Sign in to follow this  
Jacaylbaro

IT IS THE DAY ------------------ 18 MAY ------------ THE BIG DAY

Recommended Posts

Trah day lool very funny coming from somali thinking in trahy way huh Naxar Nugaaleed. You Nugaaleed are clear example of what in the U.S. we term a Hater. Your hate for the amazing road and joruney a people made from the ruins of war to peace and democracy is something you cant stand. Terms like trash day you use to put down what this day means to many supports for somaliland only shows to all ths SOL members how trashy and tacky you are. Even unionst like Duke dont go down to this child like behavior you have shown. So i tell you and all others that act like you that this is not Somalinet, thus respect for one another should be held and if you wish not to due so be ready for reply backs to your comments old boy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayid   

I second to Naxar Nugaal, May 18 is the trash day, literary. SSC happy trash day. Dee there is no independence ee kudaafada ku dara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I see the haters are coming out the wood work lool. Hate it or love it somaliland is here to stay. Sang had people marching for Somaliland and Sool was quite as usual nothing for or against somaliland sorry to burst your bubble sayid. The people are having fun today and tonight let the fun last babyyyyyyyyy.

 

Somaliand happy birthdayyyyyyyyyyyyyy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayid   

Northern Thinker,

 

 

I'll reserve my happy reclaim-day after it ever happens, for now, June 26 + July 1st remains.

 

Nevertheless, wish you happy re-birth re-attempt day.... but for just for the efforts that went into and for show that was put up. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

your slide commentS is nothing but humors sayid. What ever you belive is up to you but fore me July 1st means no more as May 18th means to you old boy. Somalilanders all over the world are cheering this day, Cheap comments and weak jokes does not change this fact.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayid   

This day will be a day that will live in infamy. It will be called the "Hate Unity Day" or Maalinta Somaalida Neceb Midnimada (SNM).

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Abti iska naso, waxba maanka ha iska qaadin.

 

Waxaad doonto dheh, laakin what difference does it make?

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Rayaale's Statement:

 

 

18mayrayaale3c72a3daj9.jpg

 

Waxaan ku bilaabayaa salaanta islaamka marka u horaysa:

 

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatuhu.

 

Waxaan Salaan u soo jeedinayaa dhammaan sadexda Gole Qaran Ciidamada qaranka,

Axsaabta Qaranka, mujaahidiintii SNM iyo Wefdiga sharafta mudan ee Ghana iyo

cidkastoo nagala soo qayb-gashay Xafladeenan.

 

“Walaalayaal Qadyadeena Somaliland ee goonisutaago waa muqadas lama taabtaan ah

ciddii wax kale sheegaysaa ee carqalad iyo tashwiish kula dhexjirtaana inaga

mid-maaha ee halo ogaado – hala ogaado ”.

 

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda reer Somaliland ee ku

baahsan daafaha Dunida oo dhan Rag, Dumar, yar iyo waynba.

 

Waxaan illaahay uga baryayaa inay ku naaloodaan nabad iyo nolol fiican, Illaahayna

waxaan ka baryayaa sannadkan sannadkiisa inuu inagu gaadhsiiyo horumar iyo barwaaqo

aynu dhammaanteen ku naaloono iyo madax-bannaanideena oo caalamkoo dhammi aqoonsado.

 

Haddaba, markaan dib u milicsano taariikhada sooyaalka ee aan soo maray waxa inoo

suuro-gashay in waxyaabo badan oo horumar-ihi aan ku talaabsanay, laga soo bilaabo

1991-kii waxa xusid mudan hirarkii wajiyadda kala-gadisan lahaa ee loo soo maray

xorayntii dalka, nabadayntii beelaha Somaliland, dhisidii Dawladino sharci ku

dhisan, samayntii Dastuur Qaran iyo taabo-galintii Diimoqraadiyada ee maanta aynu ku

naaloonayno, caalam kuna inagu ammaanayo.

 

Waxaynu kaga soo gudubnay heerka aynu marayno, isku-duubni, tallo-wadaag, isqancin

iyo isqadarin.

 

Inkastoo guulahaa gaadhnay, waxa markastiba mudnaan leh in aan ogaano waajibaadka

ina sugaaya, kuwaasi oo aan ku soo koobi-karo qodobadan:

 

1. Dib u dhiska Hay’adaha Qaranka.

2. Kobcinta ilaha dhaqaalaha ee inoo abbuurmay.

3. Ka faa’iidaysiga khayraadka Dalka

4. Shaqo abbuurista da’yarta

5. Soo jiidashada Maal-gashiga shisheeyaha oo aasaas u ah kobcinta

dhaqaalaha.

6. Kor u qaadida waxbarashada ummada iyo caafimaadkooda.

7. Fayo-dhawrka Deegaanka iyo Aasaarta.

8. Kor u qaadista sayladaynta Magaca Dalka iyo himiladeena.

9. Adkaynta nabad-galayada dalka iyo tan muwaadiniitaba.

10. Fidinta Maamulka iyo tayeynta ciidamada aminga oo la siindoono

mudnaanta kowaad si ay ugu sahlanaato xil-gudashadooda.

 

Haddaan dib idiin xasuusiyo, Khudbaydii aan Golaha Wakiilada ka jeediyey kulankoodii

u horeeyey waxaan bixiyey tilmaamo badan inkastoo sidii aan ku taliyey aanay inta

badni inoogu hirgalin.

 

Taasi oon isleeyahay himiladaasi sidii aan rabnay inoogumay fulin asbaabtu si

kastiba ha ahaatee. Sidaa darteed, waxa si niyad sami ah u soo jeedinayaa inaanu

wakhti dambe inagaga lumin khilaaf, balse aan u wada shaqayno si wadaninimo leh oo

xilkasnimo leh oo ka turjuma xilka aynu wadaagayno ee ina saran.

 

Waa in aan u aragnaa xilka qaran mid isku mid ah oo aan si u wada aragno oo waajib

ay tahay markastiba iskaashi iyo is qadarin aan ku wada gudano. Inakoo markastiba ku

wada fekirayna in waxqabadkeenu xumo iyo wanaagba taariikhda uu ka wada muuqandoono.

 

Xukuumad ahaan, waxaan balan qaadayaa in markastiba si qadarin leh idiin la

shaqayndoono, waxaanan rajaynayaa in idina sidaasi oo kale u wada shaqayn-doono

Insha Allah.

 

Xukuumad ahaan, haddii aan dul mar ku sameeyo waxqabadkii Wasaaradaha gaar ahaan

kuwa arrimaha Bulshada waa sidan hoos ku qoran;

 

I. Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay Bulshada u qabatay:

 

1. Dhismaha Dugsiyada waxbarsho, Arday wax-barata, Manhaj Waxbarasho, Diyaarin

Macallin tayeysan, qiimayn iyo Shahaado siin, Kormeer iyo Xog ururin, Dejinta

Sharciyada iyo Xeerarka haga Waxabarashada Dalka, Adeega maamulka iyo maaraynta

waaxyaha Waxbarasho iyo Kobcinta Deeqaha Waxbarasho.

 

2. Haddaba horumarka xawliga ku socda ee wasaaradu ku talaabsatay koma soo

koobi karno halkan waxaadse ka dheehan kartaan sanadihii 2003 ilaa 2006

waxqabdkoodii Guulaha ay Xukuumadu ka gaadhay waxbarashada waa sidan:

 

- Tirada Dugsiyada H/Dhexe ee JSL waa 516 dugsi

 

- Tirada guud ee Ardayda Dugsiyada H/Dhexe waa 131,279.

 

- Tirada Ardayda dalka ee Dugsiyada Sare waa 13,369

 

- Tirada korodhay waa boqokiiba 56%

 

- Tababarradda Macallimiinta:

a) 3,518 Macalin ayaa dugsiyasda Aasaasiga ah wax ka dhiga. waxaana lagu

tabobaray dhammaan buugta Manhajka Cusub ee Dugsiyada Aasaasiga ah ee (1-8)

 

b) 150 macalin oo ka mid ah, waxa Wasaaradu siisay tabobar horaad (Pre-service)

2 sano ah oo ku qaateen Hargaysa oo ah heer Diploma.

 

c) 124 macalin oo Dalka laga soo xulay waxay 2 sano tabobar ku qaateen Camuud.

Dusiyada Sarena ka dhigidoonaan.

 

d) Waxa Kuliyada/Jaamacadda ka soo qalin jabiyey waa kuwan:

 

- Jaamacadda Camuud 142 diploma, 55 digree.

 

- Tabarka Macllimiinta Primary Per-service 150

 

- Tababrada Macllimiinta Jaamacadaha Hargaysa & Burco (36 hablo ah)

 

- Waxa Xusid mudan in Deeqaha Waxbarasho oo heer Jamicadeed ah ay Xukuumadu

uga heshay Dalalka ay ka mid yihiin:

Ethiopia, Sudaan, Yemen, Ugandha, UK, Kenya iyo Dalka Masaarida. Oo maanta

mid walba ay inoogu jiraan ardaydeenii.

 

- Waxa la sameeyey Guddida Imtixaanka ee heer Qaran

( National Exmination Board).

 

- Iyadoo la kaashanaysa Hay’adaha Samofalka waxay Wasaaradu dalka ka

hirgalisay Xarumo Quudineed oo tiradoodu dhan tahay 150 Dugsi iskuguna jira kuwa

dhaqan galay kuwa hadda hirgalintoodu socoto iyo kuwa qorshaha dhaw ku jira kuna

filiqsan dhammaan dugsiyada JSL.

 

- Waxqabadkii Wasaaradda Waxbarashada ee garabka Waxbarashada dadban ee

2003-2006 (Non Formal Education).

 

- Waxbarashada Caruurta Reer Guuraaga iyo Deegaanada aan tooska u gaadhin

(ABE Program).

 

- Si lo gaadhsiiyo waxbarasho ubadka Reer Guuraaga, Beeralayd.

Xoola-dhaqatada iyo Bulshada Xeebaha ee aanay gaadhin waxay ka hirgalisay

deeganaadaasi 34 dugsi.

 

II. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay qabatay

 

Wasaaradu waxay ummada uga masuul tahay Nabad-galyadda iyo hagida toosan ee

siyaasadda arrimaha gudaha.

 

- Si loo sugo nabada iyo Xasiloonida waxay Wasaaraddu hawl-galisay kumanaan

ciidanka Booliska ah.

 

- Waxay joogtaysay tabobarka Ciidanka Booliska.

 

- Sii wadida Mashaariicada ka hortaga iyo la Dagaalanka Argagixisada gudaha

iyo tan Caalamiga ahba.

 

- Diiwaan-galinta hubka fudud

 

- Waxay hirgalisay inay bixiso Magaha dhimasho iyo dhaawac wixii ku yimaada

hawlgalka Ciidanka Booliska. Waxa laga rabay inay bixiso 2006kii Sl.Shs

413,000,000/= iyadoo ay kala fogaayeen waxay haysay iyo waxa laga rabay. Wasaaraddu

iyadoo mudaanta u kala siisay sida u kala horeeyeen.

 

- Degmooyinka dalka waxay ka fulisay mashaariic badan iyadoo la kaashanaysa

Dawlada Dhexe iyo Hay’adaha Caalamiga ahba dhismayaal: Cusub iyo kuwo dayactir

ahba. Sida Rugo Boolis, Caafimaad Ceelal Biyood Wadooyin iyo

dugsiiyaba leh.

 

- Wasaaraddu waxay Safar ugu kicitimeen Dalka Ethiopia waxaanay heshiisyo la

soo galeen Dawlada Ethiopia waxaany ku heshiiyeen qodobadan:

 

a) In Ethiopia siiso Ciidanka Booliska Somaliland Deeqo waxbarasho

Booliis-nimo. Kooxdii u horaysayna ay tageen bishan horaanteedii.

 

b) In Ethiopia inoo soo dirto tabobaryaal Ciidankeena gudaha Dalka ku

siiya tabobaro kala duwan.

 

c) In Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somaliland ay ka wada shaqeeyaan

arrimaha nabad-galyadda Xuduudaha labada Dal.

 

III. Wasaaradda Mac & Biyaha

 

Wasaaraddu waxay u xilsaarantahay (Mandate)

 

- U fidinta Bulshada Somaliland biyo ku filan oo ka fayaw cudurada biyaha ka

dhasha oo dhaqaale ahaana la awoodi karo iibsigooda.

 

- Sahaminta iyo soo saarida khayraadka macdanta si loola dagaalmo faqriga,

dhaqaalaha dalkana kor loogu qaado.

 

- Sahaminta iyo soo saarista khayraadka batroolka iyo dhuxul-dhagaxda si loo

sugo istaraatajiyadda mustaqbalka ee qaranka oo ah madaxbanaanida dhinaca

dhaqaalaha.

 

- Heerka Biyaha Magaalooyinka:

 

a) Biyaha magaalooyinku waxay leeyihiin mudnaanta ugu horaysa, waxa

laga qabtay waxaabo farabadan meel fiicana way marayaan laakiin ma dhawa mana fududa

baahida biyaha Magaalooyinka in la daboolaa.

 

b) Magaalooyinka Aduunka heerka ugu yar ee la rabo in uu qof kastaa

helo waxa weeyi 33.3 Litir qof walba maalintii (lowest urban standard), Markaa

dalkeena la eego taasi suurto-gal-maaha inagoo ku jirna dalalka biyuhu aad ka ugu

yar yihiin. Iyadoo Wasaaradu taasi ka duulaysa waxay bartil-maameed ka dhigteen inay

magaalooyin-keena qofkiiba helo 20 litir maalintii. Hada wakhtigan

xaadirka ah isku cel-celiska xadiga ay helaan waa 14-16 litirs maalintii qofkiiba.

 

c) Biyaha Miyiga:

 

Dhibaatada ugu wayn waxay ka haysataa dadka reer miyiga ah dhinaca biyaha waxa

jiri-jiray dalka:

 

129 Ceel oo riig oo baddan-kooda loo adeegsado Miyiga 60% dib ayaa loo hagaajiyey,

30% waxay u baahan yihiin in la badelo. 10% waxay u baahan yihiin dib u hagaajin.

 

d) Waxa kale oo jira ceelal kale oo farobadan oo iyaguna hal-bawle u

ah Tuulooyin iyo Deegaano dalkaahba.

 

Hadaba, Xukuumadu way ku darsatay qorshaha wax qabad mustaqbalka dhaw iyo ka fogba

si wax looga qabto dhibaatada Biyaha dadka ka haysta miyi iyo magaalo.

 

Dhinaca waxqabadka Batroolka:

 

Wasaaraddu waxay heshiisyo bilawo ah dhinaca sahanka batroolka kala xaajootay

shirkaddo Caalami ah waxay dabo-gal iyo hubin ku samaysay heshiisyaddii socday.

 

Waxay Wasaaraddu ku talo-jirtaa in la sii wado lana gabo-gabeeyo hawlaha la

xidhiidha baadhista iyo horumarinta baatroolka ee heshiisyadooda la bilaabay

sanadihii hore.

 

Dhinaca Tabobarada & Shirarka Dibadaha ee Baatroolka:

 

- 2005 & 2006 Waxay Wasaaraddu ka qayb-gashay shirkii AAPG ee sanadlaha

ahaa ee America lagu qabtay

 

- 2006 kii ka dhacay Australia

- 2007 waxa u qorshaysan in ay ka qayb-galaan mid ka dhici-doona Dalka

Talyaaniga.

 

IV. Wasaaradda Caafimaadka:

 

Wasaaradu waxay ummada ugu xilsaarantahay daryeelka Caafimaadinta yar iyo waynba. Ka

hortaga cudurada faafa, iyo kuwa aan faafinba.

 

Waxaaradu waxay dhammaan gobolada iyo Degmooyinka ka dhistay iyadoo la kaashanaysa

Dawlada dhexe iyo Hay’adaha Caalamiga ahba dhismayaal sida Rugo Caafimaad. MCH iyo

gobo Caafimaad iyo shaybaadho.

 

Waxay kaloo fulisay siminaaro wax ku ool ah, qaar tabobaro iyo qaar waxbarasho taam

ahba sida Kalkaaliyeyaasha, Dhakhaatiir.

Waxa Wasaaradu ku dedaashay inay dibadaha uga hesho deeq waxbarasho.

Siyaasadda Arrimaha dibada:

Waxaan kaloo dulmar ku samaynayaa Siyaasadda Arrimaha Dibada meesha ay marayso.

Waxaad ogtihiin sanadihii u dambeeyey ay Xukuumadu dedaal aan kala go’lahayn ka

waday Afrika iyo Urub iyadoo awoodeena dhaqaale ay xadidnayd, haddana waxaan

isleeyahay guulo badan ayaa laga soo hooyey oo aad markhaati ka wada tihiin.

 

Waxa ugu dambeeyey Safarkii Axsaabta Qaranka iyo Wakiiladu ay ku soo mareen Dalalka

Afrika kuwaasi oo iyakuna qayb ka ahaa in qadyadeena gaadhsiino Walaalaheena Afrika

iyaka oo xoojiyey dedaalka awalba Xukuumadu waday, talooyin badana oo ay keeneen aan

tixgalin siin-doono.

 

Dedaalka siyaasadda waxa inoo barbar-yaala sidaan horeba u balan-qaaday in aan

raadino maal-galinta Shisheeye kuwaasi oo natiijada ka soo baxday aad Insha Allaahu

dhawaan indhihiina ku arki-doontaan waxna ka bilaabmi-doonaan.

 

Waxa Baryahan dambe Magaalada Hargaysa gaar ahaan ka dhaca qaraxyo aan dhibaato

gaysan. Waxaan u arkaa falakan dadka ku kacaayay inay yihiin cadawga kowaad ee

Somaliland.

 

Sidaa darteed, muwaadiniinta Somaliland waxaan ku baraarujinayaa inay Ciidanka

Aminga gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa daka arimahaan ku kacaaya. Waa

dad ku talojira in ay nabadii aanu u soo marnay wadada dheer wiiqaya oo dhabarka

ka jabinaaya una adeegaya cadawga Somaliland khatarna ku yihiin jiritaankeena,

 

Rag iyo dumar waxaan ku boorinayaa inay soo sheegaan cidda ay ku tuhmaan waxaasi.

Hanna la ogaado inay yihiin Cadaw halis ku ah jiritaankeena.

 

Aduunka manta aynu ku nool nahay hadii aan milicsano gaar ahaan mandaqadeena waxa ku

jira dhibaatooyin baahsan oo nabad-galyo-daro.

 

Sidaa darteed, Shacbi iyo Xukuumadba waxa ingu waajib ah in aan feejignaano,

xoojinona midnimadeena iyo wada-jirkeena. Sababtoo dalka ay jaarka nahay meelaha

dagaaladu ka jrinaa waxa inagaga iman kara kuwo nabad la socda oo caadi ah iyo kuwo

ku soo dhuunta oo nabadeena wax yeeli kara. Sidaa darteed waa in la feejinaadaa.

 

Arinta Beriga Somaliland, waatii ay tageen Wafdigii uu hogaaminaayey

Madaxwayne-Ku-Xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanay keeneen taloyin

wakhatiga dhaw iyo wakhti fogba wax lagaga qaban karo. Waxaanay Xukuumadu u

xilsaridoontaa cid ku sugnaata jiidaas oo isku dubarid hawlahaas lagaga

mido-dhalinaayo.

 

Waxa fooda inagu soo haya Doorshooyinkii labaad ee geedi socodka Diimoqraadiyadeena

curdinka ah.

 

Sidaa darteed, Golaha Wakiiladda JSL waxaan si qadarin leh ugu boorinayaa in sida

ugu dhakhso badan ugu dhammaystiraan ansixinta Komishanka Qaranka oo soo

dhammaystirmay si ay u dardar-galiyaan hawl-galkooda iyadoo mudo dhawr bilood ah

inaga luntay, wakhtiguna inagu gaaban-yahay. Si aan wakhti dambe inooga lumin.

Wakhti ku filan diiwaan-galinta Cod-bixiyeyaasha loo helo.

 

Guud ahaan Ummadda Reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa guddo iyo dibadba in aan

u midawno qadyadeena , khliaafka iyo naqdinga aan waxba inoo tarayn aan iska dayno.

Sababtoo ah dagaalka horteena yaala aynu cuddud midnimo aan kaga gudbayno.

 

Waxaan halkan mahad u soo jeedinayaa Baarlamaanka Afrika ee Dalkeena u yimid

taageerada qadyadeena sidii Baarlamaanka Kenya iyo kan Ghaana ee maanta inagala

qaybgalaaya Xafladeena qaaliga ah.

 

Waxan kaloo u mahad-naqayaa Beesha Caalamakam Afrika, Urub America iyo

Aqoon-yahanada ku kala firidhsan Aduunyada ee taageera qadyadeena.

 

Waxaan Ummadda u jeedinyaa baaq midnimo iyo wada jir aan danaheena meel uga soo wada

jeedsano.

 

Waxaan Illaahay ka baryayaa in Sanadkan Sanadkiisa ku gaadhno nabad, horumar iyo

qaranimo buuxda oo taam ah

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuska 18 May Oo Maanta Boorama Si Wayn Looga Xusay

 

Boorama-(QARAN)-Fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Boorama ayaa saaka waxaa lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayey sanad guuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii S/land ay la soo noqotay madax banaanideeda, waxaa halkaas saaka isugu soo baxay dadwayne fara badan oo ay hor kacayeen maamulka G/Awdal iyo kan Degmada labaduba waxaana, meeshaas ciyaar gaado ka ciyaar ah ku soo bandhigay Ciidamada Qaranka S/land iyo Booliska taas oo dadwaynihii kumayaalka ahaa ee daawanayey ay aad uga heleen. Kaada ka ciyaarka ka dib waxaa halkaas hadlo ku aadan maalinkaas ka soo jeedyiyey halkaas gudoomiyaha G/Awdal Max'uud C/laahi Cige isaga oo aad uga waramay muhiimada aya maalinkaasi ay leedahay,

 

Waxaa kale oo isana halkaas ka hadlay Gudoomiyaha waxabarashada G/Awdal Prof. Daahir Max'uud Xaddi oo hadal aad u qiimo badan ka jeediyey aadna dadka ugu booriyey qiimaha maalinkan.

 

Waxaa kale oo halkaas hadal kooban ka jeediyey duqa demada Boorama C/raxmaan Shide Bille oo aad uga mahad celiyey sida ay reer Boorama uga soo qayb galeen isla markaana ay u muujiyeen dareenkooda wadanimo ee ku beegan maalinkan. Waxaase aad loola wada yaabay markii makarfoonka lagu soo dhaweeyey mid ka mid ah suldaamada beelaha reer Boorama ay dadka qaarkood ku qayliyeen iyaga oo muujinaya in ay diidan yihiin isla markaana uu madasha ka cadhooday oo uu ka kacay suldaan kale oo ay isku khilaafsan yihiin hogaanka beesha, taasina ay ka dhigi gaadhay goobtii fagaaraha meel fawdho ah oo buuq ah.

 

16sawird289651ct4.jpg

 

16sawira285f82vt2.jpg

 

16sawir28559fhy0.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hindiya oo kolkii u horaysay laga xusay 18-ka May

 

xafladahindiyanp4.jpg

 

 

Malintii shalay waxay ku beegnayd 16 guuradii lasoo noqoshdii madax banaanida Somaliland

 

Hadaba waxa ka dhacdey dalka India xaflad aaad u baladhan oo ay soo qaban qaabiyeen ardeyda reer somaliland talkasi wax ka barta waa markii kowaad e abid laga xuso sanad guurooyinka somaliland dalka India oo ay ardey badani wax ka bartaan

 

Ugu horyn waxa xaflada furay oo isla markaana daadihinayay c/rasaaq muuse cali faruur

 

Waxnuu ku soo dhaweeyay xaflada ardaydii iyo marti sharaf kaloo ka soo qay gashay kuwaaso isagu jiray rag iyo dumarba mahadnaqaas iyo soo dhawentaas kadib waxa aayado quraanka kariimka ah ka akhriyaya sheekh ismaciil maxamed magan

 

Intas ka dib waxa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha gudida qaban qabada xaflada mr maxmuud x muuse jaamac

 

Waxuu gudoomiyuu ugu horaynba u hanbalyeeyay dhaam shacbiga somaliland meelkastoo ay joogaan islamarkasna waxuu xusay inay tahay xafladani tii koowaad lakin insha allah ayuu yidhi noqonmayso tii ugu danbeysay isagoo ardeydana kula dardaarmay inay sanad walba soo bandhigaan xafladni oo kale

 

Intas ka dibna waxa loo yeedhay arday ku hadlayay magaca gud/xigeenka mr yasiin maxamed cabdilaahi

 

Oo isna hadalo soo dhaweyn iyo hanbalyo ah halkaas ka jeediyay.

 

Itaas kadibna waxa mashraxa yimi abwaanka weyn ee caanka ah abwaan -- maxamed cali cartan haldeeq

 

Waxa intii anu soo gadhinba mashraxa laysku daray sacab iyo qaylo waayo waa nin dadku aad u xiiseeyaan isla markana murti badanleh

 

Waxanu halkasi ka soo jeediyay gabay aad u qiimo badnaa qiira sarena lahaa

 

Intaas ka dib waxa mashraxa yimi mudane cadnaan cabdi yasiin oo kamid ahaa gudida qabanqabada waxnu halkaas ka soo jeediyay hadal dheer oo ku saabsan munaasibada iyo siday ku timi taariihdani 18 may goortey ahayd iyo goobtii lagaga dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanidana isagoo xusay mudane cadnaan in inbadanoo kamida ardeyda reer somliland ee halkani joogtaa goortaas anay lahaynba garad hadanabu yidhii tariikhdu ay tahay ta wax kastba ina barta iyadu waxuu kula dardarmay ardeyda inay sii wadaan xafladaha lagu xuso somliland dhamaantood

 

Waxa kaloo aan dhinaca kalee ka maqnayn xaflada oo dhex socotay damshaadka iyo farxada xaga fanka iyo suuganta

 

Waxa heeso aad u qiira badnaa oo lagu amanayay calanka somaliland soo bandhigay ardey kamida ardeyda india, maxamed cabdi caydiid Tima cade

 

Heestan oo qiira badan lahyd waxa isla kacdey meeshii isla markaasna aad loogu farxay.

 

Waxa kaloo heeso badanoo oon tani ka dhicin isna daadihinayay ardey kale mr maxamed cabdi maxamed farxaan

 

Waxa kaloo isna halkasi qudbad aad u qiima badani ka soo jeediyay mudane mustafe maxamuud Ordaaye

 

Qudabadiisanoo ahayd mid muhiima oo uu kaga hadlayay muhiimada aqoonta iyo waxa halkani loo yimi madama layahay ardey waxuu mustafe ugu danbayntii kula dardaarmay ardeyda inaanay iska dayicin wakhtigooda oo any net kulimin ee ay ogadaan inayna in badanoo waladood ah amba ilmaderadoodi helin fursadin qaliga ah e waxbarasho islamarkaana ay ka faiidaysataan cilmiga badanee wadankani yaala waxuuna sheegay inaanu cilmigu dhamaan ee markastba lagaga bahanyahay inaad sii wadid oo sii korodhsato si aad naftada iyo nafaha kaleba ugu anfacdid.

 

Intaaska dibna waxa sii socotay xafladii iyo damashaadkii iyo hambalyooyinkii laysgu hanbalyaynayay waxan intaas ka dib lagalay hoolkii cuntada oo loogu diyaariyay ardeyda iyo marti sharafta kalaba casho sharaf.

 

Hadaba guud ahaan xafladni oo ahayd tii koowaad ee noceeda ah ee abid ka dhacda dalkani India waxay ahayd guudahaan mid si heer sare ah loo soo agaasimay aadna u quruxbadnayd inkastoo oo ay ahyd tii koowad ee halkini abid lagu qabto hadana aad ayay u wacnayd una qurux badnay sida fiican ee loo soo agaasimay waxay ku soo dhamaatey farxad iyo qiiro iyagoo ardeydu markasta sii jeclaysanayay in la sii wado hadana wakhtiga samixi wayay waxanay bilaabantey lixdii habeenimo ilaa 12 habeenimo ayayna socotay waxanay ku dhamatey jawi aad u quruxbadnaa faradna ka muuqatey badni waxa ka soo qaybgalay in ka badan 300 oo ardey oo reer somaliland ah oo wax ka barta dalkan India iyo ardey kaloo reer Djiibouti ah oo iyagu marti sharaf ahaa

 

Xafladani waxa soo agaasimay ardeydani hoose ku qoran

 

1- C/risaaq muuse cali faruur

 

2- C/qani cabdilahi maxamuud

 

3- Maxmuud x.muuse jaamac

 

4-maxamed cabdi caydiid timo cade

 

5-cadnaan cabdi yaasiin

 

6-mustafe maxamuud Ordeye

 

7- mustafe Haruun Jama

 

8-ILyaas aw ciise jamac

 

9-Maxamed cabdi maxamed Farxaan

 

10-Saleeban cabdi (salo)

 

speacial thanks

 

Dhamaan intii nagala qayb qadatey gaar ahaan dhalinyaradii reer Hyderabad

 

 

qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

Puntland, Somaliland. These people should be ashamed of themselves. The only people they are serving is their master in Ethiopia. They are all owned and shameful.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this