Sign in to follow this  
Gabbal

Al Shabaab carries out corporal punishment in Mogadishu.

Recommended Posts

Gabbal   

Ururka Al Shabaab oo galabta Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen magaalada Muqdisho(DAAWO SAWIRADA).

 

Shabelle: MUQDISHO

 

Ururka Al Shabaab ayaa galabta Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen Xafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Galabta ayaa dhaq dhaqaqa Ururka Al Shabaab waxaa uu xukun Tacsiir ah ku filiyeen Ilaa 4-dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay gabar 18-sano jir ah ku kufsadeen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Xukunka Tacsiirta oo galabta ka dhacay xaredii Maslax ee xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ka soo qeyb galey dadweyne aad u fara badan kuwaasi oo u soo daawasho tagay Xukunka lagu filinayo dhalinyarada la sheegay in ay geysteen Kufsiga.

 

 

 

Sheekh Cabdi Xaqqa oo ah qaadigii xakumay Maxkamadda ayaa waxaa uu sheegay in afartaan wiil oo da’doodu ay kala aheeyd 15-jir,15-jir kale,16-jir iyo 18-jir ayaa midkiiba lagu xakumay in lagu dhifto min 100-boqol jeedal maadaama aysan soo wada marin wax guur ah oo ay sinaysteen sida uu sheegay.

 

 

 

Waxaa kale oo lagu xakumay dhalinyaradaan in ay bixiyaan meherka gabadhaani iyo sidoo kale in ay bixiyaan wixii ay heli laheyd gabar Bikro ah iyo in dhamaan dhalinyaradaani laga Masaafuriyo gobolka Banaadir oo ay wax ku kufsadeen islamarkaana loo masaafuriyo gobolo kale sida ay maxkamadu xukuntay.

 

 

 

Xukunkaani galabta lagu fuliyay dhalinyarada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen isagoo sheegay in arintaani ay qeyb ka tahay hergelinta shareecada islaamka.

 

 

 

Ugu dambeyntii ayaa wiil ka mid ah Dhalinyarada maanta la xakumay waxaa uu Idaacada Shabelle u sheegay in uu ku faraxsanyahay xukunka Maanta lagu fuliyay.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen magaalada

Ciqaabta kufsiga ma tacsiir ba?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

It looks like they are performing their usual PR-rituals to maintain the image of ''been relevant'' in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Juje:

quote:
Xukun Tacsiir ah ku filiyay dhalinyaro la sheegay in ay gabar ku kufsadeen magaalada

Ciqaabta
kufsiga
ma tacsiir ba?
Juujoow waa arrin iswaydiin mudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wow!!! not one person is supporting an example of implementation of the law of Allah! I think we need to look past any hatred we may have in our hearts for certain individuals or groups and approve of this action.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this