Sign in to follow this  
General Duke

Progress in the Somali national peace conference

Recommended Posts

Warar Dheeraad ah: Go'aamo Maanta ka soo baxay shirka Somalida

- Tuesday, January 20, 2004 at 20:34

 

Nairobi (AllPuntland)- Shirka hogaamiyayaasha Somalida uga socda Kenya ayaa maanta waxaa ka soo baxay go'aamo dhowr qodob ka kooban oo wax looga badalay heshiisyadii horay shirku u gaaray sida dastuurkii Somaliya.

 

Kulanka laga soosaaray go'aamada ayaa waxaa ka qaybgalay hogaamiyeyaasha Somalida ee shirkaas ka qaybgalaya oo tiradoodu dhan tahay 21 xubnood, oo isugu jira kuwii horay shirka u joogay iyo Cabdiqaasim oo isagu horay shirka uga baxay balse hadda dib ugusoo noqday.

 

Sida ay AllPuntland u sheegeen wakiilo ku sugan shirkaasi qodobada kasoo baxay shirkaas waxaa ka mid ah

 

Tirada Barlamaanka oo laga dhigay 275 halkii ay markii hore ka ahayd 351

 

Wakhtida jiritaanka dawlada Somaliya ee shirka lagu dhisayo ayaa laga dhigay 5 sanno halkii ay markii hore ka ahayd 4 sanno iyo bar

 

Magaca dawlada dhalan doonta ayaa la isla gartay inay noqoto dawlada ku meelgaarka ah ee Somaliya halkii ay markii hore ka ahayd dawlada ku meel gaark ah ee Federaalka Somaliya.

 

Sida ka muuqata heshiiskaan waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo dastuurkii ergada guud ee shirka Somalidu isku raaceen 25-kii Sebtember, xiligaas oo Cabdiqaasim Salaad Xasan gaashaanka ku dhuftay dastuurkaas uuna dib uga baxay Shirka.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Dib U Heshiisiinta Oo La Rajeynayo Inuu U Gudbo Wajiga Seddaxaad.

 

 

 

January 22, 2004 HornAfrik. Mogadishu Somalia

 

 

 

Ridwaan Xaaji "Nairobi"

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa wada dadaal lagu qancinayo Golaha Samatabixinta isagoo kulamo gooni gooni ah la yeeshay xubnaha golahaasi ee ku sugan Nairobi.

 

 

 

Wasiirka ayaa wada dadaalkiisa ku aadan sidii loogu qancin lahaa golaha Samatabixinta inay aqbalaan hindisaha cusub ee ay dowladda Kenya ku dhawaaqday ee la xiriira Axdi Qarameedka cusub ee lagu dhaqi doono dowladda KMG ah ee waqtigeedu noqonaya 5 sano.

 

 

 

Saakay ilaa iyo haatan ayaa waxaa socda wadahadalo u dhexeeyo Golaha Samatabixinta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, waxaana la filayaa inay natiijo ka soo baxdo.

 

 

 

Hinidsahan ayaa waxaa saxiixay madaxweynaha DKMG ah iyadoo horayna ay u ansixiyeen ururada bulshada rayidka iyo hogaamiyaashii kale ee ku sugan shirka.

 

 

 

Golaha Samatabixinta marka ay anisixyaan hidisaha ayuu shirka u gudbi doonaa wajiga seddaxaad ee wadahadalada Soomaalida kaasi oo noqon doono awood qeybsi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TNG-da C/QAASIM OO SAXIIXDAY HESHIIS LAGU FURAYO WEJIGA 3-AAD EE SHIRKA KENYA

 

Markii ay muddo 24-saac ah ka doodeysay TNG-da C/qaasim Salaad Xasan qoraal heshiis meel dhexaad ah oo ku saabsan is waafajin khilaafkii u dhexeeyay hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa shalay ay ogolaatay inay saxiixdo heshiiska qodobadii khilaafka ka taagnaa.

 

TNG-da ayaa inta badan qodobadii ay dooneysay in xal laga qabto is bedel lagu sameeyay taasoo keentay inay ka soo dabacdo halkii ay taagneyd, wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo uu wehliyo dhigiisa dalka Jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa ogolaansha TNG-da iyo Saxiixa heshiiska goob-joog ka ah, waxayna ku ammaaneen sida ay heshiiska ugu hogaan sameen.

 

Arrinta Federaalka, Baarlamaanka xulustiisa, Tiradiisa iyo qodobo yar yar oo kale ayaa saldhig u ahaa dooda TNG-da waxaana heshiiska meel dhaxaadka ah Saxiixay ilaa iminka 3-da qeybood ee kala ah:

 

1-Mbagathi Group oo ah 20 hogaamiye kooxeed iyo wakiilada shirka u jooga oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee qoraalkaas ogolaada qalinkana ku duuga.

 

2-TNG-da C/qaasim Salaad Xasan oo iyaduna ogolaatay isla markaana saxiixday shalay.

 

3-Iyo Ururada Bulshada Rayidka ah oo qeybka ka mid tahay hogaamiyayaasha Mbagathi.

 

Xubnaha Golaha samata bixinta ee ku sugan Nairobi ayaa la sugayaa inay saxiixaan heshiiskaasi oo ay ku xireen shuruud ah in wax laga bedelo qodobka xulista Baarlamaanka, arrintaas oo caqabad ku noqotay Igad ayaa shir dheer la yeeshay habeen hore xubnaha Golaha isla markaana waxaa naanta laga sugayaa inay Igad keento qaab lagu qancin karo hogaamiyayaasha Golaha samata bixinta oo kaligood iminka gees taagan.

 

Maxamed Cali Maxamuud

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxiixii u danbeeyay oo maanta ka dhacay Safari Park hotel.

By Axmed-yaasiin Posted to the web 22-01-2004, 19:48:45

 

Nairobi:- Waxaa maanta ugu danbeyntii saxiixay qoraalkii ay soo jeedisay Beesha caalamka kooxda Golaha Sammata-bixinta Qaranka oo iyada ilaa iyio shalay laga sugayay inay saxiixaas sameeyaan, kooxdan ayaa markii hore aad uga biyo diiddanayd qaabka qormmada warqaddaas loo soo diyaariyay, sida ay ku warameen xubno ka mid ah kooxdaa Samata-bixinta qormmada warqadaas ayaa waxaa markii hore lagu soo xusay magacayada kooxaha kale oo dhan; DKMG, Maamul Goboleedyada, iyo Hoggaamiye-kooxeedeyo, waxaana liiska ka maqnaa magaca kooxdooda oo keliya taasoo markii danbe lagu soo daray markay ku adkaysteen inaysan saxiixayn haddaan magacooda lagu soo darin,"waxaa wax lala yaabo ahaa inaan garan waynay waxaan saxiixayno, balse ugu danbayntii magaceenii waa lagu soo daray waana saxiixnay annagoo garanayna waxaan saxiixayno." sidaas waxaa yiri nin ka mid ah 8dda xubnood ee Golaha Samata-bixinta u saxiixay qoraalkaas.

 

Markii uu saxiixaas dhacay ka dib baa xubnahaan la weydiiystay inaay keenaan ragga kale ee ka tirsan Golahaas Samata-bixinta ee ka maqan shirka, wayna balan qaadeen arrintaas, sida lagu wado raggaas maqan oo kala ah; Guddoomiyaha Golaha Samata-bixinta Muuse Suudi, Col.Barre-hiiraalle, Col.Biixi, iyo Cusmaan-caato ayaa lagu wadaa inay yimaadaan inta ka horeysa maalinta isniinta ah oo sida lagu wado ay madax-weynayaasha dalalka Kenya iyo Uganda kooxaha Soomaalida ee saxiixay qoraalkan heshiiska ah ee ay soo diyaarisay Beesha caalamka qaabilayaan.

 

 

Qoraalka laga saxiixay kooxahan ayaan ilaa iyo hadda dhab ahaan la qeexi karin, hasa ahaatee wararka laga helayo ilo hoggaamiyeyaasha ku dhow-dhow ayaa sheegaya in qoraalka la saxiixay waxyaabaha ugu muhiimsan ay ahaayeen; tirada xubnaha baarlamaanka oomarkii hore ahayd 351xubnood oo hadda laga dhigay 275xubnood, isla markaasna 12% haween noqonaya, iyo in hoggaamiyeyaashu soo xulayaan xubnaha baarlamaanka iyagoo la tashanay oday dhaqameedyadii asalka ahaa, waa sida la yiriyee.

 

 

DHanka kale, kooxaha saxiixay qoraalkaas ayaa intooda badan waxay mahad iyo ammaan ah u soo jeediyeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Kenya iyo Djibouti Kalonzo Musyoka iyo cali cabdi Faarax oo sida ay sheegeen iyagu aad ugu howl galay in heerkaan la soo gaaro, waxaase jirta in kaalintii Itobiya ee shirka lagu tilmaami karo inay banaanayd in kastoo mararka qaarkood ay ka imaanayeen wakiilo, waxaana laga yaabaa ama ay u egtahay in kulanka madax-weynayaasha ka dib loo gudbi doono wajigii 3aad ee shirka, waxaa kaloo iyadana aan meesha laga saari karin in la xuso inaan wali dhab ahaan kooxuhu kulan rasmi ah dhex marin isla markaasna aysan iyagu meel wax wada dhigan.

 

Axmed-yaasiin Max'ed Sooyaan.

Puntlandpost, Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiis buuxa oo ay hoggamiyaasha Somalid Gaareen ,wajiaga3xaad oo la filaayo in uu furmo maal maha soo socoda .

 

Waxaa galabta galinkii danbe lagu guulaystay in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan lagu qanciyo in ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee uu urur goboleedka IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo ah qodobo dhowr ah oo Khilaafi uu ka taagnaa ee axdiga qarameedka ku meel gaarka kaasoo ay horey u saxiixeen hogaamiyayaasha Mbagathi Group Iyo TNG-da .

 

 

Mas'uul ka tirsan Dawladda Kenya oo isagu ku hawlanaa kulanka showrka ee Safari parka ayaa goor dhowayd ii xaqiijiyay in Golaha Samata Bixinta oo kaligood harsanaa ay aqbaleen hindisaha cusub ee lagu mideeyay Hogaamiyayaasha Soomaalida dhamaantood.

 

Sarkaal u hadlay Dowlada Kenya ayaa isaguna sheegay in IGAD ay qorshaynayso dayuurad loo diro maalmaha soo socda hogaamiyayaasha ay ka mid yihiin Muusa Suudi, Barre Hiiraale, Cusmaan Caato iyo Cabdirisaaq Biixi si ay uga qaybgalaan xaflad balaaran oo Isniinta lagu wado in lagu qabto Nairobi ayna ka soo qaybgali doonaan madaxwaynayaasha Kenya iyo Uganda.

 

Mid ka mid ah xubnaha Samata bixinta ee Nairobi ku sugan mar aan la xiriiray ayaa ii sheegay in ay aqaleen heshiiskaas inkastoo uu ka gaabsaday qaabka loo qanciyay maadaama ay horay u codsadeen in Golaha Samatabixinta lagu xuso qodobka xulidda Xubnaha Baarlamanka, Sarkaalkaasoo codsaday in aan magaciisa la shaacinin ayaa xaqiijiyay arintaas.

 

Waxaana shirka dib uheshiisiinta Soomaalidu u muuqdaa in uu ugudbay wajigii Sadexaad ee awood qaybsiga inkastoo rasim ahaan aan loogu dhawaaqin, maal mahan soo socdo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo waqti lafuridoono wajiga sadaxaad ee shirka , iyadoo la filaayo in uu daaha ka rogo Guddomiyaha xiligaan ee urur goboleedka Igad ahna madaxweynaah dalka Uganda Mudane:Yuweri Museveni.

 

Warqada heshiiska la gaaray waxa ay u qorneed sidatan.

 

1-Magaca Buuga Axdiga iyo dastuurka waxa uu Noqonayaa Buuga Axdiga iyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Soomaaliya.

 

2-Magaca Dawlada waxa uu noqonayaa

Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya .

 

3-Jamhuuriyada Domoqoraadiga Federaalka Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa Dastuurka KMG, Beesha Caalamka waxay ka taageereysaa dhinac Farsamo iyo Mid dhaqaale.

 

4-Baarlamaanka Ku meel gaarka ah waxa uu noqonayaa tirada xubnaha xildhibaanada 275 xubno oo 12% boqolkiiba tirada xubnaha Baarlamaanka waa haweenka.

 

5-Xulida xubnaha Baarlamaan waxaa soo xulaya :-

A- hogaamiyayaasha siyaasada ee Dawlada KMG,

B-Maamulada Gobolada iyo degmooyinka.

C-Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirku aqoonsanyahay iyadoo ugu danbeynna ay ansixinayaan Hogaamiyayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.

 

6-waqtiga Dawlada.

 

Jamhuuriyada dimoqoraadiga Federaalka KMG Ee Soomaaliya waxa uu noqonayaa 5 sano.

 

7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar Muslimiinta.

 

8-shirweynaha lagu ansixinayo qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka waqtiga waxaa sheegi doona Guddiga Hawl fududeynta IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Samata Bixinta oo Ansixiyay Axdiga Federaalka KMG

 

Burtinle-Online,Nairobi

Jimce, January 23 2004

 

Waxaa galabta galinkii danbe lagu guulaystay in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan lagu qanciyo in ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee uu urur goboleedka IGAD ay soo gudbiyeen. Hindisahan oo ay horay u saxiixeen DKMG iyo Mbagathi Group ayaa waxaa horay uga gows adeygay Golaha Samata Bixinta ee uu hogaamiyo Muuse Suudi Yalaxow.

 

Mas'uul ka tirsan Dawladda Kenya oo isagu ku hawlanaa kulanka showrka ee Safari Park ayaa goor dhowayd ii xaqiijiyay in Golaha Samata Bixinta ay ansixiyeen qodobadii Axdiga Kumeel Gaarka ee uu muranku ka taagnaa.

 

Sarkaal u hadlay Dowlada Kenya ayaa isaguna sheegay in IGAD ay qorshaynayso dayuurad loo diro maalmaha soo socda hogaamiyayaasha ay ka mid yihiin Muuse Suudi, Barre Hiiraale, Cusmaan Caato iyo Cabdirisaaq Biixi si ay uga qaybgalaan xaflad balaaran oo Isniinta lagu wado in lagu qabto Nairobi ayna ka soo qaybgali doonaan madaxwaynayaasha Kenya iyo Uganda.

 

Mid ka mid ah xubnaha Samata Bixinta ee Nairobi ku sugan oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in ay aqbaleen heshiiskaas inkastoo uu ka gaabsaday qaabka loo qanciyay maadaama ay horay u codsadeen in Golaha Samatabixinta lagu xuso qodobka xulidda Xubnaha Baarlamanka, Sarkaalkaasoo codsaday in aan magaciisa la shaacinin ayaa xaqiijiyay arintaas.

 

Waxaana shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu u muuqdaa in uu u gudbay wajigii Sadexaad ee awood qaybsiga inkastoo rasmi ahaan aan loogu dhawaaqin. Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo waqti la furi doono wajiga sadaxaad ee shirka, iyadoo la filaayo in uu daaha ka rogo Guddomiyaha xiligaan ee urur goboleedka Igad ahna madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Kaguto Museveni.

 

Qodobada ay saxiixeen Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa u qornaa sidan:

 

1-Magaca Buuga Axdiga iyo dastuurka waxa uu Noqonayaa Buuga Axdiga iyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaaliya.

 

2-Magaca Dawlada waxa uu noqonayaa

Jamhuuriyada dimoqraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya .

 

3-Jamhuuriyada Domoqoraadiga Federaalka Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa Dastuurka KMG, Beesha Caalamka waxay ka taageereysaa dhinac Farsamo iyo Mid dhaqaale.

 

4-Baarlamaanka Ku meel gaarka ah waxa uu noqonayaa tirada xubnaha xildhibaanada 275 xubno oo 12% boqolkiiba tirada xubnaha Baarlamaanka waa haweenka.

 

5-Xulida xubnaha Baarlamaan waxaa soo xulaya :-

A- hogaamiyayaasha siyaasada ee Dawlada KMG

B-Maamulada Gobolada iyo degmooyinka

C-Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirku aqoonsan yahay iyadoo ugu danbeynna ay ansixinayaan Hogaamiyayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.

 

6-Waqtiga Dawlada.

 

Jamhuuriyada dimoqraadiga Federaalka KMG Ee Soomaaliya waxa uu noqonayaa 5 sano.

 

7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta.

 

8-Shirweynaha lagu ansixinayo qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka waqtiga waxaa sheegi doona Guddiga Hawl fududeynta IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiis Buuxa oo lagu gaaray Shirkii Soomaalidda.

 

 

Ridwaan Xaaji C/wali.

ridwanhaji@yahoo.com

 

22/1/2004, khamiis.

 

 

 

Daabaco Boggan | Print

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaa galabta lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo ah in qodobadda Khilaafka uu ka taagnaa ee axdiga meel dhex dhexaad ah ay ku wada heshiiyaan hogaamiyayaasha ku loolamaya siyaasadda soomaaliya.

 

Mas'uul ka tirsan Dawladda Kenya oo isagu ku hawlanaa kulanka showrka ee safari parka ayaa goor dhowayd ii xaqiijiyay in Golaha Samata Bixinta oo kaligood harsanaa ay aqbaleen hindisaha cusub ee lagu mideeyay Hogaamiyayaasha soomaalida dhamaantood.

 

Safiirka kenya ee arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa isaguna sheegay in IGAD ay qorshaynayso dayuurad loo diro maalmaha soo socda hogaamiyayaasha ay ka mid yihiin Muusa Suudi, Barre Hiiraale, Cusmaan Caato iyo Cabdirisaaq Biixi si ay uga qaybgalaan xaflad balaaran oo Isniinta lagu wado in lagu qabto Nairobi ayna ka soo qaybgali doonaan madaxwaynayaasha Kenya iyo Uganda.

 

Ing Maxamed Xuseen Caddow oo kamid ah xubnaha Samata bixinta ee Nairobi ku sugan ayaa ii sheegay in ay aqbaleen heshiiskaas inkastoo uu ka gaabsaday qaabka loo qanciyay maadaama ay horay u codsadeen in Golaha Samatabixinta lagu xuso qodobka xulidda Xubnaha Baarlamanka.

 

Horay waxaa heshiiskan Cusub qalinka ugu duugay Madaxwaynaha TNG Cabdi Qaasim Salaad Xassan, Hogaamiyayaasha kooxaha ee horay shirka usii joogay iyo Ururadda Bulshada Rayidka.

 

Waxaana shirka dib uheshiisiinta Soomaalidu u muuqdaa in uu ugudbay wajigii Sadexaad ee awood qaybsiga inkastoo rasim ahaan aan loogu dhawaaqin.

 

Heshiiska la gaarayna waxaa uu yahay:

 

1-Magaca Buuga Axdiga iyo dastuurka waxa uu Noqonayaa Buuga Axdiga iyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Soomaaliya.

 

2-Magaca Dawlada waxa uu noqonayaa

Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya .

 

3-Jamhuuriyada Domoqoraadiga Federaalka Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa Dastuurka KMG, Beesha Caalamka waxay ka taageereysaa dhinac Farsamo iyo Mid dhaqaale.

 

4-Baarlamaanka Ku meel gaarka ah waxa uu noqonayaa tirada xubnaha xildhibaanada 275 xubno oo 12% boqolkiiba tirada xubnaha Baarlamaanka waa haweenka.

 

5-Xulida xubnaha Baarlamaan waxaa soo xulaya :-

A- hogaamiyayaasha siyaasada ee Dawlada KMG,

B-Maamulada Gobolada iyo degmooyinka.

C-Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirku aqoonsanyahay iyadoo ugu danbeynna ay ansixinayaan Hogaamiyayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.

 

6-waqtiga Dawlada.

 

Jamhuuriyada dimpoqoraadiga Federaalka KMG Ee Soomaaliya waxa uu noqonayaa 5 sano.

 

7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar Muslimiinta.

 

8-shirweynaha lagu ansixinayo qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka waqtiga waxaa sheegi doona Guddiga Hawl fududeynta IGAD.

 

Ridwaan Xaaji C/wali.

ridwanhaji@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Apparently Mohamed Qanyare believes that there is a 75% chance of success, apparently so do the other warlords......apparently this is the precursor seen 13 previous times to another crashing and bashing of the hopes of somalis everywhere.

 

Let me reserve the right to be at least optimisticaly cynical.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoghayada Golaha Samta Bixinta Oo Ku Tilmaamey Saxiixitaanka Mid Ay Isku Waafaqsan Yihiin.

 

January 23, 2004 HornAfrik. Mogadishu Somalia

 

Xogahaha Guud ee Golaha Samatabixinta Cabdulaahi Aadan Axmed "Black" ayaa ku tilmaaamay ogolaanshaha ay ogolaadeen hindisihii ay soo jeediyeen IGAD iyo dowladda Kenya arrin laysku afgartay.

 

Cabdulaahi "Black" oo HornAfrik u warramayay ayaa ka gaabsaday in arrintu ay ku dhamaatay sidii ay iyagu qabeen mar la weydiiyey inay ku qanceen.

 

Cabdulaahi "Black" ayaa sheegay in dhawaan ay tegi doonaan Nairobi Guddoomiyaha Golaha Samatabixinta iyo mas'uuliyiin ka tirsan golahaasi si ay goob joog ugga noqdaan saxiixa hogaamiyayaasha oo lagu wado inay saxiixaan isniinta soo socota.

 

Dhinaca kale, Dowladda KMG ah ayaa ogolaatay heshiiskaasi sida uu HornAfrik xaqiijiyay Wasiirka Madaxtooyada Cali Baashi Xaaji Maxamuud, isagoo sheegay in hindisahaasi ay soo hordhigi doonaan Baarlamaanka DKMG ah si ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin wajiga seddaxaad ee shirka.

 

Cali Baashi wuxuu sheegay in hanaanka Baarlamaanka loo qeybin doono 4.5, qof kastana uu beeshiiisa dib ugu laabanayo hadii uu doonayo ka mid noqoshada 275 xubnood uu barlamaanka ka koobnaan doono.

 

Sidoo kale, odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa sheegay inay DKMG ah ku fududaatay heshiiskaasi dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi.

 

Prof. Cali Cabdiraxmaan iyo Dr. Axmed Diini oo xalay barnaamijka "Aqoo Iyo Ogaal", oo ka baxa HornAfrik Tvga iyo Radiyaha ayaa ku tilmaamay arrin la yaab ah in wixii DKMG ah wixii mudada sanadka ah ka soo horjeeday ay haatan saxiixaan iyagoo sheegay inaysan fiicneyn waxa la saxiixay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SARDAUKAR, Brother/Sister Lets be hopefull because any progress any peace is better than what we have now.

 

Also in the last 13 conferences there has never been such a comprehensive attempt as this one, 15 months have elapsed, a constitution wich is reasonable has been agreed upon, even the anti federalist should be happy because after the Transitional period there will be a referundum if Somalia wants federalism or not.

 

 

Insha Allah on monday the final phase will start and a new all inclusive Somali government will be formed. Remember peace is not exclusive to anyone.

 

Lets be hopefull

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiis buuxa oo ay hoggamiyaasha Somalid Gaareen ,wajiaga3xaad oo la filaayo in uu furmo maal maha soo socoda .

 

Waxaa galabta galinkii danbe lagu guulaystay in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan lagu qanciyo in ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee uu urur goboleedka IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo ah qodobo dhowr ah oo Khilaafi uu ka taagnaa ee axdiga qarameedka ku meel gaarka kaasoo ay horey u saxiixeen hogaamiyayaasha Mbagathi Group Iyo TNG-da .

 

 

Mas'uul ka tirsan Dawladda Kenya oo isagu ku hawlanaa kulanka showrka ee Safari parka ayaa goor dhowayd ii xaqiijiyay in Golaha Samata Bixinta oo kaligood harsanaa ay aqbaleen hindisaha cusub ee lagu mideeyay Hogaamiyayaasha Soomaalida dhamaantood.

 

Sarkaal u hadlay Dowlada Kenya ayaa isaguna sheegay in IGAD ay qorshaynayso dayuurad loo diro maalmaha soo socda hogaamiyayaasha ay ka mid yihiin Muusa Suudi, Barre Hiiraale, Cusmaan Caato iyo Cabdirisaaq Biixi si ay uga qaybgalaan xaflad balaaran oo Isniinta lagu wado in lagu qabto Nairobi ayna ka soo qaybgali doonaan madaxwaynayaasha Kenya iyo Uganda.

 

Mid ka mid ah xubnaha Samata bixinta ee Nairobi ku sugan mar aan la xiriiray ayaa ii sheegay in ay aqaleen heshiiskaas inkastoo uu ka gaabsaday qaabka loo qanciyay maadaama ay horay u codsadeen in Golaha Samatabixinta lagu xuso qodobka xulidda Xubnaha Baarlamanka, Sarkaalkaasoo codsaday in aan magaciisa la shaacinin ayaa xaqiijiyay arintaas.

 

Waxaana shirka dib uheshiisiinta Soomaalidu u muuqdaa in uu ugudbay wajigii Sadexaad ee awood qaybsiga inkastoo rasim ahaan aan loogu dhawaaqin, maal mahan soo socdo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo waqti lafuridoono wajiga sadaxaad ee shirka , iyadoo la filaayo in uu daaha ka rogo Guddomiyaha xiligaan ee urur goboleedka Igad ahna madaxweynaah dalka Uganda Mudane:Yuweri Museveni.

 

Warqada heshiiska la gaaray waxa ay u qorneed sidatan.

 

1-Magaca Buuga Axdiga iyo dastuurka waxa uu Noqonayaa Buuga Axdiga iyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Soomaaliya.

 

2-Magaca Dawlada waxa uu noqonayaa

Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya .

 

3-Jamhuuriyada Domoqoraadiga Federaalka Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa Dastuurka KMG, Beesha Caalamka waxay ka taageereysaa dhinac Farsamo iyo Mid dhaqaale.

 

4-Baarlamaanka Ku meel gaarka ah waxa uu noqonayaa tirada xubnaha xildhibaanada 275 xubno oo 12% boqolkiiba tirada xubnaha Baarlamaanka waa haweenka.

 

5-Xulida xubnaha Baarlamaan waxaa soo xulaya :-

A- hogaamiyayaasha siyaasada ee Dawlada KMG,

B-Maamulada Gobolada iyo degmooyinka.

C-Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirku aqoonsanyahay iyadoo ugu danbeynna ay ansixinayaan Hogaamiyayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.

 

6-waqtiga Dawlada.

 

Jamhuuriyada dimoqoraadiga Federaalka KMG Ee Soomaaliya waxa uu noqonayaa 5 sano.

 

7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar Muslimiinta.

 

8-shirweynaha lagu ansixinayo qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka waqtiga waxaa sheegi doona Guddiga Hawl fududeynta IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hashim   

Originally posted by SmithNwestern:

Heshiis buuxa oo ay hoggamiyaasha Somalid Gaareen ,wajiaga3xaad oo la filaayo in uu furmo maal maha soo socoda .

 

 

7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar Muslimiinta.

 

oo waxaa is weydiin leh qolada dugsiyada la dhiganaysa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

what i'm hearing and reading about the peace process must be too good to be true and its similar to what other somalians think of the process. We only belief when they formally announce the conclusion of 2nd face and start the 3rd face. but nothing wrong to be an optimist.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maahir   

Thanx Smith for the News

 

 

Hope this will end the chaos, we had enought and every other day things were getting harder and even hotter, Insha'alah this might result good for all.

 

Its better to have something than nothing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this