Sign in to follow this  
me

Secret talks between C/lahi Yusuf and Riyaale

Recommended Posts

me   

Nairobi,13 Jun,2006:Warar aan ka helay ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Nairobi oo naga codsaday inaan la magacaabin ayaa noo xaqiijiyey inay jiraan kulamo gooni gooni ah oo ay shalay yeesheen madaxda dawlada kumeelgaadhka ah iyo madaxweynaha dawlada Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin.

 

Magaalada Nairobi ayaa waxa hada ku sugan badanaa madaxda Soomaaliyeed,oo ay ka mid yihiin madaxweynaha dawlada Soomaaliya Mudane Cabdillahai Yuusuf Axmed,Ra'iisul wasaare Geedi,waxaa iyaguna dhinaca Somaliland ku sugan Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Cawil Cali Ducaale oo isagu ka soo horeeyey waftiga Riyaale oo shalay soo gaadhay Nairobi,kuwaas oo dhamaantood casuumado is daba jooga ka helay dawlada KENYA,iyo wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

 

Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada Somaliland oo shalay jaraa'idka Haatuf ee ka soo baxa magaalada Hargeysa siiyey waraysi dheer ayaa shaaca ka qaaday in uu og yahay wadahadalo u socda xukuumada Somaliland iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya oo uu gadhwadeenka u yahay Mudane Cabdillaahi Yuusuf.

 

" Waanu haynaa taa cadaynteeda inay fureen wada hadalkooda,, wada hadalkooduna wuu furan yahay, haatana wuu socdaa, wakhtiga loo baahdo arrintaas cadaynteeda waanu soo bandhigi doonaa, socdaalka Wasiirka maaliyaduna waxa uu la xidhiidhaa arrintaas. " ayuu yidhi Boqor Raabi isaga oo hoosta ka xariiqay inaan arintaas shaki ku jirin.

 

Wadahadaladana ayaa ku soo beegmay xili ay wadanka soomaaliya ka socdaan isbedelo xaga siyaasada ah,iyadoo ay soo baxeen awoodo aan horay loo filayn,kuwaas oo gacanta ku dhigay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa dawlada kumeelgaadhka ah ayaa labaduba beeniyey inay jiraan wada hadalo socda.

 

Laascaanod.com Nairobi,Kenya.

 

 

 

 

 

 

Laascaanod Online News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Me

 

there is some truth to that story although not how you put it and how you properly thinking, the whole crust of this conspiracy was started when the kenyans president proposed an idea which was to start mediatation between the courts and C/Y government, and Riyaale would host both parties in hargeisa, It seems riyaale refused this proposal out right and it died in its infancy.

 

 

that the story that has been going around in alot of places.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this