Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Police execute more armed gangs: CORPSE FREE THREAD

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada Booliska oo toogtay sadax nin oo weerar ku soo qaaday taliska qeybta Bari ee Booliska G/Banaadir

 

28. August 2007

Muqdisho(AllPuntland)- “Booliska Gobolka Banaadir Waxay toogteen sadax nin oo weerar ku soo qaaday ciidamada Booliska taliska ay ku leeyihiin qeybta Bari ee magaalada Muqdisho, waxaana isla weerarkaasi ciidamada Booliska Gobolku ay ku qabteen labo ka mid kooxihii weerarka ku soo qaaday ciidamada Booliska” ayuuu yiri G/Le C/Waaxid Maxamed Xuseen oo ah Madaxa xafiiska xiriirka Saxaafadda iyo Dadweynaha ee Booliska Soomaaliyeed.

 

G/Le C/waaxid waxaa uu intaa ku daray in xiligii weerarka ay soo qaadayeen ay ciidamada Boolisku diyaarsanaayeen isla markaana ay talaabo cad ka qaadeen kooxahaasi oo inta badan la dilay kuwii kalena la qabtay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada Boolisku ay si weyn ugu guuleysteen kooxahaasi oo uu sheegay in meydadkooda ay weli yaalaan agagaarka xarunta Dr. Ismaaciil Jumcaale Cosoble.

 

Goobta uu yiilay meydadkaasi ayaa waxaa u soo daawasho tegay dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen Soomaali diidow silac u dhimo, waa kaa sabreynaa silac u dhimo iyadoo sidoo kale soo gaaray suxufiyiin fara badan iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka gobolka Banaadir.

 

Weerarkan oo dhacay xalay fiidnimadii ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ciidamada Booliska ay howlgalo xoogan ka wadaan magaalada Muqdisho iyadoo shalay sidaan oo kale nin bambaano ku soo weeraray saldhiga afar irdood ay ciidamada Booliska toogteen.

 

Xafiiska Warfaafinta Maamulka G/Banaadir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Booliska Gobolka oo toogtay sadax nin oo weerar ku soo qaaday taliska qeybta Bari ee Booliska { 28 Aug 2007}

 

waxaa la daabacay Tue 28 Aug 2007 13: 27: 41

“Booliska Gobolka Banaadir Waxay toogteen sadax nin oo weerar ku soo qaaday ciidamada Booliska taliska ay ku leeyihiin qeybta Bari ee magaalada Muqdisho, waxaana isla weerarkaasi ciidamada Booliska Gobolku ay ku qabteen labo ka mid kooxihii weerarka ku soo qaaday ciidamada Booliska” ayuuu yiri G/Le C/Waaxid Maxamed Xuseen oo ah Madaxa xafiiska xiriirka Saxaafadda iyo Dadweynaha ee Booliska Soomaaliyeed.

 

G/Le C/waaxid waxaa uu intaa ku daray in xiligii weerarka ay soo qaadayeen ay ciidamada Boolisku diyaarsanaayeen isla markaana ay talaabo cad ka qaadeen kooxahaasi oo inta badan la dilay kuwii kalena la qabtay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada Boolisku ay si weyn ugu guuleysteen kooxahaasi oo uu sheegay in meydadkooda ay weli yaalaan agagaarka xarunta Dr. Ismaaciil Jumcaale Cosoble.

 

 

Goobta uu yiilay meydadkaasi ayaa waxaa u soo daawasho tegay dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen Soomaali diidow silac u dhimo, waa kaa sabreynaa silac u dhimo iyadoo sidoo kale soo gaaray suxufiyiin fara badan iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka gobolka Banaadir.

 

 

Weerarkan oo dhacay xalay fiidnimadii ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ciidamada Booliska ay howlgalo xoogan ka wadaan magaalada Muqdisho iyadoo shalay sidaan oo kale nin bambaano ku soo weeraray saldhiga afar irdood ay ciidamada Booliska toogteen.

 

 

Gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meydadka sadex qaran diid oo ciidanka bambooyin kusoo weeraray oo xalay la dhigay agagaarka safaaradda Itoobiya (Meydka qaran diidkii shalay la dilay oo isna wali yaala)

 

Ilaa iyo sadex qarandiid oo fariisin ciidanku leeyihiin bambo gacmedyo kusoo tuuray xalay ayaa wali yaala agagaarka dhismaha safaaradda Itobiya ee degmada Shangaani,iyadoo dadweynahana loo oggolaaday in ay qaran diidyadaa fiirsadaan.

 

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid maxamed Xuseen oo saaka sxafadda la hadlay ayaa sheegay in qaran diidyada meydadkoodu ay sii ooli doonaan goobta tan iyo inta ay ka googo’ayaan,si kuwa kale ay ugu tusaale qaataan.

 

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid waxaa uu intaa kusii daray in ciidanku ay gacanta ku dhigeen labo qaran diid oo ay wada socdeen kuwa haatan ay meydadkoodu yaalaan gobtii xalay la dhigay.

 

“Hadda kuwii la qabtay xabsiga ayay ku jiraan waxaana la marsiin doonaa sharciga”ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska soomaaliyeed Gaashaanle C/waaxid maxamed Xuseen oo saaka saxaafadda la hadlay.

 

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa la filayaa in saacadaha inasoo aadan uu soo booqdo goobta ay meydadka qarandiidku yaalaan,iyadoo sidoo kalana la filayo in uu ku dhawaaqo abaalmarino la siinayo askartii toogatay qarandiidyadan.

 

Dhinaca kale waxaa wali banaanka saldhigga Afar Irdood ee degamda Xamar weyne yaala meydka qarandiidkii shalay la toogtay xilli uu doonayay in uu qarxiyo saldhigga afar irdood ,iyadoo askarigii toogtayna la siiyay abaalmarin lacageed oo dhan 10 milyan.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Meydadka sadex qaran diid oo ciidanka bambooyin kusoo weeraray oo xalay la dhigay agagaarka safaaradda Itoobiya (Meydka qaran diidkii shalay la dilay oo isna wali yaala)

Is this who you call qaran diid?

 

So duke you assume killing these innocent weak victims will broaden the ability of this cowards you call government.

______________

 

Aan wada xishmeyno the dead innocents, baliis. The least we can do on here SOL is respecting their last dignity of not showing their decomposing bodies.

 

[ August 29, 2007, 02:25 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer edit your post make a link, its against the rules, and you have been braking it where are the moderators.

 

As for the dead, if one attacks armed police they dont expect a slap on the wrist do they?

Hence one should have more backbone, at least the police are not, dancing around or kicking the dead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaali iyo shisheeye kuwa wax qarxiya ah oo lagu diley Muqdisho

 

Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa diley saddex kamid ah kooxaha qaraxyada wax ku weerara oo isugu jira labo Ethiopian ah iyo nin Soomaali ah.

 

Kooxdan ayaa xilligaasi haysatey oo lagu qabtay bambaanooyinka wax lagu weeraro waxana ay meydadkoodu yaallaan bannaanka hore ee Hotel Jubba.

 

Jawaabta ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli maalintii labaad uu baaritaan ballaarani ka socdo magaalada caasimadda ah baaritaannadaas oo lagu daba joogo dadka ka mas’uulka ah weerarada maalinlaha noqday ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

Maxamuud Faarax Bile

 

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^^Adeer edit your post make a link, its against the rules, and you have been braking it where are the moderators.

 

As for the dead, if one attacks armed police they dont expect a slap on the wrist do they?

Hence one should have more backbone, at least the police are not, dancing around or kicking the dead.

Weligaba moderatorska waad uu carari jirtey.

That aside, I asked you are these 'qaran-diid'?

Killing caruur masakin ah and members of weak and unarmed clans does not enhance the decapitated authority and credibility of this barbaric government. And you have the audacity to post them in here and say 'armed gangs killed'. Awal ayad xishoodki ka tagtey, hadana ma cabsidi Illah baad ka fogatey.

It is no wonder how certain species have to stoop low in attempt to support a government whom its days are numbered.

Share this post


Link to post
Share on other sites

duke, they should have been doing this a long time ago but better late then never, i don't how you can allow these nabaddiids to walk around throwing bombs at solders, police and people.

Juje, how the hell do you know clan they belong to, mida kale, ***** ******, why does the clan of someone trying to kill them matter to the solders?

 

[ August 29, 2007, 02:27 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

So are you saying they were killers, aqli xumadada?

How do you know, aqlixumadada? Can you really come up and say they were doing exactly what the ***** like you are saying they were doing. Can you, bloody, say these guys were a criminals? I dare you?

 

[ August 29, 2007, 02:28 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, you have your answer. Those who come with guns will be shott. Simple adeer. Hence the cries from Dayniile and other warlord websites.

 

Again were is the moderator, SOL seems to be going to the dogs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

what i asked you was not wither they were killers or not, that for me is clear, but you claim that they belonged to "un-armed" and what being from an "arm or unarmed" clan had to do with trying to kill solders and shot for it?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Someone should b held accountable for this...Sadam Hussein paid his dues 20 odd years later...if only these thugs could learn from history especeilly the people who are mouthpieces of these warlords...Not for the likes we see in SOL and the people who are wastin their times with other Qurbo joog in these forums...

 

But honestly how will Bedel or Adeer Yusuf azzahari will answer to these charges of Human rights abuses...with pictures like these...

 

Has anyone emailed them the pictures at the UN and solicit an explanation, just an explanation from them...??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this