Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso: Young Turk, Salah N. Donyale recieves a hero's welcome

Recommended Posts

Xudeedi   

Jaliyada Sanaag Hayland iyo Galbeedka Bari oo Bogaadin u dirtay Saalax Doonyaale

 

Tan markii uu Dalka Somaliya Soo Gaadhay Saalax Nuur Saalax oo ah Madaxa Igu Sareeyay ee Idaacada Cusub ee Somali Repablic Radio, uuna dadaal dheeraad ah ugu Jiro sidii uu Idaacadaasi Uga dhigi lahaa mid Tayo leh oo dhex dhexaad Ugu adeegta Bulshada deegaanka, ayaanu Helay Telfoono iyo Emailo ay noo soodirayaan Qurba Joogta Reer Maakhir kuwaasi oo Hanbalyo u diray Saalax Doonyaale.

 

 

Boqolaal Kun oo Reer Hayland,Sanaag iyo Galbeedka Bari ah ayaa Nala soo xidhiidhay kuwaasi oo ku Yaacsan Daafaha Aduunka" Kamaal Sicid Kure oo ku Nool Norway, ayaa Leh"hadii aanu Nahay Jaliyada Norway ee Maakhir aad baan Ugu Riyaaqnay Dadaalka Balaadhan ee Saalax Doonyaale deegaanku ku Gaadhsiinayo Hormar ay Ugu Horayso Idaacada Layska Maqalo oo Balaadhan"Wuxuu Yiri isaga oo Hadalkiisa sii wata"dadka Qurbaha iyo dhalinyarada Aqoonta Leh waxa laga Rabaa inay Saalax Tusaale fiican u Qaataan.

 

 

Ruux kale oo Magaciisa ku Sheegay"Axmed Ciisa Ali oo Jooga USA"Ayaa Yiri Runtii deegaanka Maakhir waxa Moodaa inay Bil Barwaaqo u dhalatay Waxaan Maqlayaa Dekedii Baa la dhisayaa Idaacad Baa la Geeyay Xaqiiq Deegaankii waa Horumray ayuu Ku soo Koobay Hadalkiisa.

 

 

Lama soo Koobi Karo Fariimaha naga soo Gaadhay Qurba Joogta hase ahaatee Hadii aan mid Labo ka Xusno,"Faaduma Muuse Caraale oo ku Nool UK ayaa Tiri"Saalax Waxa uu Horseed uyahay Isbedel deegaanka Dhanka Hormarka Lagu Gaadhsiinayo Saalax Noolow ayaan ku Neelahay.

 

 

Khaalid C/laahi Uurcad oo Ku Nool Canada ayaa isna dhanbaal Noo soodiray uu Ku Leeyahay" Dadka deegaanka waxa Looga Fadhiyaa inay Noqdaan Ul iyo Diir isla markaana ka Midoobaan dhanka Horumarka deegaanka Saalax Hawsha uu wado waa mid Midha dhal Fiican Leh"ayuu Yiri Uurcad oo Canada Jooga.

 

 

Saalax Nuur Saalax oo ayaa May,29,2010- Si Heer Sare ah Loogu soo dhaweeyay Magaalada Dekeda leh Bosaaso isaga oo ka soo duulay Dalka USA Boqolala Ruux ayaa Garoonka Bosaaso Saalax Kaga Hor Yimi[Riix Halkan]

 

 

Salaax Nuur Saalax ayaa Kulamo Gooni Gooni ah la Yeeshay Wariyaasha Magaalda Bosaaso iyaga oo Lafa Guray Heerka Warbaahinta Guud ee Puntland iyo sida Ugu Haboon ee Idaacada Cusub dhidibada Loogu Taagikaro

 

 

Mudan Saalax ayaa Mudo Gaaban ku Sugnaanshihiisa Bosaaso u Kicitimay dhanka Caasimada Hayland ee Dhahar waxana Halkaasi Diyaar Ugu ahaa Dadka Gobolka Hayland Heer Gobol iyo Mid Degmo [Daawo Sawirada]

 

 

Saalax ayaa Kulan Qota dheer la Yeeshay Maamulka Gobolka Kan degmada iyo Bahda Warfaafinta ee deegaankaasi, sidoo kale Bahada Sportiga ayuu la Kulmay kuwaasi oo Bogaadin u diray Saalax Dadaalo dheeraad ah oo uu Ka soo qayb qaatay Kobcinta Sportiga ee Gobolka.

 

 

Ciyaar Saxiibtinimo oo ay wada dheelayeen Xulka Hayland iyo Mudug ayaa iyana ka dhacday Caasimada Hayland ee Dhahar Ciyaartaasi ayaa Ujeekeedu ahaa in lagu soo dhaweeyya Team-ka Saalax Doonyaale ee doonaya inay Idaacad ka Hir Galiyeen Deegaanada PL[ Daawo Ciyaarta].

 

Dhanka kale Dawlada Puntland Gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa Nuqul ka mid ah War Saxafadeed ay ku soo dhawaynayaa dadaalka la doonayo in Idaacada Deegaanada PL Looga Furo soo Saaray [Warsaxaafadeedkii]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

9266.jpg

 

Breaking News: Mission Accomplished ( Somali Public Radio on Air)

 

Idaacada SPR Xarunta degmada Dhahar ayaa si rasmi ah hawada ugashay iyada oo haatan dadka reer sanaag ay dhagaysanyaan idaacada SPR kana dhagaysanyaan mawjada 89.5

 

 

Hadaba Dhagaysi wacan warbaahinta cusub ee SPR (Somali Public Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Idaacada Bulshada Somaliyeed ee SPR iyo Aragtida Shacabweynaha Somaaliyeed

 

Dhahar:-Waxaa markii u horeysey ay si toosa uga hadashay Idaacada FMTa ah ee lugu soo biirayey dhowaan warbaahinta Dalka somaliya gaar ahaan gobolada Puntland Degmada Dhahar ee Gobolka Hayland halkaasi oo markle la doonayo in maanta si toosa ay u soo baahiso Idaacadu Wararkii iyo barnaamijyadii ay ugu tala gashay qaybaha kala duwan ee dadwaynaha ku dhaqan goboladaasi oo inbadan u baahi qabaybaha warbaahinta.

 

 

Hadaba waxaa inoo suuragashay inaan Wax ka waydiino dadwaynaha Reer Dhahareed aragtidooda Idaacada Cusub ee Iminka laga furay degamada dhahar iyo Bosaso oo markii u horeysey ka shaqaysay Degmada dhahar,Qardho,Xingalool,Baraagaah qol,Waaciye,Sheerbi,Balibusle,Xida,Guudcad iyo Meelo kale oo ka mida Degaanada Gobolka Nugaal ee dangaryo,Yakayaka iyo meelo kale oo ka mida.

 

 

Inkastoo aysan weli si toosa Wararka Iyo Barnaamijyada aan ugu talagalay bisha barakaysan ee Ramdaan anan soo bandhigin qorshohooda Hadana waxaanugu bishaaraynaynaa dadwaynaha inaan wax yar dedaalkeena aan bulshada wax ugu qaban doono iyadoo aan la soo koobi karin soo dhowaynta iyo hanbalyada ay dadku u dirayaan warbahintan,waxaana xusub mudan inay markii u horeysey ay dadwaynuhu wax wayn ku tilmaameen soo gudbinta FMTA Ee Idaacadaha BBCda iyo VOAda oo ay ka dhegasan karaan Mowjada Idaacada SPR Ee 89.5Fm.

 

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Dhahar Studio SPR

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this