Sign in to follow this  
Gabbal

Col Cabdulahi Sheikh Ismaaciil Fartaag speaks out about the Bu'aale clash.

Recommended Posts

Gabbal   

I am afraid they did and that is why maah-maahdaan kusoo baxday; Waa sheekadii Farataag yaan dilnay. :D

 

 

Fartaag “Waan noolahay ILAAHEY baana i dili kara ee Al-Qaacida, Carab iyo Afghanistan ima dili karaan”

 

Taliyaha ciidamada Isbaheysigii burburay ee dooxada Jubba Col. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa markii ugu horeysay ka warbixiyey qaabkii uu u dhacay dagaalkii deegaanka Dujuuma ku dhexmaray ciidamada maxkamadaha iyo maleeshiyooyin ay horkacayeen isaga iyo wasiirka gaashaandhiga dowladda federaalka Barre Hiiraale, wuxuuna qiray Fartaag in dagaalkaasi looga adkaaday maleeshiyooyinkiisa, loogana qabsaday gaadiid dagaal oo aad u fara badan.

 

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ragga la dagaalamay ciidamadiisa aysan aheyn dad Soomaali ah balse ay ahaayeen ciidamo argagaxiso ah oo uu sheegay iney ka kala yimaadeen Afghanistan, Bakistaan, Eritreya iyo kuwo kale oo carab ah sida uu hadalka u dhigay, isagoo beeniyey hadalo laysla dhexmarayey oo sheegayey in isaga lagu dilay dagaalkii Dujuuma ku dhexmaray maxkamadaha iyo maleeshiyooyinkii uu hogaaminayey.

 

“Waan noolahay ILAAHEY baana i dili kara ee Al-Qaacida, iyo Carab iyo Afganistaan ima dili karaan waana fiicanahay hadda, waxa nala dagaalamayna waxay ahaayeen kuwaas, waxaana u heynaa cadeymo la xiriira oo aan ka soo qaadnay goobtii dagaalka oo ay ka mid yihiin dad carab iyo argagaxiso ah oo ay ka carareen, mar dhowna saxaafada ayaan u soo bandhigi doonaa, gaadiidka dagaalkana waxay naga qabsadeen isagoo dhiiqo ku jira ee dagaal naloogama qabsan” ayuu yiri Fartaag oo sheegay inuu isagu ka soo horjeedo kuwa jubooyinka qabsaday in loogu yeero maxkamado islaami ah “Kuwa dhaawacyada intey qaadan dhameystira ma kuwaasaa Islaamnimo wax ka yaqaana” ayuu yiri Fartaag oo xusay in Baardheere uu ku sugan yahay haatan, ayna ka wadaan halkaasi abaabul dagaal oo ka dhan ah maxkamadaha.

 

“Dhul ninkiisii baa leh, argagaxiso iyo carab ma heysan karaan dhulkeena wada xaajoodna la gelimeyno, Waana wadeynaa dagaalka illaa aan kaa saarno kana guuleysano” ayuu yiri Fartaag oo dhinaca kale beeniyey in maleeshiyooyinkoodii ku sugnaa Beerxaano iyo taliyahoodii ay Isdhiibeen, isagoo tilmaamay waxa ay isdhiibay aaney ciidamadiisa balse ay yihiin wax uu ku sheegay Cabaas iyo 12 nin oo isaga la socotay, isla markaaba maleeshiyooyinkiisu ay weli ku sugan yihin Beerxaano ayna isaga ka amar qaataan.

 

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)

Dayniile

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Fartaag oo ku hanjabay mar kale in ay duulaan kusoo qaadayaan gobollada Jubooyinka si gacanta Maxaakimta ay kala baxaan.

 

Col.C/laahi Sh.Ismaaciil Fartaag oo kamid ah saraakiisha Maleeshiyaadka Wasiirka Gaashaan dhigga ayaa markale ku celiyay in weerar ay kusoo qaadayaan gobollada Jubooyinka ee Maxaakiimta Islaamka ay maamulaan,isagoo ka gaabsaday in uu cayimo goorta weerarkaasi ay soo qaadayaan.

 

Col.Fartaag oo saxaafadda ugu warmayay deegaan ku yaalla gobolka Gedo ayaa intaasi ku daray in dagaalka haatan ay soo qaadayaan uu noqon doono mid daran oo ay dib ugu qabsanayaan deeganadii maamulkooda uu ka jiray,ee ku yaalla deegaanada Jubooyinka.

 

Fartaag waxaa uu beeniyay in dagaalkii ka dhacay Bu'aale lagu jabiyay maleeshiyaadka Hiiraale,balse waxaa uu qiray in dagaalkaasi looga qabsaday gawaari dagaal oo aad u fara badan,isagoo taasina sabab uga dhigay roobab xoogan oo deeganadaasi ka da'yay maalmahaasi.

 

''Dagaalkaasi kuma jabin anaga,cidii xaqa wada ayaana markasta guusho raaceysaa,laakin Baadilku waa baxaa,Insha Allah waan ka guuleysan doonaa kuwa kusoo duulay Jubooyinka''ayuu yiri Fartaag,oo intaasi raaciyay in ay ka go'an tahay weerarkaasi ay ku qabsanayaan Kismaayo.

 

C/laahi Fartaag waxaa uu ku eedeeyay in Maxaakimta islaamiga ah ay dagaalkii ku qabsadeen maxaabiis kadibna ay khaarijiyeen,waxaana dhankiisa uu sheegtay in ay hayaan maxaabiis uu ka qabsaday Maxaakimta balse aysan dilil,sidoo kale Fartaag waxaa si kulul uu u beeniyay in awoodoodi la wiiqay,isagoo sheegay ciidankoda wali diyaar in uu u yahay weerar ay ku qaadaan jubooyinka.

 

Fartaag oo wax laga weydiiyay hadii wadahadal ay ka galayaan maxaabiista la kala heysto ayuu sheegay in aysan diyaar u aheyn wadahadal waxaana uu is weydiiyay sida ay suura gal ku noqon korto wadahadal in ay la galaan waxa uu ku tilmaamay rag ka kala yimid Pakistan,Sucuudiga iyo Eritrea.

 

Si kasta oo ay ahaataba hanjabaada kasoo yeertay Fartaag ayaa sii murjin karta xaaladaha colaadeed ee ka taagan dalka,kuwaasi oo u dhaxeeya dowladda FS iyo Golaha Maxaakimta islaamka,iyadoo shirkii Khurtuum lagu kala tagay natiijo la'aan.

 

 

Jibriil Nuur Alghamidi

 

Wakiilka MarkaCadey - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

War muu meel iska joogo, naftii melegeed galay meel baa looga yeertaa

 

Haddeerna sidaasuu u hanjabayaa, Hadhowna waxaa la dhihi doonaa Maxkamaduhu xasuuq bay geysteen iwm :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by HornAfrique:

Fartaag oo ku hanjabay mar kale in ay duulaan kusoo qaadayaan gobollada Jubooyinka si gacanta Maxaakimta ay kala baxaan.

Somebody should advise him not to even try it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Juje xumbo & xiiso waa dhacaan, ha la yaabin Fartaag, macallinka wuxu suggaa markii oo isku daalaan dhexdooda, you know the crack from within...

 

OK, qoladan Qaadisiya sow ma ahayn wadaado goorma ayaa BEENTA la baneeyey, wallaahi Gedonet waa ka xishootay waxa aay qorayeen. Waxaan ka aqriyey Qaadisiya inaay qoreen in Fartaag toori aa lagu dilay asagoo dhaawaca intuu yiri baxso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Fartaag back from dead, clash was 10 days ago the men just came out of his hiding spot .

 

 

Horn > was the rain dircted only for barre milites , it must been bias rainfall ,How come Icu troops where not effected by the rain .

 

And can we get images of this guy if he still alife ,

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Muraad sxb

 

You have to adress to Horn ,

 

i think it was 50/50 , Since the mud only chosed to eat in barre technicals only .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

bambo, I already told Horn to actually concentrate on Gedo and it's impoverished people and not try to turn the clock back but what can we do more than that?

 

Marna Barre maskax buu ciyaaray oo xeel dagaal buu Kismaayo uga baxay, Marna Roobka iyo dhiiqadaa naga adkaadaye iyagu nagama adkaan, Marna baabburtii uunbay qabsadeene qoryihii waan ka furannay ... Barrina maxaan maqli doonaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Bambo, if you had read news reports concerning Barre's retreat and the Entity's entrance into Saakow, you would have known both of those cases were done by foot. Things would have stood the same way had not Barre decided to regoup because it is him who is headed to Kismaayo. The other group only had to defend Bu'aale, they were not going anywhere. But when Barre voluntarily retreated back to Baardheere, they moved in Saakow by foot as they were also affected by the rain.

 

 

Baardheere: Ciidamada Col. Barre Hiiraale oo qorshaynayaan dagaallo ay dib ugu qaadaan gobolada Jubooyinka.

Khamiis, November 02, 2006

 

APL

 

Baardheere (AllPuntland)- Saraakiil ka tirsan ciidamada wasiirka ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay dib u qorshaynayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

Saraakiishani ayaa waxa ay sheegeen in ay wadayaan hamigooda ku aadan in ay dib ugu laabtaan hogaankii gobolada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.

 

Waxa ay intaasi ku dareen in ay heleen teegeero ciidan oo ay ku awoodaan in ay markaan ku qabsadaan gobolada Jubooyinka.

 

Magaalada Baardheere ayaa haatan waxaa ku sugan siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda beesha wasiirka gaashaan dhiga Soomaaliya Col. Barre Hiireele uu ka so jeedo, kuwaasoo qaarkood xukuumadda Soomaaliya ay ku jiraan.

 

Hadaladani ayaa waxa ay ku soo adaayan iyada oo dhowaan wasiirka gaashaan dhigga iyo ciidamadiisa lagu jabiyay dagaal ay maxkamadaha magaalada Muqdisho kula galeen magaalada Bu`aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am afraid they did and that is why maah-maahdaan kusoo baxday; Waa sheekadii Farataag yaan dilnay

:D

 

How come none of the clan court people posted anything on this thread, where is Ubahane?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baardheere: Abaandulaha ciidamada Col. Barre Hiiraale oo cadeeyay in ay dagaal markale ku qaadayaan gobolada Jubooyinka.

Axad, November 05, 2006

 

Baardheere (AllPuntland)- Abaanduulaha ciidamada wasiirka gaashaan dhiga ee dawladda Soomaaliya C/laahi Sh. Ismaaciil (Fartaag ) ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay hayaan cadaymo muujinaya in ay dagaalka maxkamadaha ay la galen ay kula jireen kooxo ajnabi ah.

 

Fartaag oo u waramayay barnaamijka Faaqidaada ee Radio Gaalkacyo ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dagaal aad u kharaar oo ay la galeen maxkamadaha magaalada Muqdisho uu ka soo gaaray khasaare lixaad leh iyo in ay khasare gaarsiiyeen maxkamadaha magaalada Muqdsiho ee ka soo hor jeeday.

 

Mudane Fartaag ayaa waxa uu intaasi ku daray in dagaalkaasi ay garab uga heleen ciidamada xukuumadda Soomaaliya, balse waxa uu gaashaanka ku dhuftay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ka garab dagaalamayeen.

 

Abaandulahu waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dhowaan magaalada Baardheere ay so gaaraayaan ciidamo ka tirsan ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Waxa uu ugu danbeeyntii cadeeyay in ay dagaal markale diyaar u yihiin in ay la galaan cidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this