Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Dowlad ku sheeg waxa ay ku hadlahayaan bal fiiri

Recommended Posts

MUQDISHO: Gacmo-dheere: "Xaaladda Magaalada Muqdisho waa mid caadi ah xilligaan kamana jirto dhibaato

Posted to the Web Apr 07, 15:27

 

 

Muqdisho (PP) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmo-dheere) ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Muqdisho ay tahay mid xasilloon xilligaan.

 

 

Gacmodheere wuxuu sheegay inay jirto xabbad joojin laga gaaray dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho toddobaadkii hore, wuxuuna sheegay in xabadjoojinta ay tahay mid ay Odayaal ka tirsan ****** la galeen Saraakiil Ethiopian ah ee ku sugan Muqdisho.

 

 

 

Wuxuu sheegay Gacmodheere in Dowladdu ay qorsheynayso inay la hadasho odayaasha ka tirsan beelaha ****** ee wada xabad joojinta ay dowladdu wax walba ku dhameynayso nabad iyo is afgarad.

 

 

 

"Dowladdu way la hadlaysaa cid walba oo ay u aragto inay nabad ka shaqeynayso, waxayna dagaalkii ka dhacay Muqdisho ku badalaysaa nabad iyo wax walba lagu dhameeyo wadahadal, waase haddii ay Odayaasha ka tirsan ****** ee qorshaha xabad joojinta ah la galay Ethiopian-ka ay aqbalaan taas" ayuu yiri Gacmodheere oo intaas ku daray: "Dowladdu waxay u sheegaysaa shacabka Soomaaliyeed inay is dajiyaan, wax walbana lagu dhameynayo nabad".

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dhanka kale, sheegay in la wado qorshayaal lagu doonayo inay maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir ay shaqeeyaan, isla markaana uu maamulka Gobolka Banaadir howlihiisa caadiga ah uga billaabi lahaa caasimadda Dhexdeeda.

 

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowr jeer oo hore dhegaha ka furaysatay inay aqoonsato xabad-joojinta Muqdisho ka dhacday ayaa waxay tani u muuqataa inay ogolaadeen xabad-joojintaas.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

lacagto wax walbay ayeey qabtaa

 

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mss. Jandayi Frazer oo soo gaartay Baydhabo maanta ayaa waxay qudbad u jeedisay xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo, waxayna ka hadashay arrimo dhowr ah.

 

 

Frazer waxay sheegtay in Dowladeeda ay taageerayso xabadjoojintii dhawaan ka hirgashay Muqdisho ayna codsanayaan in la sii adkeeyo xabbad-joojintaas, waxayna carabka ku dhuftay inay soo dhaweynayso in wax walba lagu dhammeeyo nabad iyo wadahadal.

 

 

"Waxaan idiin caddeynayaan in 2009-ka Dowlad Dimuquraadi ah laga dhisayo Soomaaliya oo aad idinku hormuud ka tihiin aadna dooranaysaa ciddii aad doontaan idinkoo xor ah" ayay u sheegtay Frazer Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Baydhabo.

 

"Waxaan taageeraynaa howlaha ay ka wadaan ciidammada AMISOM ee ka socda dalalka Afrikaanka ah eek u sugan Soomaaliya howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaana soo jeedinaynaa inay sii wadaan howlahooda tan iyo inta ay nabadda Soomaaliya ka soo celinayaan" ayay mar kale tiri Frazer.

 

Jandayi Frezar waxay qirtay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen dagaallo sokeeye iminkana aysan meel uga bannaanayn in dalka Soomaaliya uu noqdo meel ay ka dhacaan dagaallo sokeeye, waxayna sheegtay in Mareykanka uu xoogga saaray inaysan Soomaaliya ka dhicin dagaallo kale oo hor leh.

 

Mss. Jandayi Frazer Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku ammaantay Baarlamaanta Federaalka Soomaaliya inay ku dhiiradeen inay Dowladda Federaalka Soomaaliya u rareen Muqdisho, waxayna sheegtay inay taas si weyn u soo dhaweynayso ayna ku faraxsan yihiin.

 

Wafdiga ay hoggaaminayso Frazer oo uu ka mid yahay Safiirka Mareykanka ee Kenya Michael Renniberger ayaa waxaa lagu wadaa inay galabta u duulaan dalka Kenya oo ay markii hore ka soo duuleen.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this