Sign in to follow this  
Thankful

Dead and wounded outside Parliament in Hargeysa NW Somalia

Recommended Posts

Thankful   

Horseednet

 

Horseed Media

Hargeisa

 

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay iska horimaad. Booliska ayaa isku dayey in ay kala diraan boqolaal qof oo isugu soo baxay Baarlamaanka hortiisa kuwaan oo bilaabey rabshado, waxaana boolisku u isticmaaleen rasaasta ka dhacda qoryaha fudud, inta la ogyahay waxaa ku dhintey rasaasta hal qof waxaana ku dhaawacmey sadex qof kuwaan oo ka mid ahaa dadkii halkaas mudaaharaadka ka dhigaayey.

 

Rabshadaha ayaa ku fidey qaybo ka mid ah magaalada, waxaana marba marka ka danbeysa soo badanaaya dhalinyarada careysan ee taageersan xisbiyada mucaaradka, waxayna xireen jdiadka waaweyn ee magaalada oo dhagaxaan ay ku gooyeena, sidoo kale waxa ay gubayaan Taayiro, waxaana hadda laga maqlayaa meelo ka mid Hargeysa rasaas goos goos ah taas oo ay ridayaan ciidanka Amaanku. Waxaa gebi ahaanba istaagey Ganacsiga magaalada iyada oo badhtmaha Magaalada rabshaduhu gaareen.

 

Baarlamaanka Somaliland ayaa xirnaa tan iyo maalintii Talaadadii la soo dhaafey kadib markii buuq iyo rabshado ay ka dhaceen fadhi la doonaayey in xilka looga xayuubiyo Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yusuf Yaasiin, waxaana gebi ahaanba la wareegay xarunta Baarlamaanka Booliska Hargeysa, waxayna ka qadeen furyaashii xafiiska shirgudoonka.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciroweyne) ayaa sheegay maalintii khamiista in ay ku laabanayaan Baarlamaanka isla markaasna ugu baaqey shacabka Hargeysa in ay isu soo baxaan oo tageeraan.

 

Waxaa soo dhexgalay xaaladda Murugsan ee halkaas ka taagan Golaha Guurtiga oo uu Hogaaminaaya Suleymaan Maxamuud Adan, waxa uu sheegay in ay arinta kala hadleen shir gudoonka iyo Madaxweynaha waxa ayna isku waafaqeen in marka hore la furo Baarlamaanka fadhiguna socdo, maalinta sabtida ah isla markaasna laga qaado Booliska dul degay, sidoo kale dadka shacabka ah ee caadeystey in ay isa soo hordhoobaan baarlamaanka ay halkaas isaga tagaan taas oo uu sheegay in labada dhinacba ay aqbaleen.

 

Hadaba waxaa maanta dib loo furey Hoolka Baarlamaanka waxaana Boolisku ogolaadey in ay galaan shirgudoonka oo keliya, waxaana banaanka dhoobnaa xildhaabanadii iyo shacab faro badan oo ay wateen tan ayaana keentay isku dhaca maanta dhacay.

 

Rabshadaha maanta ka dhacay Baarlamaanka hortiisa ayaa ku soo beegmaya xili uu halkaas booqanayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u magacawdey Somaliya Axmed Ould Abdallah.

 

Shacabka ku dhaqan Hargeysa ayaa wadanaha farta uga haya in rabshaduhu ay noqdaan kuwo fida halkaasna ay ku soo afjaranto nabadii ay mudada dheer ku naaloonayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Hiiraan

 

Qof ku dhintay Rasaas ay fureen Ciidamada Booliska Soomaliland oo kala eryayay dad ku soo xoomay Xarunta Golaha Wakiillada

 

Sabti, September 12, 2009(HOL): Hal Qof ayaa dhintay, tiro kalena, dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib markii dad ku soo xoomay xarunta Golaha Wakiillada ay rasaas ku fureen ciidamada Booliska Somaliland.

 

Rasaasta ayay ciidamada fureen kaddib markii Dadweyne careysan ay ku soo xoomeen Xarunta Golaha Wakiillada oo ay Ciidamada Booliska diideen in ay saaka galaan Xubnaha Golaha Wakiillada.

 

Xaaladad ayaa haatan kacsan waxayna Ciidamada Booliska ee ku sugan nawaaxiga Xarunta Golaha Wakiillada ay ridayaan rasaas laga maqlayo meelo kala duwan oo magaalada ah.

 

Wixii ku soo kordha Xiisadda ka taagan Magaalada Hargeysa kala soco halkan kaddii Alle idmo.

 

Barqad M. Kaariye, Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

AfricaOwn

 

As well, You're not of our people. So, your clan faction of Somalidiid-land should NOT worry about Laascaanood and SSC regions . and then we will not worry about the imminent collapse of your qabiil-land

 

It is a Two-Way road, caqli yare

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Well it is not our fault also, that your somali-diidland is mugged by Riyaale today

 

Stop the cry baby, adkeyso markaaga

 

soo joog ninkii laga waayo soo jiif ayaa laga

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I'm sitting comfortable in Hargeysa & in Erigavo my two hometowns. Are you able to say that about LA? Who's crying really? Who is the true mugged ones? You're the emotional one....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

^^ You're not of my people. Don't worry about "Shanroon's" cause. I wasn't worried about your dead ministers.

^^^

 

AO, I'm rather busy with grieving for the dead people in Hargaysa at the moment...but hold that thought and I'll return at a later time to explain how utterly foolish that statement is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Africa own,

 

As I said stop the cry baby, why you crying today so much,

 

Blame your so-called leaders Dictator Riyaale and the 76 years old Warlord Siilaanyo, and the mentally retarded Waraabe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I pay no mind to you. Cause to me you're not that important. But you sit on SOL daily making silly threads about Somaliland lol. Who is crying again? Plese don't talk about others crying..I have more rights of claiming LA than you. Its a wrap..Ramadan Kareem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this