Sign in to follow this  
Juje

President Sharif Speaks on the Clashes in Mogadishu

Recommended Posts

Juje   

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dad dagaal xirfad ka dhigtay oo aan nabad iyo dowladnimo rabin oo aan shacab u tureynin ayaa ka dambeeya Dagaallada Muqdisho ka dhacaya”

 

madaxweyneshariif.jpg

 

Isniin, May 11, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladdiisa is-difaaci doonto kadib muddo dheer oo ay soo dulqaadaneysay.

Madaxweyne Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in in muddo ah ay Dowladda Soomaaliya soo dulqaadaneysay, intaasna ay weerarro ku hayeen sida uu hadalka u yiri dad xirfad ka dhigtay dagaallada, kuwaasi oo uu sheegay in aysan Nabad iyo Dowladnimo rabin.

“Dad dagaal xirfad ka dhigtay oo aan nabad iyo dowladnimo rabin oo aan shacab ka fekereynin ayaa ka dambeeya Dagaallada Muqdisho ka dhacaya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay ka xun yihiin in dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ay waxyeello ka soo gaartay dad aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayay waxa uu sheegay in iyadoo dalka ay ka baxeen Ciidamadii Shisheeye ee Itoobiyaanka ahaa, Dadka heshiiyeen,isla markaana ay Dowladda Soomaaliya go’aansatay in ay dalka ku xukunto Shareecada Islaamka ay is-weydiin mudan tahay sababta ay dagaallada u sii socdaan.

Mar la weydiiyay Madaxweynaha Soomaaliya in ay kooxaha ka soo horjeeda kala wareegay fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku gaabsaday in Ciidamada Dowladda si dhaqsi ah dib u habeyn loogu sameyn doono, lana arki doono waxqabadkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu qiray in Dowladdiisa looga baxay heshiis hordhac ah oo ay la gaartay kooxaha ka soo horjeeda, “Waxaa jirtay in Dowladda ay muddo dheer soo waday wada hadallo ay la geleysay kooxaha ka soo horjeeda, waxaana dhacday in dad ay dowladda heshiis hordhac ah la gaartay ay heshiiskii ka baxeen”ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif oo sheegay in taasi ay muujineyso in Dowladda Soomaaliya ay mar kasta u heellan tahay in ay heshiisyo la gaarto Kooxaha ka soo horjeeda.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay taageeraan Dowladda, “Waxa la taageerayo qof ma ahan ee waa Qarannimada Soomaaliya, waxaana hubanti ah in haddii aan la helin Qarannimo aanan la heleynin Nabad”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in dowladdiisa ay dadaal kasta u geleyso sidii xal loogu heli lahaa dagaallada ka dhacaya Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale madaxweynaha uu baaq u diray Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda, wuxuuna ugu baaqay in aysan ku qaldamin daadinta dhiigga dad muslimiin ah, “Dhalinyarada dagaalka kala soo horjeeda Dowladda oo la soo qalday waxaan leenahay haku qaldamina in aad daadisaan dhiigga qof muslim ah oo xaaraan idinka ah”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Ugu dambeyntiina, Shirka jaraa’id ee uu qabtay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo afar maalmood oo aanu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo intii ay dagaalladaas socdeenna lagula wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

That man is weak.

 

He has all the advantages to win the war, but he doesnt know how to exploit them.

 

How hard is it to get a legal/moral authorisation from the Culama (Fatwa) and then face his opponents with full power?

 

It is truelly amazing how one can talk this soft while his enemy is waging full-scale war and trickery/deception (Indha-Adde/Goobanle ).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by Meiji:

 

How hard is it to get a legal/moral authorisation from the Culama (Fatwa) and then face his opponents with full power?

 

Because even the Ulema who support him wouldn't have the nerve to authorise a war allowing amnisom to shell Somali muslims. EVEN IF THEY did( to their eternal shame) it wouldn't make the slightest difference, because he doesn't need Ulema. He needs men and arms.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Belial   

Sharif has lost his mind to dollars.

Whats in the proud to be called president when your citzens are mass starving?

 

We need chance we can belive in. Godane for prez!

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Dad dagaal xirfad ka dhigtay oo aan nabad iyo dowladnimo rabin oo aan shacab u tureynin ayaa ka dambeeya Dagaallada Muqdisho ka dhacaya”

 

How true. There is no excuse not to support Sh. Sharif.Unfortunately Somalis detest carrots and like sticks. It is time for the stick.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this