oba hiloowlow

Naagta Sannadka (Women of the Year) oo loo aqoonsaday Drs. Xaawo Cabdi iyo Gabdhaheed

Recommended Posts

Majaladda Glamour ee dalka Mareykanka ayaa u aqoonsatay Drs. Xaawo Cabdi iyo labadeeda Gabar ayaa loo aqoonsaday haweenka sanadka (Women of the Year).

 

Drs. Xaawa Cabdi oo 63-sanno jir ah iyo Labadeeda Gabdhood oo lagu kala magacaabo Drs. Aamina Maxamed iyo Drs. Deeqa Maxamed ayaa waxa ay ku muteysteen Abaalmarinta loogu doortay (Women of the Year), kadib markii ay in muddo ah caawinayeen Qaxooti Soomaaliyeed oo deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho kusoo barakacayay.

 

Hadal qoraal ah ayay majaladda Glamour ku tiri “ Glamour waxa ay ku faraxsan tahay inay u aqoonsato Drs. Xawo Cabdi iyo gabdhaheeda, kuwasi oo maamula xero qaxooti oo weyn oo ku taalla Somalia inay yihiin Glamour Women of the Year (Haweenka Sanadka ee Glamour).

 

Xerada qaxootiga oo ay mamusho Xaawo Cabdi waxa ay hoy u tahay dad ku dhow 90,000 oo qof, oo badankood ah haween iyo caruur, sababto ah Dr. Xaawo Cabdi waxa ay tiri “raggii way geeriyoodeen, way dagaalamayaan ama waxa ay ka tageen Somalia, si ay shaqo u raadsadaaan”.

 

Maleeshiyada ururuka Xisbul Islam ayaa weerar ku qaaday bishii May oo sanadkan xarunta Drs. Xaawo Cabdi u oo ayadiina afduub ahaan u qaatay ayaga oo leh “Waxyaabahan oo kale Haweenku ma sameyn karaan”, laakiin ficiladooda waxa ay Drs. Xaawo Cabdi u noqdeen uun dhiiri gelin.

 

Glamour ayaa dadaalada Xaawo Cabdi u aragtay kuwa aan la iska indha tiri karin, waxaana ay ku abaal marisay magacabiista Women of the Year.

 

 

Xawo-Cabdi-iyo-Gabdhaheeda.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saas maa ereyga 'naag' loogu soo horjeedaa. I knew it had a negative connotation, but not to this extend.

 

Ninka qoray wuxuu turjumay 'woman' oo loo turjumi karo 'naag.' Asaga ma turjumin 'lady' maadaama meesha ku jirin oo noqon lahayd dumar ama haween. Ee marka kamoon, easy on the guy.

___________________

 

The original Glamour magazine article.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

@poster, waa maxay aflagaadada? naagta kulahaa, kindly have some respect when addressing them walaal (or any other Somali woman for that matter).

 

Dr. Hawa iyo gabdhaheeda waa bini aadam in lagu daydo mudan habeen iyo maalin. I don't think they deserve in loogu yeero "naag"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Congratulations to Dr. Xaawo and her daughters

 

The correct term is "Haweenka Sanadka", "Marwada Sanadka" or "Gabadha Sanadka"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

bilaa edab jumps to mind :mad: some people anshaxa iyo aadaabta intaba lama barin!

 

congrats to the trio, may allah reward them aduunkan iyo aakhiraba insha allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Gongrats to Dr. Xaawo and her daughters. Masha Allah they are truly an inspiration. May allah (swt)reward us all for our good deeds, ameen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.