Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali Government Approved by the Parliament

Recommended Posts

Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Booqasho Kedis Ah Ku Tegay Muqdisho

Ugandan_President.jpg

 

Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa maanta safar aan hore loo si shaacin ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

 

Diyaarad khaas ah ayaa kasoo dejisay Madaxweynaha Uganda garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyadoo amniga garoonka si aad ah ay u adkeeyeen Ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya.

 

Saddexda masuul ee ugu sareeya Dawladda Federaalka sida Madaxweyne Sheikh Shariif,Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan iyo Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay Madaxweyne Museveni,kulanka ayaa ka dhacay isla garoonka diyaaradaha.

 

Kulanka ay qaateen masuuliyintaan ayaa la sheegay inuu ku saabsanaa xirrirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda iyo weliba taageerada ay Dawladda Uganda siiso Dawladda Federaalka.

 

Madaxweynaha Uganda ayaa sidoo kale booqday xeryaha ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda kasocda,wuxuuna kulan kooban la qaatay saraakiisha ugu sareysa ee Ciidanka AMISOM.

 

Booqashadii u danbeysey ee madaxweyaha dalka Uganda ku yimaado Soomaaliya waxay ahayd sanadkii 1986, markaas oo uu la wareegay talada dalka Uganda, waxaana Soomaaliya markaas ka jirtey dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Sareeye gaas maxame Siyaad Barre.

 

Museveni oo socdaalkiisa koobnayd ayaa dib uga laabtay magaalada Muqdisho isagoo dib ugu noqday halka uu markii hore kasoo kicitimay.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Just like when melez zenawi visited xammar he met with his general Gabre. Yoweri Museveni did the same only he met with his general buhuku.

:D Is the General really called Buhuku?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Just like when melez zenawi visited xammar he met with his general Gabre. Yoweri Museveni did the same only he met with his general buhuku.

How many heads of state have you had visit Hargeysa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Qodax_iyo_Qarax:

quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Just like when melez zenawi visited xammar he met with his general Gabre. Yoweri Museveni did the same only he met with his general buhuku.

:D

Is the General really called Buhuku?
What if this is the only Ugandan in Mogadishu we know...? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this