Sign in to follow this  
General Duke

Pres Yusuf, Speaker Sharif PM Geedi in Nairobi

Recommended Posts

Shariifka iyo Geeddi oo soo dhoweeyay Madaxweynaha

 

 

Fadhigii Yemen ee Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha

Khilaafkii u dhexeeyay mas'uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda in uu meesha ka baxay tan iyo markii magaalada Cadan lagu saxiixay heshiis Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baaralamaanka u dhexeeya.

Gegida dayuuradaha ee magaalada Nairobi ayaa Madaxweynaha KMG-ka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed, waxaa wadajir ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baaralamaanka Shariif Xasan iyo Raiisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Ka dibna saddexda mas'uul waxay wadajir kulan gaaban ugu yeesheen guriga Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

 

Isu soo dhowaashahan ka muuqda hoggaanka sare ee dowladda ayaa ah tallaabo aad u weyn oo aan la fili karin ka hor heshiiskii magaalada Cadan ee dalka Yemen lagu gaaray.

 

Waa markii ugu horresay ee ay saddexda mas'uul ee dowladda Soomaaliya ugu sarreeyaa ay wadajir u kulmeen tan iyo billowii 2005 markii ay ku kala xanaaqeen Nairobi.

 

Tan iyo berigaas waxay ku guul darreysteen in ay isku arkaan dalka gudihiisa.

 

Hadda oo ay mar kale wadajir u kulmeen magaaladii awalba lagu soo dhisay, heshiis dhowaan la saxiixayna uu jiray, rajadu waxay tahay in saddexda mas'uul ay gacnaha ay is qabsadaan oo ay hore u tallaabsadaan.

 

Heshiiskii ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu ku gaareen magaalada Cadan, Yemen, waxaa uu ahaa in ay baarlamaanka fariisiyaan 30 maalmood gudahood.

 

Maanta oo 10 maalmood laga joogo markii ay heshiiskaa saxiixdeen, labadooda midna dalka weli kuma laaban. Wakhtigu waa is gurayaa!

 

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha oo soo maray Addis Ababa iyo Guddoomiyaha oo Dubai ku soo hakaday waxaa hor yaalla hawl culus.

 

30-kii maalmood 20 ayaa hartay - Weli lama shaacin magaalada baarlamaanku ku kulmi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

If it was for Dayniile.com we should believe that Mahamed Dheere has switched sides and is now anti-government because he is agains the Cadan treaty between the Speaker and President.

 

It is clear for all sides that the government is united and working for the good of the country.

 

All the top officials of the country are in agreement illustrated by the pictures. Really nice pictures.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this