Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The suicide bomber of mogadisho shocking pics

Recommended Posts

Xog dheeraad oo laga helay ninkii qaraxa ismiidaaminta fuliyay Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 05-Desember-09

 

 

 

Warar aan ka helnay illo lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyay in shaqsigii shalay isku qarxiyay goobtii ay ka dhaceysay munaasabadda Qalinjebinta uu ahaa shaqsi ka tirsan kooxda Al Shabaab, kadib baaris iyo **** gal la sameeyey.

 

Warar ku dhow dhow maamulka Hotelka Shaamow ayaa xaqiijinaya in shaqsigan oo isku diiwaangeliyay magic aanu laheyn uu kireystay mid ka mid ah qolalka jiifka ah ee Hotelka isagoo hor mariyay kirada muddo 10 cisho ah.

 

Ninkan ayay shalay u aheyd habeenkii 6-aad ee uu seexdo Hotelka, isagoo fursad qaali ahna u helay sidii uu gudaha ugu geli lahaa Hoolka shirarka ee Hotel Shaamow, waxaana la tilmaamay in ninkani uu isku soo beegay xilli dhamaan mas’uuliyiintii Dowladda, Dhaqaatiirtii, Ardaydii, Waalidiintii iyo dhamaan marti sharaftii kaleba ay soo xaadireen goobta munaasabadda.

 

 

 

 

Ninkan ayaa la xaqiijiyay inuu soo gashtay dharka Dumarka, oo ay ka mid aheyd, Xijaabka, Indhashareerka, iyo Goono, taasoo u sahashay inuu bartanka u galo goobta munaasabadda, muddo daqiiqado kadibna ahna markii uu day dayday goobta ay fadhiyeen Wasiirada iyo dhaqaatiirta uu is qarxiyay.

 

Ninkan oo aysan inoo suurta gelin inaan magaciisa helno ayay wararku intaasi ku darayaan in la garanayo beesha uu ka soo jeedo balse waan idiin qarinay sababo la xiriira in cadaawad xun aan loo qaadin, maadaama ay b eel waliba leedahay kooxo qaldan oo si xun u fekeraya.

 

Sarkaal ka tirsan Al shabaab ayaa la xaqiijiyay in shalay uu isku dayay qaraxa kadib inuu sheegto Qaraxaasi in ay ka dambeeyeen Al shabaab, inkastoo markii dambe idaacadii ay la xiriireen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xoogagaasi kuwaasi oo amar dul dhigay una sheegay in aaney sii deyn Karin, laguna soo wareejiyo cajaladii sheegatashaadaasi.

 

Sidoo kale, wareysiga mas’uulkaasi ka tirsan Al Shabaab ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray (Mujaahidiinta) ayna la heleen bartilmaameedkii ay doonayeen isagoo tusaale u soo qaatay “Waad arkeysaan alle mahadiis geerida Murtadiinta darteed cirka ayaa Daruur roobaad qarisay,waxaana da’aya Roob, waana barakada Walaalkeen Mujaahidka Is qarxiyay, waana la ogyahay nimankii murtadiinta ahaa ee goobtaasi joogay inay ku le’deen, dadka kalena Alle waxaan uga baryeynaa inuu Janadii ka waraabiyo waana dad Abriyo ah oo la kulmay qadarta Alle oo u qorneyd waqtigooda ayaana intaas ku ekaa” .

 

Maxamed Xuseen Ugaas

ugaasyare114@gmail.com*

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

 

[ December 05, 2009, 03:57 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this