Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Harakat Al-Shabaab Al-Mujahideen cracks down on the British Broadcasting Corporation

Recommended Posts

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo mamnuucis ku soo rogtay Idaacada BBC-da

 

Muqdisho (24/04/1431) – laga bilaabo maanta dhamaan FM-yada BBCda ee ka shaqeeya gudaha Wilaayaatka Islaamiga ah hawada ayaa laga saarayaa, wixii qalab ah oo ay leedahayna waa lala wareegayaa.

Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gaaray go’aankan kadib markii si qoto dheer leh loogu kuur galay arimahan:

Idaacada BBCda oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Ingiriiska islamarkaana ah codka koowaad ee qaabilsan fulinta ajandaha gumeysiga Saliibiga ee ku aadan dunida Muslimka.

Dagaalka xoogan ee BBCdu kaga soo horjeedo Islaamka iyo Muslimiinta, iyo u ololeynteeda inaan maamul Islaami ah ka hanaqaadin dalka Soomaaliya.

Waxyeelada ay sababeen wararka iyo warbixinnada ay baahineyso ee xaqiiqada ka fog iyo buunbuuninta fikradaha saliibiyiinta reer galbeedka kuwaas oo qeyb ka ah jahwareerinta shacabka muslimka ah.

Ku dhiiranaanshaha faafinta erayo aflagaada ah oo ka dhan ah mujaahidiinta, iyo hurinta colaadaha saameeyay dadka Soomaaliyeed.

BBCda oo barobagaando u samaysa dowlada riddada iyo hay’adaha saliibiga ah.

Sidaa daraadeed waxaa xaqiiqa ah in la joogo xilligii ugu munaasabsanaa ee la soo afjarilahaa hawlaha BBCda si looga bogsado dhaawacyadii fikradeed ee ay u geysatey Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, islamarkaana loo heli lahaa aragtiyo ka madax bannaan kuwa saliibiga ah kuna dhisan mabaadi’da Islaamka.

Ugu dambeyntii waxaa shabakadaha warbaahinta ee qandaraaska kula jira hay’adaha BBC iyo VOA lagu wargelinayaa in wixii maanta laga bilaabo ay soo afjaraan qandaraaska ay ku tebiyaan wararkooda.

 

Xafiiska Warfaafinta

 

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaabul Mujaahidiin oo hawada ka saaraya FM-yada bbc-da ee ka howl gala Wilaayaadka islaamiga ah

 

Wareegto Maantaka kasoo baxday Maktabka Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin ayaa guud ahaan lagu Xayiray shaqooyinkii ay qaban jireen FM-yada ay leedahay Hey’adda warbaahinta Ingiriiska BBC-da ee gudaha dalka soomaaliya.

Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu sheegay in shabaabul Mujaahidiin ay la wareegi doonaan qalabka yaala FM-yada ay bbc-du ku leedahay gudaha Wilaayaatka islaamiga ah ee soomaaliya,waxaana wareetadan ay soo baxday kadib markii Maktabka Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin uu si qoto dheer ugu kuur galay howlaha ay qabato warbaahintaas.

Idaacadda bbc-da waa warbaahin laga leeyahay dalka ingiriiska islamrkaana ah Codka koowaad ee qaabilsan fulinta Ajandaha gumaysiga saliibiga ee ku aadan dunida Muslimka ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday Maktabka Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin.

Maktabaka Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sidoo kale ku eedeeyey Hey’adda bbc-da inay dagaal kula jirto ka hir gelinta shareecada islaamka ee dalka soomaaliya iyo in Maamulo islaami ah laga dhiso gudha dalka soomaaliya.

Ugu dambayn Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Maktabka Iclaamka Shabaabul Mujaahidiin waxaa lagu faray Idaacadaha qandaraaska war tabinta kula jira Hey’adaha bbc-da iyo Voa-da in maanta laga bilaabo ay soo afjaraan qandaraaska ay kula jirtaan Hey’adaha BBC-da iyo VOA-da.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Xarumihii ay bbc-du ku lahayd Magaalooyinka koonfureed ee dalka soomaaliya ay sheegayaan in islamarkiiba la bilaabay howsha lagu fur furayo qalabka ay Hey'adda bbc-du ku leedahay Xarumaha wilaayaadka islaamiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Sherban Shabeel:

You know someone's on crack when they hate on the Beeb.

What, like Israel? Like the Russians? Like the Americans? Err, like the British government itself? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^If they give interviews they want audiences, if they banned BBC, how will ppl listen to them?

 

If you ban BBC then boycott it all the way, and give ppl an alternative, simple logic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Lets get it straight, they only banned the FM which was installed recently to allow people direct easy tuning, the Short-Waves is still available and BBC Somali can be listened using the frequencues as one done many decades ago.

 

This will not hurt the BBC, they will still get large audience.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Gheele, taa garan maayo, kolleey aniga Facebook waan gali waayey wey iga xireen, some weird message like "waa mamnuuc shabakadan"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this