Sign in to follow this  
Nationalist

iid in Somalia [Pictures]

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka hadlay munaasabaddii ciidda ee Boosaaso

cadehadal.jpg
Boosaaso-20.January.2005 Waxaa maanta salaaddii ciida weyn ee Ciidul Adxa ay dadweynuhu ku tukadeen isuguna soo baxeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso, dad gaaraya kumaanaan iyo kumanaan oo isugu jira bulshada qaybeheeda kala duwan.

 

Munaasabaddii Ciidda Adxa ee saaka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sa-rsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Puntland, culimaa’udiin si weyn looga yaqaan gobollada Puntland.

 

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasabaddaasi oo ahayd markii ugu horreysey ee uu meel fagaare ah kala hadlo dadka tan iyo intii loo doortay xilka madaxweynenimo siddeeddii bishan January.

 

caddeciid.jpg
Gen. Cadde Muuse ayaa sheegay in mudnaanta kowaad uu siinayo nabadgelyadan isagoo si goonni ah u xusay amaandarri soo wajahdey magaalooyinka ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, wuxuna sheegay in maalmihii ugu dambeeyey magaalada Gaalkacyo lagu diley 14 qof kuwaas oo aan cidna loo qaban, iyadoo sidoo kalena magaaladan Boosaaso ay ka dhaceen dilal wallow booliiska Boosaaso ay qaybtood gacanta ku dhigeen hawlo xagga maanka wax lagaga qabanayona ay haatan ku jiraan taas oo uu madaxweynuhu ku amaanay, wuxuuna madaxweynuhu ballan qaaday in qofkii qof dila la dili doono, wax mag layiraahdona aan la qaadan doonin, haddii la waayo qofkii wax dileyna qoyskiisa loo qaban doono.

 

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu ku dheeraaday arrimaha bulshada kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa ka hooseeya heerkii ay ahayd in ay gaaraan amaba ay bulshadu uga fadhidey maamulka.

 

 

Mar uu ka hadlayey dhinaca dhaqaalaha, Waxaa uu madaxweynuhu tilmaamay in uu la kulmay intii uu safarrada ku kala bixinayey goobaha ciidammada qaybtood, mid ka mid ah saraakiisha ciidanka oo warbixin siiyey madaxweynuhuna uu u sheegay in ciidanka uu gacanta ku hayo ay dhan yihiin 3,500,000 oo askari, balse markii aan u kuur galay buu yiri ay noqdeen 1,300,000 oo askari, taas oo tilmaameysa in mas’uuliyiinta qaybtood ay ku tagri falaan dhaqaalihii lagu aaminey.

 

diinta.jpg
Waxaa kale mas’uuliyiintii munaasabaddan hadalka ka jeedisey ka mid ahaa; Wasiirka diinta iyo awqaafta, Barkhad Cali Saalax oo sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay munaasabaddan ay ku kulmeen shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland., isaga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha Puntland, waxaa farriin ku aadan hambalyada ciidda u diray shacabweynaha Puntland.

 

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabaddaas, wuxuna warbixino kala duwan siiyey madaxweynaha Puntland isagoo sheegay in nabadgelyada magaalada Boosaaso ay maalmahan kicinayeen waxna u dhimayeen xasiloonida magaalada kuwaas oo la magac baxay (Ciyaal Faaycali).

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ku nuux nuuxsaday in gobolka Bari ay liidato kaabayaasha waxbarashada iyo caafimaadka, isagoo dawladda dhexe ka codsaday in umuurtaasi il goonni ah lagu eego.

 

Mr. Dhedo, waxaa kale oo uu tibaaxay badgariirkii tsunami oo uu sheegay in dadkii ay masiibadaasi ku habsatay ay mudan yihiin gargaar iyo gacan siin, waxanu ganacsatada ka codsaday in ay u ugu deeqaan dadkaasi sida ugu dhakhsaha badan.

 

yamyam.jpg
Waxaa kale oo xusid mudan, in Munaasabadda Ciidda Boosaaso, dadweynaha halkaasi kula tukadey Abwaanka weyn ee C/qaadir Xirsi Yamyam oo beryahan booqasho ku joogey deegaannada Puntland gaar ahaan magaaladan Boosaaso.

 

Abwaanku waxaa uu munaasabaddii ciidda ka soo jeediyey maanso uu dadka kula hadlayo oo uu ugu magac daray (Bacrin), taas oo isugu jirtey, duco, baraarujin iyo adkaynta nabadgelyada, wuxuna abwaanku suugaantiisa ku sheegay in ay farxad u tahay in uu dadweynaha iyo mas’uuliyiinta Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso la ciido isagoo kula dardaarmay shacabka in nabadgelyada ay adkeeyaan taas oo buu yiri iney horseedi karta midnimo iyo qarankii Soomaaliyeed oo soo noqda.

 

dadweyne.jpg

 

Ugu dambtayntii munaasabaddan oo ahayd mid si wada jir ah loo oogey ayaa shacbiga magaalada Boosaaso waxaa ka muuqanayey farxadda maalinimada ciidda ah iyagoo isugu tahniyadaynayey Ciid Wanaagsan.

 

haweenka.jpg
Waxaa iyana kaalin weyn oo muuqata ku lahaa munaasabaddii ciidda haweenka magaalada Boosaaso oo camiray dhinaca dambe ee garoonka kubadda cagta si ay salaadda ciidda u tukadaan. Dumarku waxay badiyaa daadahsanayeen carruur yar yar oo si qurxoon loogu soo lebbisey si ay u muujiyaan maalinta weyn ee faraxadda Ciidda Adxa. waxaa haweenka si gaar ah loogu sameeyey albaab weyn oo ay ka baxaan kana soo galaan garoonka kubadda cagta si aan ragga iyo dumarku isugu ciriiryin.

 

sugidamni.jpg
Dhinaca amaanka waxaa suggidda nabadgelyada ka qayb qaadanayey tobannaan iyo tobannaan ka tirsan ciidanka booliiska magaalada Boosaaso, si ay amaanka iyo xasiloonida u ilaaliyaan, iyaga oo hubinayey isla marksaana gacanta ku hayey dhaqdhaqaaqa gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo geliya garoonka kubadda cagta.

 

 

cadsalad.jpg

 

 

Madaxweynaha Punttland, Cadde Muuse Xirsi ayaa kala qayb galay kumannaan dadka reer Boosaaso ah tukashadii salaadda Ciidul Adxa, oo maanta laga oogey isaatiyamka weyn ee magaaladan Boosaaso, waxanu si taxadar leh u dhegeysaneyey khudbadda culimada.

 

Maxamuud Faarax Bile

 

Source:

 

Stay tuned for more!

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   
I think Abwaan Yamyam has taken a liking to Bosaso...seems like he wants to stay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this