Sign in to follow this  
NASSIR

Elders of Puntland Condemn Somaliland for pecipitating war.

Recommended Posts

NASSIR   

BOOSAASO : Qaar ka mid ah Issimada Puntland oo S/land ku eedeeyay in ay colaad hurinayso

Posted to the Web Apr 26, 19:41

 

 

Boosaaso:-Kulan ay maanta qaar ka mid ah Issimada Puntland ay ku yesheen magaalada xeebta ah ee Boosaaso ayay waxay eed dusha uga tureen maamulka S/land ,waxayna ku eedeeyeen in ay duulaan ku yihiin Puntland.

 

Garaad C/laahi Ciid oo saxaafada la hadlay kadib kulanka Issimada , ayaa tilmaamay in aan xiligan gobolka looga baahnayn colaad la huriyo , wuxuuna sheegay in ay baaq-nabadeed ay u dirayaan maamulka iyo shacabka S/land.

 

Garaadku , wuxuu akhriyay dhowr qodob oo muhiim ah oo ay kaga hadlayaan colaad ay sheegeen waa siday hadalka u dhigeene in ay S/land ka hurinayso gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada dhahar iyo waliba Muqdisho.

 

Qodobada la soo saaray oo Xafiiska Puntlandpost la soo gaarsiyay ayaa waxay kala yihiin:-

 

In Somaliland ay joojiso abaabulka dagaal ee ay ka wado gobolka Sanaag

 

In shacabka Soomaaliland iyo Issimadooda ay la hadlaan maamulkooda inuu colaada joojiyo

 

In dowlad goboleedka Puntland ay xooga saarto talaabo nabadeed, isla markaana ay si adag u difaacdo shacabka iyo dhulka Puntland

 

In la ilaaliyo midnimada Qaran ee Soomaaliya

 

In la taageero lagana qeybgalo shirka dib u heshiisiinta qaran

 

Kulanka Issimada , ayaa wuxuu hordhac u yahay ka hortaga abaabul-colaadeed oo la sheegay in S/land ay ka waddo magaalada Ceerigaabo , si ay ugu soo duulaan Puntland.

 

Dhawaan , ayaa dagaal ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo S/land magaalada Dhahar waxaana dagaalkaas looga adkaaday oo laga saaray kuwa S/land.

 

Axmed C/salaam

Garoowe, Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Issimada Puntland oo baaq nabadeed ka soo saaray magaaladan Boosaaso

 

 

Kulan maanta ay ku yeesheen magaaladan Boosaaso qaar ka mid ah Issimada Puntland ayaa waxaa ay ka soo saareen baaq nabadeed oo ka kooban 5 qodob oo ay u jeediyeen dowladda federaalka, maamul goboleedka Puntland iyo maamulka Soomaaliland.

 

Kulankan ka dhacay xarunta gobolka Bari ee magaaladan Boosaaso ee ay Issimadu yeesheen waxay diiradda ku saareen xiisadaha colaadeed ee ka aloosan dalka gaar ahaan Muqdisho iyo gobolka Sanaag.

 

Issimadu waxay hoosta ka xariiqeen in nabadu ay tahay mid ay dani ugu jirto cid kasta haddii ay xasilooni darri timaadana aysan dhibtadeeda cid gaar ah ku koobnaaneyn.

 

Issimadu waxay ku eedeeyeen maamulka Soomaaliland inuu abaabul colaadeed ka wado degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

 

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka tirsan issimada gobolka sanaag ayaa wuxuu akhriyay baaq ka kooban 5 qodob oo ku jeeda dowladda federaalka, Puntland iyo Somaliland.

 

In Somaliland ay joojiso abaabulka dagaal

 

In shacabka Soomaaliland iyo issimadooda ay la hadlaan maamulkooda inuu colaada joojiyo

 

In dowlad goboleedka Puntland ay xooga saarto talaabo nabadeed, isla markaana ay si adag u difaacdo shacabka iyo dhulka Puntland

 

In la ilaaliyo midnimada Qaran ee Soomaaliya

 

In la taageero lagana qeybgalo shirka dib u heshiisiinta qaran

 

Garaad C/laahi Cali Ciid wuxuu sheegay in Issimadu ay diyaar u yihiin inay sidoo kale la hadlaan oo ay gogol lawada fariistaan Issimada Somaliland si nabadda looga wadashaqeeyo.

 

Beeldaaje Cali Faarax oo ka mid ah issimadii baaqan soo saartay ayaa isagana ka hadlay sida issimadu ay uga soo horjeedaan wax haba yaraatee colaad la yiraahdo.

 

Isku soo wada duuboo baaqan ay soo saareen issimada Puntland wuxuu ku soo aadayaa xili maamul iyo shacabba ay si weyn u hadal hayaan xiisadda ka aloosan gobolka Sanaag

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Wefdigii Dagaalka ka hurinayey Sanaag oo jooga Xeebta Sanaag ee Maydh

 

Bosaaso:- Wefdigii dagaalka ka hurinayey Gobolka Sanaag ayaa waxa maanta booqasho ku joogaa xeebaha Sanaag iyadoo sida ay wararku nagu soo gaareen ay sheegayaan in wefdigaasi ay u tagtey deegaanada Xiis iyo Maydh sidii ay colaad hurintoodii uga sii wadi lahaayeen dhulkaas.

 

Ciidamada ka yimi Galbeedka ama Hargeysa ayaa heegankii ugu weynaa la geliyey iyagoo amar ka sugaya Riyaale sidii ay dagaal ugu bilaabi lahaayeen beesha ******** ee Sanaag.

 

Wefdigan oo maanta ku sugan Maydh ayaa la wadaa iney Sabtida ku noqdaan Ceerigaabo oo ay howshoodii dagaal kasii wadaan Magaalada.

 

Beelaha ***** ee degan Ceerigaabo ayaa ku gacan sayrey colaada ay somaliland ka hurineyso Sanaag iyadoo ay runta u sheegeen ineysan jirin xuduud lasoo xirayo dalbadeyna in ciidanka la saaro Sanaag.

 

Wefdigan ayaa shaley booqday xero ciidan oo ku taala tuulada Biyo guduud oo u dhow magaalad Ceerigaabo iyagoo lebiskii dagaalka wata una sheegey ciidamadoodii iney dagaal isu diyaariyaan.

 

Dhinaca kale ciidamo beeleedyo ayaa la diyaar gareynayaa oo laga diyaarinayaa dhamaan deegaanada beesha ******** oo iyadu u aragta arinta Somaliland mid ku saleysan qabiil iyo duulaan.

 

LaasqorayNET/Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Baaq ka socda beelaha dega gobolka Sanaag

 

suldaan1.jpg

Waxaanu aragnaa sida muuqata in Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ay joogaan Ciidamo ka yimi Hargaysa kuwaas oo qaarkood hore ugu guuldraysteen inay ka fuliyaan ujeedadooda Guracnayd Degmada Dhahar.

 

Sidaa awgeed waxaan ognahay in ujeedada laga wado gobolka Sanaag ee ah dhaqdhaqaqa Ciidan uu yahay mid xadgudub ku ah Beelaha gobolka lana rabo in khalkhal lgu geliyo nabada gobolka Sanaag ee ay kuwada noolaayeen Baalahaasi 17 Sano ee la soo dhaafay.

 

 

Sidaa awgeed Odayaasha beelahaas waxaan ku boorinaynaa in iska fogeeyaan wax ala wixii dhibaato u soo jiidi kara gobolka.

 

 

Waxaana ognahay xilligan kooxo ka yimi Hargaysa ay wadaan ujeedooyin ay doonayaan inay ku dhabarjebiyaan Dowlada Soomaaliya iyagoo gacan siinaya maamulka Hargaysa Hadhaagii Maxkamadaha iyo dawlada Ereteriya.

 

 

Sidii uu sheegey Raysawasaaraha DFKGS Pro Cali Mahamed Geedi in dagaalka ka socda gobolka Sanaag ay wadaan Argagixiso Caalami ah ,sidaa awgeed anagu raali kama noqonayno in Degaankayaga uu noqdo Gabaad.

 

 

Sidaa awgeed hadii aan nahay dadka Ku nool Degaanka maamul goboleedka Puntland waxa naga go,an hadii la dayn waayo dhibaatada la wado inaan qaadno talaaboyin aan ku adkaynayno Difaaca dalkayga kagana hortegayno kooxaha sharka iyo fidnada wada ee ka amar qaata maamulka shaydaanka weyn ee Hargaysa.

 

 

Waana inaan la horseedin fidno hor leh iyo dhibaato aan la mahadin doonin man noqonayo gobolka Sanaag meel gabaad u noqda Argagixisaa Caalamiga ah.

 

 

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Maxamuud Suldaan Cabdisalaan

 

abdisalansultan@yahoo.co.uk

 

 

Source: Allsanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

You guys should complain to the west. SL gov uses the money from the indepedence day celebrations thats held every May in the west..To buy arms to kill you all. OMG Terrorists..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Duke, basically, the communiqué serves the position of Puntland in sustaining peace and security in its land and not undermining the TFG by opening up another political and security challenges. TFG must nonetheless advise the Somaliland entity that they are not the next group to be targeted as loyalist wings of the secessionists believe of TFG's future authorities to restore peace and governance to all over Somalia.

 

Now, Somaliland is undermining the transitional government as a legitimate authority.

 

Lake, nin kuu digey kuma dilin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

^^

I don't think SL deserves all this focus from you Cammir c'mon..People are dying in Mogadisho because of your.............

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Lake:

^^

I don't think SL deserves all this focus from you Cammir c'mon..People are dying in Mogadisho because of your.............

Lake, I am aware of the damage done to civilians and all other corallary effects. The incalculable loss of life in Mogadisho was initiated by the insurgents for their refusal to relinquish violence, disarm, and give their consent to the broad based , all inclusive government. They chose to settle their case by means of barbaric mutilation and the dragging of daed bodies and other strategies that include the concealment among the civilians. I knew things would not have been great as the "insurgents" wished "boogeyman syndrome" for TFG.

:D

"Somaliland" is therefore posing a serious challenge to the TFG while it pretends that it is not against Ethiopia. Is it not hypocritical to oppose the TFG and maintain a nonalignment policy to Ethiopia's intervention in Somalia on behalf of the government? Their approach reveals that Somaliland seeks the rule of gun overcome the rule of law. Yet, alarming signs indicate that "Somaliland" is trying to achieve a political vacuum in Mogadisho and implicitly coopt the Islamist platform of ruling Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by General Duke:

Camir, the elders have taken a good position. However the Puntland diaspora need to come together and combat this threat.

Well, it would be to the disadvantage of "Somaliland" to go along with this option

 

The threat level seems to be very high that Puntland officials in Sanaag, Sol , and other regions have readied their troops to combat it once it is triggered.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Puntland is evidently accelarating the war cries While capitalising on the Dhahar blunder by the somaliland authoritie. Being the sole entity clean from terrorist accusation puntland would be a good TFG tool to engulf Somaliland into a conflict similar to that in Xamar.I dont know how it will turn out but Somaliland Patriots need to be carefull and play a sober political Game at this critical moment. About having the Eastern Sool and Sanaag Clans In the Alert i dont think that is a big deal because clans Of East and west of this areas know each other well when it comes to war and peace altogether.The oral history is a witness to this.

 

If this Elders have in their conscience an Iota of Gobanimo and somali elderly Ethics they would have at least released some statements over the massacres taking place in Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Puntland is evidently accelarating the war cries While capitalising on the Dhahar blunder by the somaliland authoritie. Being the sole entity clean from terrorist accusation puntland would be a good TFG tool to engulf Somaliland into a conflict similar to that in Xamar.I dont know how it will turn out but Somaliland Patriots need to be carefull and play a sober political Game at this critical moment. About having the Eastern Sool and Sanaag Clans In the Alert i dont think that is a big deal because clans Of East and west of this areas know each other well when it comes to war and peace altogether.The oral history is a witness to this.

 

If this Elders have in their conscience an Iota of Gobanimo and somali elderly Ethics they would have at least released some statements over the massacres taking place in Xamar .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Nabadshe:

If this Elders have in their conscience an Iota of Gobanimo and somali elderly Ethics they would have at least released some statements over the massacres taking place in Xamar.

Xamar is not settled by their people, they are "others" and it's not their city. It's a view shared by most Somalis outside of Xamar. Which raises an interesting question: if the invasion of the capital doesn't compell Somalis to feel invaded and if the mass destruction and human loss visited on the city's residents doesn't compell Somalis to feel they have been attacked, what on earth is the point of building a Somali "government"? Who is it being built for?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this