Sign in to follow this  
General Duke

Dahar: Puntland in full control

Recommended Posts

Dagaalkii Dhaxmarey Dowlad Goboledka Soomaliyeed ee Punland iyo Gobolka Falaagada ah ee Hargeysa, oo uu ka Hadley Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Mudane Ibrahim Cartan Ismaaciil (haaji bakiin) isaga oo ku sugan Dhahar.

 

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo iminka ku sugan asaga iyo wafdi uu kamid yahay deegaanka Dhahar

 

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo iminka ku sugan asaga iyo wafdi uu kamid yahay deegaanka Dhahar ayaa beeniyay hadal kasoo yeeray gobolka falaagada ah ee hargeysa oo sheegay in Puntland ay khasaaro naf iyo maalba ah u gaysteen.

 

" Si dhuumasho ah ayay kusoo galeen magaalada Dhahar , si dhuumaalaysi ahna way uga bexeen markii la iska difaacay oo qasaaro ba’an loo geystey" ayuu yiri Xaaji Bakiin.

 

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland wuxuu sheegay in nin lagu magacaabo Maxamuud Siciid iyo 10 xubnood oo ka socda gobolka falaagada ah ee hargeysa ay si dhuumaaleysi ah ku tageen Dhahar , balse halkaasi ay ciidamada Puntland ka saareen.

 

" Anaga wax khasaare ah nama soo gaarin , balse ayaga ayaa waxaa ka gubtay gaari kuwa dagaalka ah, waxaana naloo soo tabiyay inay dhaawac la carareen" ayuu yiri Xaaji Bakiin oo waraysi siinayay Radio Gaalkacyo.

 

Mar wax laga waydiiyay Xaaji bakiin waxa ay Dhahar ka qabanayaan ayuu sheegay in wafdi ballaaran oo maalmihii ugu danbeeyay joogay gobolka Sanaag ay yihiin , hawlohoodana ay sii wadan doonaan.

 

Wuxuu sheegay in maamulka gooni goosadka ah ee hargeysa xad gudubyo cad cad ay ka wadaan gobollada Puntland , asagoo sheegay in go'aanka Puntland uu ahaa , ahaanna doono mid difaac ku salaysan.

 

Yaasin Digool Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhahar: " Maamulka Somaliland waa uu nagu soo gar******ay, balse waannu iska difaacnay" wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Puntland oo Dhahar Jooga.

9. april 2007

 

Dhahar(AllPuntland)-Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo iminka asaga iyo wafdi uu kamid yahay ay kusugan yihiin deegaanka Dhahar ayaa beeniyay hadal kasoo yeeray maamulka la baxay Somaliland oo sheegay in Puntland ay khasaaro naf iyo maalba ah u gaysteen.

 

" Si dhuumasho ah ayay kusoo galeen magaalada Dhahar , si dhuumaalaysi ahna way uga bexeen markii la iska difaacay" ayuu yiri Xaaji Bakiin.

 

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland wuxuu sheegay in wasiir kasocda Somaliland oo lagu magacaabo Maxamuud Siciid iyo 10 xildhibaan oo ka socda Somaliland ay tageen Dhahar , balse halkaasi ay ciidamada Puntland ka saareen.

 

" Anaga wax khasaare ah nama soo gaarin , balse ayaga ayaa waxaa ka gubtay gaari kuwa dagaalka ah, waxaana naloo soo tabiyay inay dhaawac la carareen" ayuu yiri Xaaji Bakiin oo waraysi siinayay Radio Gaalkacyo.

 

Mar wax laga waydiiyay Xaaji bakiin waxa ay Dhahar ka qabanayaan ayuu sheegay in wafdi ballaaran oo maalmihii ugu danbeeyay joogay gobolka Sanaag ay yihiin , hawlohoodana ay sii wadan doonaan.

 

Wuxuu sheegay in maamulka la baxay Somaliland ay xad gudubyo cad cad ay kawadaan gobollada Puntland , asagoo sheegay in go'aanka Puntland uu ahaa , ahaanna doono mid difaac ku salaysan.

 

Maanta ayaa war kasoo baxay Somaliland lagu sheegay in ciidamada Puntland ay 15km dhaafiyeen magaalada Dhahar , haddana ay ayagu ka taliyaan degmada Dhahar.

 

CCC Farayaamo.

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland oo looga itaal roonaaday kuwii Somaliland, iyo taliyaha Puntland ee Degmada dhahar oo ka warbixiyay khasaaraha dagaalka.

 

Dagaal ayaa ka dhacay saaka deegaanka Dhahar kadib markii ay gaareen wafti balaaran oo ka socda Puntland iyadoo halkaasi ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Somaliland, Ciidanka Puntland oo galbinayay waftiga uu hogaaminayay gudoomiyaha barlamanka ayaa weerar ku qaaday ciidankii somaliland iyadoo ay usuuragashay inay ka eryaan halkaasi hadana ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland iyo waftigii la socday.Dhagayso Taliyaha Ciidanka DGP ee Degmada Dhahar

 

Deegaanka dhahar ayaa hada dagan walow ciidamo farabadan oo ka socda Puntland iyo Somaliland ay ku sii jeedaan halkaasi iyadoo laga cabsi qabo in dagaal wayni ka qarxo dhahar iyo deegaanada ku xeeran oo la sheegay inay u carareen ciidamadii somaliland ee laga saaray dhahar.

 

Dhanka kale ciidamo kale oo ka socda Somaliland ayaa soo galay deegaanada Awrboogays iyadoo dadka deegaanku iska saareen ciidamadaasi kadib markii laga war helay in ciidamo ka socda Puntland ay ku soo wajahan yihiin deegaanka awrboogays si ay uga saaraan kuwa somaliland.

 

Sidoo kale magaalada Ceerigaabo oo ah xarunta gobolka Sanaag ayaa xaaladeedu tahay mid cakiran kadib markii halkaasi uu soo gaaray wasiir ka tirsan somaliland oo lagu magacaabo Cirro iyadoo loo aanaynayo dhaqdhaqaaqyada ka soo cusboonaaday Gobolka sanaag mid salka ku haya booqashada wasiirkaas.

 

Puntland ayaa iyana wafuud balaaran u dirtay Gobolada Sool iyo Sanaag si ay umuujiso awoodeeda labadaasi gobol iyadoo aan meesha laga saari karin dagaalo qaraar oo dhex mara labadaasi maamul oo horay dagaalo lagu hoobtay u dhexmareen.

Dhagays Waraysi Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DGP ee Degmada Dhahar oo kawaramaya Dagaalka(xigasho,www.calanka.com)

 

((Galkacyo office))Insha ku hay wararka Shabakada Allmudug.org.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Hmmm, it's hard to believe. I mean when each side claims they have full control of the place and claims that they have crushed the other side.

 

Any pics, those would prove something at least.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No need to make a big deal out of this issue but as ever the locals have prevailed and the locals are from a single clan, who all support the unity of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ka imanaya dhinaca gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaalkii ka

dhacay Magaalada Dhahar ee ka tirsan G/Sanaag uu joogsaday,oo hada xaaladu

degan tahay,Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo laba wasiir u dawle iyo

xildhibaan Baar siciid oo ka mida xubnaha wakiilada somalilans ay hada ku

sugan yihiin magaaladaasi kuwaasi oo kulamo la leh Madaxdhaqameedyada

degaankaasi.dagaalkii maanta ka dhacay ayaa waxa dhinaca ciidanka qaranka

Somaliland kaga dhintay hal askari ,sadexkalena way ku dhaawacmeen,halka

maleeshiyada puntland laga qabtay baabuur qori saaran yahay iyo sadxe

maxbuus,lixkalena laga dilay.dagaalkan ayaa ka dhashay markii wasirka

ciyaaraha iyo xubnaha la socday ay is ku dayeen in laga horjoogdsado

degaankii ay u dhasheen ka dibna saldhiga todobaad ee ciidanka qaranku uu ka

ruqaansaday fadhigiisi halkaana uu casharo ugu dhigay maleeshiyadii

Puntland, guutooyin ka tirsan ciidanka qaranka ee aaga bari ayaa ilaa galabta

ku sii jiiday jiidaasi kuwaasoo la sheegayo inay hada gaadheen

goobtaas,dhinaca kale ciidanka qaranka ee jiida adhicadeeye ayaa la galiyay

heegan culus,sidoo kale afar iyo toban wasiir oo ka mida xukumada ayaa

haatan ku sugan Magaalada Ceerigaabo,waxayna maanta dadweynaha kala hadleen

fagaaraha khayriyada ee Ceerigaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The people of Sool and Sanaag want to be part of greater Somalia and those who want to strike at the heart of Somali unity ought to be fought against. I commend the Puntland forces for fighting for the cause of Somali unity. Sometimes you have to fight evil when its about to flourish. History will commend Puntland authorities for their swift action against the thiefs of Hargeisa.

 

ps:It seems that Puntland forces are those who want to keep Somalia's territorial integrity while some seek to destroy it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this