Sign in to follow this  
General Duke

Cabinet meets in Mogadishu : whats on the agenda?

Recommended Posts

Golaha Wasiirada oo ka hadlay arimaha dagaalada Muqdisho iyo ansixin maareeyaha guud ee haý'ada duulimaadka hawada

 

CALIMAXAMEDGEEDI.JPG

 

Kulan ay isugu yimaadeen inta badan Golaha wasiirada xukuumada federaalka kmg oo uu shir gudoominayey Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Fkmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay dagaalada ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo waliba qilaafka magaalada Kismaayo.

 

Ra'iisul Wasaare Geedi ayaa shegay inuu magaalada Kismaayo u diray gudi wasiiro, xildhibano iy saraakiil oo uu horkacayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Maxamed Guuleed Gacmo dheere iyago gaaray magaalada Kismaayo sidiirana loogu soo dhaweeyey halkaasi sida ay ii xaqiijjiyeen wariye la socday wafdigaasi.

 

Sida warbixinta galoha wasiirada lagu sheegay wafdiga Dowladda federaalka oo Kismaayo gaaray ayaa kulamo la yeelan doono maamulka Gobolka, Degmada iyo qeybaha bulshadda, iyagoo baari doona sababahii dhaliyey isku dhacii dagaal ee sababay in qaar ka tirsan Ciidamada Dowlada laga saaro magaalada Kismaayo, Warar ilo xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in hubkii iyo saanadii laga qabsaday lagu wareejiyey ciidamo dowlada ah oo kusugan Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda.

 

Ra'iisul Wasaare Geedi oo waribixin siinayey golahiisa xukuumada ayaa ugu horeyn uga hadlay dagaalada Muqdisho dhibaatooyinkii ay jilaafteen isagoo sheegay in uu ugu talo galay Raashiin kala duwan oo la siiyo dadweynaha dhibaatada kasoo gaartay Qaxa iyo madaafiicda wuxuuna hor dhigay qaabkii dadyowgaasi dhibaataysan loo gaarsiin lahaa raashinkaasi looguna qeybin lahaa.

 

Dhanka kale Golaha wasiirada ayaa maanta isla ogolaaday Maxamuud Shiikh Cali (Dable Pilote) uu noqdo Agaasimaha Guud ee Hay'ada Duulimaadka Hawada, taasoo dhamaan golaha wasiirada ay cod aqlibiyad ah isla ogolaadeen.

 

Golaha Wasiirada kulankooda maanta ayaa barbar socda dagaalo ka soconaya waqooyiga Muqdisho oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwo dalka Ethiopia oo la dagaalamaya kuwo kasoo horjeeda joogista Dowlada fedaralaka joogisteeda magaalada muqdisho.

 

Xafiiska Warqabadka ee Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Canshuuro lagu soo rogay shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha

 

Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Fkmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shir gudoominayey kulan ay galabta yeesheen golaha Xukuumada iyadoo looga hadlay sedex qodob oo kala ahaa

 

 

Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Fkmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shir gudoominayey kulan ay galabta yeesheen golaha Xukuumada iyadoo looga hadlay sedex qodob oo kala ahaa Warbixin laga dhagaystay gudi wasiiro ah oo loo xilsaaray arrimaha Dhaqaalaha, Shatiyo loo samayn doono ganacsatada wax dhoofisa waxna keenta, iyo qodobka ugu danbeeya oo ahaa dhaleeceeyn loo soo jeediyey qaar ka tirsan saraakiil ka tirsan midowga Yurub oo ku sugan Nairobi.

 

 

Shatiyada loo samayn doono ganacsatada wax dhoofiso soona dajisa ayaa waxaa golaha wasiirada soo hordhigay Wasiirka Ganacsiga Prof. Cabdulaahi Cali Afrax, waxaa xukuumada ay ansixisay in wasaarada Ganacsiga laga qaata shatiyo sannadle ah oo qiimihiisa lagu sheegay sanadkiiba 2500$ marka uu sanadkaasi dhamaadana waxaa lagu cusboonaysiinayaa 500$.

 

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhagaystay Gudigii wasiirada ahaa ee loo saaray dhaqaalaha oo keenay warbixino kusaabsan waxyaalo isku qasnaa iyo waliba sidii canshuuro loogu soo rogi lahaa shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha iyo kaluumaysiga iyadoo qiimo macquul ah ay isku afgarteen in laga qaado shirkadahaasi.

 

Ugu danbeyntii golaha wasiirada ayaa canbaareyn dusha ugu tuuray qaar ka tirsan saraakiisha Midowga Yurub ee ku sugan magaalad Nairobi oo ka hadlay arrimaha dagaalada, golaha ayaa ku tilmaamay in midowga yurub shaqaalahooda ay canbaaraynayaan hadalka kasoo yeeray ayna ku tilmaameen mid wax u dhimaya la dagaalanka argagixisada.

 

Dhanka kale dagaalada Muqdisho ayaa maanta meelo badan ka soconayey sida Yaaqshiid, Huruwaa madaxtooyada oo lagu soo ridayey Hoobiyeyaal, dagaaladan ayaa jalaaftay dhowr shacab, iyadoo ay ku nafweynayaan dad tiro badan, iyadoo la isku ridayo hubka noocyadiisa kala gadisan waxay wararku intaasi ku darayaan in maanta uu hoobiye kusoo dhacay degmada Xamar weyne oo maalmahaan nabad ahayd waxaana la sheegay in halkaasi ay afar qofood ku geeriyoodeen tiro kalena ay ku dhaawacmeen, cisbitaalada ayaa buux dhaafay oo aanan lahayn sariiro iyo dawooyinka oo gabaabsi ah.

 

 

Xafiiska Wararka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Wisdom_Seeker:

How to be an obedient puppet.........

I was of the notion that they were summoned to be briefed on the message from Meles.

 

Ilaahow muu hoobiyo duulayo kudhaco dhamantood. (Its a prayer) :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^No how to turn the Mogadishu groups into their former ways of singing to the dear leader of Somalia.

Oops.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Originally posted by Faarax-Brown:

quote:Originally posted by Wisdom_Seeker:

How to be an obedient puppet.........

I was of the notion that they were summoned to be briefed on the message from Meles.

 

Ilaahow muu hoobiyo duulayo kudhaco dhamantood. (Its a prayer) :mad:
I confirm that. ''Dear master, what can I do for you, today?''

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Jacaylbaro:

Ama cashuurta bixi ama MADFAC ,,,,,,,,,,,,
:D

lol :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this