Sign in to follow this  
Captain Warya

Al Shabab Capture Degmadda C/Casiis and Nuur Daqle Dead

Recommended Posts

Xoogaga Iskaashanaya ee Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa si buuxda ula wareegay Gacan ku haynta Degmadda C/casiis ee Magaaladda Muqdisho ka dib markii Todobaadyadii ugu danbeeyay

ay ka dhaceen Dagaalo xoogan oo ka dhan ahaa DKMG ah ee maciin bidaysa Duqeynta Ciidamada AMISOM.

 

Dhamaan Goobihii ay saaka illaa Galabta Dagaaladu ka dhaceen ayay Xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakadda

Mujaahidiinta Al-Shabaab Gacan ku hayntooda la wareegeen

 

Goobaha Maanta lagu dagaalamay ee ka tirsanayd Degmadda C/Casiis ayaa kala ahaa:-

- Hotel Global

- Stadium Koonis

- Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliiska.

- Saldhiga Bari

- iyo Dekadda Duqda oo kala qeybisa Degmadda C/casiis iyo Shangani.

 

Dhamaan Goobahaasi ayay Dad Goob joogayaal ahi noo xaqiijiyeen inay la wareegeen Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah.

 

DKMG ah ayaa xiligani ah mid Magaaladda Muqdisho si buuxda gacanta ugu haysa 4 Degmo oo kaliya kuwaas oo kala ah Shangaani, Xamar-weyne, Xamar jajab iyo Madiina sidoo kale waxay Qeybo ka mid ah ka joogtaa 2 Degmo oo kala ah Boondheere iyo Wardhiigleey.

http://www.somalimir ror.com/2009/07/11/d kmg-ah-oo-si-buuxda- loogala-wareegay-deg madda-ccasiis/

 

Nuur Daqle oo ku geeriyooday Dagaalka ka socda Deg. C/Casiis

 

Nuur Xasan Cali (Nuur Daqle) oo DKMG ah ugu Qaabilsanaa Amaanka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Ku geeriyooday Dagaaladda ka socda Degmadda C/casiis ee Magaaladda Muqdisho.

 

ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Somalimirror in Nuur Xasan Cali (Nuur Daqle) uu ku geeriyooday Nawaaxiga “Ex-Luujiyo”, waxaana

la sheegay inuu Xiligaasi Hogaaminayay Qaar ka mid ah Ciidamada ka Dagaalamayay Degmadda C/Casiis ee Magaaladda Muqdisho.

 

lama sheegi karo Qaabka uu u dhintay iyo waxa Haleelay inay tahay Rasaas caadi ah iyo Madfac lala eegtay, waxaana la sheegayaa in sidoo Kale ay Dagaalkaasi Hogaaminayaan Yuusuf Indha Cadde iyo C/Qeybdiid.

 

Wararka la helayo ayaa tibaaxaya in geerida Nuur Daqle Niyad-jab weyn ku keentay ciidamada DKMG ah arintaas oo dhalisey in qaar ka mid ah ciidamadu difaacyadii ay ku jireen ka baxaan.

 

Geesta kale, Dagaaladii xaley Saqdii dhexe bilowdey oo u muuqda kuwo yara qaboobey, waxaa jira hadalo guulo sheegasho ah oo labada dhinac ee u dhaxeeyo ka soo baxaya.

 

 

 

Afhayeenada ciidanka Bileyska & Milateriga DKMG ah oo dagaaladii maanta ka Hadley ayaa sheegay inay ku dileen Rag Ajaanib ah sida ay hadalka u dhigeen, halka arintaa sarkaal u Hadley Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Maxamed Caruus uu gaashanka u daruurey.

 

Dagaalka ayaa xiligani ka socda Nawaaxiga Masjidka C/Casiis iyo Kawaanka Malayga iyada oo ay u Muuqdaan Ciidamada DKMG ah kuwo looga Itaal roonaaday Dagaalka ka socda Degmadaasi.

 

Nuur Xasan Cali (Nuur Daqle) ayaa horey uga Mid ahaa Kooxdii la magac baxday “Argagixiso la Dirirka” ee ay Soomaalidu u taqaano Ashahaado la dirirka.

 

Horey waxaa DKMG ahi looga dilay Xubno Muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Col. Cumar Xaashi Aadam oo u Qaabilsanaa Wasiirkii Amniga Qaranka, Taliyihii

Booliiska G/Banaadir Cali Siciid, Xildhibaan ka tirsna Baarlamaanka oo lagu magacaabo Ing Maxamed Xuseen Cadow.

 

wixii warar ah ee ku soo kordha arintani dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

http://www.somalimir ror.com/2009/07/11/n uur-daqle-oo-ku-geer iyooday-dagaalka-ka- socda-deg-ccasiis/

 

This "governement" is ******* pathetic. They lose my support just for their incompetence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this