Sign in to follow this  
General Duke

Support for the parliment decesion+cries of happless Sharif+other news

Recommended Posts

Taageero go'aankii xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ay ku ansixiyeen labada qodob ee taariikhiga noqday.

 

Anagoo ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaan tahniyad iyo taageeraba udiraynaa shirkii taariikhiga ahaa ee ay ku badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed May,11-2005 Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Shirkaas oo ahaa mid ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ku diirsadeen soona dhaweeyeen, maadaama uu ahaa mid lagu badbaadinayey shacabka Soomaaliyeed ee dawladanimada uhamuun qaba.

 

Labadii qodob ee ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliyeed ayaanu ku ayidaynaa sacab iyo farxad anagoo xubnahaasna usheegayna inay taariikhdu qori doonto badbaadintii ay dawlada ka badbaadiyeen kuwa ku riyoonaya inay dumiyaan mirihii ka dhashay shirkii labada sanno loo fadhiyey dalkaasi Kenya.

 

Waxaad na tusteen hadaanu nahay shacabka dawladnimada jecel wax aanu ku faraxno oo ah in aad rabtaan in aad dalka uguurtaan dhakhso iyo inaad shacabka hubaysan aad usaro kacdeen sidii hubkaas aad uga dhigi lahaydeen.

 

Waxaan idinku taageeraynaa maskax fayow oo ka fog nin jeclaysi, iyo dano gaaraba.

 

Waxaan idiin la taaganahay taageero dhan walba ah hadaanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dibada gaar ahaan kuwa jooga Minnesota, USA.

 

Waxaan hubnaa eebana ka rajaynaynaa in inta rabta nabada, kala danbaynta, horumarka iyo nidaamkii dawladnimo inay soo noqoto inay ku diirsatay go’aamadii golaha baarlamaanka iyo kuwa golaha wasiiradaba ee ah in dawladu hore usocoto oo dalka uguurto, dalkana la keeno ciidamo dawlada garab gala oo hubka la gura nabadana la suga dawlda sidii ay usal dhigan lahaydna kala shaeeya.

 

Waxaan hambalyo gaara udiraynaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo muujiyey wadaniyad iyo geesinimo kadib markuu ka dulqaaday shacabka Soomaaliyeed isbaardii ay shacabka udhigteen kuwa qaran dumiska ah.

 

Waxaan leenahay Prof: Maxamed Cumar Dalxa, waxaa ku xusi doonta taariikhda shacabkana waxaad ku leedahay abaal aan duugoobayn insha allaah waadna heli doontaa aduun iyo aakharaba.

 

Waxaan salaan iyo bogaadin markale usoo diraynaa dhamaan xubnaha baarlamaanka ee geeray go’aankaas wax ku oolka ah allahana idin la garab galo.

 

Waxaa halkan ku lifaaqan magacyada taageerayaasha go’aanka baarlamaanka ee maalintii taariikhiga noqotay May 11,2005:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah iyo wefti uu hoggaaminayey oo saaka u kicitimay Addis Ababa

Posted to the Web May 12, 13:37

 

 

Nairobi:-Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah iyo wefti uu horkacayo,ayna ka mid ahaayeen Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid iyo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamig ah C/risaaq Cismaan Xasan(Jurille) ayaa waxay saaka 9:00 Subaxnimo ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi,iyagoo ku sii jeeda Addis Ababa oo ah Caasumadda dalka Itoobiya.

 

Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo weftiga socdaalkiisa ku weheliya ayaa waxay halkaasi uga qaybgalin doonaan kulan Madaxda Afrika uga furmi doona,kaasoo arrrimaha looga hadli doona ay tahay xaaladda Soomaaliya,waxayna wararka hoose ee ka soo baxaya safarka Geedi tilmaamayaan in Ururka Midawga Afrika loo gudbin doono Go,aankii baarlamanku gaaray shalay si markaasi ogolaansho buuxda loo siiyo Ciidamada Afrika ee dalka soo gali doona.

 

Kulankaas oo qaadan doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu wadaa in Ra'iisal wasaare Geedi ay isarkaan Madaxda Dalka Itoobiya iyo Kuwa ka tirsan Afrika,waxayna isla soo qaadi doonaan arrimaha Soomaaliya.

 

Dhanka kale Warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxaya Xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan qaban doono beri subax shir jaraa'id oo ka dhici doona Grand Regency,isagoo ku dhawaaqi doona inay Xildhibaanadu Sabtida u socdaali doonaan Muqdisho,islamarkaasna kulankii 17kii bishaan baarlamaanku isugu imaan lahaa Mbagathi ka dhici doona Muqdisho.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo Sebtida Muqdisho ku soo fool leh

Nairobi

 

Sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa maalinta Sebtida ah magaalada Muqdisho soo gaari doona wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo, iyadoo wararka ka soo baxaya socdaalka Muqdisho ee guddoomiyaha baarlamaankuna sheegayaan in xildhibaanada uu soo hor-kici doono Shariifka tiradoodu in ay gaari doonaan ilaa 57 xildhibaan.

 

Socdaalka xubnahan ee Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha & ra'isul wasaaruhu ay abaabuleen shir aanu soo xaadirin guddoomiyaha baarlamaanka, iyagoo ku guuleystay in shirkaasi uu u guddoomiyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Prof. Max'ed Cumar Dalxa.

 

Wararka aanu ka heleyno Muqdisho & Nairobi ayaa sheegaya in laga yaabo marka wefdiga guddoomiyaha baarlamaanka & xildhibaanada la socda ay soo gaaraan Muqdisho oo ay horay ugu sugnaayeen xildhibaano ku dhow dhow 100, in la abaabulayo shir baarlamaanku ku yeesho Muqdisho, lagana soo saarayo qodobo xasaasi ah oo xilka lagaga qaadayo mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda, waxaase loo baahanayaan haddii ay noqoto xil ka qaadis in la helo xildhibaano gaaraya 184 xildhibaan (2/3)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Xildhibaano shir jaraa'id oo ay qabteen wax kama jiraan ku tilmaamay go'aankii ay shalay baarlamaanku gaareen

- Thursday, May 12, 2005 at 12:15

 

Nairobi(AllPuntland)-Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Chester House oo ku yaal magaalada Nairobi xildhibaano gaarayay ilaa 17 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Xildhibaanadaan ayaa wuxuu shirkooda jaraa'id ku saabsanaa diidmo ay diidan yhiin go'aankii ay shalay baarlamaanku ku ansixiyeen in dalka la keeno ciidammo ka socda dalalka Suudaan iyo Ugaandha iyo in dawladdu ku sii hakato magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo,taasoo ay ku tilmaameen wax kama jiraan.

 

Kulankii shalay ayay ku sheegeen inay ka qaybgaleen xildhibaano gaarayay ilaa 124 xubnood ,taasoo aan sharci ahayn fadhigoodu maadaama inta ugu yar ee uu fadhi baarlamaan ku ansixi karaa ay tahay bay yiraahdeen 139 xubnood.

 

Xildhibaanada shirka jaraa'id qabtay ayaa sheegay in fadhi aan caadi ahayn oo uu yeelanayo baarlamaanku marka madaxweynuhu dalbado uu isugu yeeri karo guddoomiyaha baarlamaanku sida ku cad bay ku yiraahdeen warsaxaafadeedkooda farqada 2aad ,qodobka 34aad ee Axdiga,sidaa darteedna fadhi caadi ah ayuu yeelan lahaa bishan May baarlamaanku markaana looma baahnayn codsi madaxweynuhu ku dalbado fadhi aan caadi ahayn ,iyadoo bay intaa raaciyeen cidda isugu yeeriraanka baarlamaanka xaqa u leh sida Axdigu qabo ay tahay guddoomiyaha.

 

Waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in guddoomiye ku xigeenka baarlamaanku uusan sharci u lahayn inuu guddoomiyo kulan baarlamaan iyadoo uu caafimaad qabo goobtana ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanku,sdiaa darteedna bay yiraahdeen go'aankii shalay lagu gaareey fadhigii baarlamaanka waa sharci darro iyo wax kama jiraan.

 

Waxayna beesha caalamka,golaha nabadda iyo ammaanka Afrika iyo Qarammada Midoobey ka codsadeen inaysan fadhigii shalay waxba ka soo qaadin ,haddii ay arrintaas iska dhegatiraan oo ciidammo u diraan Soomaaliyana waxay irdaha u furaysaa bay yiraahdeen wareeg cusub oo dagaallo sokeeye oo mar kale Soomaaliya ka dhaca,waxayna goobtaas ku faafiyeen magacyada xildhibaano gaaraya ilaa 100 xubnood oo ay ku sheegeen inay ku maqan yihiin meel dibedda ka ah magaalada Nairobi ,taasoo ay ku muujinayaan inaysan suurtoobi karin sida ay yiraahdeen kooramkii uu ku furmi lahaa fadhiga baarlamaanku.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

GOLAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MAANTA ANSAXIYEY IN CIIDAMO KA SOCDA SUUDAAN &UGANDA IYO IN DAWLADDU KUSII HAKATO MAGAALOOYINKA BAYDHABO &JOWHAR

 

Somaliweyn(Nairobi ,May 11 ,2005 )

 

Golaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya waxaay maanta Aqbaleen labo goáan oo dawladdu usoo gudbisay oo kala ahaa ciidamaad Soomaaliya la keenayo iyo Magaalooyinka dawladdu kusii hakanayso inta Caasimadda laga Nabadaynayo.

 

Ugu Horreyn Waxaa Golaha Baarlamaanku u codeeyeen in Wajiga koowaad ee hawlgalka Ciidamada IGAD aay ka koobnaadaan dalalka Suudaan iyo Uganda iyo in isla wajiga koowaad qaybtiisa kale aay ka soo qaybgalaan ciidamo ka tirsan IGAD iyagoo ka kaalmaynaya ciidamadaas dhanka saadka ,farsamada iyo iagoo tababar siinaya ciidamada xogga dalka Soomaaliya iyo booliska Soomaaliyeed waxaa mowshinkaan u codeeyey 145 xildhibaan .

 

Codkaas kaddib waxaa loo gudbay Mowshinkii labaad oo ahaa Magaalooyinka dawladda iyo Baarlamaanku ku hakandoonaan inta Muqdishow amnigeeda la sugayo waxaana baarlamaanku goáamiyey in lagu sii hakado magaalooyinka Baidhabo iyo Jowhar .qodobkaasna Golaha Baarlamaanku wuxuu ku ansaxiyey 141 cod .

 

 

Mudaanyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Maxamed Cumar Dhalxa, ayaa maanta fariistay ka dib markii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed uu isugu yeeray baarlamaanka.

Arrintani waxay ka dambaysay, markii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan, ay isku af garan waayeen taariikhda uu baarlamaanku fariisanayo.

Shirka maanta ee Golaha baarlamaanka waxaa Guddoominayey ,Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof . Maxamad Cumar Dalxa.

 

Intaan shirku furmin iyo gabagabadiisiiba waxaa khudbad ka jeediyey Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka in Goáankii dhacay 17kii Maarso in uu kaligiis goáan iska gaaray iyadoo Baarlamaanka dhexdiisa uu dagaal ka socdo ,wuxuu kale oo uu ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu diiday in uu u hoggaansamo goáankii 100 Xildhibaan oo doonayey in shir la qabto .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu iku tilmaamay mid sharci darro ah shirka Baarlamaanka oo maanta dhacay .

 

Xarunta Warbaahinta Somaliweyn /Gothenburg /Sweden

Somali Information Center Gothenburg/sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Have you just for once considered that all you quote and quoted in here are Media propaganda from Pukeland who are just as desperate as you are...warya wax isku fal oo isku xishow.

I remember how only yesteryear you were enthutiastic that Morgan will capture Kismayo for you ....and today you are once agin in the same excitement assuming that your adeero(note I mentioned one adeero---cause the other one I doubt whether he will stay in your wing once the first bullet is fired) will capture the whole of Somalia. Think again and think hard and for a minute contemplate the force you are up against and disregard the imaginary union that is in your mind..as the Swahili says 'Damu siyo maji'

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jamtutu I think everyone is aware of the BS propaganda generalka is flooding the forum with. I swear A/yusef and his fellow mahbars think they can outsmart anyone. Right after the "voting" :rolleyes: Gedi got on a plane striaght to AidsAbaba to tell the Tigres that the Somali parliment voted,that the ethiopians can go anywhere inside Somalia to "restore peace."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brother Abwan many thanks very much for the kind words, I dear say are you a new member :D ..

 

Somali Patriot are we still rescuing Ceel Waaq from the invaders or helping defend Somalia from Ethiopian incursion. Oh I beg your pardon I mistook you for the senior members of the JVA.

 

Juma and his losses, only last week the PM of Somalia was being welcomed to Mogadishu[even though the warlords snubbed] but the people came in theie thousands. Geedi proved that he is the type of leader we need, he stated clearly the government has a programm and it will not change it for anyone.

 

Anyhow lets do the maths again, 141 and 145 oh my I thought they where all in Xamar… Now that you lost the MP’s what’s left, the 40 or so technical’s , that will only be a mop up job. Pardon me but the Jackal has played his cards brilliantly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali Patriot are we still rescuing Ceel Waaq from the invaders or helping defend Somalia from Ethiopian incursion. Oh I beg your pardon I mistook you for the senior members of the JVA.

:confused: :confused:

 

 

What does Ceel-waaq or the senior members of the JVA have to do with this topic.

 

 

I see just like his adeer the lackey is lost and delusional. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ LOL The last time we spoke you was fighting Oromo, so I was just catching up. Now I guess you will defend the Somali's from the Amxara or whatever excuse your senior JVA group make to try and derial the peace process. Being the President's lacky is much better and rewarding than being Yusuf Inda Cade's tin can :D

 

Anyhow the topic is that the Parliment pushed through the measure necessery for the restoration of government. Its a good day indeed..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

I swear A/yusef and his fellow mahbars think they can outsmart anyone.

can u explain to us what mahbar means. was it some kind of insulting word to northeasterners? help me out here.

 

general duke, wlc back bro. SOL was kinda boring without ur presence. dadka qaarkood weeyba kibreen, when they realised ur outta town. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Brother Abwan many thanks very much for the kind words, I dear say are you a new member

You are welcome bro. I don't know how long one needs to be here in SOL in order not to be called new but I have been here over a year. I read your topics and comments before and we might have different opinions on the current Somali issues but I don't hate you for that. I just make dua for you, many of us here and Somalis in general just to quit the blind support towards the very same ignorant and selfish men who have destroyed our beautiful country and start working towards the future of the country.

 

Let us just unite again and forget about defending and opposing each others clannish politics or should I say approach. If some of us do not start that sort of positive thinking I am now beginning to think that there will only be Ex Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwan, thanks again for kind words and the duah. I respect any brother who made the above comments. However as I tend to state regularly in this forum. I am a blind support of the nation and of no single man. My support for the gtovernment is simple, I belive if given the chance it will bring a substantial change to the current situation. I see no alternative and do not buy the cries of the few warlords and their confused supporters. Somalia needs a government to take control, in my opinion and the worlds this is the greatest opportunity for us in 15 years. Alao its important people have different opinions and share them. SOL has given us the opportunity to exchange ideas...

 

Sky, lol thanks bro ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
hukri   

BASICS THAT IS WHAT IS NEEDED IN OUR COUNTRY

1-REALISTIC GOALS

2-COMMITMENT TO MAKE IT HAPPEN

3-ACTION PLAN + INFORMATION

4-THE RIGHT PEOPLE FOR THE JOB

5-ECONOMIC+ SOCIAL+ EDUCATION

 

AND NATION THAT IS READY TO HAVE A PEACEFULL COUNTRY .

 

I DON'T THINK WE DON'T HAVE ALL THOSE THINGS BUT WE NEED TO PUT FORWARD.

 

THANK YOU .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this