Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bashir Raage on Somaliland Elections

Recommended Posts

bashiir%20raage.jpg

 

 

Baydhabo (SomalilanSample Imagednation0 Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka mid ah Ganacsatada Somalia ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo diray madaxda xukuumadda Somaliland, xisbiyada siyaasada iyo dadka reer Somaliland

sida ay ugu guuleeysteen inay dhaqan geliyaan diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka ku dhisan hanaanka dimuqraadiyadda.

 

Hambalyadan ku saabsan sida ay u socoto diiwangelinta doorashooyinka Somaliland ayuu Bashiir Raage ku tilmaamay inay tahay mid ku qotonta sida xilkasnimada leh ee ay dawladd iyo shacabku ay isugu xidhan yihiin, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay dadka reer Somaliland mudan yihiin in lagu hambalyeeyo, waana talaabo horumar leh oo dhiiri gelinaysa in adduunku u soo jeesto waxyaabaha horumarka leh ee ay dadka reer Somaliland ku talaabsanayaan, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin qaar aan qaarada Afrikaba ka dhaqan gelin weli.

 

Ganacsade Bashiir Raage ayaa ku tilmaamay in doorashada haatan la filayo inay ka qabsoonto Somaliland ay tahay mid adduunku ku tijaabinayo, tijabadii ugu danbaysay,taas oo uu sheegay inay adduunyadu aad indhaha ugu hayso, sidii ay u aqoonsan lahaayeen, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi Bashiir Raage “waa in ay ogadaan shacabka iyo dawladduba inay talaabadani tahay mid soo jiidanysa beesha caalamka kaalin weyna ka ciyaaraysa aqoonsiga Somaliland, si taasi u suura gasho waxaan aminsanahay in goob joogayaasha ka socda caalamku inay la noqon doonaan xaqiiqada dhabta ah ee ay indhahooda ku arkaan marka la gaadho wakhtiga doorashooyinka, taas oo aan rajaynayo in uu noqon doono mid u dhacda sidii nabad gelyada ahayd kuna dhisan cadaalad in doorashooyinkani ku qabsoomaan sidii awalba dhici jirtay kuwii hore”.

 

Ganacsade Bashii Raage shiiraar ayaa sidaa u sheegay wergeyska Haatuf maalintii shalay mar uu la soo xidhiidhay, waxa uu hadalkiisa imtaas ku daray in uu ku niyadsan yahay horumarka iyo qaabka ay xukumadda iyo dadwayanaha reer Somaliland u wadaan inay ka dhabeeyaan hanaanka dimuqraadiyada aan ka suura gelin waddamo badan oo adduunka ka tirsan isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi

“ Wakhtigii dahabiga ahaa ee aad ku mutaysateen sida aad geeska Afrika uga dhaqan geliseen dimuqraadiyada saxda ahi waxaan qabaa wadamo badan oo 50 sano xor ahaa ayaanay maanta ka suuragelin dimuqraadiyada ka suura gashay jamhuuriyada Somaliland, taas oo ku dhisan ismaqal kala danbayn iyo isku kalsooni shacab, xisbiyo mucarada iyo dawladba in haatan la gaadhay in lagu abaal mariyo daeiiqa toosan ee ay u bilaabeen waddamada kale ee Afrika”.

 

Ugu danbayntii Bashiir Raage waxa uu dadka reer Somaliland ugu baaqay in dalkooda iyo dantooduba ay ku jirto kala danbaynta iyo dulqaadka aad ku mudateen in maanta aad gabaad u noqotaan dad badan oo ku soo qaxay, kuwaas oo soo doontay nabadgelyada iyo horumarka ay ku talaabsatay Somaliland, waxaanu ku booriyay madaxda Dawladda iyo xisbiyada mucaaradka in karaamadu ay ku jirto dulqaadka kala danbaynta iyo isu tanaasulka lagu wado hawsha loo hayo shacabka reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this