Puntland.

KU: Shacabweynaha Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

Ujeedo: Canbaareyn Hadaladii Raisal Wazaare Geedi ee ku saabsanaa Siyaasada Qalafsan ee Waqooyiga Soomaliya.

 

Anagoo ah waxgaradka Soomaliyeed, Gaar ahaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn kuna Nool Gobolka Georgia, gaar ahaan Magaalada Atlanta; waxaan si cad u canbaareynaynaa hadaladii ka soo yeeray Raisal Wasaare Geedi oo ahaa sidan: “Soomaliland waan aqoonsanaynaa, Marka caalamku aqoonsado. Waana Walaalahay oo xaq ay lahaayeen soo dhacsaday, waana ugu hambalyeynayaa.†Markaas su’aasha meesha taal waa; Soomaaliland yuu u yaqaan Geedi?? Ma Soomaalidiidka sheegtay, Mise goboladii uu guumeystuhu isku heysan jiray oo hada aan wax isugu jirin?? Waa markii labaad ee uu meel xun kaga dhacay, rabitaanka shacabka Gobolada Sool, Sanaag, iyo Ceyn. Oo ah Gobolada Soomaali isku hayey 15kii Sano. Marna yeeli waayey in Soomaali kala go’do.

 

Markii horena uu INNA GEEDI, dabaaldegii Bishii June ee waqooyiga Soomaliya uu magacaabay xisbiyadii u dhashay HARGEISA, uuna si ula kac ah uga tegay Ururadii u soo halgamay midnimada Soomaliyeed ayna ka mid tahay Daraawiish. Sida qofkasta oo Soomali ah ogyahayna, ay Daraawiish tahay Taariikhda keliya ee Maanta Soomaliya lagu faano.

 

Anagoo ka xun hadalada GEEDI, ee siyaasada daciifka ah, ee xanbaarsana Raali gelinta Soomaalidiidka. Waxaanu ugu baaqaynaa shacabweynaha Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn in sida ugu dhakhsaha badan ugu mudaharaadaan Siyaasada GEEDI ee ku aadan Soomaliya. Iyaga oo muujinaya rabitaankooda iyo jacaylka midnimada Soomaliyeed.

 

Geedi wuxuu u hadlaa sidii nin Koonfur nabad ka keenaya, dhinaca kalena wuxuu ka huriyaa colaad ka aloosanta Gobolada Waqooyi. Ogaan la’aanshaha Geedi xilka uu u hayo Soomaliya, isagoo ah masuulka u sareeya xukuumada DFKS. Wuxuu u hadlaa sidii nin xilka u haya Jowhar iyo Muqdishu. Dhinaca kalena, uu Soomali kala go’eeda taageerayo. Sidaa daraadeed waa inuu xilka isaga casilaa, uuna Raali gelin ka bixiyaa hadalada meel ka dhaca ku ah. Midnimada Soomaaliya si qeexana u cadeeyaa siyaasadiisa ku aadan Gobolada Waqooyi iyo guud ahaan Soomaliya.

 

GeboGebadii: waxaan Masuuliyiinta u saraysa ee Matasha gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn eek u jirta xukuumada dawlada federaalka ku meel gaarka ah ugu baaqaynaa in ay si dhakhso ah uga baxaan Xukuumada Geedi, ama Go’aamo adag ka soo saaraan. Iyaga oo gudanaya masuuliyadooda. Jaaliyada Gobolada SSC ATLANTA, GEORGIA.

 

Widhwidh Online News Center

info@widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

BAAQ:

 

(Atlanta}12.11-05

KU: Madaxweynaha Soomaliya: Mudane Cabdilaahi Yusuf Ahmed

KU: Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed: Mudane Shariif Hassan

KU: Labada Gole ee Dawlada Federaalka Ah.

KU: Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa Dawlad Goboleedka Puntland.

KU: Shacabweynaha Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

Ujeedo: Canbaareyn Hadaladii Raisal Wazaare Geedi ee ku saabsanaa Siyaasada Qalafsan ee Waqooyiga Soomaliya.

 

Anagoo ah waxgaradka Soomaliyeed, Gaar ahaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn kuna Nool Gobolka Georgia, gaar ahaan Magaalada Atlanta; waxaan si cad u canbaareynaynaa hadaladii ka soo yeeray Raisal Wasaare Geedi oo ahaa sidan: “Soomaliland waan aqoonsanaynaa, Marka caalamku aqoonsado. Waana Walaalahay oo xaq ay lahaayeen soo dhacsaday, waana ugu hambalyeynayaa.†Markaas su’aasha meesha taal waa; Soomaaliland yuu u yaqaan Geedi?? Ma Soomaalidiidka sheegtay, Mise goboladii uu guumeystuhu isku heysan jiray oo hada aan wax isugu jirin?? Waa markii labaad ee uu meel xun kaga dhacay, rabitaanka shacabka Gobolada Sool, Sanaag, iyo Ceyn. Oo ah Gobolada Soomaali isku hayey 15kii Sano. Marna yeeli waayey in Soomaali kala go’do.

 

Markii horena uu INNA GEEDI, dabaaldegii Bishii June ee waqooyiga Soomaliya uu magacaabay xisbiyadii u dhashay HARGEISA, uuna si ula kac ah uga tegay Ururadii u soo halgamay midnimada Soomaliyeed ayna ka mid tahay Daraawiish. Sida qofkasta oo Soomali ah ogyahayna, ay Daraawiish tahay Taariikhda keliya ee Maanta Soomaliya lagu faano.

 

Anagoo ka xun hadalada GEEDI, ee siyaasada daciifka ah, ee xanbaarsana Raali gelinta Soomaalidiidka. Waxaanu ugu baaqaynaa shacabweynaha Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn in sida ugu dhakhsaha badan ugu mudaharaadaan Siyaasada GEEDI ee ku aadan Soomaliya. Iyaga oo muujinaya rabitaankooda iyo jacaylka midnimada Soomaliyeed.

 

Geedi wuxuu u hadlaa sidii nin Koonfur nabad ka keenaya, dhinaca kalena wuxuu ka huriyaa colaad ka aloosanta Gobolada Waqooyi. Ogaan la’aanshaha Geedi xilka uu u hayo Soomaliya, isagoo ah masuulka u sareeya xukuumada DFKS. Wuxuu u hadlaa sidii nin xilka u haya Jowhar iyo Muqdishu. Dhinaca kalena, uu Soomali kala go’eeda taageerayo. Sidaa daraadeed waa inuu xilka isaga casilaa, uuna Raali gelin ka bixiyaa hadalada meel ka dhaca ku ah. Midnimada Soomaaliya si qeexana u cadeeyaa siyaasadiisa ku aadan Gobolada Waqooyi iyo guud ahaan Soomaliya.

 

GeboGebadii: waxaan Masuuliyiinta u saraysa ee Matasha gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn eek u jirta xukuumada dawlada federaalka ku meel gaarka ah ugu baaqaynaa in ay si dhakhso ah uga baxaan Xukuumada Geedi, ama Go’aamo adag ka soo saaraan. Iyaga oo gudanaya masuuliyadooda. Jaaliyada Gobolada SSC ATLANTA, GEORGIA.

 

Widhwidh Online News Center

info@widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Gedi Maba yaqaan Taariikhda Gobolada Waqooyi

 

(Denmark }13.11-05 Waxaan aad iyo aad ugu faraxay sida geesi inamada leh ee aad u camaabarayseen warkii ka soo jeedhay wiilka gacan ku rismiska ah ee dhawrka jeer la soo celceshay.

 

Hadalkii uu shalay gabalab ka sheegay BBC . Waxaana dareemay in weli daraawiishi nooshahay taas oo aad iyo aad aan ugu farxay sida aad uga dhiidhideen, ninka jamhadaSNM ku Raali gelinaya beenta ay isugu sheekeeyaan dadkoodan ku khaldaan , waxaanu garnayn ninka iska hadlay daraawiish taas oo u baahan in ay u sharaxaan dadkadhulkaas u dhasahay SSC iyo weliba haylaan.

 

Taariikhdii dhulkaas iyo dadka ku nool , Waxaanu aqoon u lahayn dadka S/land la baxay in tariikhda ay lee yihiin iyo jiri taan koodu yahay 84 sano mudo laga joogo ee uu gumaystuhu berbera yimid.

 

Miyan wiilkan la leeyahay waa PROF. aanu akhriyin gabayada daraawiishta ee uu ka mid yahay , gabaygii leeleesho gaaladu hadanay kugu lamaanaani lugba meel baan mad soo dhigteen waana loo marage.

 

Aad iyo aad baan idiinku hambalyanayaa una soo dhowaynaya baaqa iyo qoraalkiinaba waana idinku garab taaganahay ee halkaa ka wada halgan kiina diida jamhada iyo wixii la socodaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

lol Soomaal, Don't attack the messanger(Geedi), attack the message(Warlord Yusuf" I do anything to be president" + Ethiopia, "Im dying to see Somalia breakup into ministates".) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Ibarbardhiga Laba Cali: Geedi iyo Galaydh

 

(Faalo}13.11-05 Labadooda magac waa wada Cali. Kan awoow-goodna wuxuu ka bilowdaa xarafka G. mid waa shinbir lagu faashado oo waa Galaydh-ka, midna waa socdaal joogta ah oo waa Geeddi-ga. Darajadoodu waa laba Profesar. Xirfadooduna waa laba macalin. Taariikh-dooda shaqana midi waa waxbarasho iyo siyaasad oo waa Galaydh, kan kalana waa waxbarasho iyo N.J.O. oo waa Geeddi. Halka ay gaareenna waa laba R/Wasaare oo ay dalka Soomaaliya u noqdeen oo uu Galaydh horay usoo noqday Geeddina hadda yahay.............

 

Galaydh wuxuu si dhamays-tiran uga qayb-qaatay shirkii Soomaalida ee Carta, wuxuu kamid noqday musharaxiintii jagada Madax-tinimada, kadib ayuu helay jagada R/Wasaaraha oo ku hantay gorgortan siyaasadeed. Geeddi si rasmi ah ugama qayb-qaadan shirkii Soomaalida ee Eldoret iyo Nairobi. Markii ay wax waliba dhamaadeen ayuu cirka ka soo dagay.

 

Geeddi goortii xilkan R/Wasaaraha loo dhiibay, waxaa loo arkay inuu sokor dha-dhan-ka ka badasha uu ka dhex-noqdo baddii kharaarka badneynd ee dagaal-oogayaasha. Galaydhse koox aqoon-yahan u badan ayuu R/Wasaare ka dhex-noqday, sidaas awgeed isaguna macaankii ayuu sii kordhiyey.

 

Galaydh dowladiisii gudaha Soomaaliya ayuu ku dhisay, waliba magaalada xamar oo ah caasimaddii Soomaaliya. Geeddise dalka dibadiisa ayuu ku dhisay dowladiisa gaar’ahaan caasimadda Keenya.

 

Galaydh isaga ayaa sitoos ah u wada xukumay dhamaan xubnaha golihiisa ka tirsan. Geeddise wuxuu si toos ah uxukumaa inta Siyaasad ahaan isaga raacsan.

 

Galaydh intuu jagada hayey wuxuu tallaabo weyn ka qabtay Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wuxuuna aad u yaqaanay lahadalka R/Galbeedka iyo guud-ahaanba jeedinta khudbooyinka raadka ku reebta dowladaha daneeya Soomaaliya.

 

Geeddi-se sanad ayay ku dhawdahay intuu xilka hayo, walina kama uusan khudbaynin Golaha Ammaanka ee Newyork, ama xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira.

 

Galaydh wuxuu meel cad saaray faraga-lintii Itoobiya, wuxuuna ku khasbay inay dhulka Soomaaliya ciidan-ahaan uga baxaan, isagoona tusay indhaha beesha caalamka, wuxuu gaarsiiyey in shirkii golaha ammaanka uu ka codsado in Safiirkii Itoobiya laga saarayo fadhiga.

 

Geeddi wali lama arag isagoo ka hadlayo faraga-linta Itoobiya. Bil-caksi Adis Ababa ayuu dhawr-jeer booqday.

 

Galaydh intuu xilka hayey wuxuu xoogga saaray wada-xaajoodka hogaamiye-kooxeed-yadii Muqdisho, wuxuuna awooday inuu dowlada ku soo daro Qanyare, soona dhawaysto Xuseen Bood.

 

Geedise ilaa iyo hadda wuxuu kari la’yahay ineyba is fahmaan golihiisii Wasiiradda oo ah kuwa xamar hubka ku haysta.

 

Galaydh intuu xilka hayey waxaa dowladisii soo gashay lacago farabadan oo ay dunida ugu deeqday, wuxuuna u dhaqmi jiray qaab-dowladeed. Geeddi-se ilaa iyo hadda deeq labataaban karo kama helin dunida, wuxuuna ku socdaa kaalmada Hay’adaha U.N.ta.

 

Galaydh wuxuu aad u yaqaanay dastuurkii Carta, sidaas darteed wuxuu xooga saaray inuu si dhamaystiran ugu dhaqmo inta uu kuleeyahay dastuurkaas. Geedi-se sida uuba sheegay Madaxweynaha Soomaaliya maalintii uu codka uga radinayey Barlamaanka oo uu yiri. Geedi sidii aan u magacaabayba hal baalma kama soo rogin dastuurkii uu dalku dajistay. Taasoo ku timid markii uusanba akhrin qodobkii uu Barlamaanku u tiig-saday ridistiisii.

 

Galaydh wuxuu go’aan-saday in isaga Madaxweynuhu ay ku kala ekaadaan hadba inta uu mid waliba ku leeyahay dastuurka u qoran qaranka, taasoo keentay iney isku dhacaan, kadibna xilka laga qaado.

 

Geeddi-se sida uu dhigayo dastuurkan cusub wuu ka’awood badan-yahay waagii Galaydh, shaqada dowlada oo dhan isaga ayaa iska leh, nasiib-darro ilaa iyo hadda lama’arag dawrkiisii siyaasadeed, ama awoodda uu leeyahay isagoo isticmaalaya.

 

Galaydh waagiisii Guddoomiyaha Barlamaanku wuxuu ku koobnaa oo kaliya sharci-dajin, wixii fulin ah waxay u taalay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha. Taasna waxaa sabab u ahaa awooddii R/Wasaaraha oo noolayd.

 

Geeddi-se waxaa xiligiisan siweyn u muuqday dowrka Gudoomiya Barlamaanka, taasna waxaa sabab u ah awoodii R/Wasaaraha oo dhimatay, oo misana si dhamaystiran masraxa Siyaasadda loogaba waayey shan-qartiisii. Waxaan hada maqalnaa oo kaliya dowladu waxay u qaybsan-tahay laba kooxood oo ay Madaxwey-naha iyo Guddoomiyaha kala hogaaminayaan.

 

Geeddi waa R/Wasaaraha Soomaaliya hadana haysta kalsoonidii Barlamaanka, wuxuu intii muddo ahba aqoon-yahan iska ahaado, si fudud ayuu ku helay inuu gaaro jagadan dastuuriga ah. Arinta layaabka noqotay waxay tahay, tan iyo markii lamagacaabay waxaa la waayey muuqaal Siyaasadeed oo uu isagu si gooni ah u leeyahay, marmar ayuu hadlaa markaasna wuxuu ku soo celiyaa hadalo uu horay u yiri Madaxweynuhu.

 

Waxaa aad loo jeclaa in R/Wasaaruhu is ticmaalo 100% awoodiisa dastuuriga ah, si loo helo dheeli-tir siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

 

Haddoo la’is khilaaf-sanyahay dowrkiisii waa maqan-yahan, haddii la heshiiyana jagadiisa ayuuba lumen-doonaa, marka maxaa faa’iido u ah?

 

Wuxuu faa’iido ku heli karaa oo kaliya inuu akhriyo, oo uu xifdiyo, kadibna ku dhaqmo dastuurka dalka u qoran, oo ay ku cadahay in uu Madaxweynuhu isaga kaga awood badan-yahay hawsha fulinta, wuxuu kaloo ogaanayaa in Madaxweynuhu uusan xilka ka qaadi karin, waana midda la’isleeyahay Geedi wali si fiican uma ogaanin, umana hubsanin, sidaas awgeed culimada sharciga waxaan leenahay R/Wasaaraha ugu dhaarta inuu Madaxweynaha ka awood badan-yahay.

 

widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by haruun:

lol Soomaal, Don't attack the messanger(Geedi), attack the message(Warlord Yusuf" I do anything to be president" + Ethiopia, "Im dying to see Somalia breakup into ministates".)
:D

On the contrary I dont think C/llahi Yusuf did/will endorse such a statement. Am adamantly sure he is irked by that utterance made by Geedi in the interview.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

R/wasaare Geeddi oo Soomaalida BBC-da kala hadley

 

20050501073037geedimog.ipg.jpg

 

Isagoo jooga Jowhar ayuu Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geedi khadka Telefoonka si toos ah uga jawaabey su'aalo ay soo weydiiyeen Soomaali meelo kala duwan joogay.

Su'aalahaas oo dhinacyo badan taabtey, waxa hadalka u qeybiyey Ra'iisalwasaaraha iyo dadka soo wacey Yusuf-Garaad Cumar. Waxana su'aalaha Mr Geeddi la siiyey ooy ku baxeen barnaamijkii baxey galabnimadii Jimcaha (11kii November 05) oo gabi ahaan loo daayey su'aalha dadku ay u soo jeediyeen Mr Geeddi.

 

Waxa halkan ku qoran qaar ka mid ah su'aalihii Mr Geeddi la weydiiyey iyo jawaabahoodii oo u qaran sidii ay iddaanadda uga baxeen.

 

Cabdi Muse- Canada: Haddiiba xubnaha Baarlamanka dowladda Federaalku, si kastaba ha ku dhacdee ay xilka kaa qaadaan, ujeedo kasta ha ku timaadeed, ma aqoonsan doontaa, mise waxa aad diidi doontaa sidii markii hore ee go'aanka ay gareen, bishii May 17dii aad u diidey?

 

R/wasaare Geeddi: Cabdi Muuse su'aashaas iskama laha ee waa loo soo dhiibey ayeey ila tahey!!

 

Maxamed Ibrahim Macalin-Sweden: Laba mar ayaad Xamar tagetey oo labadaba lagugu weerarey, laakiin aad ka badbaadey, halka Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasn Shiikh Aden oon gobolka u dhalan uu dhowr jeer tagey oon lagu weerarin. Maxaa adiga bartilmaameed aad u tahey?

 

Shicibka Soomaaliyeed nafteena ayaan u horeynaa

 

R/Wasaare Geeddi: Waddanku dhibaatooyin ayuu soo marey, siyaasadda xukuumadda aan madaxda ka ahey ayeey khasab ku tahey iney wax ka badesho Soomaaliya, marka qof bedel sameenaya waa khasab inuu cadow yeesho. Ra'iisal Baarlamanka hawshaasi ma ahin mid isaga u taal. Marka in dalka la dejiyo cadow diidan ayaa hawlahaas maleegey. Shacabka Soomaaliyeedna nafteena ayaan u hureynaa ilaa aan xaalka jira wax ka badelno.

 

BBC: Waxa na soo gaaraya su'aalo badan oo dad kala duwan ay e-mail noogu soo direen kuwaas oo R/Wasaare ku weydiinaya cidda aad u maleenayo iney ka dambeyso weerarkii dhawaan lagugu markii aad Muqdisho tagey?

 

R/Wasaare Geeddi: Horey ayaan u sheegey in arintaasu ay aheyd arin ay sameenayaan koleyto dad Soomaaliya nabad iyo dowladnimo u diidan oo laga yaabo iney la xiriiraan argagixisada caalamka, guddi ayaan u magacwney, iyaga ayaan baaritaankii ku jira iyaga ayaanan ka sugeynaa ciddii ka dambeysey.

 

BBC: Su'aalaha qaar waxa ay ku leeyihiin, ma laga yaabaa iney qaraxyadaas ka dambeeyaan kooxaha jecel iney muujiyaan in Muqdisho aysan nabad aheyn oo siyaasad ahaan aad adagi isku qeyb tihiin?

 

R/Wasaare Geeddi: Anigu cidna far ku fiiqi maayo, wixii baaritaanku uu soo saaro ayaan ku camal fali doonnaa.

 

Shaafici Maxamed Abshir-US: Maadaama uu Ra'iisalwasaaruhu isku-dayey inuu dhawaan Muqdisho kula kulmo Wasiiradiisa hubeysan, iyaguna ay diideen iney la kulmaan, horeyna uu u yiri tallaabo ayaa laga qaadayaa, talaabada xigta ee uu hadda ka qaadayo maxey tahey?

 

Tallaabo ayaa laga qaadayaa Wasiirada Muqdisho

 

R/Wasaare Geeddi: Go'aan ayaan ka soo saarney shirkii dhawaan xubnaha Golaha Wasiirada ka jooga Muqdiso aan kula yeeshey Villa Soomaaliya. Go'aankaas waxa ka mid ahaa in aan tallaabo ka qaadi doono wasiiradaas, wakhtiga aan ka qaadayo iyo meesha aan uga qaadayan waa wax aniga i khuseeya.

 

BBC: Su'aalo badan ayaa sheegaya in garoomada dayuuradaha ee Dayniile iyo Ceel Axmed ay la mid yihiin kuwa kale ee Muqdiisho ka shaqeeya, maxaa labadan Airport bar tilmaameed looga dhigtey:

 

R/wasaare: Shaki ayaa ka jira labadaas Airport, wixii ka soo baxana dib ayaan ugu sheegi doonnaa shicibka Soomaalida iyo beesha caalamka.

 

Cali Macalin Xasan-Muqdisho: Maalintii dhaweyd ee Mr Geeddi Xamar lagu weerarey, iyadoo dadka qarax ku dhacey oo dhiigoodii iyo hilbahoodii dhex galgalanaya, inuu Ra'iisalwasaaruhu dhaho waxa aan rabaa inaan khudbadeyda sii wato - dadka ma qabataa?, siduu dadka ugu naxariisanayaa nin sidaas yeelaya?

 

"Geesi ma ahin ninka su'aashaas i weydiiyey!"

 

R/wasaare Geeddi: Qosol inta uu ku dhuftey ayuu ku jawaabey. Arintaas waxa aan ka leeyahey, geesi ma ahan ninka su'aasha I weydiinaya, sabatoo ah isago meel ka hadlaya ama duruus bixinaya haddii uu lamayeeriga dhgax ku soo dhaco inuu carari lahaa ayuu muujiyey. Anigu jugta markii aan maqley waxa aan hubinayey in jugtu tahey mid dhibaato geysaneysa iyo iney wax iska yar aheyd, markii aan arkey in dadkeygii dhiig ka da'yana, waa anigii shirka xirey ee ka tagey. Marka ma uusan fahmine, waxa aan jeclahey inuu aad uga fiirsado.

 

Cali Macalin Xasan-Muqdisho: Waxa aan maqalney in Ra'iisalwasaaruhu uu ka degey baabuurkii uu la socdey ee la qarxiyey dadkuna wax ku noqdeen, haddii uu wax la sii ogeysiiyey muxuu ugu sheegi waayey dadkii la socdey ee halkaas wax ku noqdey?

 

R/wasaare Geeddi: Laba Wasiiro ayaa ila saarnaa baabuurka, qofkeenna kama degin, marka weli waxa aan arkayaa in ninka su'aalaha i weydiinaya uu ilo khaldan ka soo xiganayo warkiisa.

 

Cabdalla Xaashi Xirsi-Muqdisho: Mar walba adiga iyo kuwa kaa soo horjeeda waxa aad xigataan qodobo destuurka ku yaal ood ku soo heshiiseen, waamxey sbaabta diidan in inta artikalada aad ku soo heshiiseen aad meel iska dhigtaan aad ku xukuntaan dadka shareecada Islaamka oo ah tii eebe u soo dajiyey in koonkan lagu maamulo?

 

R/wasare Geeddi: Horta waan saxayaa qofka ila hadlaya magaca Jamhuuriyadeed qof ma badeli karo, Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ilaa hadda la yiraa, magaca kale meesha uu ka keeney isaga ayeey jirtaa, haddii umadda Soomaaliyeed codeyn laga qaado ooy xulato iney badesho waa wax aan anigu wax ka qabin. Axadiga KMG ah ee Soomaaliya waxa ku qoran shareecada Islaamku iney tahey diinta kaliya , saldhigna u ah dhammaan shuruucda dalka, marka jahwareerka kooxo ay wataan oo siyaasad dadka diin looga dhigayo anigu ma aaminsani. Marka haddii ay dad fara ku tiris ah ay jiraan oo nabad, qaranimo iyo dowlad aan rabin macnaheedu ma ahin in umadda ay jahwareeriyaan kooxaha aan filayo inuu ninka ila hadlaya uu ka tirsanyahey oo ku mitidaya Islaam lama ahee gaalo ayaa meesha joogta iyo dowladdu gaalo weeye, waxa aan uga digi lahaa ineysan dadka naga jahwareerin, Soomaaliya Islaamnimadu kuma cusba, kumannaan iyo kumannnaan sano ayeey diintu jirtaa, marka waxyi cusub oo soo degeyna ma jiree, waxa aan jeclaan lahaa in diinta Islaamka laga galin khalad, shicibka Soomaalina aan lagu jahwareerin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

lol Soomaal, Don't attack the messanger(Geedi), attack the message(Warlord Yusuf" I do anything to be president" + Ethiopia, "Im dying to see Somalia breakup into ministates".)

What you mean haruun?

You saying don’t held responsible the criminal but blame the crime itself

Mr Gheedi is accountable of his mouth and actions; he cannot blame Abdulaahi Yusuf on what he himself said on Somali BBC

On the other hand, Abdulaahi Yusuf has responsibility to take immediate action about the foolish language that Gheedi said in Somali BBC, Unless Abdulaahi himself part of the plot (70%probability).

 

Haruun, of course Abdulaahi is not innocent, when his prime minister is saying foolish words publicly on somali BBC

 

Really, former president Abduqaasim Salad Hassanand his government was stronger in issues of Somali unity, respect for Somalia’s territorial integrity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Suldaan Cabdilaahi Maxamuud Suldaan Cabdisalaan Oo Uu Weheliyo Caaqil Axmed Cabdi Madoobe Ayaa Ka Jawaabaya Waraysigii Ra'isal Wasaare Cali Maxamed Geedi Gaar Ahaan Qaybtii Maamulka Soomaalidiidka Ku Saabsanayd

Warkii: Nov 13, 2005

Birmingham(Radiossc.net) waxaanu idiin soo gudbin doonaa Waraysi uu bixiyey Suldaan Cabdilaahi Maxamuud Suldaan Cabdisalaan, oo si hufan uga jawaab celinaya Waraysigii uu Raisal wasaare Cali Maxamed Geeddi ee lagu waraystey khadka taleefoon wadaaga ee Idaacada BBCda Laanteeda Afsoomaaliga.

 

Waxaa uu ra'isalwasaaruhu si qayaxan uu carabka ugu dhuftey inay soo dhawaynayaan hadii Somaliland la aqoonsado, inay dawlada fedaraalkuna ay aqoonsan doonto gooni isu taaga Somaliland.

 

Hadaba Suldaan Cabdilaahi Maxamuud Suldaan Cabdisalaan isagoo arrinka Ra'isal wasaaraha ka faalloonaya si aad u dhegaysatid halkan riix

Suldaan Cabdilaahi Maxamuud Suldaan Cabdisalaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

On the contrary I dont think C/llahi Yusuf did/will endorse such a statement.

Well who is in charge then, the president or the prime minister.

Am adamantly sure he is irked by that utterance made by Geedi in the interview.

If thats the case, then we should hear from Cabdulahi Yusuf in the next few days disciplining Mr Geedi for damage control.

 

What you mean haruun?

You saying don’t held responsible the criminal but blame the crime itself

Mr Gheedi is accountable of his mouth and actions; he cannot blame Abdulaahi Yusuf on what he himself said on Somali BBC

On the other hand, Abdulaahi Yusuf has responsibility to take immediate action about the foolish language that Gheedi said in Somali BBC, Unless Abdulaahi himself part of the plot (70%probability).

 

Haruun, of course Abdulaahi is not innocent, when his prime minister is saying foolish words publicly on somali BBC

 

Really, former president Abduqaasim Salad Hassanand his government was stronger in issues of Somali unity, respect for Somalia’s territorial integrity.

Mr. Soomaal, what geedi said on the BBC was a big boost to the separatists in the north and disapointments to the non separatists in that area as well as other Somalis including me and a green light signal to the International community. However, I doubt this is the idea of Geedi alone. He is playing his part of the game, a game played by him, Yusuf and other warlords in the government coached by Ethiopia and its ally the west. Remember both of these men are the products of land-locked Ethiopia, a nation trying hard to see Somalia breakup into mini states. If it looks like duck, sounds like a duck, and smells like a duck,.. you know the saying. Now the non separatists have a choice to support this puppet government of Ethiopia and let Geedi/Yusuf decide their fate or have a voice of their own to take control of their own destiny.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

ninkaan geedi la yiraahdo maba hadli yaqaan..xanaaq iyo paranoia aa ka soo horeeysa.

 

maxoow ka wadaa su'aalaha waa loo soo dhiibay dadkaan?

 

midda kale ma dhulkii soomaaliyeed ee gumeeysiga ku jira (Somali Galbeed iyo NFD ) ayuu u qiray Xabashi iy kikuuyu un?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

This is what is called pure lack of leadership, Premier Geedi proved himself to be incompetent for the post because he couldn't at least provide satisfactory responses to both the unionists and secessionist alike.

 

He would have made my day, had he said, "we do promote freedom of expression and self-governance but it is also our responsibility to safegaurd the integrity and unity of our nation" in that case He would neither have alienated unionist nor secessionist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this