Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mass Somaliland Delegation To Djibouti

Recommended Posts

Wefti 36 xubnood ka kooban oo ka socda dawlada Somaliland, ayaa safar ugu baxay maanta wadanka Jabuuti.

 

Weftigan oo ah kii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ee socdaal dibada ah u baxaya, ayaa waxa hor-kacaya Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), waxaana ujeedadiisu la xidhiidhaa shir Baanka Adduunku ku qabanayo, oo lagu naaqishayo waxqabadka shirkadaha Madaxabanaan ee Somaliland.

 

Wasiirka Qorshaynta oo Saxaafada uga waramayay galabta ka hor intii aanu wegitigiisu ka ambo-bixin gegida Cigaal Airport ayaa sheegay inuu muddo laba maalmood ah socon doono, isla-markaana ay ku wehelinayaan 36 xubnood oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Maayaro, Madaxda Shirkadaha Ganacsiga Madaxabnaan ee wadanka ka jira. “Waxa ka soo qayb-galaya shirkan Baanka Islaamka, Baanka Horumarinta Afrika, USAID, Hay’adaha Horumarinta Ingiriiska iyo Hay’adda UNDP,waxaana lagu soo bandhigi doonaa muddada uu socdo waxyaalaha u qabsoomay shirkadaha gaarka ah ee Somaliland, si mustaqbalka looga taageero waxyaalo badan.”Sidaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Md. Cali Sanyare.

 

Wasiirka Qorshayntu oo ka hadlayay sababta shirkan khuseeya horumarka Somaliland loogu qaban waayay wadanka ee Jabuuti loola doontay waxa uu ku tilmaamay in Hay’adaha badankoodu in Jabuuti lagu qabto maadaamo ay Hay’adaha badankoodu xaruumo waawayn ku leeyihiin, sidaa darteedna ay fursad u tahay Somaliland u lagu qabto Jabuuti shir gaar u ah Somaliland. Kaasoo wax wayn ka tari doona sida uu sheegay isku soo dhawaanshaha iyo iskaashiga labada dal iyo shirkadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

While Udub politicians are busy attending seminars the innocent children of Hargeysa are busy trying to fight the selling of they're schools.

 

Xaraashka Daahir Riyaale Ee Dhismaha Danta Guud Oo Gaadhay Iskuulada Iyo Gadoodka Ardayda Sheekh Bashiir

 

 

May 4th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa rasaas u adeegsaday kumanaan arday oo ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Bashiir ee badhtamaha magaalada Hargaysa, kadib markii waalidiinta ardaydaasi oo shalay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Daahir Riyaale isugu yeedhay loo sheegay in ilmo kasta oo arday ka ah dugsigaasi laga doonayo hal doolar oo loogu sameeyo bedelaad iskuul kale, isla markaana dhismaha dugsiga Sheekh Bashiir looga faa’iidaysto siyaabo kale.mudaharaad_shei kh-school11

 

mudaharaad_sheikh-school-300x135.jpg

 

Waaberigii saaka ayaa ardayda wax ka barata iskuulka Sheekh Bashiir ay abaabuleen gulufyo mudaharaadyo nabadeed oo ay ku mareen badhtamaha magaalada Hargaysa. Hase ahaatee Ciidamo Boolis ah oo aad u hubaysan oo dhinac walba ardaydaasi cabanaysa ka soo hujuumay ayaa rasaas xoogle ooda kaga qaaday, rasaastaasi oo khalkhal gelisay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa iyada oo ugu yaraana 20 arday xabsiga loo taxaabay.mudaharaad_ sheikh-school2

 

mudaharaad_sheikh-school3-300x111.jpg

 

Ciidamada rasaasta ku ridayay ardayda oo u badnaa ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Somaliland ayaa si arxar-darro ah ula dhaqmay iyaga oo ardaydaasi la dhacayay qoriga dabadiisa.

 

Mudaharaadka ardaydaasi cabanayay ee wax ka barta dugsiga Sheekh Bashiir oo ahaa mid si nabad ah u dhacayay, ayuu agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadu difaacay rasaastii xooga lahady iyo jidh-dilkii ardayda loo gaystay ee ay ciidamadu kula kaceen oo uu agaasimuhu ku tilmaamay in ay amaanka sugayeen.

 

mudaharaad_sheikh-school11-300x195.jpg

 

Lama sheegin cid rasaastaasi wax ku noqotay oo ay waxyeelo ka soo gaadheen, inkasta oo ay jiraan dhaawacyo fudud oo ardayda qaarkood ka soo gaadhay garaaciddii ciidamadu ay garaacayeen.

 

Barxada hore ee Dugsiga Sheekh Bashiir ayaa lagu arkayay dadwayne aad u tiro badan oo halkaasi tuman, kuwaasi oo isugu jiray waalidiinta, ardayda wax ka barata dugsiga iyo dadwayne kale.mudaharaad_shei kh-school3

 

Dadwaynaha halkaasi isugu soo baxay ayaa si kulul u cambaareeyay falalka Daahir Riyaale ku xaraashayo hantida ma-guurtada ah ee ummada ka dhaxaysa, waxaanay dadkaasi dhamaantood saxaafadda uga warameen warar ay ku tilmaameen mid yaab iyo fajiciso ku noqotay, kuwaasi oo ah in ay maqleen in la iibiyay Iskuulkii ay caruurtu wax ku baranaysay. Waxaanay muujiyeen in taasi suuragal tahay, maadaama hore loo iibiyay guryo iskuulku lahaa iyo xaafado dhan oo ah guryihii laga dhaxlay dawladihii hore oo ku dhaw ama la jaar ah iskuulka..

 

Mid ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiga Sheekh Bashiir oo magaciisa la yidhaahdo Muxumed Jaamac ayaa soo tiriyay dhamaan sakadaha uu dhawaan xaraashay Daahir Riyaale, isaga oo sheegay in iskuulka Sheekh Bashiir oo ah goob taarikhi ah oo lama taabtaan ah iibintiisu ay u xalaalaynayso Daahir Riyaale in uu iibiyo Masaajidka wayn ee Masjid-jaamaca magaalada Hargaysa.

 

Iibka Iskuulka Sheekh Bashiir ayaa la sheegay in uu ku xidhiidhsan yahay iibkii hore Daahir Riyaale ugu faasaxay xaafadda Indiya Laynka oo dhamaantood laga iibiyay qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee dalka, waxaana la sheegay in labada guri ee iskuulku lahaa oo hore looga iibiyay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Maxamed Aw Siciid, lagana saaray qoysas danyar ah oo deganaa, la doonayo in guryahaasi la raaciyo dhul kale oo ka mid ah Iskuulka, si taasi loo fuliyana waxaa la sheegay in loogu talo galay in la fasaxo ardayda iskuulka Sheekh Bashiir, iyada oo loogu marmarsoonayo in dayactir lagu samaynayo dhismaha Iskuulka, isla markaana mudadaa gudaheeda la dumiyo qayb ka mid ah iskuulka, si loogu daro dhulka laga iibiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E – mail: afqarshe114@hotmail. com

www. Somaliland.org, Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is the democracy that the school kids are exercising .......... not available in the whole horn of africa ..........

 

 

I'm proud of them really ,, very proud ........

Share this post


Link to post
Share on other sites

But what kind of democratic society are they living if they're schools are being sold off. Do you know of any other democratic country that does that... Must be one of those many ' best kept secrets of Somaliland' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Give it a rest, old boy. You've got enough to worry about in Puntland - what little exists of it, anyway.

 

Let others worry about Somaliland and its democracy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why shouldnt I be able to worry about my younger brothers and sisters education whether it's in muqdisho hargeysa or jig jiga. If you say there's short comings with the puntland adminstration and its policies then i beg you to come with solutions.

 

But as I know you couldnt care less, but that wont take away my god given rights to care for my muslim brothers but also my rights of being somali to care for every one of them..... even if you were one of those kids I would have said the same... It's hate that divides and love for one another that brings harmony

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mintid horta kuwa cusub oo inagu soo biiray baad tahay ee awoowe bal kaadso. Meel aad nacayb iga aragtey iyo mother theresa aa la yiri wanaag uun lagu arkey midna cadeyn uma haysidee iska fadhiso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this