Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh. Xassan Daahir: 'Al-Ictisaam Adduunyo jacayl Fulaynimo baa haya!

Recommended Posts

Maaddeey   

Sheykh Xasan Daahir Aweys "Al ictisaam Khaladkooda cilmi la'aan ma ahan way ogyihiin wax walba fulaynimo iyo aduunyo jacayl ayaa ugaynaysa Wax dan ah kama lahan Jihaad".

Monday, 10 May 2010 11:18 administrator

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheykh Xasan Daahir Aweys ayaa Eedayn kulul u jeediyay Ururka Al Ictisaam oo ay ku bahoobay Wadaado horay uga tirsanaa Ururka Al Itixaad Al islaami ee markii dambe isku dhiibay cadawga.

 

 

Sheykh Xasan Daahir Aweys oo Kalimaad ka jeediyay Nadwad shalay ka dhacday Masjidka Abaa Hureyra magaalada Muqdisho ayaa kashifay sir uqarsooneed kooxdaasi oo ahayd in ay isku dayeen in ay kala diraan Kooxaha Islaamiyiinta ee Jihaadka ka wada Somaliya.

 

Wuxuu sheegay Al Ictisaam ay isaga u sheegeen in xiligan uusan wax Jihaad ladhaho caalamka ka socan loona baahanyahay in Nidaamyada ay Reer Galbeedku soo dhiseen laraaco oo aan xabad wax lagu xalin taas bedelkeena wadaadadu Dacwadooda gutaan.

 

 

"Nimankaas wadaadada ah si cad ayay iigu sheegeen in Dacwo wax aan ahayn aanay caalamka ka soca karin oo aan la joogin xilli Jihaad lagalo, waxay dheheen Jihaad Cilmigiisa in labarto ayaa waqti dheer qaadanaysa ee Hubka iska dhiga oo aan Dacwada sare u qaadno si aan cadawgeena u yarayno"ayuu yiri Sheykh Xasan.

 

 

Sheykh Xasan Daahir Wuxuu Al Ictisaam ku Eedeeyay ilaa iyo 10-qodob oo uu sheegay in ay ku dulmiyeen Islaamiyiinta Somaliya ka wado dagaalada Jihaadka ah dhamaan qodobadaasina ay Burinayaan Caqiidada qofka Muslimka ah ugu yaraana dhaawac ugaysanayaan.

 

 

"Alictisaam Khaladkooda cilmi la'aan ma ahan way ogyihiin wax walba fulaynimo iyo aduunyo jacayl ayaa ugaynaysa,tusaale waxay dheheen dhinacyada Somaliya ku dagaalamaya dagaalkoodu waa Fitno warkaas war islaam ma ahan waa War Jaahil, ma AMISOM iyo qolooyinka Cumalada ah ayay Mujaahidiintu Muslimiin layihiin" Sheykh Aweys.

 

 

Qodobada ay Ictisaam ugu gefeen Islaamiyiinta ee uu Sheykh Xasan sheegay waxaa kami ah *In ay ugu yeeraan Kursi doon islamarkaana ay Islaamiyiinta ka dhigeen dad dagaal doon ah u jeedkooduna yahay sidii ay Kursiga uqaban lahaayeen taas oo ah been "Anagu Kursi doon manihin si hadii loo fiirsho waa sax laakin waxaan u sacyinaynaa dhismaha dowlad Islaami ah taasna ma ahan jaga doono, Ictisaamka Kursi doon nagu eedaynaya ayay waajib ku tahay in ay Dowlad islaami ah raadiyaan, Rasuulka iyo asaxaabta inmise sano ayaa laciqaabayay iyagoo raadinaya dowlad Islaami ah anagu maanta awood ayaan leenahay aan Dowlad Islaami ah ku raadi karno" sheykh Aweys.

 

 

Xasan Daahir oo ka caraysnaa Fatwooyinkii Ictisaam kasoo saareen Garowe ayaa ugu baaqay shacabka Muslimiinta ah in aysan qolooyinkaasi ku jiha wareerin "Wadaadnimadu ma ahan in aad maalmaha ciidda Khamiis iyo Cimaamad soo qaadato oo aad Musalayaadka takbiirta ka qaadid waa in aad diinta alle dhiigaaga udaadisaa oo aad gaalada la Jihaadaa".

 

 

Sheykh jaamac C/salaan oo isna xubin ka aha Ictisaam ayaa sheegay in Kooxdaasi ay Murji'o tahay islamarkaana aan laqaada karin Fatwooyinkooda faasidka ah , si kastba ha ahaatee wadaadada Ictisaam ayaa diidmo adag kala kulmay Kooxaha ka Jihaada Somaliya ee Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo isku Mowqif ka noqday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

SHEEKH XASAN DAAHIR: "Dagaalka aan kula jirno Dowladda Soomaaliya ma ahan mid fidno ah, mana ahan dagaalkeennu mid xukun doon ah"

 

Isniin, May 10, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shalay Muxaadaro ku qabtay Masaajidka Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal kasoo baxay Culummadii ku shiray Magaalada Garoowe kuwaasoo ku saabsanaa in dagaalka ka socda Soomaaliya uusan ahayn Jihaad.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay jihaad, wuxuuna sheegay in hadalka kasoo baxay culummada Al-Ictisaam ee ku shiray Garoowe uu yahay mid aan la qaadan karin oo aan diinta ku saleysnayn.

 

"Culummadu waxay fatwadii ay soo saareen ku sheegeen in dagaalka looga horjeedo Dowladda Sheekh Shariif uu fidno yahay, balse inagu dagaalka aan kula jirno waxaan u aragnaa mid Jihaad ah" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

 

Hoggaamiyaha Xisbul Islaam wuxuu sheegay in dagaalkooda uusan ahayn mid ay ku doonayaan xukun, balse uu yahay mid ay ku doonayaan in diinta Alle lagu xukumo dalka, sidaa daraadeedna aanay rumeysnayn in dagaalkoodu yahay Fidno.

 

"Waxa la isku haysto ma ahan dagaalka looga horjeedo AMISOM, ee waan kan laguna jiro dowladda Soomaaliya, waxaana dagaal fidno ah lagu tilmaami karaa kuwii Jabhadaha Soomaaliya dhexmaray ee xukun-doonka ahaa iyo kuwa qabiilka ee meelaha qaar ka dhaca" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Sidoo kale guddoomiyaha Xisbul Islaam wuxuu weerar afka ah ku qaaday culumadii ku shiray Garoowe oo u badan Xarrakada Al-Ictisaam oo ka jira dalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ka leexdeen jidka toosan ee Jihaadka.

 

Intii ay socotay Muxaadaradii Sheekh Xasan Daahir uu ka jeediyay Masaajidka Abuu-Hureysa waxaa ammaanka si aad ah u adkeynayay Ciidamada Ururkiisa, iyadoo ay israsaaseyn ka dhacay Masjidka agtiisa uu ku dhintay qof rayid ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Maaddeey:

[QB]
SHEEKH XASAN DAAHIR: "Dagaalka aan kula jirno Dowladda Soomaaliya ma ahan mid fidno ah, mana ahan dagaalkeennu mid xukun doon ah"

 

 

waxa la isku haysto ma ahan dagaalka looga horjeedo AMISOM, ee waan kan laguna jiro dowladda Soomaaliya, waxaana dagaal fidno ah lagu tilmaami karaa kuwii Jabhadaha Soomaaliya dhexmaray ee xukun-doonka ahaa iyo kuwa qabiilka ee meelaha qaar ka dhaca" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

cajiib "alla shiikhu faan weynaa" oo haddaadan xukun dooneyn sh.xasanow marka dagaalkaad waddid ee aad xaafadaha masaakiintu ku nooshahay dhufayska uga dhiganeysid ee aad markii lagu weydiiyana leedahay "ha iska adkaystaan khayr baa ugu jiree" ma jihaad baa!! hadduusan xukun doon ahayn adiga iyo shabaab isku saf baad geli lahaydeen.

maya aniga dannigayga waa balwad magac jihaad loo bixiyey ayaan oran lahaa :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Yaad la hadleysaa, Ma Sheikh Xasan?, Alla Internet-ku wanaagsanaa!.

 

Markuu Gedo ka dagaallamayey, Xukun miyuu rabay?. Markuu Pl ka dagaallamay ee Buuraha Saliid Muraabit-ka ku ahaana ma Xukm buu rabay?, Sorry, Caydiid buu wakiil u ahaa, sax? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D haa internetku waa wanaagsanyahay.

yes he can travel to gedo or p/land to look for the vice he addicted, sorry I don't mean to grasp the rule but to fight against anyone else.

if its not that he had and has the chance allowing him to propagate his Islamic intentions through peacefull manners

 

 

Originally posted by Maaddeey:

 

 

Sorry, Caydiid buu wakiil u ahaa, sax?
:D
[/QB]

waa laga yaabaa in iyada oo aan qiyaamihii la gaarin ay xubnahaagu ka marag furayaan arrinkaas :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Xassan Daahir, Alshabaab & Dagaal oogayaashu intuba waxay isdhaamaan ayaa iska yar. Wuxuu ku leeyahay dagaal ayaan ku jiraa oo dad baan laynayaa xukkuna ma rabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Haa, wuu Xanuunsanyaa!, dhibaatada Dalka & Dadka ayuu la xanuunsanayaa, Diinta ayuu la xanuunsanyaa!, 'wohooooo, long weekend..' & calooshi la ciyaar maaha!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this