Sign in to follow this  
General Duke

New Somali PM Nur Cade [background of new PM ]

Recommended Posts

Nuur_cade.jpg

 

WAR DEG DEG: Madaxweyne Yuusuf oo Ra'iisul Wasaare u magacaabay Nuur Cadde

22. November 2007

 

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusud Axmed ayaa ku dhawaaqay mas'uulka noqonaya Ra'iisul Wasaaraha cusub kaasoo ah Md. Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde".

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa Dikreeto uu xafladda ka aqriyay waxaa uu ku sheegay in Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" uu yahay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka isagoo faray in mudo gaaban uu ku soo dhiso gole Wasaaradood mudo gaaban isla markaana ka samata bixiya shacabka Soomaaliyeed dhibaatada inta aysan dhamaan mudada dowladda u harsan tahay.

 

Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa u hambalyeeyay Md. Nuur Xasan Xuseen "Nuuu Cadde" wuxuuna u rajeeyay in uu howshiisa si daacad ah u guto.

 

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo dhamaan xubnaha gacanta ku siiyay iyo kuwii la tartamayey, wuxuuna balan qaaday in xilka loo magacaabay uu sida uu qabo Dastuurka uu u gudan doono.

 

Waxaa uu sheegay in marka hore mudnaanta uu siin doono dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo gargaarka bini'aadanimo, isagoo ka codsaday hey'addaha caalamiga iyo dalalka shisheeye in ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo loo magacaabey RW Cusub ee xukuumadda KMG ah ee Somalia

 

Mogadishu 22, Nov. 07 ( Sh.M.Network)-Madaxweynaha Somalia ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabey Rw-ha cusub ee DS Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, ka dib markii u wada tashiyo fara badan uu la yeeshey xubno ka tirsan aqoonyahano siyaasiyiin iyo odayaal dhaqamedyo.

 

Madaxweynaha Somalia ayaa maanta ka hor sheegey guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo ku xigeenadiisa in markii u uwada tashiyadii dhameeyey ay noqotey in RW uu u magacaabo Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.

 

Madashii uu madaxweynaha ugu dhawaaqey Rw Cusub ee dowladda Somalia oo aheyd xarunta madaxtooyada ee Baydhaba ayaa waxa sidoo kale goob joog ka ahaa ku simaha Rw Somalia Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo loo diidey xildhibaanada kale in ay goobta xaadir ka noqdaan.

 

Madaxweynaha Somalia ayaa waxa uu ka codsadey baarlamaanka Somalia in ay codka kalsoonida siiyaan xukumadda uu soo dhisi doono Nuur Cadde, oo uu madaxweynuhu tilmaamey in ay noqon doonto mid adag oo waqti kooban heysata.

 

RW cusub ee dowladda Somalia Nuur Cadde oo isna hadal kooban sheegey ka dib markii la magacaabey ayaa waxa uu sheegey in uu mudnaanta siin doono arrimo ay ka mid tahay dib u heshiisiinta, nabad galyada iyo u gargaaridda dadka dhibaateysan, waxaana uu beesha caalamka iyo mudanayaasha baarlamaanka Somalia ka codsadey in gacan ay ka geystaan tallaabadaasi sidii uu u hana qaadi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taarikh Nololeed kooban ee Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

 

Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

 

Col Nur waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

 

Col Nur waxa uu leeyahay khibrad shaqo iyo maaamul muddo ka badan afartan sanadood. Waxaa uu madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990). Haatanna waa Xoghayaha iyo Hey’adda bisha Cas ee Soomaliyeed oo Xoghaye Guud ka ahaa 17kii sano ee ugu danbeysay.

 

Howlihiisa Ku aadan Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed

 

Col Nur Cadde xiligan aynu joogno waa Xoghayaha guud ee ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed wuxuuna xilkan hayey 17dii sano ay dagalada sokeeye ka socdeen wadanka somaliya. Sanadkii 1976dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, kadibna waxaa loo doortay xubin gudiga fulinta ee ururka.

 

Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn oo lama ilaawin ah ka qaatay badbadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye.

 

Col Nur waxa uu ku guuleystay inuu ka badabaadiyo Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, burbukii ku yimid heydahii dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka jiray wadanka gudahiisa dagaalada ka hor (1991). Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed waa ururka keliya ee Somaliya ka jira oo weli sidiisii uga shaqeeya Guud ahaan Somaaliya.

Hogaanka wanaagsan ee Col Nur ee Ururka Bisha Cas, isagoo kaashanaayo hey’adda Caalamiga ah ee laanqeyrta cas ee aduunka (ICRC) waxa ay ka fuliyeen somaaliya sanadkii 1992dii barnaamijkii Gargaarka Beni’aadmnimo ee lagu badbaadiyey shacabka Somaaliyeed kaas oo ahaa howlgalkii ugu balaarnaa ee Hey’adda ICRC ay ka fuliso aduunka oo idil kadib dagaalweynihii labaad ee aduunka 1940-45. Barnaamijkan fulintiisa Heyadda Bisha Cas ee Somaaliyeed waxa ay ku muteysatay billad heer caalami ah oo ay guddooniisay Boqoradda Ingiriiska sanadkii 1993.

Uruka Bisha cas waxa uu ka fuliyaa howlihiisa garagarka guud ahaan wadanka Somaaliya waxa una maamulaa cisibitaalo waaweyn sida Madina Hospital, Keysaney Hospital, Garowe iyo Baydhaba Hospital. Waxa kale oo ay maamulaan sagaal iyo afartan (49) xarumood ee caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, iyo saddex xarumood oo lagu farsameeyo qalabka curyaaminta.

Col Nur Cadde waa nin lagu yaqaan deggenaan, wadatashi, xog ururin iyo gaarid go’aan laga fiirsaday. Waana nin lagu yaqaan howlkarnimo, daacad iyo wadaninimo.

 

Howlihiisii Ciidanka Boliiska Somaaliyeed

 

Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Somaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala duwana waxa uu ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

 

Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan.

 

Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed.

 

Qore: Maxamed Xasan

mnhassan28@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

New Somali prime minister named

 

A new prime minister has been nominated in Somalia, three weeks after his predecessor left office.

The new man is Nur Hassan Hussein, a former senior police officer who is now executive director of the Somali Red Crescent humanitarian organisation.

 

The announcement came from the Somali president in Baidoa, the base for the new Somali government.

 

Somalia has not had a functioning government since President Mohamed Siad Barre was overthrown in 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yusuf oo magacaabey Ra'isal wasaaraha DFKMG

 

{ Baydhabo}22.11-07Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa u magaacabay Ra'isalwasaaraha DFKMG ah Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) waxaana haatan socota xafladii magacaabista oo si wayn loo soo agaasimay.

 

waxii warar ah kala soco widhwidh online breaking News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaare cusub oo loo magacaabay Soomaaliya

 

COL. NUUR CADDE: “Waxaan xoogga saari doonaa Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada”

 

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaflad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada KMG ah ee Baydhabo ayaa waxaa uu xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ugu magacaabay Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa Xoghayihii guud ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay xafladdii uu ku magacaabay Ra’iisal Wasaaraha cusub ayaa wuxuu ka sheegay in uu in muddo ahba ku howlanaa sidii uu u soo magacaabi lahaa qofka ku haboon in uu xiligan qabto Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in uu noqday Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

 

Madaxweynaha oo la dardaarmayay Ra’iisal Wasaaraha cusub ayaa sheegay in looga fadhiyo in uu xilka loo magacaabay ka soo dhalaalo, isla markaana uu mudada ka harsan jiritaanka Dowladda Federaalka uu si aad ah u shaqeeyo, isla markaana uu dhameystiro howlaha qabyada ah ee u yaala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu Ra'iisal Wasaaraha cusub ka codsaday in uu si dhaqsi ah ku soo dhiso Xukuumad awood leh oo Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed ka samatabixisa dhibaatada uu ku jiro, taasi oo sida uu yiri looga fadhiyo inay wax badan ku qabato mudada labada sano ah ee u harsan waqtiga loo cayimay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa xafladdaas ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay ka soo qeybgalayaasha xafladdii lagu magacaabay oo isugu jiray Xildhibaano iyo Marti-sharaf kale, kadina wuxuu mahadcelin gaar ah siiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.

 

“Waxaan ballanqaaday in xilka la ii magacaabay aan u gudan doona sida uu i farayo Axdiga KMG ah, aniga oo wada shaqeyn ka rajeynaya Bulshada Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee Dowladda iyo Beesha Caalamka guud ahaan, gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa aan saaxibka iyo deriska nahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

 

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu dhiso Xukuumaddiisa uu xoogga saari doono Nabadgelyada, Dib u heshiisiinta iyo fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada, isagoo hay’adaha samafalka gudaha iyo dibadda ka rajeeyay wada shaqeyn.

 

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee maanta la magacaabay ayaa wuxuu yahay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Booliska Soomaaliyeed, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay Dowladdii Mileteriga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

 

Waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay soo af-jareysaa su’aal ay maalmahan is-weydiinayeen Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ahayd qofka uu noqon doono Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo jireen mas’uuliyiin badan oo isu soo sharaxay in loo magacaabo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Profile: Nur Adde, new Somali PM

 

By Rashid Abdi

BBC News, Nairobi

 

His ****** clan status has helped secure the PM's job for Nur Adde

After a long search, President Abdullahi Yusuf has opted for a seasoned humanitarian worker to replace Mohammed Ghedi as the prime minister of Somalia.

 

Col Nur Hassan Hussein - also known as Nur Adde - was the eventual compromise candidate selected from a long list of politicians and technocrats whose names were being considered for the position.

 

The appointment needed careful analysis by President Yusuf as he needed to kill two birds with one stone: to impress the ****** clan, while also retaining control of his fragile administration.

 

Col Nur Adde hails from the Mudulood sub-clan of the Abgal, itself part of the ****** clan which dominates the affairs of Mogadishu and the central regions of Somalia.

 

Former policeman

 

The 69-year-old former military officer began his career in the Italian colonial police force in Somalia in the early 1950s and served in a special unit to protect tax revenues called the "Guardia Di Finanza".

 

Nur Adde studied law at the Nation University - Jamacadda Ummadda - in Mogadishu and later attended several police academies in Italy and the US, where he specialised in criminal investigation and international law.

 

With this experience and training he rose through the ranks to become the deputy chairman of the so-called Salvation Court - a military-court - which tried tax evaders and other financial crimes suspects during former President Siad Barre's rule.

 

After the collapse of the Somali state in 1991, Nur Adde became the chairman of the Somali Red Crescent society, a post which he still holds.

 

He is widely credited for professionalising the organisation and turning it into an effective tool to tackle some of the humanitarian disasters Somalia has suffered in the last 17 years of anarchy.

 

Despite this uphill task, Col Adde has managed to steer clear of the political minefield - a trait that political observers argue may be his greatest asset as President Yusuf struggles to improve the image of his transitional government.

 

Foreign diplomats believe he could be a safe pair of hands for the job, given his experience working with international partners during his career as manager of a relief aid organisation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col Nuur Cade oo loo magacaabay ra'ial wasaaraha cusub ee Somaliya

Last Updated::2007-11-22 11:35:17

 

Madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay qoraal madaxtooyo oo lagu magacaabay Col Nuur Cade ra'isal wasaaraha cusub ee Somaliya kadib markii ---

ay u soo dhamadeen wada tashiyo qoto dheer oo la xiriiray cida uu magacaabayo jagada ra'isal waaaranimada Somaliya

 

Madaxweynaha ayaa ka iclaamiyaya go'aanka magacaabista ra'isa wasaaraha cusub xarunta madaxtooyada ee Baydhabo ,iyada oo isla markasna ay goob joog ka ahaayeen gudoomiyaha barlamaanka ,iyo qaarka tirsan xubnaha barlaamanka Somaliya

 

Madaxweynaha Somaliya ayaa kadib markii uu ku dhawaaqay magacaabista ra'isal wasaaraha cusub waxa uu ka codsaday golaha barlamaanka inuu cod ka kalsoonida siiyo ra'isal wasaaraha cusub

 

Ra'isal wasaaraha cusub ee Somaliya oo ka hadlay munaasabadan ayaa ka codsaday golaha barlamaanka iyo shacabka Somaliyeed in ayku garabsiiyaan masuuliyda culsus ee loo magacaabay

 

Waxana uu sheegay in waxyaalaha uu mudnaantisa kowaad siin doono ay ka mid ahaan doonan dibu heshiisiinta iyo horumarinta dalka

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

xafladda%20magacaabida1.JPGDhagayso Qaabka loo Magacaabay Raiisul Wasaaraha Madaxweynaha oo Hadal Jeedinaya iyo Raiisul wasaaraha oo Halkaa ka hadlay(Dhagayso)

 

Madaxeynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu xilka cusub ee raiisul wasaaraga soomaaliya u magacaabay Nuur XAsan Xuseen Nuur Cadde oo ahaan jiray madaxii hay'adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

 

xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha cusub Nuur Cadde oo kulan wadatshi ah leeyihin.

Halkaan ka dhagayso Codadkii Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha cusub.

 

audio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yusuf Axmed oo ku dhawaaqay mas'uulka noqonaya Ra'iisul Wasaaraha cusub kaasoo ah Md. Nuur Xasan Xuseen "Nur Cadde".

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay ra’isul wasaare cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya,kaas oo ah Nuur Xasan Xuseen Cadde oo horay madax uga ahaa bisha cas ee Soomaaliya.

 

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu kaga dhawaaqay in Nuur Cade uu yahay ra’isulwasaraha dalka Soomaaliya,waxaana magacaabistiisani ay kusoo beegantay maalmo yar kaddib markii uu madaxweynuhu beesha mudullood ka aqbalay codsi ay ula timid oo ahaa in uu soo magacaabo masuulka ay wataan oo ah kan maanta la magacaabay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday ra’isul wasaaraha Cusub Nuur cadde in uu soo dhiso xukuumad u cuntanta shacabka Soomaaliyeed oo ka kooban wasiirro aqoon yahanno ah oo dalka ka saari kara xaaladaha ad adag oo uu haatan ku jiro.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa u sheegay ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu si deg deg ah wax uga qabto xaaladaha ka jir magaalada Muqdisho islamarkaana uu wax u qabto dadka Soomaaliyeed gaar ahaana magaalada Muqdisho shacabka ku nool ee dhibaatooyinka darani ay kasoo gaareen rabshadihii dhawaan dhacay.

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur Cade Oo Loo Magacaabay R/Wsaaraha SOomaaliya News/Articles

>*********** Somali Elders to Crash Neo-Nazi 'Ethiopia' in an All-Out War

 

>12 Gaboodfal oo loo Aqoonsaday in ay halakeeyeen Haweenka oo ka soo baxay a

>Neo-Nazi 'Ethiopia' and Somaliland: Top Threat to Africa Stability and Peac

>AFRICA INSIGHT: Somalia's conflict a threat to regional peace

>Puntland and Somaliland Clashing in Northern Somalia: Who Cuts the Gordian

>Somaliland: Reason of an All-out War in the Horn of Africa by Dr. Muhammad

>Somaliland: Reason of an All-out War in the Horn of Africa by Dr. Muhammad

Waraysi Maqal ah

>halka ka dhegeyso Wararkii Cawa iyo Caalamka ee VOICE OF AMERICA qeybta Af Soomaliga,waxaana Cawa ku jira wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo weliba wararkii caalamka iyo caawa

 

 

M/weynaha Soomaaliya Md C/laahi Yuusuf Axmed ayaa hada si rasmi ah ugu dhawaaqay mas'uulka noqonaya R/wasaaraha cusub ee bedelaya Cali Maxamed Geedi kaasoo ah Md. Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde

 

Munaasabada ku dhawaaqista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo goor dhaweyd si rasmiya u bilaabatay ayadoo goobta xaflada ay joogeen M/weynaha, Nuur Cade iyo Xubno fara badan oo isugu jiro Xildhibaano & Siyaasiyiin.

 

Dikreeto uu Munaasibadaas uu ka hor akhriyay M/weyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku sheegay in Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde" uu yahay R/wasaaraha Dowladda Somalia waxuuna faray in mudo gaaban uu kusoo dhiso golaha dawladiisa isla markaana ka samata bixiyo ummada Soomaaliyeed dhibaatada inta aysan dhamaan mudada dowlada u harsan. Md Yuusuf ayaa u hambalyeeyay Md Nuuu Cadde wuxuuna u rajeeyay in uu howshiisa si daacad ah u guto.

 

R/wasaare Nuur Cadde oo isna halkaasi ka hadlay mahad u celiyay M/weynaha C/laahi Yuusuf & kuwii la tartamayay & dhamaan xubnaha gacanta ku siiyay, wuxuuna balan qaaday in xilka loo magacaabay uu si dastuurka waafaqsan u gudan doono.

Bahda Allsanaag.com

Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali president nominates candidate for PM

Thu Nov 22, 2007 2:50am EST Email | Print | Share| Reprints | Single Page | Recommend (0) [-] Text [+]

Related News

Mogadishu violence displaces 88,000 people

Somali PM resigns after feud with president

powered by Sphere

Featured Broker sponsored link

Learn to Trade with a FREE Guide.BAIDOA, Somalia, Nov 22 (Reuters) - Somalia's president on Thursday nominated Somali Red Crescent officer Nur Hassan Hussein as prime minister, three weeks after the government's first premier quit amid pressure over a political deadlock.

 

"I issued a decree to nominate Nur Hassan Hussein 'Nur Adde' as the new premier," President Abdullahi Yusuf said in Baidoa, where the Somalia parliament sits.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur Cade ayaa waxa uu dagan yahay Magaalada London waxa uuna marar aan badnayin ka qayb galay shirarka ay soomalida ku qabtaan magaalada London

 

Col Nur Hassan Hussein (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markii uu ahaa 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

 

Col Nur waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

 

Col. Nuur Cade ayaa waxa in badan daganaa Wadanka Ingriiska isagoo aan inta badan ka qayb qaadan siyaasada dalka soomaliya balse waxa uu ka tirsanaa madaxda Bisha Cas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this