Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Askartii ugu horeeysay ee Itoobiyaana oo isu dhiibay

Recommended Posts

24 Askari oo Itoobiyaana ayaa isu dhiibay Xoogaga Kacdoonka Muqdisho kadib markii la bam gareeynayay 18 saacadood oo is daba jooga.

 

Itoobiyaankaas isi soo dhiibay ayaa ka mid ah 234 Askar Itoobiyaana oo ka dagaalamayay tan iyo shalay Istaadiyuum Muqdisho iyo Xarunta Xisbigga

 

Culumadda ayaa ku baaqday inaan la dilin Askartaas oo hubka laga qaato,lana xiro si gorgortan loogu galo.

 

Inkastoo ay la yaab noqotay Askari Itoobiyaana oo is dhiibay hadana waxaa arrimahaas lala xiriirinayaa iyagoo gaajo iyo oon ugu asqoobay Isbartiibada oo ay maalintii labaad ku godoonsanaayeen.waxayse Askartaas isi soo dhiibtay sheegeen inay jiraan kuwa kale gacantooda isku dilay.

 

Ciidamadda Itoobiyaanka ee ku jira Isbartiibada ayaa calama cad cad ka taagay Xarunta Xisbigga waxayna ku baaqeen in la siiyo wado ay si amaana ugu gudbaan dhinaca Madaxtooyadda hasse yeeshee waxaa taas ka biyo diiday xoogaga Muqdisho iyagoo ugu baaqay inay hubka dhigaan Itoobiyaanka.

 

Goobaha ganacsigga Muqdisho ayaa guud ahaan la xiray ,waxayna dadka u wada dareereen dagaalka si ay kaga qayb qaataan.

 

Guud ahaan waxaa degan goobihii dagaalada ka dhaceen shalay iyo manta waxaana dagaalka wajahay Madaxtooyadda ,iyadoo xoogaga Muqdisho ay haatan ka dagaalamayaan meel ku dhaw Isguulka 15May halka qaar kalana ay ku sii siqayaan dhinaca Otto Otto oo ku dhaw Madaxtooyada.

 

Ciidamadda Ugandheeyska ayaa la wareegay amaanka Madaxweyne Yusuf iyadoo la hadal hayo inuu dalbaday in laga saaro Magaaladda oo diyaarad deg dega loo dalbo.

 

Waxaa aad u adag sida ay diyaarad ku soo geli karto hawadda Muqdisho marka laga qiyaas qaato nuuca gantaalkii lagu dhiftay mid ka mida diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo duqeyn dhinaca cirkaa manta ka waday agagaarka geed jacayl Muqdisho.

 

Xoogaga Muqdisho qaar ka mida ayaa lagu qoray inay wajahaan dhinaca Shibis oo uu ku jiro Madaxweyne Yusuf laakiin wali wax dagaala kama dhicin degaankaas.

 

Abaanduulka Xoogaga Muqdisho ayaa ku hanjabay in Cabdilahi Yusuf uu mari doono wadadii uu Maray Madaxweynahii Laybeeriya Mr Somuel Doe.

 

Hogaamiyihii Leberia waxaa lagu jiid jiiday Wadooyinka Caasimadda dalkaas ee Manravio kadib markii ay kacdoonka Muqdisho mid la mida ku sameeyeen xoogag uu horkacayay Mr Charles Prinson,waloow libintaa la siiyay Charles Taylor.

 

Hogaamiye Somuel Doe wuxuu ahaa kaligii taliye madax adag oo xasuuq badan ka geeystay Leberia ,wuxuuse ku aakhirsaday in telefishinada Caalamka laga sii daayo isagoo Caruur iyo Haween ay cad cad u jar jarayaan oo meeydkiisa la jiid jiidayo wadooyinka.

 

Lama ogga guusha dhanka ay raaci doonto hasse yeeshee dagaalka waa uu sii xoogeeysanayaan waxaana soconaya mid fool ka fool ah.

 

Wariyaashii Waagacusub ee ay xalay qabsadeen Itoobiyaanka ayaa la soo daayay iyaga iyo gaarigii ay wateen,waxayna sheegeen inaan wax jirdila lagu sameeyn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kadib markii dagaal xalay saqbadhkii ilaa maanta ka soconayey garoonka weyn ee studyow muqdisho oo ay ku jiraan ciidamada xukuumada Ethiopia oo lagu sheegay inay labo urur yihiin lagu go,doomiyey islamarkaana dagaal faraha lagaga gubtay hareeraha lagala galay ayaa waxay nafla caarigii taageen calan cad oo nabada iyagoo sida loo malaynayo ay rasaastii iyo agagabkii kaleba ay ka go,een.

 

 

 

 

 

Ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan garoonka studyow muqdisho ayaa laga taagan yahay iridaha waaweyn ee soo gala garoonka taasoo ay iminka ku socoto rasaas teel teel ah

 

 

 

 

 

Waxaa isa soo taraya gurmadka ciidamada xukuumada Ethiopia oo doonaya inay garab siiyaan ciidamada ku go,doonsan stadyow muqdisho iyadoo ciidamo gurmad ahaa ee kusoo fool lahaa halkaasi loo galay deegaanka xararyaale ee degmada wardhiigley halkaasoo xoogaga kacdoonka wada ee sida weyn uga soo hor jeeda ciidamada shisheeye ay dagaal fooda isku dareen deegaanka xararyaale islamrkaana dagaal laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu weli ka soconayo halkaasi .

 

 

 

 

 

Rasaasta BM-ka iyo taangiga ayaa kusoo dhacaya meelo kamida suuqa weyn ee bakaaraha lama oga ilaa iyo iminka khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladan ka soconayo caasimada waloow uu meydka iyo dhaawacu uu buux haafiyey isbitaalada ,iyo meelo kamida xaafadaha oo lagu arkaayey meyd lagu daad guraynayo .

 

 

 

 

 

Dhinaca kale ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa six un ugu hoobtay dagaaladan sida xowliga ah uga soconaya magaalada caasimada ee muqdisho ,wadooyinka wershedaha agagaarka studyow muqdisho ,iyo meelo kaleba waxaad ku arkaysaa meydka askarta cidanka Ethiopia oo wadooyinka daadsan.

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa gurmadka dagaalka ka qayb qaatay mid kamida diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka ee Ethiopia iyadoo gantaalo la beegsatay xaafada wardhiigley ,howl-wadaag ,agagaarka suuqa weyn ee bakaaraha iyo meelo kale islamarkaana halkaas dhabarka lagala helay rasaasta lidka diyaaradaha ee ka dhaca qoriga zuu-ga taasoo kusoo dhacday suuqa weyn ee degmada wadajir .

 

 

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan u dhexeeya xoogaga kacdoonka wada iyo ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa marba marka kasii dambaysa kasii daraya taasoo laga dareemayo inay sii wiiqmayso xoogii ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan magaalada muqdisho .

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by xox ogaal:

Waxayse Askartaas isi soo dhiibtay sheegeen inay jiraan kuwa kale gacantooda isku dilay.

Hmmm, I didn't know it was in Xabash culture to commit suicide?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Well now it's, probably they have never been scared the living day right out of them as they have been in Xamar, welcome to Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this