Sign in to follow this  
QabiilDiid

SNM GANGS are being defeated in SSC regions of SOMALIA

Recommended Posts

An awful Fear has filled the hearts of the SNM gang militia in LaasCaanood area as the Somali forces of Puntland State are holding joint military manoeuves with the locals in close proximity to the city.

 

Xargaga(AllPuntland)- Ciidamada Maamulka la baxay Somaliland ayaa laga daad gureeyey intoodii badneyd deegaanadii ay horey ujoogeen ,ayagoo ciidamada badankooda la geeyey deegaanka Xargaga oo Laascaanood Waqooyi ka xigta in ka badan 10KM.

 

Wararka ayaa sheegaya in ay tani ka danbeysay ,ka dib markii ay ciidamada Puntland ee jooga gobalkaasi Sool sameeyeen dhaqdhaqaaqyo Milateri ayna ka baxeen goobihii ay difaacyadoodu ahaayeen bishii ugu danbeysay ,ayadoo warka ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan deegaanka Xargaga.

 

Dad xoolaha ku heysta inta udhaxeysay Xargaga iyo Laascaanood ayaa sheegay in arkayeen Gaadiidka dagaalka ee Soomaliland iyo Ciidamadoooda oo dagaya deegaanadaasi ,ayagoo meelahan udiideen in ay agmaraan dadweynaha xoolo dhaqatada ah ,waxa ayna sheegayaan dadku in ay ciidamadan difaac xoog leh ka xirteen halkaasi.

 

Ciidamada Somaliland ayaa ka baxay xoogagoodii deegaanada horey ay ujoogeen ee kuyaaley Duleedka Koonfureed ee Laascaanood ,xigtana dhinaca Magaalada Garoowe ,ayagoo ay halkaasi joogaan ciidamo udhashay gobalka Sool oo difaac ahaan halkaasi loo dhigey.

 

Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeysya wadey dadaalo ay ciidamada ka soo jeeda gobalka Sool ,ku geynayso difaacyada hore ayagoo ay jiraan Taliyaal arintaasi ka carooday oo hada jooga Magaalada Laascaanood ,waxa ayna ciidamadii ka soo duulay Hargeysa hada joogaan deegaanka Xargaga.

 

Deegaanka Xargaga oo meeshi ay joogeen ciidanka Puntland ,isla markaana ay dagaaladu ka soo bilowdeen 15/Oct-sannadkii 2007-ba,waxa ayna hada tani cadeyneysaa in ay Somaliland la soo daristey Baqdin xoog leh oo kaga timid Xoogaga ka soo horjeeda ee Puntland.

 

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ,ayagoo dhamaanba ciidamada Puntland aan la ogeyn meesha ay joogan ,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxya ,balse wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadan ka guureen deegaanka TUKARAQ ee Puntland.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland has used less than 5% of its resources to regain Las Canood.

 

Most of the work was done by locals...

 

Now please do not tempt us.

 

we may expend more than the 5% that caused you to lament over the airwaves, and the cybersphere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SNM gangs supported by international gay community(read this report in Somali) can easily be over run if the traitors working with them are shot on sight.

 

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Magaalada Laascaanood Oo Aan Caawa Idiin Hayno

 

{Lacanood}05.01-8

"Xaalad Cabsi iyo jahawareer dagaal oo caawa siweyn looga dareemayo magaalada laascaanood kadib markii ay isku gadaameen guud ahaan gobolka sool Ciidamada daraawiishta Puntlamd.........................

 

Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa caawa siweyn u kacsan kadib markii ay isku gadaameen guud ahaan gobolka sool Ciidamada Mujaahidiinta daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland.

 

Magaalada laascaanood oo caawa ku jirta xaalad aad u kacsan isla markaana ay dadku dareemayaan cabsiweyn oo ay ka qabaan in markale dagaal xoogbadan ay fooda is daraan maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay somaliland iyo Ciidamada qaranka ee dowlada Puntland.

 

Warar kii ugu danbeeyay ee aanu ka helno ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan jiidaha hore ee ay isku horfadhiyaan labada ciidan ayaa sheegaya in caawa siweyn laysugu soo qalab iyo ciidan urursaday isla markaana dagaal loo diyaar garoobay walow warar ku ay sheegayaan in xabadu aaney wali dhicin.

 

Taniyo saaka ilaa caawadan magaalada laascaanood waxaa ku soo qul qulayay boqalaal ciidamo ah oo laga keenay dhanka hargeisa iyo Burco kuwaas oo lagu daabulayay wadada hawdka ee marta dhanka kala baydh si'ay halkaasi dhufayso uga galaan maadaama Ciidamada daraawiishtu ay siweyn usoo kulaaleen buuraha Laaska.

 

Tiknikada iyo saadka ciidamada somalidiidka ayaa si xawliya ku maraya wadooyinka waa weyn ee magaalada waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in Ciidamada sahanka ah ee daraawiishta ay gudaha usoo galeen caawa qaybo kamid ah magaalada.

 

Wariye Khadar Cali Nuur Wixii Soo Kordha Waan idinla Soo Socod Siin Doonaa Isla Insha Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

In ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Somaliland aayaa daqiiqada ka hor soo gaadhay magaalada laascaanood ee gobolka Sool ..

 

 

Ciidamadan booliiska ah ee saaka soo gaadhay laascaanood ayaa tababar ugu soo dhamaaday deegaanka mandheera , waxayna waxii hada ka danbeeya si toosa uga howlgalayaan dhamaanba degmooyinka gobolka Sool sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Maxamed Faarax (Indha-buur)..

 

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Indha-buur oo saxaafada ugu waramayey xafiiskiisa ayaa sheegay in 150 askari oo kale shalay loo diray dugsiga tababarada ee Mandheera halkaas oo ay kusoo qaadan doonaan tababaro la xidhiidha shaqooyinka ciidamada Booliiska, dhamaanba ciidamada loo qaaday mandheera iyo kuwa saaka laga keenay ayaa ka soo jeeda isla deegaanka gobolka Sool ..

 

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Maxamed Faarax Indhabuur ayaa sidoo kale xusay In maalmaha soo socda ay soo gaadhi doonaan magaalada Laascaanood qalab ciidan oo loogu talagalay ciidamada Booliiska lascaanood inay ku hawlgalaan , Ciidamada Booliiska ee saaka soo gaadhay magaalada laascaanood ayaa hadeer ku sugan saldhiga dhexe ee booliiska degmada laascaanood halkaas oo ay hadalo ugu jeedinayaa masuuliyiinta Booliiska iyo kuwa degmada ,

 

 

Xafiiska warar shabakada Afnugaal.com

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Sandule OO gaari Lakala baxsadaty iyo Malayshiyo Ka Goosatay Xasan Taarwale

 

Waxa Xalay Gari Noocisu Yahay Landcruser Oo uu Lahaa Cali Sandule Ayaa Waxa kala baxsatay Wiil Uu Adeer u ahaa Kadib Markii Uu U dulqadan Waayay Sida Loo Badilaayo Oo Ay u Amrayaan Nimanka Kusoo Duulay Magalada laascaanood.

 

Dhinaca Kale waxaa Lagala baxsaday Ciida iyo Tikniko Daacad u ahay Xuseen taarwale Oo Ah Ninka Ugu Magacaaban Malayshiyada SNm Taliyaha ciidan Gobolka Sool.#

 

Malayshiyadaas Ayaa Kubiiray Ciidanka Xoraynta Deegaanada SSC Oo uu Tababarku Uga Socdo Degaanka Balihadhac.

 

iskuSoo wada Duuboo Waxa soo badanaya Malinba malinta Ka danbaysa Malayshiyooyinkasoo Koosanaya Malayshiyada SNm Oo Kusoo beeraya Ciidamada Darawiishta Puntland.

 

Wixi Kasoo Gordha warkaas Waan idin Soo gudbin Doonaa Sacadaha Soo Socda hadii eebe Idmo Kala Soco.

 

Boocame Inline News warbaahinta qarniga Cusub!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin Faahfaahsan Oo Kusaabsan Dagaalkii Maanta Iyo Afqudhac Oo Yimi Duleedka

 

Dagaalkii Ay saaka Somalidiidku hiirtii waaberi kusooqaadeen ciidamo beeleedyada ilaashanaya dhulkooda ayaa haatan oo ay tahay salaadii casar dib ubolowday..................................

 

Dagaalkan oo markiisii hore bilowday saaka salaadii subax kahor ayaa laysku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud wuxuuna socday ilaa iyo duhurkii maanta wuxuuna dagaalku xoogiisa kasocday Dhinaca laamiga u dhow iyo aagaga hore ee Tuulada Dhamasaar ee gobolka sool.

 

Gurmad badan iyo ciidamo aad u xoogan ayaa uga yimi somalidiidka dhanka Bariga magaalada laascaanood halka lagu magacaabo Maraaga walow ciidankaasi markale dhirbaaxo kulul lagu soo dhuftay.

 

Abaaro 11 kii barqanimo ee maanta oo uu dagaalku sixun usocday islamarkaana maleeshiyada somalidiidka lasoo jabiyay ayaa waxaa markale gurmad tikniko iyo hubsita uga yimi dhanka Burco kuwaas adeegsanayay hub aad u culus oo ay si'aada ugu laayeen dadka reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada deegaanka.

 

Hase yeesha waxaa iska caabin xoogan muujiyay ciidamo beeleedyada xaqu udirirka ah ee sida gardarada ah loogu soo duulay iyagoo aan u jixin jixin awoodkasta oo ay keensadaan maleeshiyada somalidiidka.

 

dagaalku wuxuu yara qaboobay kolkii ay cadceedu aad ukulaatay oo lasoogaadhay duhur 12-kii waxaana isla wakhtigii lakala gurtay wixii dhaawac iyo dhimasho ee goobta dagaalka daadsanaa.

 

warar xaqiiqo oo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo wargal ah oo kusugan magaalada Burco ayaa noo xaqiijiyay in meydad badan lakeenay cisbitaalka guud ee burco halka dhaawacuna uu yahay tiro xad dhaafa oo lawaayay meel lakala dhigo.

 

warku wuxuu sheegaya in baabuur tikniko ah laga qabsaday somalidiidka isla markaana ay ciidamo beeleedyada deegaanka SSC ay awood kula wareegeen hub aad ubadan iyo sanaad milateri.

 

waxaana ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay in ay haatan ku sugan yihiin goobihii saaka lagu hirdamayay ciidamada mujaahidiinta ah ee dhulkooda dagaalka lagu wado.

 

haatan oo ay salaadii casar tahay waxaa si teel teel ah uga bilowday rasaasta ka dhacda qoryaha daran dooriga udhaca wadada dheer ee laamiga ah ee isku xidha burco iyo caynba waxaana laga cabsi qabaa in markale uu dagaalku uu dhoco.

 

Dhanka kale waxaa soogaadhay deegaanka gambadhe kuxigaha madaxweynaha puntland Mr Afqudhac oo wata ciidan iyo saraakiil takhasus sare uleh habka dagaal gelida waxaana laga baqo qabaa in dagaalku uu goobo horleh kabilowdo.

 

xaalada magaalada laascaanood ayaa aad u kacsan iyadoo suuq yada iyo wadooyinka magaalada ay dadku toban toban isu waraysanayaan waxaana markale maanta si'aada ubilowday inay dadku ka hayaaman hoygoodii.

 

Khadar cali nuur.Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal aad Culus oo caawa ka holcaya Magaalada Tukaraq

 

(Tukaraq}14.1-8

"Waxaa la soo sheegayaa innuu jiro dagaal Culus oo ka socda deegaanka Tukaraq, waxaase la hubin habka uu dagaalku u socodo ayada oo meelshiyaadka SNM ay ay isu qaybiyeen labo dhinca caawo oo aan la shaacin.

 

waxii ku soo kordha kala soco widhwidh online

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Nayruus:

Taliye kuxigeenka Ciidamada daraawiishta Dowlad goboleedka puntland ahna taliyaha qaybta Daraawiishta ee Gobolka Cayn Col: Dayr Iskatoos ayaa haatan ku sugan Deegaanka Bali-Hadhac...

Is this the chap who enjoys eating his healthy porridge in a Burco jail these days? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this