Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Xisbiga Kulmiya oo ka laabtay diidmadiisii

Recommended Posts

Peace is the only way things can work for the Somali people meelkasta oo ay joogaaan. This is a good example.

 

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Xisbiga Kulmiya oo ka laabtay diidmadiisii

- Tuesday, June 10, 2003 at 02:52

 

Hargeysa (AllPuntland)- Xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u aqoonsadeen natiijadii kama dambaysta ahayd ee doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee Maxkamadda Sare ku go’aamisay in xisbiga UDUB ku guulaystay aqlabiyad ah 217 cod.

 

Bayaan uu soo saaray Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Mr. Maxamed Iid Dhimbiil, oo uu xalay fiidkii soo gaadhsiiyey Jamhuuriya waxa uu ku caddeeyey mowqifka xisbiga KULMIYE ee ku wajahan go’aankii Golaha Salaadiinta Somaliland ee ku saabsanaa xallinta khilaafka u dhexeeyey xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE, ee ka dhashay natiijadii doorashada.

 

 

Xisbiga KULMIYE ayaa bayaano kala duwan oo uu hore u soo saaray waxa uu ku caddeeyey in aanay ku qanacsanayn natiijadii doorashada Madaxtooyada ee go’aanka Maxkamadda Sare ku soo saartay, isla markaana ku tilmaamay go’aan caddaalad darro ah oo aanay marnaba aqoonsanayn. Hase yeeshee, bayaankan u dambeeyey oo xisbiga KULMIYE ku caddeeyey in ay si rasmi ah u aqoonsadeen natiijadii doorashada, isaga oo faahfaahsana waxa uu u dhignaa sidan:

 

 

“KULMIYE, waxa uu u taagan yahay midnimada ummaddeenna, difaaca jiritaanka qaranimadeenna, horumarinta dalkeenna iyo hawlgalka xaqiijinta ictiraafka Somaliland.

 

 

KULMIYE, waxa uu u taagan yahay ku dhaqanka shuruucda dalka, dhawrida Distoorka iyo ixtiraamka hay’adaha Distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Astaamaha aan kor ku xusnay ee uu ku tilmaamanyahay xisbiga KULMIYE dhammaantood waxa ay si cad ugu qeexan yihiin xeerka iyo barnaamijka xisbiga.

 

 

KULMIYE, isaga oo u mahad-naqaya ergooyinka Salaadiinta, culimada iyo SOLJA (Ururka Suxufiyiinta Somaliland) waxa uu hore u caddeeyey in uu mar walba aaminsan yahay in wixii khilaafaad ah wadahadal lagu dhammeeyo.

 

 

Haddaba, iyada oo xisbiga KULMIYE aaminsan yahay in caddaalad-darro weyni ku jirtay doorashadii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Somaliland 14 April, 2003, haddana isaga oo xeerinaya danta guud ee ummadda Somaliland, marxaladda adag iyo duruufaha welwelka leh ee innagu gedaaman waxa uu isku qanciyey in uu qaato talada ergada Salaadiinta ee ahayd in uu oggolaado natiijada doorashada.

 

 

KULMIYE, waxa uu ku bogaadinayaa dadweynaha reer Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay u guteen xilkoodii codbixinta doorashada. Isla markaana hoggaanka xisbiga KULMIYE waxa uu si gaar ah ugu mahad-celinayaa xubnaha taageerayaasha xisbiga sidii xilkasnimada iyo kartida lahayd ee ay ugu codeeyeen xisbigooda. Waxa kale oo uu ku boorinayaa xubnihiisa iyo taageerayaashiisa meel kasta oo ay joogaanba in ay u diyaargaroobaan sii amba qaadka loolanka siyaasadeed ee lagu xaqiijinayo himilooyinka xisbiga iyo dhammaystirka guusha.”

 

 

Xigasho: Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cilmi   

Kulmiy showed maturity, this is massive credit to them for swollowing thier pride and putting the country's interest to thier individual interets.

 

Certainly Somalilanders have came along way and this is testimony to that and Kulmiye proved it.

 

Well done smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Landers, don't ya think Siilanyo should run for the governor of Togdheer ;) it would be great for the booming business ties with Puntland, don't ya think? ;)

 

more business ties = more closeness = more peace. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this