Sign in to follow this  
General Duke

Yuweri Museveni talks to Shabaab like a leader :.Sharif Hotel take notes

Recommended Posts

musaveni.jpg

 

 

Kampala:"Waa in aad u sheegtaan Shabaab in aanay cirka ku nooleyn Hadday dayaxa degganaan lahaayeen xorriyad ayay haysan lahaayeen laakin xaabdeena ma huri doonaan"Yuweri Museveni

23. oktober 2009

 

Kampala(AllPuntland)Madaxweynaha Uganda Yuweiri Musaveni ayaa si kulul ugu hanjabay kooxda Al-Shabaab oo ku tilmaamay kuwa aan waxba u tareyn oo caada qaatayaal ah.

 

"Hadday isku dayaan in ay weeraraan Uganda cawaaqib xumo ayay kala kulmi doonaan, sababta oo ah waan naqaan sida loo weeraro kuwii na weerara ee ayagoo kala ah" ayu yiri madaxweynaha Uganda.

 

Waxa uu sheegay in ay muhim u tahay in ay ogaadaan in aanay cirka ku nooleyn. Hadday dayaxa degganaan lahaayeen xorriyad ayay haysan lahaayeen.

 

Hadalka Musaveni ayaa jawaab u ah hanjabaad uu waaliga G/Banaadir u jeediyey dawladaha Uganda iyo Burundi oo uu sheegay in ay ku weerari doonaan caasiamadahooda.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maanigaa waalan mise....?

 

Waaliga AS ee Banaadir wuxuu yiri: '..waxaa laga barooran doonaa kampala & Bujumbura' oo micnaheedu yahay: Askarta Amisom markaan ka aargoosanno, Caasimadahooda ayaa looga baroorandoonaa!, sax?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Duke, waan ogahay in website kasta sidaas qoray, waana tan iga yaabisay, waayo anigaa dhegeystay, waana kan warkiisii oo sax ah:

 

Al-Shabaab ka hadlay Duqeymihii Shalay AMISOM Muqdisho u geysatay.

By Somalimirror on 23 Oct, 2009 10:39 AM in Main, Wararka

 

Waaliga Gobolka Banaadir u Qaabilsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ed Xuseen ayaa Sheegay in Duqeymihii Shalay Ciidamada AMISOM ka geysteen Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Dadka badan ay tusaale Cad u tahay in Dagaalka ka socda Xamar uu yahay mid u Dhexeeyo Shacabka Soomaaliyeed iyo Gaalo soo duushay.

 

 

 

Sheekh Cali oo Xalay Saxaafada lahadlayey ayaa Sheegay in Cadawtinimada AMISOM Daliil u tahay Shacabka ay ku gumaadeen Suuqa-Bakaaraha iyo hareerihisa iyagoo ku andacoonaya waxbaa nalakaga soo tuuray wuxuuna intaa ku daray inay taasi marqaati u tahay in Dagaalku u dhexeeyo Shacabka iyo Ciidamada AMISOM.

 

 

 

Sheekh Cali oo arimahaa ka hadalayana waxa uu yiri:“Dhibaatooyinkii iyo Xasuuqii ay u geysteen Musiibada ka dhacday ayagoo ku mar marsiyoonaya in meeshaa hoobiyo laga soo riday ama wax lagaga soo riday ayey Dadka Muslimiinta ah ee Shacabka ah ee ku dhaqnaa deegaankaas ee Masaakiinta ah Hooyooyinka …kuwa Qudaarta gadaayey kuwa Caanaha gadaayey ay maanta ku xasuuqeen halkaas taasna waxay tusineysaa Maanta Xamar waxa ka socda inaysan aheyn Qolo muslimiin ah baa Dadgaalaeyso iy qolo kalaa dagaalameyso maanta waxa Xamar ku dagaalamaayo ama Dagaalka ka socda Xamar inuu yahay Dagaal u dhexeeya Shacabka Muslimiinta ah ee Xamar ama Soomaliya ku dhaqan iyo Gaaladaan soo duushay ee Saliibiyiinta ah ama Kirishtaankaan soo duulay iyo qolodaan Murtadiinta ah ee gudaha ka siineyso garabka ugu ah inuu u dhexeeyo Dagaalka Xamar ka socdo taas inuu Cadeyn u yahay waayo waxaad arkeysaa Xitaa Gaaladaas soo duushay ee Saliibiyiinta ah hadii wax la yeelo in laga aarsanaayo Shaabkaan Muslimiinta ah ee Guryaha joogo ee waxay geysteen aan la’arag”.

 

 

 

Dagaalka ay ku jiraan Ciidamada AMSIOM ayuu ku tilmaayay inuu yahay mid lagula Dagaalamayo Diinta Islaam iyo Ehelkeeda isagoo leh:“waxaan ognahay Dadkaa Gaalada ah ee soo duulay kaliya waxay u socdaan inuu yahay Diinta Islaamka inay la dagaalamaan iyo Ehelkeeda”.

 

 

 

Waxa uu sidoo kale Sheegay in Murugada iyo Shalaaytadu ku Dambeyndoonto Dadka iyo Dalalka ay ka yimaadeen Ciidamada AMSIOM isla markaana u aari Doonaan Shacabka ay gumaadeen wuxuuna yiri:“ ha’og'aadeeno saaka haday Dad badan oo Muslimiin ah wax noqdeen oo saaka loo murugoonaayo oo dhib badanu uu soo gaaray insha Allahu waxaa laga murugoon doonaa horeyna looga murugooday Kampala iyo Bujumbura… , Murugtaan Maanta anaga naheysato ama Dadka Muslimiinta ah ay murugoonaayaan oo Caruuta weysay ama Dadka Muslimiinta ah kuwada baaba’een insha Allaahu horana waa loogu aaray hadana waa loo aari doonaa, Dadbadan oo madax ah oo hoobiyaha soo agaasimaayey ayaa tagay hadana kuwa dambe insha Allaahu waa tagi doonaan oo waana labaabi’in doonaa”.

 

 

 

Dadka ku dhintay Duqeymihii Ciidamada AMISOM shalay ka geysteen Magaalada Muqdisho ayaa kor u dhaafaya 20 Qofood oo rayid ah halka 80 kalane dhaawacyo darani ka soo gaareen.

 

 

 

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Maaddeey:

Maanigaa waalan mise....?

 

Waaliga AS ee Banaadir wuxuu yiri: '..waxaa laga barooran doonaa kampala & Bujumbura' oo micnaheedu yahay: Askarta Amisom markaan ka aargoosanno, Caasimadahooda ayaa looga baroorandoonaa!, sax?

lol...Maaddeey......As much as I don't agree with Shabaab...Mase Maqashay nimaan weer sugine, waran ma sugo!...lol...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

"Waa in aad u sheegtaan Shabaab in aanay cirka ku nooleyn Hadday dayaxa degganaan lahaayeen xorriyad ayay haysan lahaayeen laakin xaabdeena ma huri doonaan"Yuweri Museveni

This is the quote of the month. Don't mess with Museveni. He's not joking.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saddiiq   

Originally posted by General Duke:

musaveni.jpg

 

 

Kampala:"Waa in aad u sheegtaan Shabaab in aanay cirka ku nooleyn Hadday dayaxa degganaan lahaayeen xorriyad ayay haysan lahaayeen laakin xaabdeena ma huri doonaan"Yuweri Museveni

23. oktober 2009

 

Kampala(AllPuntland)Madaxweynaha Uganda Yuweiri Musaveni ayaa si kulul ugu hanjabay kooxda Al-Shabaab oo ku tilmaamay kuwa aan waxba u tareyn oo caada qaatayaal ah.

 

"Hadday isku dayaan in ay weeraraan Uganda cawaaqib xumo ayay kala kulmi doonaan, sababta oo ah waan naqaan sida loo weeraro kuwii na weerara ee ayagoo kala ah" ayu yiri madaxweynaha Uganda.

 

Waxa uu sheegay in ay muhim u tahay in ay ogaadaan in aanay cirka ku nooleyn. Hadday dayaxa degganaan lahaayeen xorriyad ayay haysan lahaayeen.

 

Hadalka Musaveni ayaa jawaab u ah hanjabaad uu waaliga G/Banaadir u jeediyey dawladaha Uganda iyo Burundi oo uu sheegay in ay ku weerari doonaan caasiamadahooda.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

It's the welfare talking. Insha allah he will be sold in suuqa bakaara for no more than 50 shilling.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this