Sign in to follow this  
xiinfaniin

Geedi’s desperate shouts!

Recommended Posts

Geedi " Dagaalada ka socnaya Dahar, Kismayo iyo Muqdisho waxaa wada argagixiso".

 

Mogadishu 23, April.07 ( Sh.M.Network)

 

Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Cali Max'ed Geedi oo maanta shir Jaraa'id ku qabtey Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay ka war bixiyay dagaalada ka soconaya gudaha dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho, Kismaayo, iyo qeybo ka mid ah degmada Dahar ee gobolka Sanaga oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo isku wada mid ah oo ay wadaan waxa uu ugu Yeeray Argagixiso.

 

Geedi ayaa waxa uu soo hadal qaaday dagaalada ka socda Muqdisho oo uu sheegtay in dowladdiisa ay ku gacan sareyso isla markaana ay guulo ka soo hooysay, isagoo sheegay in ay ka bixiyeen godad ay lahaayeen waxa uu ugu yeeray argagixisada, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in dagaalada Muqdisho ka socda ay u dhaxeeyaan ciidamada Ethiopia iyo beelaha ******.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in saakay dagaalo ay ka dhaceen deegaanka Huriwaa dagaalo aad u qaraar, halkaasi oo sida uu sheegay lagu tuhunsanaa xubno sar sare oo ka tirsan waxa uu ugu yeeray argagixisada ayna dagaalkaasi oo si wada jir ah ay u galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay jabiyeen sida uu sheegay.

 

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay shalay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa oo ku jirey bakhaaro ku yaala agagaarka xarunta Villa Baydhabo, iyadoo walxahaasi qarxa sheey walba uu ka kooban yahay 700Gr iyo sidoo kale ay soo qabteen hubka uu ka mid yahay gantaalka Saamka loo yaqaan oo uu sheegay in la qorsheynayay in lagu weeraro garoonka Muqdisho.

 

Mar uu soo hadal qaaday Boqorka Buur Madoow waan waanta uu ka dhex wado saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo Beelaha ****** ayaa waxa uu ku tilmaamay arinkaasi mid waxba kama jiraan ah, kana been abuurtay dowladda KMG ah iyo ciidamada dowladda Ethiopia.

 

Waxa uu ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay soo abaabuleyso Maxkamadaha isla markaana ay ku beereyso gudaha gobolada Waqooyi ee Somaliland, isagoo sheegay in ay isla xiriiraan dagaalada ka dhacaya Muqdisho, kuwa ka dhacay Kismaayo iyo dagaalada Dhahar.

 

Mar uu soo hadal qaaday hadalkii dhowaan uu sheegay K/xigeenkiisa ahna wasiirka howlaha guud iyo Guryeynta Ing. Xuseen Ceydiid oo ahaa in xasuuq ay ciidamada Ethiopia ka geeysteen magaalada Muqdisho waxa uu yiri:-

 

" Waa wax laga xishooda in Xuseen Ceydiid uu arinkaasi yiraahdo, Xuseen Ceydiidna waa nin geed uu saaran yahay hoosta ka jaraayo, waxaana uu marayaa halkii ay mareen kuwii ka horeeyay" ayuu yiri Geedi oo intaasi ku daray in arinkiisa la horgeyn doono golaha wasiirada.

 

 

 

Waxa uu ku soo gabogabeeyay shirkiisa Jaraa'id baaq uu u jeediyay beesha caalamka in ay gacan ku siiso dowladiisa waxa uu ugu yeero la dagaalanka argagixisada.

 

Shirka Jaraa'id ee Ra'isulwasaare Geedi ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka soconayaan dagaalo aad u qaraar oo galay maalintii 5aad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

edit: right on yaa Che!

 

peacenow, this is not a resistance fight adeer; it’s a clan war for the control of the city. And from what I am hearing, it’s going to get worse!

 

It sure sends stress signals though ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

^^ Both sides fighting in Kismayo were pro-TFG, so what resistance are you talking about?

 

I often think about turning my back on Abdullahi Yusuf for what is happening lately, but it sometimes seems like I'm forced to support him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Is there anywhere dagaal oo ka dhaceyn in Somalia? I do despair for these poor people. Anyone who recalls qaxi would feel for the people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Ms Dhuchduc & Dheylo

 

My conscience tells me to condemn the whole TFG altogether of course. But the socalled 'resistance' camp have displayed more often than not, that their war is a war against a certain clan and not necessarily the Ethiopians.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^SO you will support your clan, right or wrong just because you think the "resistance" is against your clan. Maybe your clan needs to draw a distinguish between themselves and the Ethiopians, then no one will be confused, or perhaps there is a reason everyone is against a particular clan (does that not mean something is wrong with that clan, if everyone else can see it, why can they not see their wrong) Is it possible that they are right and everyone else is wrong?

 

By the way I have no idea who the clan is, nor I'm saying anything in particular to any one, just responding to your claims above.

Share this post


Link to post
Share on other sites

By the way I have no idea who the clan is, nor I'm saying anything in particular to any one, just responding to your claims above.

LooooooooooL...come on now

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this