Sign in to follow this  
Emperor

Alshabaab take control of Key junction San'a

Recommended Posts

Emperor   

Xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo saakay la wareegay isgoyska Sanca, kuna sii fool leh isgoyska Nasiib-buundo ee degmada Shibis

 

Waxaa daqiiqado ka hor uu dagaal ka qarxay deegaano ku teedsan isgoyska Sanca oo ay horay isugu hor fadhiyeen xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo dhinac ah iyo dawladda federalka, kaasoo laysku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dagaalkan oo aad u xoogganaa kaddib ayaa waxaa ay ugu suurto gashay xoogagga Mucaaradka inay saakay la wareegaan Isgoyska Sanca oo ay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan dawladda federalka Soomaaliya, waxaana dagaalka uu ku sii fiday ilaa isgoyska Nasiib Buundo ee degmada Shibis

 

Xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ayaa la wareegitaankooda isgoyska Sanca wuxuu u noqonayaa guul hor leh oo u soo hooyatay xoogaggaasi maadaama Sarta Sanca ay ahayd difaacii ugu dambeeyay oo ay ku jireen ciidamada dawladda federalka.

 

Xoogagga Mucaaradka ayaa waxay ku sii siqayaan qeybo hor leh oo ka tirsan degmooyinka Shibis, Kaaraan iyo C/casiis, waxaana weerarka xoogagga Mucaaradka oo ah mid saf ballaaran uu ku jiheysan yahay dhinaca madaxtooyada Filla Soomaaliya oo aan sidaasi uga fogayn goobaha ay haatan ku sugan yihiin xoogagga Mucaaradka.

 

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this