Sign in to follow this  
General Duke

anti-government centres hit..Horn Afrik + Culusow who's next?

Recommended Posts

Ciidamada DFKM oo seddex Madaafiic ku aamusiay Idaacadda caanka ah ee Hornafrik

 

Dagaalada kasocda Magaalada Muqdisho oo saameyn ballaarani ay ku yeelatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Saakay waxay sababtay in ay xirto guud ahaan Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu ku habsaday Xarunta Idaacadaasi sadax-madfac.

 

Idaacadda ayaa waxa ay kutaalaa Jidcadde looga leexdo Laamiga Xaruntii hore ee Maxkamadda Ifka Xalane iyadoo xaruntaasina ay si toos ah ugu beegan tahay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, waxaana saakay ku habsaday Xaruntaasi sadax-madfac oo ka yimid dhanka Xamar bile oo Itoobiyaanku ay soo tuureen.

 

Lama garanayo khasaaraha soo gaaray Idaacadaasi hayeeshee markii ay sadaxdaasi Madfac ku dhacday ayaa guud ahaan Idaacaddu ay hawada ka baxday lamana garanayo in ay dib ugu soo laaban doonyo.

 

Mar aan la xiriirnay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadaasi ayaa waxa ay inoo sheegeen in xaaladda deegaanka ay ku taalo idaacadaasi oo kacsan awgii aysan sheegi Karin in ay dib u shidi karaan Idaacadaasi iyo inkale.

 

Waa Idaacaddii ugu horeysay oo Muqdisho kutaalla Isla markaana lagu xiro Madfac uu soo tuuray maadaama ay kutaalo goobta uu dagaalka kasoconayo.

 

Maxamed Cali Shirwac

shirwax@ceelbuurnet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaacadda qaran diidka ah ee Horn Afrik oo hawada ka baxday kadib markii gantaalo lagu dhuftay.

 

War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Idaacaddii qaran diidka ahayd ee Horn Afrik ay gebi ahaanba hawada ka baxday kadib markii dhowr gantaal ay ku dhaceen.

 

War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Idaacaddii qaran diidka ahayd ee Horn Afrik ay gebi ahaanba hawada ka baxday kadib markii dhowr gantaal ay ku dhaceen.

 

Weriye Idaacaddaasi ku sugnaa ayaa isaga oo cararay waxa uu shabakadda carmooyin.com u xaqiijiyay in dhowr madfac ay idaacadda kusoo dhacday kadibna si deg deg ah loo damiyay.

 

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarada Idaacaddaasi qaran diidka ah ay la beegsadeen ciidamada qaranka soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaaliyaasha Ethiopia, ayada oo idaacaddaasna ay ku caanbaxday faafinta wararka been abuurka ee looga soo horjeedo Dowladda.

 

Warar kale ayaa wax ay sheegayaan in khasaare uu gaaray dhismaha iyo qaar ka mid ah qalabka idaacaddaasi, ayna suurta gal tahay inay hawada dib ugu soo laaban weydo, hase yeeshee in arrintaasi illaa iyo hadda lama xaqiijin.

 

Wixii warar ah ee arrintan kusoo kordha dib ayaynu idin kala soo socod siin doonaa, hadduu alle idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacab Caraysan oo bililiqeystay gurigii uu daganaa hoggaamiye ku xigeenka kooxda qaran diidka Dr Culusow.

 

Taageerayaal aad u caraysan oo wadaniyiin ah kana dhiidhinaya dhibaatada ay wadaan kooxaha qaran diidka ayaa si aad ah u bililqeystay gurigii uu daganaa hoggaamiye ku xigaha kooxda qaran diidka maxamed Maxamuud Culusow

 

Taageerayaal aad u caraysan oo wadaniyiin ah kana dhiidhinaya dhibaatada ay wadaan kooxaha qaran diidka ayaa si aad ah u bililqeystay gurigii uu daganaa hoggaamiye ku xigaha kooxda qaran diidka maxamed Maxamuud Culusow oo ku yaala agagaarka Baar ayaan.

 

Cidiamoka trisan kuwa xoogga dalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee howlaha nabad ilaalineed ujoogha dalka Soomaaliya aya tagay guriga oo ay ka qaateen hub iyo gaadiid dagaal oo ay kooxaha qaran diidku adeegsanayeen,iyadoo kaddibna ay isaga bexeen,hase ahaatee markaa akdiib ayaa waxaa guriga tagay dadweyne farabadan oo aac u caraysan oo ku qamaamay guriga iyo wixii hanti yiilay intaba.

 

Guriga qaran diida Culusow iyodhamaamba deegaanada ku xeeran ayaa haata waxaa ku sugan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabadda ilaalinaya,iyadoo jidadkuna ay xiranyihiin,si looga hortago sigudubka kooxaha qaran diidka ee Muqdisho rabshadaha ka wada.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

boasting as if they are the ones firing the BM.

 

you guys really should have an identity change operation. and then you can choose Tigrees to be your tribe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib dont hide behind a silly smokescreen. Yusuf is in Villa Somalia, and those who are hiding is the silly clan courts leaders.

Daylaf, Culusow & Abdiqasin are taking and have taken a hell of a beating.. They know how the people of lower Shabbele felt a little tonight.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

Root out the anti-nationalist anarchists out, I say. Muqdishu will be better off. Somalia will be better off. The world will be better off.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Justice needs to be served!!!

 

Abdiqasin and co. are behind what is going on in Mogadishu they need to be brought to their nees. THey need to suffer cause they have made reer Mogadishu suffer enough.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Correction: Somalia and Ethiopia would be better off if the Tikrey boys take the TFG dhabo-dhilifs home when the thoroughbreds of Somalia chase them out. Anybody know how much a mudul in Addis is going for ? Holla at Adeer Zenawi for a discount :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this