Sign in to follow this  
raadamiir

Yusuf Yey: The Hero Of The Age!!!

Recommended Posts

Yusuf Yey: The hero of the age

 

For years Somalia suffered

Our nation torn by despair

 

The road traveled forever lengthy

Refugee camps and turbulent seas

The people every where

Consumed by insecurity and inner fears

 

Murders and mayhem the order of the day

Road blocks to peace at every turn

Our capital we burned

 

Forever lengthy the road we traveled

Refugee camps and turbulent seas

My people full of insecurity and inner fears

 

Charcoal and fake currency was the trade

Death our inheritance

The orphan of Africa

 

Then the old warrior emerged

To stand up to them all

Warlords he purged

 

Enter the champion of the weak

Those without guns

Those unable to speak

 

He came to bring, hope home

To hoist that blue flag high

To bring the nation back

 

Beautiful Somalia has found her champion

That is Abdullahi Yusuf Yey

The hero of the age

 

http://www.idamaale.com/view_article.php?articleid=5541

Share this post


Link to post
Share on other sites

Distruction was already there in the South. Death is a common thing in Mogdishu even before Abduallhi Yusuf came to play. The amxaaro are there because ICU call them. Any more questions?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Perhaps they haven't seen this Article.....

 

 

Cabdullaahi Yuusufow: Bahal Ceyriin ma daayo, Ninna caadadii ma daayo!

 

W. Q. Ingiriis

 

 

ILAAHEY marka uu qowm halligayo wuxuu ku sallidaa qabqable dagaal oo jaahil ah, naxariis daran, badow ah oo aan haba yaraatee wax xikmad ah lagu arag xarakaadkiisa. Musiibada lagu salliday Soomaaliya waxaa si sahlan looga dheehan karaa sheegashada madaxtinimo ee Col Cabdullaahi Yuusuf oo ah nin mar kasta si bareer ah ugu dooda inuu yahay kii billaabay basanbaaska, burburka iyo baa ba’a ku dhacay Soomaaliya.

 

Haddaba intaanan guda-gelin falalka iyo ficillada dagaal-ooge Col Cabdullaahi Yuusuf, waxaan marka hore qooraansaneynaa taariikhdiisa oo kooban: Subax aroor ah sannadkii 1950-kii ayaa Cabdullaahi Yuusuf oo Geel ka waraabinaya tuulo waqooyi kaga beeggan Gaalkacyo oo ay degaan jufadiisu waxaa loo soo qoray Ciidanka Soomaaliya.

 

Wuxuu markaa ahaa nin dhallinyaro ah oo Geeljire ah, waxaana saddex bilood ciidammada kaga horreeyey Gen Maxamed Faarax Caydiid. Caadada ciidammada waxaa ka mid ah in askariga cusub ee la soo qoro madaxa laga xiiro. Sidaa awgeed, dadka la socda taariikhda ciidanka waxay sheegaan in Caydiid uu ahaa ninkii u madax xiiray Cabdullaahi Yuusuf.

 

Billowgii sannadihii kontameeyadii wuxuu Cabdullaahi Yuusuf nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo raacii labaad rag loogu qaadayey leyli sarkaalnimo waddanka Talyaaniga. Raggii maalintaas lala qaaday waxaa ka mid ahaa Gen Caydiid, Gen Salaad Gabeyre, Col Ibraahin Rooble Warfaa (Doonyaale), Col Maxamed Nuur (Baarqab), Col Cilmi Nuur Tarabi, Gen Nuur Caddow, Gen Abuukar Suulaleey, Col Abuukar Gacal, Gen Cabdalla Maxamed Faadil, Gen Maxamed Cali Sharmaan iyo Col Cabdiqaadir Dheel. Waxaa raggii maalintaas baxay maanta ka nool Gen Maxamed Cali Samatar iyo Col Xasan Gaamuri oo haatan deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

 

Xarumihii uu ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Baydhabo iyo Bakool. Dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia sannadkii 1964-kii, Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidankii uu watay ma aysan gelin duullaan ee waxay difaac kaga jireen jiidda Bakool. Markii uu dhashay kacaankii militariga ayaa isaga iyo Caydiid waxaa loo kala magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Tanzania iyo Sudan. Markey diideen ayaa la dhigay xabsiga, waxaana ay soo liqeen lix sano.

 

Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku jiray saraakiishii gashay dagaalkii 1977-kii, hase ahaatee dagaalka oo aan si dhab ah u soo afjarmin ayuu u fakaday dhinaca Kenya, markii dambena Ethiopia, kaddib markii isaga iyo saraakiil kale oo ay isku reer ahaayeen ay isku dayeen inay xukunka qaab qabiil kula wareegaan.

 

Isaga iyo rag kale ayaa dalka Ethiopia ka aasaasay jabhad qoys oo markii hore la oran jiray SODAF, markii dambena loo bixiyey SSDF. Jabhaddan ayaa iskeed isaga burburtay markii Cabdullaahi Yuusuf uu jufadii uu ka dhashay u kala qaybiyey laba jilib oo uu hubka isugu dhiibay (Reer Khalaf vs Reer Mahad). Muddadii ay jirtay SSDF uma suuragelin inay hal taako oo ciidda Soomaaliya ah ay soo galaan.

 

Iyadoo uu jiro tuhun ku saabsan inuu ka dambeeyey dilka rag magac lahaa oo ka mid ahaa mucaaradkii aaday Ethiopia, sida Iikar Xaaji Maxamed Xuseen, Cabdiraxmaan Caydiid iyo Cabdilqaadir Cirrid Yaambo oo seedigii ahaa ayaa Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu heshiis qarsoodi ah oo hoose la saxiixday Maxamed Siyaad Barre. Markii mukhaabaraadka Ethiopia ay jiritaanka heshiiskaas wargeliyeen keligii-taliyihii Ethiopia, Mingiste Xayle Mariam oo taageeri jiray SSDF ayaa jeelka la dhigay Cabdullaahi Yuusuf iyo rag kale oo raacsanaa.

 

Markii la xiray ayaa xubnihii jabhadda SSDF oo ay ka muuqato diif iyo daal waxay isu soo dhiibeen Maxamed Siyaad Barre, iyagoo ka qoomameynaya aadistii ay aadeen Ethiopia. Ragga soo soo gurya-noqday oo ahaa 90% jabhaddii SSDF, waxaa ku jiray magacyo waaweyn oo sida la sheego raadiyaha kaga hantaatacay “Aabbe Siyaadow i cafi anigoo Sheydaan i duufsaday ayaan mucaarad noqdaye.” Waxaa ragga qaarkiis laga hayaa “U tag tala-xume, ka tag tala-xume, waa tabtaan ahay.”

 

Ugu yaraan saddex goor ayaa meel aan joogay wuxuu Col Cabdullaahi Yuusuf kaga dooday in sababta loo xiray ay ahayd isagoo ka diiday Ethiopia in calankeeda la suro Goldogob, hase yeeshee waxaa caddaan ah inuu Cabdllaahi Yuusuf aaminsan yahay in Soomaalidu ay isaga ka garasho hooseeyaan. Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu is-diidsiinayaa in marka ay Ethiopia qabsatay Balanballe iyo Goldogob ee ay surtay calankeeda ay ahayd 1982, markii isaga la xirayna ay ahayd 1986. Haddaba, maxaa iska quseeya labada dhacdo oo ay u dhexeysay afar sannadood?

 

Wuxuu Col Yuusuf xabsi ka soo baxay markii la riday xukuumadihii Maxamed Siyaad iyo Mingiste, wuxuuna ka qaybgalay shirkii Nabadeynta ee lagu qabtay Xamar. Muddadii uu noolaa Gen Caydiid wuxuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf, sida qorayaasha ajnabiguba yiraahdaan, nin aan muuqan (less-flamboyant). Markii uu Gen Caydiid u diiday Cabdullaahi Yuusuf inuu ka dhigo Prime Minister ayuu isaga dhex go’doomay gobollada Waqooyi Bari, illaa markii dambe ay Ethiopia ku qancisay inuu sameeyo maamul goboleed uu madax u yahay.

 

Dhismihii maamulkaas ayuu ku soo baxay doorasho ku-shubasho iyo musuq badan uu hareeyey oo dhacday 1998-kii. Markii uu dhammaaday xilligii maamulkaas oo ku aaddanayd 2001 ayuu diiday inuu aqbalo ninkii isaga beddelay oo ahaa Jaamac Cali Jaamac, waxaana isagoo kaashanaya xoogagga Ethiopia uu ku qasbay Jaamac inuu isaga cararo Waqooyi Bari.

 

Sannadkii 2002 ayaa warbixin ku saabsan tacaddiyadda Xuquuqda Aadanaha oo ay qortay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxaa hoosta lagaga xarriiqay in ilaalada Col Cabdullaahi Yuusuf ay mas’uul ka ahaayeen dilkii nin suldaan ah oo la oran jiray Axmed Maxamed Hurre oo haystay dhalashada Britain iyo dilal kale oo ka dambeeyey oo laga geystay Bari iyo Baydhabo.

 

Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa wuxuu yahay nin dakano badan oo dadku aysan jecleyn. Wuxuu la mid yahay Dhurwaagii duqoobay ee weydiistay carruurtiisa inay qaadaan oo ay geeyaan meel nabadeed oo uu ku alleysto. Markey meel geeyaanba wuxuu yiraahdaa “halkaan waxaan ku cunay Lax heblaayo.” Meel kale markey u raadiyaan wuxuu ku calaacalaa “halkaanna waxaan habeen ku cunay Rati hebel oo ay habar heblaayo keligii ka lahayd.” Markii dambe ayay carruurtii Dhurwaagu yiraahdeen “hadde Aabbe xaggeen ku dhignaa?” Wuxuu ugu jawaabay “weligiinba kor ii sida.” Haddaba, Col Cabdullaahi Yuusuf wuxuu doonayaa inay weligii kor u sidaan Ethiopia ama ciidan kale oo ajnabi ah.

 

Taariikhdaas kooban kaddib, waxaan qooraansaneynaa sida uu dadka wax ugu qaybiyo ninkan. Dhab ahaantii, ma jiro halbeeg iyo miisaan lagu cabiri karo caddaaladda Cabdullaahi Yuusuf, waana wax ka hor imaanaya caqli kasta oo fayow oo saliim ah, waxayse ka dhigan tahay tiisu maahmaahdii ahayd “Bahal Ceyriin ma daayo, Ninna caadadii ma daayo.”

 

Dhanka Ciidammada Dhanka Madaxtooyada Tixraac (References)

 

1. Wasiirka Gaashaandhigga Barre Aadan Shire (Hiiraale) - *********

2. Abaanduulaha ciidammada Axmed Mahdi Cabdisalaan – ********

3. Taliyaha ciidanka Booliska Cali Madoobe - *********

4. Taliyaha Ciidammada Cabdullaahi Cali Cumar (Ina libaaxsankataabte) – **********

5. Taliyaha ciidanka Sirdoonka Col Maxamed Darwiish – **********

6. Taliyaha guutada 1-aad Cabdirisaaq Afguduud – **********

7. Taliyaha guutada 2-aad Cabdullaahi Fartaag – *********

8. Taliyaha guutada 3-aad Xiif Cali Taar – **********

9. Taliyaha guutada 4-aad Col Cabdullaahi Carays – **********

10. Taliyaha dekedda iyo airport-ka Xamar Laba Xiddigle Joocaar - **********

 

Dhanka Madaxtooyada

 

1. Yuusuf Cumar Al-Azhari, La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca siyaasada - **********

2. Jamaal Cumar, La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca sharciga - **********

3. Yuusuf Cusmaan Baribari, Afhayeenka Madaxweynaha, ahna safiirka Brussels - **********

4. Cabdirashiid Seed, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha- **********

5. Daahir Mire Jibriil, Agaasimaha Madaxtooyada - **********

6. Cabdirisaaq Axmed Cali, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada - **********

7. Axmed Yuusuf, Xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha - **********

8. Cabdullaahi Dheere, Madaxa ilaalada Madaxweynaha - **********

9. Cali Jiis, Waardiyaha gaarka ah ee Madaxweynaha - **********

10. Axmed Cabdullaahi Yuusuf, wiilka Madaxweynaha, ahna qasnajiga Madaxtooyada - **********

11. Yuusuf Weyrax, La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca Dhaqaalaha - **********

12. Xasan Cali Yuusuf, Madaxa borotokoolka Madaxweynaha - **********

13. Hibo Maxamed Cilmi, La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca xiriirka bulshada - **********

14. Agaasimaha Madaxtooyada Baydhabo - Xuseen Cali Seelaan - **********

15. Xoghaynta Gaarka ee Madaxweynaha - C/risaaq Durqun - **********

 

Haddaba, waxaa muuqata in dowladda Cabdullaahi Yuusuf aysan xitaa ahayn dowlad qabiil ee ay tahay dowlad qoys iyo mid jufo. Sidaa awgeed, ma ahan mid qaadan karta term-ka ‘dowlad’ ee waa jabhad lagu dhisay qaab xaaraan ah, Soomaaliduna waxay tiraahdaa “Hal xaaraan ah, Nirig xalaal ah ma dhasho.’

 

Tixraac (References)

 

1.Somalia: From Dawn to Civilization to Modern Times by Mohamed Farah Aidid and Dr Satya Pal Ruhela.

 

2.Somalia: Nation in Search of a State by David Laitin and Said S. Samatar.

 

3. Whatever Happened to Somalia by John Drysdale.

4. http://en.wikipedia.org/wiki/Abdullahi_Yusuf_Ahmed

 

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji (Ingiriis)

ingiriis@yahoo.com

 

13/02/2007

 

[ February 25, 2007, 03:32 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

Originally posted by Taliban:

How can a clan president and a known war criminal be a hero? :confused:

To a clannist he might be even more than just that...

Share this post


Link to post
Share on other sites

raadmiir, any q's? or u passed out reading that long article. Dont worry be happy, uncle yeey will there for u, he will u give a job, a house and car!

 

keep dreaming, by the way send your donation for uncle to me! he ask me to do the clan collection for him, so send donation to me homie.

 

ppl with small minds should used for target practice!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

For their efforts, Ina Yey appointed Idamaale's site administror as government spokesperson (check out Baidoa.com). Does Ina Yey's nepotism know no limits?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf Yey the hero indeed.

The transition to peace is here people, one can cry for the loss of the power of warlords and clan courts, some can resist change, but change is here.

 

PS: All the list above is nonsence, the head of the armed forces, defence miniser, head of parliment, head of the judiciary, head of police, minister of finance, ministry of interior, ministry of foreign affairs, ministry of commerce, the Prime Minister, are all not from the presidents clan.

 

Apart from Yusuf, there are only 9 out of 31 ministers from the D clan in cabinet, ut of which only 1 is from his subclan..

 

In terms of embassies..

 

UN Ambasador is from Beledweyne Hiiraan

Ambasador to China is from the clans of Marka

Ambasador to Oman is Naji

Ambasador to Yemen is Siyad Barre's son

The Ambassador of the EU, is [/b] Yusuf Clan[/b]

 

Thus the fuss is from this?

 

People have clans in their heads, Yusuf government is broad based and includes men from many clans

Share this post


Link to post
Share on other sites

so why did the white house held the 40 million aid money! guess what was the reason the money was held Enistein?

 

their no comprehensive power sharing in tfg! yup there are some crumps, and that is just bling bling!! so much for your power sharing thing blah blah cheerleader! yeey got the same no sharing no support speech from Tony Blair 2.

 

Honestly would you support tfg if uncle was not involved??? hell nooo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib the days when the TFG required outside money is coming to an end, the taxes from Beldweyne, Kismayu, Bossaso to Mogadishu is enough. Things have changed. The Swedes have even decided to give 20 million dollars on their own.

Share this post


Link to post
Share on other sites

these people only have one thing in their minds 24/7 qabil qabil qabil. It's reallly non-sense if you ask me.

 

one would go against a whole government and risk somaliweyn for qabil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this