Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Can This be end of the road for Yey

Recommended Posts

Qorshaha cusub ee Maraykanka iyo Ethiopia isla dageen: Soo celinta dagaal oogayaashii dagaalka

Muqdisho (13 Apr 07), Tan iyo intii ay Maxkamadaha Islaamku la wareegeen gacan ku hayta dalka bishii June 2006 waxaa daaqada ka baxay dagaal oogayaashii dagaal ee Muqdisho iyada oo asbuucan ay dib ugu soo wada laabteen magaalada kadib markii ay Maraykanka isku af garteen.

 

Dagaal oogayaashan oo ah inta badan kuwii Muqdisho ayay waxay Maraykanku gudoomiye uga dhigeen Cismaan Caato waxayna gaadhsiiyeen magaalada Muqdisho. Waxay wataan lacag lagu qiyaasay midkiina 2 Malyuun oo Dollar oo ay gacanta ka bixisay Jendayi Frazer oo asbuucan booqasho dhuumasho ah ku tagtay Baydhabo. Jendayi ayaa la kulantay dhammaanba dagaal oogayaasha beesha ****** ee ku sugnaa Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsanaa isbahaysigii Sharka iyo Shaydaanka.

 

Ahmiyada loo soo nooleeyay Dagaal Oogayaasha

 

 

Dawlada Maraykanka iyo Ethiopia ayaa waxay isla arkeen in DFKM ahi ayna lahayn wax awood ah, wax taageero ahna ku lahayn Soomaalida, waxay arkeen in reer Muqdisho ayna marnaba ogolaanaynin DFKM oo ku marti qaaday Muqdisho arinkaasina uu sii fogeeyay shacabka reer Muqdisho.

 

Haddaba Maraykanka iyo Ethiopia waxay isla arkeen waxa kaliya oo midayn kara Soomaalidu maadaama uu yahay diintooda in midaas uun lagala diriro. DFKM ahi qayb ayay ka tahay dagaal oogayaasha iyo isbahaysigii Sharka iyo Shaydaanka laakiin gabi ahaanba waxba ma muqiinin karto. Kaalintan ayaa waxay u banaan tahay Dagaal oogayaashii reer Muqdisho oo inkasta oo ayna awood lahayn hadda laakiin leh khibrad dheer oo ay tii ay Xamar ugu kala qaybiyeen 20 zone ee aan isu gudbi karin. Dhinaca kale waxay leeyihiin Dagaal Oogayaasha Muqdisho wax uusan lahayn C/Laahi Yuusuf oo ah inay ku maxaabsadaan magaca ******.

 

Haddaba waxay Maraykanka iyo Ethiopianku la soo dhiseen Dagaal Oogayaasha qorshe ah inay isu dhigaamaan kaaba qabiilayaal. Inay marka hore beesha ka soo galaan dhinaca odayaasha haatan u dhaq-dhaqaaqa. Waxay dagaal oogayaashu ree Muqdisho isu tusi niman toobad keenay oo haatan ka shaqaynaya danta deegaanka iyaga oo doonaya inay Ethiopianka iyo malayshiyda reer Puntland ay ugu baaqi doonaan inay iskaga baxaan magaalada.

 

Arin aan farax galinin C/Laahi iyo Geedi

 

Abaabulidan cusub ee Isbahaysiga Shaydaanka ayaan lagala tashanin Geedi iyo Yuusuf. Waxaa kale oo sir la wada ogsoon yahay ahayd in dagaal oogayaashu ay ku xanibnaayeen magaalada Baydhabo iyaga oo dhammaanba lahaa waardiyayaal Xabashi ah oo aad ula socda dhaq-dhaqaaqooda. Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegaya in hanaankan uu ka danbeeyay C/Laahi Yuusuf oo markii hore ka raja qabay in burburkii ku yimid Maxaakimtu uu yahay fursadiisii madaxwaynanimo ee uu dalka ku qabsan lahaa. C/Laahi ayaa sheegay mar ay saxaafadu waydiisay inuu la hadli doono xoogagii Maxaakimta maalmihii hoobiyayaasha lagu tuurayay Villa Somaliya wuxuu yidhi " Ma jiraan cid lala hadlo oo mucaarad ah, dagaal oogayaashi Muqdisho waxaa ka adkaaday Maxaakimtii, iyagana anagaa ka adkaanay".

 

Haddaba markii uu odaygu isku dhuftay xisaabahan waxaa u soo baxday in Soomaaliyi ay hoos imaanayso maamulkiisa ay Xabashidu suldaanka u tahay.

 

Qorshahanu ma ka socon karaa Muqdisho

 

 

Dalka Soomaaliya oo ay siyaasadiisu is badashay badhtimihii sanadkii tagay darajo gaadhaysa 180 darajo (oo micnaheedu yahay inay siyaasada Soomaaliya xagga qaliinka isu rogtay) ayaa waxaan suura gal wayn ka ahayn inay soo noqdaan dagaal oogayaal tabar leh. Sida ay dadka reer Muqdisho uga soo horjeedaan ixtilaalka iyo Soomaalida la socota ayaa waxayba horaan usoo tufeen dagaal oogayaasha. Shacabka Muqdisho ayaa waxay dhadhamiyeen macaanka midnimada iyo nabada intii ay xoogaga Maxaakimta Islaamku ka talinayeen Muqdisho.

 

Dhinaca kale dagaalka Soomaaliya oo ay soo qaadeen xoogaga Masiixiga ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa waxay xasarada Soomaaliya ku biirisay kuwa caalamiga ah sida Afghanistan, Ciraaq, Falastiin iyo Lubnaan waxaana adag in xiisada Soomaaliya dagto mar danbe iyada oo aan qolo laga adkaanin ama islaamiyiinta ama Masiixiyiinta.

 

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in Maraykanka laftiisu uu si dhab ah u arkay in Soomaalidu ay ku heshiin karto Diintooda marka hadda ujeedadiisu ay tahay kaliya in la kala fogeeyo iyaga iyo waxa midaynaya. Si taasi u suurta gasho waa in xoogaga Islaamiyiintu ayna lug iyo laan isla helin oo kolba qorshe cusub meel lagaga furo.

 

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa iyaguna ogsoon in xukuumad uu Maraykanku taageeraa ayna ahayn saaxiibkood sidaa daraadeedna ayna isu dhiibi doonin xabsiyada ku gurta ama ku wareejisa dawlada Maraykanka.

 

KismaayoNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this