Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Bosaasooy Yaa Ku Leh ??

Recommended Posts

Boosaaso-300x225.jpg

 

Magaalo walba oo dunida ka mid ah waxay leedahay acyaan iyo odayaal hoggaaamiya magaaladaas maamulkeeda. Ka warqaba, ilaashada isla markaana hagga.hasse ahaatee waxaa waqtgan muuqanaysa in magaaladda ugu weyn Puntland aanay lahayn wax acyaan ama odayaal ka damqada xaaladaha adage e ay ku dhex jirto, waxaamararka qaarkood maqlayaasaa arrimo welwel leh oo u baahan in odayaashu wax ka qabtaan, isla markaana aanay jirin cid wax ka qabanaysa.

 

Labaatankii Sano ee ugu dambaysay waxaa si xowli ah u balaaratay Boosaaso oo u koraysay si aan isu miisaanayn, isla markaasna aan lahayn cid si gaar ah u ilaashata, markaad eegto magaalooyika kale ee Puntland waxay leeyihiin dad acyaan ah oo u damqada isla markaana ilaaliya dadka ku nool magaalooyinkaas kale , Gaalkacayo, Garowe, Qardho, Baran, Laascaanood intaba waxaad ku arkaysaa odayaal iyo acyaan kale oo danahooda si gaar ah ugu taagan, haday ahaan lahayd nabad gelyada iyo horumarkaba. Wax badan ayey ku weyday Boosaaso marnaanshahaas oday-dhaqameedyadda ama acyaanta kale. Kolkaas ayaa waxaa la isweydiin karaa Boosaaso yaa iska leh???.

 

Ma ahan in lagu jaahwareero waxyaabo badan oo maanta la wada arko. Dadka degaanka ayey u taalaa siday wax uga qaban lahaayeen gol-doloolooyinka muuqda iyo in Boosaaso tahay meel aan cidi lahayn ‘’No Man’s land’’. Ma muuqdaan cid ay si gaar ah u damqayso xaaladaha ka jira Boosaaso oo ay ugu horayso amni daradu, mana jiraan dad si gaar ah ugu qareemaya waxyaabahaas keeni kara in dib u dhac weyni ku yimaado Boosaaso oo halbowle u ah Puntland dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba.

 

Waxyaabaha ka dhacay Boosaaso ma ahan kuwa la sii eegan karo, waxaana lagama maarmaan ah in la helo cid ka hadasha qaabka aan fiicnayn ee Boosaaso ku socto. Geel jirtu Geella waa wada jirtaa, waana kala jirtaa.

 

Waxyaabaha qaar ayaa u muuqan kara in Boosaaso lala doonayo in la burburiyo, waxayse ku haboonaan lahayd in dadkeedu dareemo halista ah waxyaabaha muuqda ee soo socda. Dhan walba magaaladda Boosaaso waa ka dib dhacsan tahay, waana khasab in la helo cid isu taagta oo marxaladan wax ka bedesha. Shacbka ayaa waxaa loo baahan yahay inay kaalin muuqata ka qaataan sidii looga gudbi lahaa marnaata dhinaca isku xirnaanshaha dadka degaanka oo u baahan inay wada dareemaan kaalintooda lama huraanka ee ah inay ka qayb qaataan nabadgeliyada iyo horumarka Boosaaso.

 

Waxaa dhab ah in maamul kasta oo jiraa waqti leeyahay, balse dalka iyo dadku ay yihiin kuwa jira oo marwalba u baahan in loo asteeyo nolol horumar iyo amni leh, mana jirto cid si gaar ah ugu faa’iidaysa kharbuda. Taas oo keeni karta cawaaqib xumo soo dhoweysa in dagaal sokeeye uu bilowdo.

 

Ma ahan in qof muwaadin ah la dilo oo hadan la garanwaayo cida dishay, mana ah in qof shacab ah la dilo iyadoo aan la aqoon sababta loo dilay. Waa arrin dareenkeeda leh in mar xaaladda Boosaaso u sii gudubto dagaal iyo is ugaarsi magaaladda dhexdeeda ah. Arrimahaas oo hadhow la xakamayn kari waayo.

 

Gundhiga xal u helida Boosaaso ayaa waxaa sal u ah dadka degaanka oo aanay ka muuqan isku xirnaansho iyo inay ka fekeraan aayaha ubadkooda, waxaa aad u haboonaan lahayd in Boosaaso hesho cid u wakiil ah oo degaanka ah oo ka damqata wel-welka dhinacyada badan leh ee isa soo taraya, waana in la helaa cida iska leh Boosaaso oo oran karta sidaasi sidaa ma ahan.

 

Dhabar jabka ugu weyn ee haysta Boosaaso ayaa loo qaadan karaa inaanay jirin cid iska leh Boosaaso. Hadii la heli lahaa cid leh Boosaaso waxaa la oran kari lahaa kuma jirteen marxaladda xilligan ay la daalaa dhacayso.

 

Bosaaso yaa ku leh???,,,, Ma waxaa leh kuwa ganacsiga iyo dhaqaalaha ku haysta, ma waxaa leh kuwa ku baraaray iibsiga dhulkeeda oo dacal iyo daraf cabirtay, ma waxaa leh kuwa khalkhalka gelinaya nabadgeliyada, ma waxaa leh kuwa yiraahda asalka anagaa Boosaaso ehel u ah, ma waxaa leh dadka u soo barakacay, ma waxaa leh xamaalka dekeda Boosaaso, ma waxaa leh ciyaalka Mobilada dadka ka furta, ma waxaa leh Ciyaal Qudus, Fay Cali iyo Yaa Quwmanaa, ma waxaa leh Boosliska aan awooda u lahayn in qofkii wax dilay soo qabtaan, ma waxaa leh Maxkamadda Boosaaso Garsoorayaalka jooga, ma waxaa leh …… horta Boosaaso yaa ku leh???

 

Gabagabadii ayaa ah inaan xalka magaaladda Boosaaso dhoweyn ilaa la helo cida iska leh Boosaaso’’Ownership’’ ee ka damqanaysa xaaladaha aan rajada lahayn ee soo muuqda kuwaasoo sal u noqon kara waxyaabo badan oo aan la saadaalin kari waqtiga la joogo, waxayse xaaladu ku soo noqon kartaa marka Boosaaso beelaha degaa ay isku waafaqaan iskuna raacan ilaashigeeda iyo dhowristeeda dhinac walba ah. Dhinac horumarineed iyo mid amaanba.

 

Qoraa Madax-Banaan C.S.M. Dheere

Email: isse80@gmail.com

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu waxaan oran lahaa Boosaaso dadka dagan baa leh, waana wax gar ah inay ilaalshadaan nabadgalyadooda iyo sharaftooda iyo bilicda magaaladooda. Waana fiicnaanlahayd iney leedahay hogaan taladu ka go'do oo dadka deegaanku u wada dhanyahay.

 

Waxaan qabaa maamulka Garowe uuka soo magacaabey Faroole, waxaa ka fiicnaan lahayd iney dadka deegaanka iska dhex doortaan maamulkooda si cadaalad-ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very good analysis. The author describes that the current security situation in Bosasso is due to the fact that the city is not of a particular group or tribe specificly therefore elders dont feel they are somehow 'ownership' for the city. So the author calls upon the tribes of the city to come together and take resposibility.

 

Unfortuantly the author doesnt mentioned that the succes of Bosasso(increase population, economic growth, etc) is also due to the fact that the city is of everyone and nobody specific. Therefore many saw an open chance to start a business, build a house, look for a job, etc. So if you go and define who's city it is or certain sub-tribes take ownership, you could loose some of that succes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this