Sign in to follow this  
General Duke

Col A/Qaybdeed named Somali Police chief.

Recommended Posts

Cabdi Qeybdiid oo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

 

Cabdi Qeybdiid oo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qrybdiid, oo ahaa Hogaamiye kooxeed Hore ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

 

Magacaabistan, ayaa waxaa sameeyay ra'iisul wasaare cali maxamed Geedi intii lagu Gua jiray Kullankii ugu horeeyay ee Golaha wasiirada Dowladda KMG ah ee Somalia ay manta ku yeesheen xarunta nabad sugidda ee magaalada Muqdisho.

Jagada taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa horey u hayay oo laga qaaday general Cali xasan looyaan cali madoobe, oo isna uu Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi u magacaabay Inuu noqdo Safiirka Somalia u fadhin doona dalka Tanzania.

 

 

Cabdi Qeybdiid oo loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qrybdiid, oo ahaa Hogaamiye kooxeed Hore ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

 

Magacaabistan, ayaa waxaa sameeyay ra'iisul wasaare cali maxamed Geedi intii lagu Gua jiray Kullankii ugu horeeyay ee Golaha wasiirada Dowladda KMG ah ee Somalia ay manta ku yeesheen xarunta nabad sugidda ee magaalada Muqdisho.

Jagada taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa horey u hayay oo laga qaaday general Cali xasan looyaan cali madoobe, oo isna uu Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi u magacaabay Inuu noqdo Safiirka Somalia u fadhin doona dalka Tanzania.

 

Qeybdiid ayaa ahaa nin aad ugu dhow Dowladda KMG ah ee Somalia tan iyo Bartamihii sandii tagtay Xilligaaso oo magaalada Muqdisho ay dagaal uga saareen isaga iyo Hogaamiye kooxeedyada Kale Golaha maxkamadaha islaamiga soomaaliyeed.

 

Kullanka golaha wasiirada Dowladda KMG ah ee Somalia ay manta ku yeesheen Magaalada xarunta ah ee Muqdisho ayaa sidoo kale lagu magacaabay safiirada Somalia u fadhin doono qaar ka mid ah dalal ku yaalla qaaradda afrika iyo Bariga dhexe.

Sayid Axmed Sheekh Daahir oo ah nin aan sidaasi can uga ahayn ama uga dhex fir fircooneyn Masraxa`Siyaasadda Somalia, ayaa waxaa isna loo magacaabay inuu noqdo Safiirka Somalia ee dalka Uganda.

 

Ra'iisul wasaare Cali maxamed Geedi, ayaa sidoo kale u magacaabay Cabdi raxmaan Nuur maxamed Diinaari oo ahaa Afhayeenkii xukuumaddiisa inuu noqdo Danjiraha Somalia uga wakiilka noqon doona Dalka Syria.

 

Lama shaacin cidda beddeli doonta Diinaari si ay u qabato Xilka Afhayeennimo ee dowladda KMG ah ee Somalia wallow iminka uu si KMG ah howshaasi u wado nin Weriye hore ahaan jiray oo la yiraahdo Cabdullaahi Muxiyaddiin Maxamed Codka.

Tallaabadan magacaabista iyo isku shaandheynta isugu jirta ee Taliyayaasha ciidamada Iyo safiirada ayaa timid ayada oo sidoo kale ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu manta isku shaandheyn iyo shaqo ka eryin ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyihii ciidanka Booliiska DFKMG ah oo xilkii laga xayuubiyey, xilkaas oo....

 

Taliyihii ciidanka Booliiska DFKMG ah ee Soomaaliya Jen.Cali Max’ed Xasan (Cali Madoobey) ayaa laga xayuubiyey xilkii uu hayey, iyadoo aan la shaacin sababaha rasmiga ah ee keenay in xilka laga qaado.

 

Kulan ay magaalada Muqdisho maanta ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada DFKMG ah uuna shir gudoominayey Ra’isalwasaare Cali Max’eed Geedi ayaa lagu go’aamiyey in shaqada laga fariisiyo Jen.Cali Madoobey, waxaana jagadaasi loo magacaabey Col.Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka mid ahaa xubnihii Isbahaysigii la dagaalanka aragagixisada ee magaalada Muqdisiho sanadkii hore kula dagaalamey Maxkamidihii Islaamiga ee la wiiqay awoodii ay ku lahaayeen Koonfurta Soomaliya.

 

Jen.Cali Madoobey ayaa waxaa xilka laga qaadey loogu badaley oo laga dhigey Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Tanzaniya, sidoo kale Cali Max’ed Geedi ayaa isla maanta wuxuu magacaabey safiirada Soomaaliya u fadhin doona wadamada Suuriya iyo Ugandha.

 

C/raxmaan Nuur Max’ed Diinaari oo ahaa Afhayeenkii DFKMG ah ayaa loo magacaabey Safiirka Soomaaliya ee wadanka Suuriuya, halka Sayid Cali Axmed Sheekh loo magacaabey safiirka Soomaaliya ee dalka Ugandha.

 

Wareegtada uu ku magacaabey xilalkan ayaa Ra’isalwasaare Cali Max’ed Geedi wuxuu u gudbiyey xubnaha golaha wasiirada, iyagoo si buuxda u ansixiyey.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Solving the wrong problem, and with a wrong medicine yet.

 

You want peace and stability, find the good leaders of Islamic Courts and talk to them. Alternatively, put your head in the sand as it were and pretend that you are taking strides toward addressing this conflict…

 

Think about this: Qaybdiid is named for Somalia’s police chief and good Aweys is wanted for terrorism….

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'isul wasaare Geedi oo magacaabay taliyaha ciidanka Booliska soomaaliyeed iyo safiiro cusub isku dhaf golahiisa wasiirada

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 18/04/07

 

Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta magaacay taliyaha ciidanka boosika Soomaaliyeed iyo dhow safiiro oo loo magacaabay, waxaa kale oo uu isku dhafay golahiisa wasiirada.

 

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaare Cali Max'ed Ghedi ayaa lagu sheegay in isku shaandeyn lagu sameeyay wasiirada soo socoda

 

Wasiirka arimaha dibada oo uu ahaa Prof. Ismaciil Hurre Buubaa waxaa loo magaacay wasiirka waxbarashada

Wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka oo uu ahaa Xuseen Ceelaabe Faahiye waxaa loo magaacay wasiirka arimaha dibada

Cali C/laahi Cosoble ayaa loo magacaabay xilka wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka.

C/raxmaan Cabdi Waare oo laga qaaday xilkii wasiirka waxbarashada

Waxaa kale oo maanta la magacaabay taliyaha guud ee ciidanka booliska soomaaliya waxaana loo magacaabay Cabdi Xassan Cawaali (Qeebdiid)

 

Waxaa kale oo maanta la magacaabay dhowr safiiro waxaana ka mid ah:

 

Safiirka Soomaaliya ee Ugaandha Sayid Axmed Sheeh Daahir

Safiirka Soomaaliya ee Suuriya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari

Safiirka Soomaaliya ee Tanzaaniya Cali Xassan Loyan (Cali Madoobe)

Somaliweyn Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinfaniin, you are indeed confused its Nabadoon looter & not Sharif Ahmed who speaks for the clan millitia in Migadishu.

 

Thus even if the clan courts were given top positions people who hold looted properties would not be satisfied.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Both men are important players within their respective communities. I know for a fact Qaybdeed is a prominent player and a commander, but running the police force takes more than just mere clan influince. I wish him the best though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You have to admit Xog-ogaal ,, besides all these, now Abdiqaybdiid is the chief of the police, isn't that a smart move ??

 

 

Now, instead of again accusing Qaybdiid you better wish him a good luck and work with him.

 

I'm sure if tomorrow the TFG appoints Sh. Sharif as a minister, you will still be saying HE IS A TRAITOR ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this