Sign in to follow this  
General Duke

Cade sacks Faroole + Gun battle in Garowe..

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga

Last Updated::2006-02-27 10:16:41 E. Africa Standard Time

 

Garowe:- Wareegto maanta kasoo baxday Madaxtooyada Garowe ayaa xilkii looga qaaday wasiirkii Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Md.C/raxmaan Faroole.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilkii si rasmi ah looga qaaday C/raxmaan Faroole, kadib markii uu cuskaday dastuurka waa sida ku qoran qoraalka Madaxtooyada kasoo baxay.

 

Xil ka qaadistan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ku dhaqaaqay kadib markii uu arkay daruufaha jira.

 

Wareegtadan ayaa soo baxday saacado kadib markii rasaas ka dhacday magaalada Garowe ay ku dhinteen ugu yaraan labo qofood.

 

Iska horimaadkan oo dhexmaray ciidamada Amniga iyo Dabley hubeysan oo ka amar qaata wasiirkii hore ee C/raxmaan Faroole ayaa ka bilowday xarunta Golaha Wakiilada.

 

Maleeshiyaadkaasi ayaa kasoo horjeeday in Baarlamaanka uu maanta sii wato kalfadhiga u ku ansixinayo Xukuumada cusub.

 

C/raxmaan Faroole oo kamid ah wasiirada dib loo soo magacaabay ee ansixinta loo horgeeyey Golaha Wakiilada.

 

Golaha Wakiilada ayaa lagu waday inuu codka u qaado Wasiirada uu kamid ahaa C/raxmaan Faroole ayadoo uu Wasiirku ka baxay shalay goobtii ansixinta ay ka dhaceysay.

 

Xaalada amaan ee magaalada Garowe ayaa degan balse waxaa weli socda hawlgalka ay ciidamada amaanka ku sugayaan dhaq dhaqaaqa magaalada Garowe.

 

Iska horimaadkii maanta ayey ku dhinteen labo kamid ah Maleeshayadii ka amar qaata C/raxmaan Faroole.

 

Waxaa sidoo kale dhaawac culus ah soo gaaray mid kamid ah ciidamada Daraawiishta.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal maanta ka dhacay magaalada Garowe

Last Updated::2006-02-27 09:01:19 E. Africa Standard Time

 

Garowe:- Dagaal lama filaan ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta DGPL.

 

Dagaalkan ayaa ka bilowday bartamaha magaalada Garowe agagaarka xarunta Golaha Wakiilada ee Puntland.

 

Dagaalkan ayaa ka bilowday kadib markii ay maleeshiyo taabacsan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mr.C/raxmaan Faroole ay weerar kusoo qaadeen xarunta Baarlamaanka.

 

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qofood.

 

Dadka dhintay ayaa dhamaantood ahaa askar, ayadoo la sheegay in labo kamid ah maleeshiyadii Wasiirka ay halkaa ku dhinteen halka mid kamid ah ciidamada Daraawiishta uu asaguna dhaawac soo gaaray.

 

Xaalada magaalada ayaa hada degan ayadoo qadar yar kahor uu khadka taleefonka oo go'anaa saaka dib hawada ugu soo noqday.

 

Khadadka taleefonada ayaa saaka si lama filaan ah hawada uga baxay ayadoo ay adag tahay xiriirka teleefonada magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

 

Wasiirka Qorsheynta Mr.Faroole ayaa kamid ahaa xubnihii Xukuumada cusub ee la horkeenay Golaha Wakiilada oo shalay ansixinayey Xukuumada cusub ee Puntland.

 

C/raxmaan Faroole ayaa asagu shalay isaga baxay xarunta Golaha Wakiilada wakhtigii la waday ansixinta Xukuumada.

 

Wasiirka ayaa la sheegay inuusan ku qanacsaneyn sida ay wax u socdeen, mana cada goobta uu hada ku sugan yahay.

 

Waxaana weli la xaqiijin in uu lahaa amarka saaka ay maleeshiyooyinkaan ay isku beesha yihiin ay qaadeen.

 

Wasiirka Qorsheynta ayaa si weyn u dhaliilay xubno uu hormuud u yahay Madaxweyne kuxigeenka Xassan Daahir Afqurac in ay wadaan qorshe ka dhan ah xilka uu hayo.

 

Shacabka ayaa si weyn u hadal haya iska horimaadkii saaka, mana jiraan wax war ah oo uu soo saaray Wasiirka.

 

Jawiga magaalada ayaa ah mid degan balse waxaa jira xiisad weyn oo magaalada laga dareemayo.

 

Ciidamada Madaxtooyada, kuwa Daraawiishta iyo Booliiska ayaa si weyn loogu dhex arkayaa bartamaha magaalada Garowe.

 

Wixii war ah oo soo kordha gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa haduu alle idmo.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE : M/wayne Cadde Muuse oo sheegay in uu xaalad degdeg ah ku soo rogayo Puntland

Posted to the Web Feb 27, 14:17

 

 

Garoowe:-Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) M/waynaha DG Puntland ayaa maanta mar uu ka hadlay Hoolka Baarlamaanka Puntland sheegay in uu dalka xaalad degdeg ah ku soo rogayo Puntland.

 

Cadde Muuse wuxuu sheegay in uu dhawaan helay ama la tusay Document sir ah oo lagu sheegayo in la burburiyo magaalooyinka Garoowe , Gaalkacyo iyo Boosaaso , ayna jiraan dad cadow u ah Puntland.

 

M/waynuhu wuxuu sheegay in ammaanka dalka ay gaacanta ku dhigayaan isla markaasna aysan u dulqaadanayn cidkasta oo ammaanka wax u dhimaysa.

 

Sikastaba M/waynuhu ma sheegin cidda Document-iga qortay , balse dhowr jeer ayuu ku cel-celiyay in uu hayo qoraalkaasi.

 

Waxaa iminka ku shirsan Madaxtooyada Garoowe ee Puntland Golaha Xukuumada , waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiima oo u badan dhanka ammaanka.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Seeftii Madaxwayne Cade Muuse Xirsi' oo iyadu ah Mid aad u afbadan ilaa iyo maanta ayaa Mar kale ku Dhacday wasiir kuxigeenkii Xanaanada xoolaha, Beeraha iyo deegaanka Max’ed Ciise Cali (Lacle), oo lagu soo eedeeyay in uu ka mid ayahay Shakhsiyaadka Maamulka iyo Dhaqaalaha Gobolada Puntllandba la Degey .

 

Posted to the Web Feb 27, 06:54

 

Seeftii Madaxwayne Cade Muuse Xirsi oo iyadu ah Mid aad u afbadan ilaa maanta ayaa Mar kale ku Dhacday wasiir kuxigeenkii Xanaanada xoolaha, Beeraha iyo deegaanka Max’ed Ciise Cali (Lacle), oo lagu soo eedeeyay in uu ka mid ayahay Shakhsiyaadka Maamulka iyo Dhaqaalaha Gobolada Puntllandba la Degey .

 

 

Wareegtan oo lambarkeedu ahaa 35 ayaa soo baxdey maanta oo ay taariikhdu tahay 27.Febraayo. 2006 ayaa waxaa ku cad in madaxweynuhu uu talaabadan u qaadey ka dib markii uu arkey dastuurka, uuna la tashadey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Max’uud (Af-Qurac).

 

 

Madaxwayne Cade Muuse ayaa isagu wada sifayn iyo Nidaamin Golaha Xukuumada uu ku doonayo in uu kaga qabto Dadka Curyaaminaya Gobolada Puntlland, waxaana xusid mudan in Shacabka Puntlland ay aad u danaynayaan Shaqa ka cayrintaan Cusub ee Madaxwayne Cade Muuse uu ku samayanayo Xubnahaan Golaha wasiirada.

 

 

Musuqmaasuqa, iyo dhaca Xoolaha Dadwaynaha Puntlland ayaa noqotay wax la isugu faano, oo nin walbaa kan kale uu doonayo in uu hanti kaga hormaro, waxaana looga baahan yahay Shacabka Gobolada Puntlland in ay garab Istaagaan madaxwayne Cade muuse, ka hortaga Dhaca dadwaynaha iyo Nidaaminta Golaha Wasiirada ee uu ku hawlan yahay.

 

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde Muuse: “Iska hor imaadkii saaka waxaa ka dambeeyey…â€

 

Garoowe - 27.Febraury.2006 Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi, oo ka hadlayey kulan aan

caadi ahayn oo galabta ay yeesheen golaha xukuumadda Puntland ayaa sheegay in dhacdadii saaka ay ka dambeeyeen dad ka soo jor jeeda xasiloonida deegaannada Puntland.

 

Shirka golaha xukuumadda oo uu guddoominayey madaxweynuhu ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe, waxana u u madaxweynuhu tacsi u diray qoysaskii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska hor imaadkii saaka ka dhacay xarunta golaha wakiillada Puntland.

 

Gen Cadde waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay dhacdadii saaka waxana uu amaan u jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed oo sheegay in uu gacan weyn ka geystey in ciidamadii saaka iska hor yimid la kala qaado isla markaasna xaaladda caadi lagu soo celiyo.

 

Waxaa uu dadweynaha deegaannada Puntland ka codsaday in ay ammaanka sugaan isla markaasna ka qayb qaataan xasiloonida guud.

 

Cabdinaasir Yaasiin

SBC Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

It's very unfortunate what has transpired today in my home town of Garoowe.

 

This sort of incidents is totally alien to garoowe in particular and nugaal in general.

 

However I knew that this guy maniac turned minister Mr.Faroole was a nutcase and against the PSS.

 

I don't know why this guy, who has lived and studied in the west for so long and calls himself a Dr. has not learned from the countries where he lived in.

 

No one is bigger than the democratic process that is going on in Puntland and because out of greed and possible lost of his ministership, he has to spill blood using youngsters who have been mislead and corrupted by this maniac and hater.

 

Look, if this was a isolated incident maybe I wouldn't be so harsh on him but he constantly proved that he is against the Puntland State of Somalia and it's development.

 

It was yesteryear when he had arguments with Abdullahi Yusuf the then president of Puntland and Maxamed Cabdi Xaashi, it is for all to see that this guy is a maniac that needs to be brought to justice!

 

He doesn't have any powerbase nor support in Garoowe except for some corrupted youngsters from his sub-sub-sub clan!

 

I applaud the president and pm for sacking this trouble-maker and lunatic, who has made it into a trade/art of sabotaging the government of the Puntland State of Somalia.

 

Dr.Faroole has departed and he is history, why doesn't he return to his refuge in Australia is the question? He is no longer a minister and if he wants to stir up trouble he can do that in Australia, if he dares is the question?

 

I never liked that guy because of his attitude and lunatic and unruly behaviour.

 

Anyway this is good news today coming out from Garoowe, the sacking of Dr.Faroole that is!

 

May Allaah forgive the mislead and corrupted youngsters, who have died today a unnecessary and avoidable death due to the lunatic illusion of a political dead animal that calls himself Dr.Faroole!

 

This is a bold move by Cade and Afqurac and for that we congratulate and support them to the fulliest!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salahudin Ayoubi,

I don't know why this guy, who has lived and studied in the west for so long and calls himself a Dr. has not learned from the countries where he lived in.

Waxaa iiga daran sida loo cabsan yahay reer galbeedka, waxaaba moodaa in la yiri waa meesha caqliga iyo dareenka saliimka ah ay ku soo dageen!

 

I support Mr. Faroole in acting the way he acted, to depict the western educated people as no less than those trained in Africa. Good job!

 

Now, I want to see the next direction/place/institution we look up to for guidance and better administrations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alle-ubaahne wuxuu qoray:

Waxaa iiga daran sida loo cabsan yahay reer galbeedka, waxaaba moodaa in la yiri waa meesha caqliga iyo dareenka saliimka ah ay ku soo dageen!

Exactly! Waa la yaabay! :confused:

 

 

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland puntland puntland it failed into the wrong hands it was YAY before know is Cade Mid beer la iyo mid kalyo la. Waa dad nasiib xun. I agree what hapen in growe yestarday Faroole waxuu u bartay was free ah let him keep the job couse ku wa lagu badalaayo waxba ma dhaamaan asaga. Marka waa isma dhasho iyo dhaanteed. Ciyaal yar yare oo katagay qurbaha ayaa la wareegay puntland.

 

P.S My prediction waa ay u dhamaatay Puntland ninka kasta meesha ay qabiilkiisa uu kubadan yahay ha xukunto. Red line hala wada sameeysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

I believe that I don't have to say much or explain myself to anyone because it is quite apparent and evident the hypocrocy and double-standards, that is coming out from people, who seem to be bored.

 

I say this: What I meant was that a person, who has lived in the west for a quite long time and who has seen how good proper government and peace is to try to force his way back to government is quite absurd!

 

On the other hand what are you doing in the West? You both live in the US and London! Why have you left your country of origin?

 

It's because you can't live in your own country peacefully, that's why you had to flee to the "west" and seek refuge so that you could live in peace and without fear!

 

Then what astonishes me is the person, who has been a witness to such kind of peace has to result to amateur politics of the late 16th century is quite laughable, anyhow you don't know what I am talking about and I would advice you next time before jumping to not so bright conclusions to think a little bit harder before you try to post in here.

 

Thanks alot.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this