Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Ceerigaabo: another Somali city that might fall into anarchy.

Recommended Posts

For the last couple of weeks, things have been getting quite tense for the people of Ceerigaabo. It seems that the anarchy that ripped the rest of the country apart might be heading for peaceful Ceerigaabo. The same old clan disputes are resurfacing again with much vigor this time. Let us pray for peace.

 

 

Dhul Muran ka taagan yahay Ceerigaabo

- Thursday, June 12, 2003 at 12:29

 

Ceerigaabo -- Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in uu sii siyaadayo muran xoog leh oo beryahaanba ka taagnaa magaalada Ceerigaabo, murankan oo salka ku haya dhul la isku hayo.

 

Heshiis dhulkan iminka la isku hayo ayaa lagu soo waramayaa in la gaaray sanadkii 1993dii, hase yeeshee sida weriyaha Midnimo ee magaalada L/caanood noogu soo waramyo waxaa heshiiskan fulin waayey dadka degan Waqooyiga magaalada, tanina ay dhalisay in dadka degan Koonfurta in ay ka muujiyaan caro fara badan.

 

Shir balaaran oo arrintaan looga hadlayey oo lagu qabtay magaalada Ceerigaabo oo ay ka qayb galeen odayaal iyo waxgaradka deegaankaas, iyo cuqaal ka tegay magaalada L/caanood ayaa looga wada hadlay sidii arrinta dhulkaas loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo.

 

45 maalmood ayaa guddi loo saaray in arrintan ay kaga soo baaraan degaan go’aan kama danbeys ahna ay ka soo gaaraan. Labada Beelood ee dhulkan isku haya ayaa ciidamo fara badan oo Maleeshiyooyin ah soo dul dhoobay magaalada maalmihii la soo dhaafay tanoo cabsi looga qabo in arrintu faraha ka baxdo.

 

Source: Radio Midnimo

 

 

 

Magaalada Ceerigaabo oo lagu soo rogay bandoo.

June 16, 2003

 

Ceerigaabo -- Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa bandoo lagu soo rogay xaaladda ammaanka awgeed, kaddib markii iska horimaad ku dhexmaray maalintii Jimcaha laba ardaa ka tirsan beelaha reer Ceerigaabo degaanka Ceel-la-qoday ee duleedka bari ee magaaladaas.

 

Iska horimaadkaas oo ka dhashay beer lagu muransan yahay waxa uu dhexmaray laba malleeshiyo oo ka soo kala jeeda ardaayada ******* iyo ******* kuwaas oo isweydaarsaday tacshiirado rasaas ah, lamana sheegin cid ku dhimatay iyo cid ku dhaawacantay midna shaqaaqadaas, balse waxa ka dhashay dareen cabsi geliyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo iyo degaanada ku xeeran. Taas oo sababtay in maamulka Gobolkaasi ku soo rogo bandoo magaalada Ceerigaabo ilaa inta xiisadaas la dejinayo.

 

?Sida aad ogtahay degaanka Ceel-la-qoday wuxuu ku yaallaa duleedka magaaladan [Ceerigaabo], dadkuna waa wada hubaysan yahay, markaa waxaanu is nidhi si aan dhibaato u dhicin in aanu bandoo saarno magaalada, iminkana marka aanu derisno xaaladda waa qaadaynaa,? sidaa waxa yidhi Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, oo shalay u warramayey weriyaha Jamhuuriya ee gobolka Sanaag, Cabdirashiid Xasan Cabsiiye.

 

Warku waxa uu intaa ku daray in ciidamo ka socda dawladda isla Jimcihii la geeyey degaanka shaqaaqadu ka dhacday, si ay u kala dhexgalaan labada ardaa oo khilaafkoodu muddo dheer soo jiitamayey, meel xunna uu hadda marayo.

 

Guddiga Nabadgelyada Gobolka Sanaag, Guurtida iyo Waxgaradka beelaha reer Ceerigaabo ayaa iyaguna sida weriyuhu sheegay labaatankii maalmood ee u dambeeyey ku mashquulsanaa sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaa ka dhalatay muranka beerta iyo weliba dhul kale oo ay ku muransan yihiin laba ardaayo ka mid ah beelaha reer Ceerigaabo, kuwaas oo kala ah Buntland iyo Somaliland.

 

Source: Jamhuuriya

 

 

Let us pray for peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cilmi   

Libaax,

 

I had spoken to my folks in Erigavo on sunday and asked about the troubles you have mentioned above. Magalada ceerigabo maha mesha wax la isku haystaa oo beesha bari sanagba ma jogaan oo waa wali kuma ay soo noqon kadib berigii colaada sokeeye. Beeraha la isku haystaa ay tahay Ceel-la-qoday oo ah bariga ceerigabo xagaa iyo Midhisho duleedkeda.

 

Xaaladaa Beeraha waa arin dhow oo la xalin doono sidii berigii horeba Gawaadhi la kala haystey la isu soo siidayey, o ay ka danbeeyeen Boqor cisman awmaxmuud iyo suldan siciid.

 

Magaladana wax ciidamo oo la keeney ma ay jiraan, waa huuha iyo been qayaxan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this