Sign in to follow this  
me

Ugaarsiga reer Somaali galbeed ma garbaa? The Somali peoples view

Recommended Posts

me   

Ugaarsiga reer Somaali galbeed ma garbaa?

 

Fu’aad Max’ud X.Nuur.

 

Soomaali galbeed waa dhul ballaaran oo ay dagaan dad soomaaliyeed oo farabadan, waa dhul ku hoosjira isticmaar muddo dheer, waxaa sooyaalkiisa mar walba ka dhex muuqanayay halgan loogu jiro in mar uun gobanimo la gaarsiiyo dhulka iyo dadkaba.

 

 

 

Bedka dhulkaas ayaa lagu sheegaa in ka badan 600′000km, waxaa dhulkaas ka hana qaaday saldanado muslim ahaa oo kala danbeeyay, waxay mar walba la hegardamayeen oo gulufyadii ka imaanayay xoogaggii kiristanka ahaa ee ay jaarka ahaayeen iyo kuwa ku nool carro-edeg oo mar walba la soo gaarayay cudud, caqli & calafba.

 

 

 

Soomaali galbeed waxaa lagu sidkay Itoobiyada 1954tii kaddib markii ay xoogaggii reer galbeedka kuwii ugu tugtugta roonaa ay u cuntami wayday inay ogolaadaan yagleelidda Soomaali wayn gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaanse meesha ka marnayn hagardaamo ay gaysteen qaar kamid ah hogaankii siyaasadeed ee Soomaalidii waagaa joogtay.

 

 

 

Soomaaliyadii xorta ahayd marna kama soo doogin dhaawacyadii ka soo gaaray googooyntii isticmaarka ee waxay u halgamayeen inay mar uun arkaan shantii soomaaliya oo mid ah, waana sababta ay soomaalidu u calmadeen inay calnka astaanta u ah ee buluugn inay dhexda kaga xardhaan xiddig shan gees leh.

 

 

 

Raggii suugaanta ee ka warramay tala xumada soomaalida guud ahaa gaar ahaan dayaca haysta Soomaali galbeed waxaa ka mid ahaa Cismaan Yusuf Keenadiid.

 

 

 

Soomaali talaxumo taag looga waayaye

 

Tabtay horay usoo baratay marna kama tagaysee

 

Tadbiir kale ma haysee iyadaysku taagane

 

Istolaysigii gacalo tusi waa Ilaahaye

 

Iyadaysu tumanaysa teeri iyo billaawe’e

 

Istaageerid laga waa isu turina maysee

 

Tabaalaha adduunkiyo taariikh eegi maysee

 

Waxay tacaddi soo aragtay inay toosto diiddaye

 

Cilmiga loo tartamayana u tacjiili maysee

 

Shisheeyaha ku tuman iyo tooda fiirin maysee

 

Xornimada u timid haatan toodoobi maysee

 

Diinka tiirinta u baahan waxba uguma taallee

 

Tiiraanyo kama hayso tafarruqa la galiyee

 

Si kastoo ad ula talisid teedii uun weeyee

 

Dalkoodii ragbaa tabiyay iyagayska tuunsane

 

Ingiriisku tahantiyo toogadiba ka helyaye

 

Faransna tabkiciyo tiis waa ku haystaye

 

Inta kale waxaa taabay talyan iyo xabasho’e

 

Amxaarkana tixgalin iyo turaal lagama eego’e

 

Tolwaynihii ******** tuu ku falay la maqalyaye

 

Gabal toogay qaarkoodna xabsiguu ku tuuraye

 

Nimankii u talinaayay Tafarraa dhameeyee

 

Tallan iyo kuwii haray tawal baa dilaayee

 

Waa ka tubaha soo jiiray Ina Tarabbi keligiye

 

Isaaqna looga tabar sheegay takhtigii dhulkiisee

 

Wuxuu tiriyo maalqabey kor u tiigan waayee

 

Arladii tooxa weyneyd ku tallaabsan waayee

 

Toban mayl ma dhaafsiisna taaggii hargaysa’e

 

******teenna laga teed halkuu Toga ku dhaqayaye

 

Kobtii lagu tammadin jirey laga wada takooryaye

 

Taxkuumadi ma seejine tunjileecsi weeyee

 

Toomihii marqaan iyo tagi waaye ceelcade

 

Teerrage agtiisiyo waa kan tuuran Beyra’e.

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa la soo maray dagaallo lagu doonayay in lagu soo celiyo Soomaali galbeed kuwaas oo uu ugu xoog badnaa kii 1977dii ay soomaalidu la gashay taliskii Mangistu kaas oo ay ku hoobteen dad aad u farabadan saraakiil dadka iyo dalkaba qiimo ugu fadhiday laakiin gaalibgorayayntii dunida kiristanka iyo bisayl li’idii saraakiishii soomaalida ayaa lagu guul darraystay in la soo celiyo soomaali galbeed in kastuu ahaa isku day aad u wanaagsan.

 

 

 

Waxaase yaab noqotay burburkii Soomaaliya kaddib in qabqablayaashii dagaalka iyo qaar kale oo siyaasiin ahi ay u kala dhuunteen taliska Adis-ababa isla markaana ay ugu khudbeeyaan dadka ereyo ay ka mid yihiin walaaleheen Itoobiya walaalkeen Mleze sanawi iyo waxyaabo la halmaala, waxaa kale oo soo if baxay in xitaa la sheego in qabaa’ilka soomaalida iyo Tigreegu ay isku hayb yihiin oo ay marba qolo la isir noqdaan, waxaa kale oo aan qarsoodi ahayn hubka iyo saanadda laysugu dhiibayay dhoohanayaashii dadka horkacayay.

 

 

 

Intaasi waa sahal iyo hooyo subag ku marisay waxayse gun iyo caar bixisay markii Maamullada Somaliland iyo Puntland haba ku kala horreeyaane ay bilaabeen inay taxaabaan dadka ka soo jeeda Soomaali galbeed kaddibna loo dhiibo Taliska Adis-ababa iyadoo la leeyahay waxaa lagu soo taba baray Ereteria, waxay cadaw u yihiin Itoobiya, waa ONLF iyo wax la mid ah.

 

 

 

Haddaba waa yaabee ma saxbaa in sidaas lagu eedeeyo loolana dhaqmo caynkaas? waxay aniga ila tahay maya waayo haddaan mid mid u soo qaado eedaymahaas.

 

 

 

· Ereteria ayaa lagu soo tababaray: haddii dad Isticmaar ku hoosjira ay u halgamaan xaqooda kuna soo tababartaan meel’uun qaanuunkee ayaa ka dhigay danbi? Dhab ahaan waa ma jiro qaanuun xarrimaya, teeda kale miyaan Mleze iyi Afawarqi labaduba ku soo tababaran kulyaddii Jaalle Siyaad? Jawaabtu waa haa haddaba maxaa diiday in ayaguba ay soo tababartaan oo xaqooda u halgamaan? Midda kale inagu ma waxaynu ka jecelnahay Itoobiya Ereteria oo ay dal wada dagaan qaraabana yihiin iyo waliba isku diin? Waxaa ka sii daran dadka meelahaan lagu qabanayo waxay inooka yimaadaan Yeme ama Jabuuti waana ognahay sooyaalka xiriir iyo saaxiibtinimo ee ka dhexeeya itoobiya iyo Yemen haddaba maxaa inaga inaka dhigay Boolis ilaaliya Itoobiya runtii waxaan leeyahay gar waa loo islaane gar ma aha umana dhawa.

 

· Itoobiya ayay cadaw u yihiin: Itoobiya ciddii cadaw u ah ma anagay cadaw noo tahay? Tan kale ninka raba inuu xoroobo ee aynu wadaagno Diin, af, midab iyo dhulba ma wuxuu inaka mudanyahay inaynu u luqun jibaarno kuu la dirirayay? Dhanka kale goormaa ayaa Itoobiya iyo Soomaaliya nabdeen? Ma waxaa jirta dawlad Soomaaliyeed oo ka tanaasushay dhulka iyo dadka ka maqan Soomaali? Kolley anigu ma ogi, hal waa gar haddaynu niraahno maanta ma awoodno inaan walaaleheen wax tarno ama aan xoraysano dhulkaas hadday saas tahay saw ma ahayn inaynu u ducayno qalbiga ka taageerno mise waxay ahayd inaynu qabqabano oo misana u dhiibno kay la dirirayeen oo ay ka soo carareen.

 

· ONLF: ururkaasi horta ma urur danbi ahbaa? Ma urur aduunka la ugaartaa? Kolley intaan anigu ogahay waa urur ku leh xafiisyo dalalka reer galbeedka oo dhan sida Marykan, Ingiriiska iyo Jarmalka, haddaba ma inagaa kala saaxiibsan Itoobiya maraykanka iyo Ingiriiska? Taasi dabcan waa maya haddaba niman adduunkoo dhan xafiisyo ku leh oo aan cidina ku aabyoon maxaa inaga inaku kallifay inaan qabqabanno? Runtii waxaan is leeyahay waa adiyad aan marna la ogolaan karin oo ka fog runta iyo maslaxaddaba.

 

 

 

Ugu danbayn dadkaas laga dhigtay caadada in sidaas foosha xun loola dhaqmo waxaa ka dhigtay caado waa dad kooban oo aan is leeyahay ma yaqaanaan maslaxadooda iyo tan dadkooda midna, sidoo kale maxaa saaxiib lagu noqdaa maxaase ah lama taabtaan marna ma aysan garan dadkaasu.

 

 

 

Anigu intaan ogahay Bulsha waynta Soomaaliyeed raalli kama aha kamana noqon doonto arrinkaas, tan kale waxaan is leeyahay baroortu orgiga ka wayn meesha looma socdo wiilasha yaryar ee aan cidina aqoon ee waxaa la rabaa in dadka madaxa laysu gesho oo degaanba degaan cuno, cidiba ay cid saloolato kaddibna waxaba laga dhigto cantuugo qura oo si sahlan loo wada laqo.

 

 

 

Waxaan ilaah ka rajaynayaa in dhagarta cadawga uu inaka kaafiyo inana aynu baraarugno oo aynu u istaagno maslaxaddeen aakhiro iyo tan Adduunba, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa Soomaalidii xorta ahaanjirtay iyo tan aan wali xoroobinba inay ka digtoonaadaa dabinka loo dhigayo oo waxgaradku ay dadka u cirbixiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

22 Comment(s)

 

1.

 

waa arin laga xumaado walaal.

 

laakiin mid dadka somaliyeed way u cadaatay in somaliland iyo puntland maamulada ka jira ee dadkoodu ku faanaan ay yihiin cadowga somaliya.

 

xamarta maanlin kasta dadka lagu laayo o ay dadku la yaabanyihiin waa taalada xoriyada soomaaliyeed . reer somali galbedna way ku nastaan xataa lacag ayaa looga arurin jiray.

 

waa laga bixi tan in sha allaha kuwa sameynayanan la cafin maayo in sha allah

 

maxamed cabdi | Oct 27, 2009 | Reply

2.

 

waa wax lala yaabo haday aarintaani mid jirta tahay oo qof soomali ah loo gacangeliyey cdowga aale waana mid aayatiinkeedu noqonkaro cadaab iyo ciqaab ilaahay. reer bontland waxaa lagu yiqiinay xilkasnimo iyo deriswanaag intii muddo ah.markaarrintaas hala hubiyo haday jirtona xukuumada waa in sidegdeg ah looga codsadaa inay is casisho ama ninkaas la soo celiyo.

 

Abdullaahi (daacad) | Oct 27, 2009 | Reply

3.

 

ASC BAHDA AKHRISA EE SOMALIYEED.

Waxaa dulmi weyn ah, in qof muslim, somali, xigto, marti intaba ah loo dhiibo cadow Alle oo adduunyo lagu iibsado, arrintaasi ceeb weyn ayey ku tahay bulsho weynta reer putland ee lagu yaqaanney xaq dhawrka iyo siyaasad qoddo dheer. Qabiilooyinka dhulkaas daga gabdhahooda ayaa dadka magan galin jirey oo gabadhii ku hagoogata nin dagaal lagu qabtay ama colaad hore loo haysto lagama taaban jirin, haddase dhaqankii waxaa baddalay calooshooda u shaqeystayaal dantoodu tahay oo kaliya lacag.

waxaan leeyahay waa in arrintaan wax laga qabtaa oo qabiilooyinka ku nool putland odoyaashooda iyo culimada putland ku nool ay shir isugu yimaadaan go’aan cadna laga qaataa arrintaan, raali galin weynna laga bixiyaa oo dadkii dhintay magtooda iyo godobtir buuxda la bixiyaa, haddii kale ciqaab Alle iyo dhibaato aan dhammaan putland waa ku habsan.

 

Waddani | Oct 27, 2009 | Reply

4.

 

mahadsanid sh fu,aad Jazaakalaahu khayraa

 

nuuradiin (fiqi) | Oct 27, 2009 | Reply

5.

 

asc, wr, dhamaan saxaabta somalimirror iyo akhrista yaashiisaba .

 

horay ayaan u maqli jiray buju +buju = taadhas macnaha waxaan kawadaa puntland + somaliland = mamulka jig jiga.com

 

hadaan usoo dagao dulucda hadalka shaki kuma jiro in labadan maamul ay soo magacaabeen gumaystaha madoow ee abasiiniya ee daayeer zenaawi.

 

falkan oo ah fal axmaqnima ah ayaan aan kasuuroobin islaanimada, dhaqan iyo xeerka somaliyeede aan ucuntamayn umadaha cawaanka ah.

 

markaysaas tahay waxay ubaahan tahay in talaabo cad laga qaado kuwaa waxan ku kacaya ee waliba caadaystay umada islaam ah lagu gado xoogaa dhareer ah.

 

umada somaliyeed waanu kunaqaanay in ay aydu islaysay , isxirato haba isdulmiseen hadana ay kaxaasho, laakiin nin wax lagu haysto aysan jirin ama danbi ah sidii xoolihii oo kale in saylada xoolaha intii lageeyo ayaar marba mid canjeero xabashi lagu badasho waa wax taariihkda soomaliya mar dhow ku soo biiray aan loo dulqaadan karin.

 

itoobiya waxay dadaal ugu jirtaa sidii dagaalada ay kula jirto ONLF ee kuda dheeraaday ay ugu weecinlahayd dhinaca somaliland iyo puntland si shucuubtan muslimiinta ah ee walaalaha ah ay colaad horle udhexmarto itoobiyana u nasato rasaatana ay u miisto kii laga yara itaal roonaadaba sida ay somalya kula dhaqmi jirtay waligeedba ayna ka noqoto daawade kursi meel fagaara ah yaala ku dhacdiida.

 

arintu saad moodeen ma ahan waa shirqool lagu baabi,inayo garaadka iyo awooda somali oodhan ayadoo loo adeegsanayo caada qaate axmaq ah oo waxba u aaba yeelaynin saaxiibu luf luf.

 

waxaa arintaas cadayn u ah markasta oo falkan uu dhaco foosha xun bal ufiirsada mamulka somaliland iyio puntland isku mar ayuu dhacaa,

iswaydii oo weedha iyo naasa adag maxaa kulmiyay ayaa wiil waal laga hayaa?.

 

waxaan aad ugu mahad celinayaa culimda udiinka , wax garadka iyo inta kadhiidhinaysa falkan xun ee soo laab laabtay ee puntland ee uu kujiro damiirka aadamaha iyo ka diimeedba ayadoon aan ogaa in hada kahorna sidan oo kale ay 5 nin oo hore ay kasiidaayeen mamulkakan daba *****ka zenawi u ah.

 

waxaana ku talin lahaa nimanka in laga qaado xilkan baas wax kastoo lagama maar maan ah si loo bad baadiyo jiritaan ka iyo sharafta umadeed iyo tan islaanimo ee reer puntland iyo gabi ahaanba sumcada somaliee waa hore waraa buhu inteedii badnayd cunay.

 

waa in la fashilyaa sidii loo fashiliayay waxii itoopiyo kkonfur kaga dhaqmi jirtay maxaa yeelay hadaan la fashilin sidii ku wii ashaahada la dirirkii muqdisho, waxaa fashil maydoona teena guud waxaan kawadaa shucuubta hada la rabo in la isku soofeeyo ee ay udeegayaan gacma shisheeye oo inaga inagu yaala laakiinse aan wax dan ah noo wadin dhib iyo khasaara mooyaane

 

waxaan ka cudur daaranayaa hadaan yara xad gudbay maxaa yeelay caro ayaa iqaaday markaan maqaalka akhriyay anoo kaqiiroooday dadkaygu dalkiisii iyo diintiisii halka ay marayso maalinkasta waxaan arkaa kuwa inkaar iga gurta.

 

eebbena waxaan uga bar yayaa in uu umadan dayacan ee cadaawuhu halaakeeyay quluubtooda isku soo duma boogtoodana isu dhayo sidii reer aws iyo khaztaj

aaamiin aamiin aaamiiin .

 

Korneyl Haragweyne | Oct 27, 2009 | Reply

6.

 

ASC DHAMMAAN

AAWAY SH/MUSTAF?? MEE SH/DIRIR?? CULIMADII BUNT-LAND MEEDAY?? WACDIGA IYO WAX SHEEGIYO WAANADAY DUDUBIYAAN MA DUUL KALAY U WARIYAAN DADKAN MAY U SHEEGAAN?? WAX GARAD KII MAXAA HELAY?? BOQORADII MABAQAYAAN?? BULSHO WAYNTU BAAQ IYO BAROORDIIQ MAY SAMEEYAAN??? WOOOOOOOW hadayna qayb ka ahayn ganacsigan cusub ee dad qalashada/gadashada haka hadleen hana joojiyeen

walaalyaal waxaan wada ognahay in ay tahay arintani arin dhan diineed iyo dhaqanba ku xun hadana kuma dhiiranno in ti toos ah loola hadlo shaqsiyaadka ka danbeeya falkan cadawtinimada dhaafay ee hilbo gadashada ah run ahaantii ma ahan markii koowaad iyo labaadba bal e waa dhacdadii sadexaad tii ugu darayd ugna foosha xumayd waxay dhacday bil kahor oo ahayd in dad islaam ah oo soo ehel mooday GAWRAC QOORTA LOOGA JARAY waxaan odhan lahaa ree bunt-land iyo somali-land ha ka waan tooteen dhaqamadan ugub een horay loo arag waliba labadan gobol dadka dagan uma dhanna arintan waxaa si gaarah falka u fuliya ********** IYO ***** qabiiladani ha is waan sadeen oo ha is waan sadeen

 

M.MUSLIM | Oct 27, 2009 | Reply

7.

 

waad mahadsan tahay fuad ninka maqaalka qoray …….

 

taariikhda sooyaalka ah ee soomaaliyeed ayay galaysaa waana MAXADWEYNE FAROOLE DUMADIISA INTAASINA goor ay noqotaba waa lagula xisaabtami doonaa insha alaah dambigaas inta gaysatay waxaan ilaahay uga baryayaa intaas oo kale ay ku dhacdo iyaga iyo inta ay ugu jecelyihiin AAMIIIIIIIIN ,,,,,,,,,,,,

 

ururkii DAALIBAAN gadaalkii DOQONTA xooga weyn ee maraykan kusoo qaaday gaalo dhamina ay weheliso wuxuu ka dhashay in gacanta loosoo galiyo USAMA BINULADAEN wey diideen in ay ugacan galiyaan maraykan USAMA BINULADEN ,,,,

 

taariikhda intiina la socota gaaladu guul kama dheegan ilaa hada dagaalka af-qanistan idiinka sheekayn maayo taas idinka ayan xaadir ah oo indhihiina kula socda waxa ka dhacaya wadankaas ,,,,,,,,,,,,,,,,,,

 

PUTLAND MAANTA WAXAY dhiibayaan dad nasab tol xigaal qaaro intaba leh oo walaalahood ah bal hadaba is gara dhiga RAGAN PUTLAND MADAXDA KA AH iyo RAGII DIIDAY INAY DHIIBAAN DOWLADNIMADODIINA KU WAAYAY waa DAALIBAANE ,,,,,,

 

wacane | Oct 27, 2009 | Reply

8.

 

Abaalmale ninkaan eegin taariikhe

Wixii uu amaamuday waad inkiray seene

Asagaa nakala geeyey baad abid tiraah daane

Igmanwayde tuugalay iyo aanadiisiiye

Afwaynaad tiraah deen markuu eelo soohelayee

Abtinimo wuxuu bixiyey iyo ina adeer toona

Midna maanan arag waxaad abid kasheeg teenee

Asruurte geesigu wuxuu aanadiin galaye

Markii uunku kala leexday ee loo itaal sheegtay

Waa taad afgooyiyo tagteen aafihiisaraye

Iswaydii inaad adigu tahay kii arimiseegtay Intaad meel asaagaa katagay aayar guranayso

Ood kiinya iyo xabashi oli kutuugayso

Aar goosi kaagama anfadhiyo aano soo celnee

Intaad kala irdhayntaa wadiyo ooda kala gaynta

Oodkii agatiinaa tagaba oofta goynaso

Dawlad aad astaysaan dhacayn abid intaad joogto

Itaalyari mahaysoo uunku waw marage

Waa kuman uluuf iyo uluuf odayga daaroode

Hayee shee amxaar kuu rabaa inu agjoo gaayee

Abaanowda kama sheexayiyo eraya dii siiye

Asaruure geesigay ahayd inay adee caanee

Islawayni baad uga hadheen uunki oo idile

Hadana waa asaagiin waxaad daba orday saanee

 

guuleed | Oct 27, 2009 | Reply

9.

 

viva walaalaha kablalah iyo Canoole

 

Duulane | Oct 27, 2009 | Reply

10.

 

mujaahidiinta rer soomaali galdeed amaba reer ********iya annagu waligaya waan garab taagnayn haddaannahay dadka kudhaqan min gaalkacyo ilaa kismaayo 1968 ninkubiiiray ciidanka xoogadalka soomaalia kadibna 1977kii askoo sargaal dhexaa kaqabGAlay biladanku qaatay ayaa kasheekeeyay sababtii uu askarta ugubiiray wuxuuna kumacneeyay inu maqlay gabar reer ********iya ah oo askari itoobiyan ah uu baynaadku muday markaasna uu go.aansaday inuu itoobiya dadkaaska xoreeyo xattaa qab qablayaasha muqdisha ma ogi inay dhiibeen dad onlf katirsan waxayna sababtay nacaybka itoobiya iyo jacalki aanu uhaynay soomaali galbeed inbalaayo kastaa noogu soodhuumato waxaase layaablahaa inuu shii xasan turki ciidamaduu kuxorayn lahaa ********iya wulaayo dadkii hiilka iyo hooba lagarabtaagnaa abadkoo WAXAAN LUJAJEDAA MARUU JAWRAN WEERARKA KUQAADAY IYO HADAAY marka meesha dadka muslimiinta ah soomaalida ah maalinkasta laga qafaasho sida sida putland iyo soomalind yiaan dad damiirlihi joogin miyaan wadaada joogin !!!

 

fiiirsade | Oct 27, 2009 | Reply

11.

 

ASC.

 

soomalidu waxay u qaybsan tahay degaan iyo gobol mana jirto cid dhulkeeda keliya ku koobnaan karta haddii la dhaho qoloba dhulkeeda qolada kale haka qabqbato waa sidii cadawga ilaahay naga rabay in nalaka waayo laba is aaminta kadibna midba maalin la cuno ee arrintan ilaahay sw halooga baqo intaan aakhiro lagaarina aduunkaa natiijadeeda lagu arkayaa haddaan laga waantoobin sh fuad juzita khyran wsc wr

 

wardi9 | Oct 27, 2009 | Reply

12.

 

walahi wa wax laga naxo in dhacdo lakin atarikhu ducid nafsa laba wa mid run ahanti walal kadib marki ay dhacday dowladi somaliya waa la ogyahay wadanku wa mamul ku dhisan qabil fuad haka so qadin walal dowlad hana uga hadlin nidam dowladed ee ugu hadal ***** teen ahan iyo **** wan garankarna fuad hadii adi lagu xidho gobal ka mid ah somaliya ama dhib lagugu gaysto inay *****ten kacayan ama cisman maxamud hadan hos kugu dago lakin run aahanti ma rabno inay dhib dhacdo lakin hada way no furan tahay ian intiqam samayno sharciahana way no banantahay marka waxan qaba ina intiqam ay samaystan dadka rer somali galbeed oo lo cadaystay mar walba ina la dulmiyo laga bilabo kan hadlaya iyo cid ad kartaanba

 

abu khalid | Oct 27, 2009 | Reply

13.

 

Asc wr wb wb:

 

Salaantaa ka dib sheekh Fu,aad jazakallah kheyral jazaa taariikhdaa qiimiga badan, mida kale soomaalida waxay tirahdaa waayeel korkii waa wada indho ninka faroole la yiraahdo arrintan isagaa ka dambeeyey sababtoo ahi maalin dhoweyd buu afeeftay oo uu yiri dadka la xirayo dadka ka daba imanaya waa inay joojiyaan ka dama imaanshaha taas oo horudhac u ah in dadka la dhiibo. anigoo ah qof u dhashay beelaha dega Puntland waxaan leeyahay ogaada fidnada ku ekaan mayso inta suubinaysa kaliya idinkana waa idin haleelaysaa hadii aydaan u gurman dhibanaha, gacmahana eeyan qaban kan dulmiga wada, dadkan wax dhiibaya cirka kama eeyan iman culimada inteeda kale oo uu ugu weyn yahay sh c/qaadir Nuur faarax waa in ay si calam ah uga dhiidhiyaan arrintan ee aan si sir ah wax la isugu sheegin sababtoo ah waxay dawo u tahay ummada muslimiinta dhamaan. Kollay ethopia na dayn mayso inta adduunkan aynu ku noolnahaye si kali kali ay yayan noo laasan inta aynu awoodno aynu jac iska dhahno waa waraabe oomane.

 

asc wr wb

 

Liban | Oct 27, 2009 | Reply

14.

 

Bal dhuux kalimadaha Cismaan Yusuf Keenadiid. Ninkaasi Alle ha u naxariistee wuxuu mootan yahay mudo ku dhow 150 sano. Hadana markaad dhaliilaha uu Soomaali u soo jeedshay dhuuxdid macnahooda waxaa moodaysaa inuu maanta ka gabyayo.

 

Duf ku bax Soomaaliyay illayn garaad kuuma kordhee wacdaraha aduunkana wax kuma qaadataane. Awalbaa la yiri taariikhdo waa isku soo noqnoqotaa.

 

Allemagan | Oct 27, 2009 | Reply

15.

 

waa sax waayo intay dadka jaajuusaan ayey ka cabanayaan in la jaajuuso

 

****** | Oct 27, 2009 | Reply

16.

 

ACWB:Arrintani waa masiibo muslino iyo somalinom iyo ehelnimo meel ay kasoo gashaa ma jirto.

Waxaase haboon in la fahmo oo la kala saaraa Maamulka tigreega u shaqeeya iyo shacabka reer puntland.

Dib u fiiriya taariikhdii waddankeena nidaamkii jiray waxaa uu oron jiray waxaa dalka loo baa’bin jiray in itoobiya ay xukunto oo tuulooyin loo qayb qaybiyo.Waxaa jiray 1986 in somaliya munguste uu u qon deeyay sidan.

1-SSDF Puntland 2-SNM Somaliland 3-USC Banadirland 4-SPM Jubbalnd iyadoo bay iyo bakool la raacinayo jubbaland sababtu maxay ahayd?somalida ayan u daayay

Ta kale Itoobiya iyaduba waa federal system sida ay sheegayso miyay ogashahay in nidaamka waddankeeda loo gacan dhaafo tusale ahaan jabuti ama kenya ay xiriir hoose la samaystaan goboladda dalkeeda maxaa ka qaldan federalka somalidu rabto waxaan u fahmay federalkeenu in uu noqdo tuulooyin qabaa’il u kala go’goan itoobiyana u kala dhuunta kuna faana midba inta uu midka kale kaga dhaw yahay itoobiya waxaa ayaan daro ah in nin islam somali ehel ah kana so cararay itobiya loo gacan galiyo mana filaayo dafiraadda maamulka puntalnd in ay wax ka jiraan sababtoo ah iyagaaba la maamullaa marka maxay diidi karaan?Sidii lala rabay somali waa la gaarsiiyay waliba si ka xun kana ayaan daran ayaan sugayanaa qabiil wa kaase dawadiisa keena.

MAHADASANIDIIN

 

Ahlufurqaan | Oct 27, 2009 | Reply

17.

 

MAXAA LOO EEDAYAA MAAMAAMULO

AY XABASHI SAMAYSATAY.

 

MA QOF SHAKI KA QABA BAA JIRA IN XABASHID SAMAYSATAY PL,SL, OO WALIBA RABTAY KUWA KALE

INAY KA SAMAYSATO KOOFURTA OO AY KU FASHILANTAY.

 

ILAA IYO HADDANA KA RAJO QABTO MID AY KOOFURTA KA SAMAYSATO OO SHARIIF KA WAKIIL YAHAY.

 

SOW UMA WADA JEEDDAAN IN XATAA GOBOLKII SOOMALIYEED EE BARI AMA ******TEENIYA MAGAC AAN

AF SOMALI AHAYN LOO HUWIYAY, WAA MAGACA PUTLAND EE?

 

WAA UUN MASA’LAD WAQTI MARKA ITOOBIYA AY ORAN DOONTO WAAN MIDOWNAY INAGA IYO PL IYO SL.

 

WAXA TAAS HORTAAGAN WAA KACDOONKA KOOFUR KA SOCDA IYO KACDOONKA ********YA EE WADDANIGAA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this