Sign in to follow this  
Abwaan

Jecliyaa sideey Allpuntland dadka isku buuqay u seexiso! Yaab

Recommended Posts

Abwaan   

Nayroobi: IGAD, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka oo walaac ka muujiyey wararka sheegaya in uu Iscasilayo Madaxweyne Yuusuf.

Baydhabo(AllPuntland)- Dalalka ood wadaagta la'ah dalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa wal-wal ka qaba hadii uu iscasilo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, waxyaabaha dhici kara.

 

Dawladaha Kenya, Ugandha, Burundi iyo Itoobiya iyo waliba Ururada, IGAD, Midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midowbay iyo Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ay dhistay dawladda Mareykanka iyo Xukuumada Bush ayaa lasoo xiriiray Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna ka codsadeen in uu ka laabto, hadii ay jirto in uu iska casilayo xilka madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya.

 

Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dawladda Mareykanku, ka codsatay Madaxweyne Yuusuf in uu arintaasi uusan ku dhaqaaqin,hadii ay jirto laakiin Mudanahan ayaa sheegay in uu taasi ka biyo diiday Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Xildhibaankan oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa ka gaabsaday in Magaciisa lasheego, wuxuuna sheegay in ay wax jira tahay in uu doonayo Madaxweyne Yuusuf in uu iska casilo xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, markii ay Beesha Caalamku ka soo horjeesatay Axdiga dawladda Soomaaliya ayna aqoonsatay dawlad aan sharci aheyn.

 

Hadii uu xilka Madaxweyne-nimo ka dago Madaxweyne Yuusuf, ma jirayso Xukuumada uu hogaamiyo Nuur Xasan Xuseen,maadaama uu Raysalwasaaraha magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya,hadii uu iscasilana uu raacayo.

 

Xildhibaanadii dhawaan ku kulmayay Xarunta ADC-da ayaa xalay oo dhan kulamo ku lahaa Magaalada Baydhabo, kuwasoo oo ay kaga hadlayaan xaaladaha soo wajahay, waxaana ay sheegeen in ay ka war sugayaan hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ka hor cadeeyo Baarlamaanka Soomaaliya maalinada Sabtida ah.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa dhawaan ay sheegeen dawladdaha iyo Ururada qaarkood, siiba IGAD Iyo Midowga Africa in uu dhibaato ku yahay dibu heshiisiinta Soomaaliya, balse dad badan ayaa xasuusta wada hadaladii Magaalada Muqdisho loogu qabtay 3,200 Ergay oo laga kala keenay gobalada dalka Soomaaliya, ayna ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed oo ay udhaxeeyeen dagaalo qaraar lagana heshiiyey.

 

Qodobadii ka soo baxay shirkaasi ayaa ka mid ahaa in Raysalwasaaraha iyo Wasiirada dawladda Soomaaliya banaanka laga soo dooran karo, taasoo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

 

Waana mida lugu magacaabay Nuur Xasan Xuseen oo aan ka mid aheyn Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dastuurka dawladda Soomaaliya qabey ka hor waqtigaasi, in qof aan aheyn Xildhibaan uusan ka mid noqon karin Golaha Wasiirada ee dawladda Soomaaliya.

 

Soomaali badan oo taageersanaa dawladda Soomaaliya ayaa rajadoodii ka laabtay DFKMGS, markii ay soo baxday dhawaan in uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed qorsheynayo in uu iska casilo Madaxweyne-nimada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in taasi ay cadeyneyso in ay burburayso dawladda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu jeediyey markii ay ka soo laabteen isaga iyo Nuur Cadde Magaalada Addis Ababa, 25-Oug-2008, kana jeediyey Xarunt ADC-da ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna uga digey beesha Caalamka iyo Baarlamaanka Soomaaliya-aba in ay dumiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markaas oo ay socdeen Ifafaalo muujinaya xaaladaha maanta taagan.

 

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo wariyey in uu wel-wel ka qabo waxyaabaha dhici kara hadii uu icasilo Madaxweyne Yuusuf, wuxuuna cabsi ka qabaa in ay burburto dawladda Soomaaliya, maadaama ay soobaxayaan warar sheegaya in uu ka tagayo Hogaamiyihii mudada dheer isku hayay dawladda Soomaaliya.

 

Saxaafada Soomaalida iyo Mida Caalamka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ay cadaadis saareen dawlado iyo Ururo ay ka mid yihiin ICG, IGAD, AU, Mareykanka iyo EU, balse taasi waxaa meesha ka saaray afhayeenada Madaxweynaha Soomaaliya oo been ku sheegay warkaasi, waxa ayna ka codsadeen Saxaafada in ay joojiyaan duminta dalka Soomaaliya balse loo baahan yahay in la dhiso Soomaaliya.

 

IGAD, Hay'ada Xasaradaha Aduunka, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka, ayaa wel-welka ay ka qabaan in uu iscasilo Madaxweyne Yuusuf ku noqotey mid culus, markii ay soo shaac baxday Iscasilaadii Raysalwasaare Maxamed Maxamuud Guuleed, oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, markii ay si sharci ah udhacday Xukuumadii Nuur Xasan Xuseen oo waqtigeedu ku ekaa 22-Nov-2008.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa Cod bixin caam ah kaga guuleystay sannadkii 2004, rag Siyaasiin ah oo la tartamayay, markii lasoo unkay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana Madaxweynuhu uu codad badan kaga qaaday C/laahi Yuusuf Cadow xilka Madaxweyne-nimo, oo ay saaxiibo ahaayeen ayna ku wada tartamayeen Xilka Madaxweyne-nimo, ayadoo sidoo kale ay la tartamayeen Rag kale oo si aad ah looga yaqaano Siyaasada dalka Soomaaliya, balse ku guuldareystay in ay ku soo baxaan Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

 

Md. Yuusuf ayaa dawladiisu ay noqotey dawladii ugu horeysay ee ciidamo ay leedahay ku maamushay Gobalada Jubooyinka, Banadaair, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Mudug, Banaadir, Baay, Bakool iyo Hiiraan wixii ka horeeyey 22-kii November 2007-ba, markaasoo xilka Raysalwasaare-nimo loo dhiibay Nuur Xasan Xuseen oo lasheegay in uu sicad u amray in ay ciidamada dawladda Soomaaliya ka baxaan Xeryihii Milateri ee ay ku lahaayeen gobaladaasi.

 

Madaxweynaha ayaa noqday Madaxweynihii koowaad ee Vila Soomaaliya ee Muqdisho xarun ka dhigta, wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya ka dhaceen dagaaladii lugu diray Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare (Allaha uraxmadee), waxa ayna dad badan wada dhowrayaan waxyaabaha dhacaya Maalinimada Sabtida ah hadii Eebe Yiraahdo.

 

 

Kala soco Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee www.AllPuntlad.com, wararkii ugu xiisaha badnaa uguna dambeeyey ee gudaha Soomaaliya, oo ku Saleysan Waaya-aragnimo mug dheer, xaqiiqo, cadaalad iyo Wariyaal ku xeerdheer xaqiijinta wararka, la soco daqiiqad kasta iyo waqti walba AllPuntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...someone I know was telling me this story xalay...illeen halkaan baa laga soo akhriyey...waxaan ka helay sida niyedda la iskugu dhisayo...waah waah waxaasaa indho-adayg ah...nin Airport terminal la dhahaayo waa loogu sheegay inuu is casilo miyaa haddana laga naxayaa markii shaqadii la faray inuu qabto uu fuliyo?

 

lol...I like taariikhda laga been sheegayo...I am so proud of myself I NEVER called Yey a president but those who believe in so and are tryuing to write some history over here forgot to include : The first to travel an armed personal transport and tanks around his country...

 

Did anyone read the ICG report? I remember the one they wrote first time Ethiopia brought Yey back in 2004 their message was the same and they said he is a looser and a murderer.

 

For the last time...Yey will go insha Allaah and so are the likes of him we know the list is long and they come from almost every region of Somalia,,,all those odayaal dhulkeenna baabi'iyey and I hope kuwa ay ka dhex hadlaan in cajaladohoodu ka dhaqmaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the poster. intaan ku arkaayay wax yaroo naceen ah ayaa kugu jira. lakiin caradaadu waxeey u egtahay in aad necbeeyn Yeey ee tahay personal issue lol caafimaad eeb ha ku siiyo.

 

on the other hand Yeey needs to go this is not his house. Armuu qeerku uugu jiraa in uu iskaga tago hadu bahashu in teey fiicantahay.

 

 

again poster contue majaajilada. adiga iyo kuwa isku buuqay isma dhaantaan iyaguna waa nin jecleeysi adiguna waa nin necbeeysi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Abwaan sxb give them a break - they need to come to terms with reality and in the process they will leave no stone unturned to come up weak excuses.

The same site about two weeks ago was stating that Yeey will crush his opposition and his sacking of the legitimate PM and the appointment of the new PM will prevail - only coming to realise that that was only a hogwash.

On the other hand I personally dont believe Yeey will resign.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dawladda Mareykanku, ka codsatay Madaxweyne Yuusuf in uu arintaasi uusan ku dhaqaaqin,hadii ay jirto laakiin Mudanahan ayaa sheegay in uu taasi ka biyo diiday Madaxweynaha Soomaaliya.

:D:D OMG. Someone is spreading disinformation tsk tsk.

 

Odayga buunkii qayaamo aa adduunka looga kor yeeriyay, markaasee ku dhahaayaan asagaa iska nacay oo wuu tagaayaa! kkkkkkkk. L0000L. Ahh! Caadi maaha caadi maaha..

 

ps. Abwaan, dadkan ishooda yay ku heline, naga daa..ha ku jeesteenin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warhoy, kuwiinaan ku farxaya Cabdullahi baa is casilaya, amaad bari ku calaacashaan, "Ilaahayoo yaa Cabdulahi noosoo celiyo", markay mo'oryaan garleydu sanka idinku qaadato? Aduun weenahanah, khaladkii ey soomaali ka galeen ee ka qoomameeyaan!

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu isagaaban u naxayaa runtii ...... maxaa lagaga farxi khaatumaduun buu iska xumeeyaye.

 

Ilaahay inta cumriga uga hadhay uun ha u wanaajiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^adiga ducadaada hadii la aqbalikaro, waa hore ayaa somaliland la aqoonsan lahaa-- waayo janadii fardawsa, aqoonsiga riyada Daahir Riyala ayaa kaaga muhiimsan...so ma aha saaxiib? :D

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ducadu markiiba ma timaado ,,, qaar baa la aqbalaa 20 sano ka dib qaarna kaba badan. Ha moodin marka sidaa loo duceeyo inay cirka wax ka soo dhacayaan you bloody jaahil ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Dhulqarnaynow,

 

Ma ***** baad tahay mise waa waalantahay horta? waa maxay ducadaada mala aqbalaa?

 

Qof kastoo Muslim ah ducadiisa samadu way ufaran tahay xataa adiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this