Sign in to follow this  
Abdi2005

Maraykanka oo ka codsatay Nigeria in ay soo dadajiso cidamadeda Where is Sh Shariif

Recommended Posts

Abdi2005   

Where is Sh Shariif? is it Susana Rays of USA who decides for somalia or Sh Shariif? Waxaad mooda shekh shariif inu noqday sid C/lahi Yusuf nin ku xiran ciidamo shisheeyo madama usan laheyn awood ay dowladiisa ku hirgasho, Sh Sharifow ogow in ay dabaabad Amxaaro socodsiin weysay dowladi C/lahi Yusuf taadana in aysan waxba ka duwanyen hadaad isku haleysid ciidamo shisheeyey.

 

 

Shabelle: NAIROBI

Dowladda Maraykanka ayaa waxaa ay ka codsatay dowladda Nigeria in ay dadajiso ciidamadeeda ay u dirayso wadanka Soomaaliya si ay ugu biiraan ciidamada midowga Africa ee jooga Soomaaliya.

 

 

Wakiila Maraykanka ee QM Susana Rays ayaa waxaa ay ugu baaqday dowladda Nigeria in ay soo dadajiso dadaalkeeda ay ciidamada nabad ilaalinta ugu soo dirayaan dalka Soomaaliya sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee wadanka Nigeria NAN.

 

Dowladda Nigeria waxaa ay waday qorshe ay hal guuto oo ciidan ay ugu soo diraysay Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya.

 

Haweenayda Maraykanka u qaabilsan QM Susana Rays oo booqtay xoghayaha joogtada ah ee Nigeria u qaabilsan QM maalintii jimcaha aheeyd ayaa waxaa ay u sheegtay in looga baahanyahay Nigeria in ay sii wado balan qaadkeeda ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya.

 

“Waxaan Rabnaa in aan ogaano sababta dib u dhigga ku keentay howlgalka Nigeria ee wadanka Soomaaliya”ayay tiri Susana Rays oo ah Wakiilka Maraykanka ee QM.

 

Susana ayaa sidoo kale sheegtay in wadamo faraban iyo midowga Africa ay kala hadashay in ciidamada Wadanka Nigeria ay tagaan wadanka Soomaaliya si qeyb ay uga noqdaan ciidamada midow Africa ee jooga Soomaaliya.

 

QM ayaa ka doodaysa 1-da bisha June ee soo socota arimo la xariira sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada Nigeria ee haatan loo soo dirayo Soomaaliya islamarkaana loogu dhamaystiri lahaa qalabka ay u baahanyihiin.

 

Nigeria ayaa horay u sheegtay in ciidamadeedu ay diyaar u yihiin in ay u soo dhaqaaqaan Soomaaliya balse ay jiraan arimo muhiim ah oo dhinaca farsamada ah oo loo baahanyahay in la fuliyo ka hor inta aysan Soomaaliya u soo dhaqaaqin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yacni Ciidamadan waa kuwi shareecada islaamka hirgelin lahaa. Waxey si toos awaamiirta ooga qaadanayaan culimada dhexhdexaadhinta, oo ayagu diyaar u ah in ciidamada qaarkood khamro iyo dhillooyin xerooyinkooda loogu ogol yahay hadey ku ekaadaan.

 

 

waxey tababar u furayaan ciidanka xooga dalka ee ka kooban, sh. c/qeybdiid, sh c/qaadir, sh cadow, sh ina shaaweey, sh. dhagaxtuur

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

He has no back-bone to assert his leadership and his own aspirations. Waa iska mr.nice guy who is too kind and easily swayed from his path.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this